Xil. Gaafoow marnaba ma uu noqon doono sidii Xil. Mustaf Dhuxuloow

HORDHAC/GOGOL-DHIG

Allaah ayey mahad oo idli usugnaatay, nabadgalyo iyo naxariisina nabigeena Muxammad ah korkiisa Allaha yeelo.

Intaa kabacdi, aqristoow ogoow Sareeye Gaas Cabdullaahi Gaafoow Maxamuud, Soomaalidase uwada taqaan: Jeneraal Gaafoow, waxaa diyaarada lasiiraacay Isniintii, Sebteembar 3,2018), oo Dhuusamareeb kaladagay, isagoo galbinaya, Ugaaskii dhamaa ee beesha 3 & 9/ Heridiid/ Murusade: Ugaas C/llaahi ugaas Xaashi ugaas Faracade. Waxaa kaloo waxkagalbinayay mid ka mid ah Jananada 3 & 9 ugu caansan, waa: Jeneraal Cabdullaahi Xasan Bariise, oo ah hoggaanka canshuuraha ee ciidanka booliska, iyo mas’uuliyiin kale.

Jen.Gaafoow shalayba walaalkii Ex xildhibaan C/Qaadir Gaafoow Maxamuud ayuu booskaa si beesha dhexdeeda “Very controversial” ka ah, ugusii fariisistay, si maalintuu siyaasada iska dhexwaayo, uga kacsado. Maalintiibaa timi, doorashaduna waa iska “Formality”, isagaana “Booskiisii” meel bannaan 47-cod uga qaatay Sebteember 4, 2018, kadib markii 51-ergo codeeysey.Waxaa xusid mudan in Xiireey Muxudiin Cumar, oo ahaa shaqsiga kaliya ee Jananka latartamayey, uu tanaasulay iyadoon doorashaduba billaaban.

Waxeey ku tusineeysaa sida Jen.Gaafoow u dominate-gareeynayo siyaasada “Habar-Ceeno”. Waa hubaal inuu ruugcadaa waxbadan siyaasada dalka kafahamsan yahayoo, mas’uuliyiinta ugu culus beesha, abaal badan gashaday. Sidiisana nin xun maaha, qofka wanaagiisa waa looqiraa’e.

Jananku waa mas’uul caan ah, ruug cadaa ah, maqaam sarana guud ahaan ummada Soomaaliyeed kajooga, gaar ahaana tolkii xushmad, iyo sharaf weyn ku dhexleh. Wuu uqalmaa inuu xilkaa qabto, waana hubaa inuu kun jeer (1000-jeer) kafiicnaandoono Mustaf Sheekh Cali Dhuxuloow, oo baarlamaanka igu matalayey, lagasoo billaabo shirkii Mbagathi-Kenya, waa billoowgii 2004-tii. Ogoow hade waa mudo laga joogo 14-sanoo xiriir ah. Waxaad moodaa ineey isaga utaabsan tahayba. Wax wanaag ahoo uu kusheegan karo ummada uu baarlamaabka kumatalana majirto. U sheeg kaliya qorrax iyo kuleyl kastoo jira inuu suud (Suit) xirto, lacago siiyo wariyeyaal video kaduuba, sawirana kaqaado, isagoo ciyaal cunta siinaya, ama baaskiil xeebta liido kuwada… IWM.

Xil. Mustafe Sh. Cali Dhuxuloow waxaa iskuduubay Cabdi Cali Faarax, oo “Habar-Ceeno”ugu dhaqaale roonaa, oo tolku dhaafsan waayeen maahane, marabaan Mustaf, mardambena xildhibaan umanoqdeene Cabdi Cali Faarax ayaa lamari la’yahay. Isagaa odayaashii afka ciida udarilahaa oo dhan, wada afqabtay, oo kudhahaya: “Ninkaa aniga iiga leexda, waxaad doontaanna iweeydiiya!”. Ma aqaan sababta!

