Xog: Mowqifka Puntland iyo Jubaland iyo 5 qodob oo ay la tageen shirka Muqdisho

Muqdisho (Caasimada Online) – Caasimada Online ayaa heshay xog ku saabsan mowqifka Puntland iyo Jubaland ee arrimaha doorashooyinka iyo qodobada ay qorsheeyeen inay la tagaan shirka dowladda federaalka iyo dowlad goboleedyada ee maanta ka furmay magaalada Muqdisho.

Sida aan xogta ku helnay qodobada mowqifka ayaa badankood ka yimid dhanka Puntland, waxaana ku raacay Jubaland, maadaama ay kuwa ka mid ah si gaar ah u saameyn karaan Axmed Madoobe.

Sida aan ogaanay, madaxweynaha Puntland Saciid Cabdullaahi Deni iyo kan Jubaland Axmed Maxamed Islaam ayaa aad ugu dheggan qodobo dhowr ah, balse ay ugu weyn yihiin shan qodob oo kala ah:-

1 – In asteynta jufada iska leh kursiga loo daayo odayga qabiilka ee ka midka ah 135-ka oday ee soo xulay ergadii 2016. Waxaa jira jufooyin dhowr ah oo wadaaga hal kursi, balse si wareegto ah u kala qaata, waxaana go’aamiya odayga ugu sarreeya beesha, taasi oo Puntland iyo Jubaland ay doonayaan inaan waxba laga bedelin si la mid ah doorashadii 2016.

2 – Puntland iyo Jubaland waxay sidoo kale doonayaan in ergada soo xuleysa xildhibaanada ay ka koobnaadaan 101, halka heshiiskii Dhuusamareeb 3 laga dhigay 301. Waxa ay sidoo kale doonayaan in guddi doorasho oo ka socda maamul goboleedka uu soo xulo ergada ayaga oo kaashanaya odayga qabiilka, meeshana laga saaro odayaasha beesha ee doorashadii 2016 soo xulay ergada, taasi oo awood u siineysa maamulka in ciddii ay doonaan ay ergo u magacaabaan.

3 – Puntland iyo Jubaland waxay sidoo kale doonayaan in doorashada ay ka dhacdo oo kaliya hal magaalo, meeshana laga saaro qodobka 4-aad ee heshiiskii Dhuusamareeb 3 oo dhigaya; In Dowlad Goboleed kasta laga asteeyo ugu yaraan afar (4) deegaan doorasho oo ay ka dhacdo doorashadu. Qodobkan ayaa waxaa si aad ah ugu dheggan Jubaland oo ka cabsi qabta qorshaha dowladda ee ah in kuraasta qaar la geeyo Gedo.

4 – Puntland iyo Jubaland waxay sidoo kale dalbanayaan in meesha laga saaro qodobka 5-aad ee heshiiska Dhuumsareeb 3 oo dhigaya; in codbixiyeyaasha 3-dii ilaa 5-tii kursi ee hal goob doorasho wada yaala la isku dhafo kadibna si wadajir ah ugu codeeyaan dhamaan musharaxiinta xisbiyada ee ku tartamaya kuraastaas. Taa bedelkeed, waxay door bidayaan in halkii kursi ee baarlamaan oo kasta ay si gooni ah u doortaan 101 ergo.

5 – In meesha laga saaro hanaanka xisbiyada, oo doorashada ay noqoto mid uu qof kasta oo ka tirsan beesha iska leh kursiga xildhibaan uu u tartami karo isaga oo aan ansixin uga baahan xisbi. Qodobkan ayaa awoodda musharaxa kursiga siineysa maamul goboleedka oo u mari kara odayga beesha, halka haddii hanaan xisbi loo tartami awoodda qofka musharaxa noqonaya uu yeelanayo xisbiga.

Shirkii maanta furmay ayaa inta badan u badnaa is-wareysi mana jirin arrimo gaar ah ama qodobo laga dooday, waxaase la filayaa in mowqifka Jubaland iyo Puntland ay kusoo bandhigaan kulamada soo socda.

Ilo-wareedyo dhowr ah oo Caasimada Online ay la hadashay ayaa mowqifka Puntland iyo Jubaland ku qeexay mid aad u adag, oo ay adag tahay in madaxweyne Farmaajo uu aqbalo, taasi oo ay ku sheegeen inuu la macno yahay isku day shirka lagu fashilinayo.