Wasaaradda A/Dibedda oo war kasoo saartay ujeedka safarka Farmajo ee Asmara

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasaaradda Arrimaha Dibedda ee Soomaaliya ayaa sheegtay in madaxwyenaha Soomaaliya Maxamed Cbadullahai Farmaajo uu ka qaybgeli doono shir saddex geesood ah oo maalinta berrito ah ka furmaya magaalada Addis Ababa.

Shirkaasi ayaa waxaa wada yeelan doona madaxda Soomaaliya, Itoobiya iyo Eritrea. Shirkan ayaa wasaaraddu sheegtay in looga hadli doono isku xirka xaaladda amni iyo kobaca dhaqaalaha ee dalalkan.

“Iyadoo laga duulayo dhiiragelinta shirarka kor ku xusan, ayaa waxaa qabsoomaya shir saddex-geesood ah oo kulminaya Madaxweynayaasha Soomaaliya, Eritrea, iyo Ra’iisul Wasaaraha Ethiopia. Shirkaasoo ka dhacaya magaalada Asmara ee Caasimadda Eritrea 6- 7 bishan September” ayaa lagu yiri qoraalka wasaaradda

Wasaaradda warfaafinta ee Eritrea ayaa sheegtay in madaxweynaha Soomaaliya maanta gelinka dambe la filayo inuu kasoo dego magaalada Asmara.

Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed ayaa maanta gelinkii hore isagu tagay magaalada Musawac ee dalka Eritrea, halkaasi oo uu kula kulmay madaxweynaha Eritrea Isaias Afwerki.

Hoos ka aqri qoraalka wasaraadda