Maxay Somaliland ka tiri awooddii ay DF maanta ku celisay diyaarada Fly Dubai?

Hargeysa (Caasimada Online) – Somaliland ayaa ka hadashay tallaabadii ay saaka Dowladda federaalku Soomaaliya dib ugu celisay diyaaradii Fly Dubai ee qorshaheedu ahaa inay ka dagto madaarka Cigaal ee magaalada Hargeysa.

Somaliland ayaa sheegtay in arrintaasi ay la macno tahay in Villa Somalia ku iclaamisay dagaal ka dhan ah Xukuumadeeda, maadama ay soo faro-gashatay hawadeeda, waa sida uu hadalka u dhigay Wakiilka Somaliland ee Qaramada Midoobay.

Maxamed Warsame Ducaale, oo Somaliland ay sheegto inuu yahay wakiilkeeda QM ayaa qoraal uu soo dhigay bartiisa Twitter-ka ku sheegay in Dowladda federaalku ay ku wargelisay diyaarada Fly Dubai inaysan soo dagi karin madaarka Hargeysa.

Danjire Maxamed Ducaale ayaa talaabadaasi ku micneeyay mid ay Villa Somalia ay ka leedahay beegsi cad oo loo jeedo.

Sidoo kale waxa uu danjiruhu xusay inay waajib tahay in laga jawaabo wax uu ugu yeeray siyaasada argagixisinimo iyo mida dhaqaale ee aan qorsheyneyn ee ay wado Villa Somalia.

“Villa Somalia waxay ku dhawaaqday dagaal ka dhan ah Somaliland. Shirkada duullimaadyada ee Fly Dubai ayey ku wargelisay inaysan soo degin madaarka Cigaal ee magaalada Hargeysa” ayuu yiri Danjire Maxamed Warsame.

Wuxuuna intaas sii raaciyey “Waa in laga jawaaba Argagixisanimadda siyaasadeed iyo kan dhaqaale ee aan qorsheysnayn ee ay wado Villa Somalia”.

Hadalka Danjiraha ayaa imanaya kadib markii saaka laga celiyay Hawada Somaliland diyaarada Fly Dubai oo siday rakaab ku wajahna magaalada Hargeysa, isla markaana rabtay inay ka dagto garoonka Cigaal.

Dowladda federaalka ayaa gebi ahaanba joojisay duulimaadyadii caalamiga ahaa ee dalka, midaasi oo dhalisay in dib loo celiyo diyaaradaasi saaka rabtay inay ka soo dagto madaarka Somaliland, oo iyadu ku dooda inay tahay dal ka madax banaan Soomaaliya.