31.9 C
Mogadishu
Wednesday, April 29, 2026

Sawirro: Maxay tahay lacagta ay maanta wareejisay hay’adda socdaalka Soomaaliya?

Bookmark
Bookmarked

Share

Muqdisho (Caasimada Online) – Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Soomaaliyeed ayaa maanta qabatay munaasabad lagu wareejinayay deeq lacageed oo dhan 14,400 oo dollar.

Lacagtan oo ay iska soo uruuriyeen shaqaalaha hay’adda, ayaa lagu wareejiyay dhalinyarada Ururka Daryeel Bulsho, oo ah urur si firfircoon uga shaqeeya gurmadka abaaraha iyo caawinta dadka Soomaaliyeed, gaar ahaan xilliyada adag.

Deeqdan ayaa loogu talagalay in lagu gaarsiiyo dadka ay abaaruhu saameeyeen biyo, cunto iyo gargaar degdeg ah.

Agaasimaha Guud ee Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda, Mustafa Duhulow oo ka qeyb galay munaasabadda ayaa ku dhiirrigeliyay dhalinyarada Soomaaliyeed in ay sii wadaan doorkooda ku aaddan howlaha samafalka iyo taageeridda bulshada.

Waxa uu sidoo kale sheegay in ay tahay arrin laga naxo in maanta ay jiraan dad Soomaaliyeed oo biyo la’aan u dhimanaya, isaga oo carrabka ku adkeeyay muhiimadda ay leedahay in dadka Soomaaliyeed qaataan masuuliyadda ka saaran garab-istaagga walaalahooda ay abaaruhu saameeyeen, isla markaana ay xoojiyaan dadaallada gurmadka.

Sidoo kale, Guddoomiyaha Hay’adda Culimada Soomaaliyeed, Sheekh Bashiir Axmed Salaad ayaa booriyay sida ay muhiim u tahay in ummadda Soomaaliyeed is-caawiso oo ay isku garab istaagto marka ay timaado xaaladaha adag sida abaaraha.

Guddoomiyaha Ururka Daryeel Bulsho, Maxamed Cali Siyad (Champion) ayaa dhankiisa sheegay in Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda ay noqotay hay’addii dowladeed ee ugu horreysay ee ka soo jawaabta baaqooda gurmadka, isaga oo uga mahadceliyay dareenka iyo kaalinta ay qaateen shaqaalaha hay’adda.

Sidoo kale, Cismaan Muxiyadiin Shaatax, Guddoomiyaha Daladda Ururrada Bulshada Rayidka ayaa muujiyay mahadcelin ballaaran oo uu u jeediyay hay’adda.

Waxa uu sidoo kale tilmaamay in tallaabadan ay tahay mid dhiirrigelin u noqon karta hay’adaha kale ee dowladda, si ay uga qeyb qaataan gurmadka abaaraha.

- Advertisement -

Read more

Local News