Xil. Mustafe Dhuxuloow iskadaa inuu dadka uu matalo, wax wanaag ah kusheegto’e, dadka kan ugudhow ayuu horumarkiisa ugu necebyahay. Waxaan xasuustaa wiilyaroo ciidanka dowlada katirsanaa, oo adeer aad udhow uu uyahay, ayaa wuxuu helay dallacsiin. Waxaa laga dhigayey 2-Xidigle. Warqadii dalacsiinta ayaa waxaa larabay oo kaliya, in lagasoo saxiixo mas’uulkii iskalahaa saxiixaa. Dhuxuloow warqadaa si eeysan mas’uulkaa ugaarin, ayuu xaasidnimadiisa geed dheer, iyo mid gaabanba ufuulay. Nasiibdarro! Maadaama uu yahay xildhibaankii wiilkaa matalayey, isagaa loodhiibay, si uu ugasoo saxiixo mas’uulkaa. Warqadiii maalintaa ayaa aragtiba ugu dambeeysey. Sikastoo layeeleyna waa lagasoo saariwaayay. Malaha qashinkuu kudaray, mise gubeyba. Wiilkii maanta wuxuu sarkaal-sare kayahay dalka Qatar oo qaadatay, dalkiisii hooyo ee kafaa’ideeysan lahaa, isagana uu jeclaa inuu u adeego, Dhuxuloowbaa kahor istaagay. Waa dhacdo murugo, iyo marqaatiba leh.

Nasiibwanaag! Meeshii wiilyaroo darajo laba xidiglenimo raadinaya, uu horumarkiisa kala dagaalamayey maadaama uu Laf hoose layahay ookaliya, si uu Laftaa kaligii uhorboodo, cid aan isaga aheyna eeysan waligeed waxba unoqon, ayaa Allaah wuxuu kadulkeenay mid laftaa (Urgaalle) la ah, hadana gaaray darajo waligiis uusan isaga Dhuxloow ah gaarin, ama xitaa cidkaloo 3 & 9 ah, kana dhigay raysalwasaarihii dalka, waa RW Xasan Cali Kheeyre’e. Hadii eey talo Dhuxuloow tahayna, maanta ma noqdeen Xasan Cali Kheeyre Raysalwasaaraha dalka, mana sii ahaadeen maalin qura. Sidiisaba xaasidku waligiis ma aflaxo.

Waxaa xusid mudan in isla wiilkaa uu Dhuxuloow sidaa mustaqbalkiisa uladagaalamay, ayaa mar uu Airport-ka Muqdisho kashaqeeysanayey, waxaa utashaday niman rabay ineey si xaqdarro ah, booska uga ceeyrsadaan, si wiilkaloo eey wateen, loogu badalo. Wiilkii waxaa lagu amray inuusan soogali karinba Airport-ka, oo uu argagixiso yahayba. Wiilkiyoo loo awood sheegteybaa udacwooday Jen.Gaafoow, una sheegay shirqoolka loomaleegayo, iyo in larabo in xabsi ladhigo, kadibna booskiisa lagala wareego. Jan. Gaafoow oo markaa laanta socdaalka joogaybaa arintii baaray, markuu xaqiiqda soo ogaaday, ayuu wiilkii iyo aabihii dhalayba xafiiskiisa ugu wadayeeray. Wuxuu sidoo kale uyeeray nimankii shirqoolayey, wuxuuna kuyiri: “ Waan iswada maqleeynaa soowmaaha? Ogaada wiilkan waa wiilkeeyga, waxkastana waan lasocdaa, haduu argagixiso yahayna, anigana argagixiso baan ahay!”. Maalintaa ayey nimankii bannanka kamareen. Mustafa Dhuxuloowga sidaa wiilkaa mustaqbalkiisa uladagaalamay, ayaa ugasii dhow Jen.Gaafoowga sidaa naftiisa iyo mustaqbalkiisaba udifaacay.

Mas’uuliyiin lagu kalsoonyahay, waxeey xaqiijiyeen in odayaal matoor uraadinayey ceel, kana yimid magaalada Jacar, oo Xamar ugu yaraan ujirta sadex boqoloo kiiloomiyir (300KM)-Waa safar dheer, maadaama aan wadooyin wanaagsani jirin-Oo ah magaalo dagmada Ceelbuur kudhow, qiyaastiina konton iyo labo kiiloomitir (52KM) kaga beegan dhanka bari, ahna meesha Dhuxuloow abkiis iyo abuullankiisba dagaan, ayuu uballanqaaday laba kunoo Doollar ($2000), kadibna markii ballantii lagaaray ayuu kadhuuntay, wuxuuna ugusii daray, inuu taleefannadii kawada dansaday. Subxaanallaah!

Qoraa: C/Qaadir Maxamed Cismaan (Cabdiboqor).

Maamule-Kuxigeenkii hore ee Kulliyada Maamulka Iyo Dhaqaalaha, isla Kulliyadaana Macallin/Bare ka ahaa. Al-Madinah International University. abdulkadirphd@hotmail.com.

Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada caasimada@live.com Mahadsanid