Maxay salka ku heysaa xiisadda sii xoogeysatay ee Taalibaan iyo PAKISTAN?

Kabul (Caasimada Online) – Ku-simaha Wasiirka Difaaca ee Kooxda Taalibaan, ayaa sheegay in Pakistan ay u oggolaatay diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee Maraykanka inay hawadeeda u adeegsadaan inay galaan Afghanistan, eedaymahaas oo ay Pakistan dhawaan beenisay, kadib markii uu Maraykanku duqaymo ka geystay Kabul.

Ku-simaha wasiirka gaashaandhigga Mullah Mohammad Yaqoob oo shir jaraa’id ku qabtay magaalada Kabul ayaa sheegay in diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee Mareykanka ay gudaha u galeen dalka Afghanistaan, iyagoo sii maraya Pakistan.

“Sida aan xogta ku hayno diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee Drones-ka ayaa soo galaya Pakistan ilaa Afghanistaan, waxay isticmaalaan hawada Pakistan, waxaan ka codsanaynaa Pakistan in aan hawadeeda aan naloo soo dhexmarin,” ayuu yiri Mullah Mohammad Yaqoob.

Wasaaradda arrimaha dibadda Pakistan markiba kama jawaabin codsi ahaa inay dhinaceeda ka hadasho eedeymaha Taalibaan.

Maamulka Pakistan ayaa hore u beeniyay inay ku lug leeyihiin ama ay xog ka hayaan duqeyn diyaaradeed oo uu Mareykanku sheegay inay ka fuliyeen Kabul bishii July oo lagu dilay hogaamiyihii Al-Qaacida Ayman Al-Zawahiri.

Hadalka Yacquub ayaa sii xumeyn kara xiisadda u dhaxeysa dowladaha dariska ah xilli kooxda Talibanta Afghanistaan ay dhexdhexaadinayaan wadahadal u dhaxeeya Pakistan iyo kooxda Taliban ee Pakistan.

Afghanistaan sidoo kale waxay si weyn ugu tiirsan tahay ganacsiga Pakistan, iyadoo dalkaasi ay soo wajahday dhibaato dhaqaale.

Talibanka ayaa sheegay in ay baarayaan weerarkii cirka ahaa ee bishii July, islamarkaana aysan helin meydka hogaamiyihii Al Qacida.

Reuters + VOA