Maxay tahay sababtii dib Nairobi looga soo celiyey diyaaradii sidday Ducaale?

Nairobi (Caasimadda Online) – Diyaaraddan oo uu la socday wafdi kasocday dowladda Soomaaliya uuna kamid ahaa wasiirka ammaanka Soomaaliya xildhibaan  Maxamed Abuukar Islow Ducaale ayna saarnaayeen rakaab badan oo Soomaaliyeed ayaa laga soo celiyey garoonka Jomo Kenyatta International Airport ee magaalada Nayrobi.

Diyaaraddan sidday wasiir Islow iyo rakaabka la socday ayaa Xalay dib ugu soo noqotay garoonka caalamiga ah ee Aadan cadde ee magaalada Muqdisho 7:40pm, waxaa iska lahaa diyaaradda shirkadda diyaaradaha ee Ocean Airlines

Wararka qaar ayaa waxa ay sheegayaan in Diyaarada uu ka dhacsanaa Aqoonsigii ay ku Shaqeyneysay taasna ay keentay in din loo soo celiyo.

Sidoo kale waxaa jiro warar sheegayo inaysan diyaaradaan maamulka Garoonka Diyaaradaha Nairobo ku wargelin inay halkaas usoo safreyso.

halka wararka qaar ay sheegayaan in aysan jirin wargelin ku aadaneyd in ay u safreyso Magalada Nairobi sidaasina lagu soo celiyey.

Hay’adda duulimaadyada rayidka ah iyo maamulka garoonka Muqdisho ayaan weli kahadlin arrintan, waxaana la qiyaasayaa in ay tahay diyaaradda oo xilli habeen gashay hawada magaalada Nayrobi

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

Caasimada@live.com