Midowga Musharaxiinta mucaaradka oo qaadacay doorashada dalka ka socota

Muqdisho (Caasimada Online) – Golaha Midowga Musharaxiinta ayaa war-saxaafadeed ka soo saaray shirar maalmihii la soo dhaafay u socday oo looga hadlayay geeddi socodka doorashooyinka dalka, ayaa caddeeyay in waxa socda aan lagu tilmaami karin doorasho oo ay tahay boob qaawan oo dalka u horseedi karta qalalaase siyaasadeed, xasillooni darro iyo nabadgelyo la’aan.

Sidoo kale qoraalka Midowga Musharaxiinta ayaa lagu sheegay in aan lagu fiirsan karin sida ay wax u socdaan, isla markaana aysan raali ka noqon karin boob ay sheegeen inuu ku socdo doorashada.

Qoraalkaan ayaa sidoo kale lagu cadeeyey in mas’uuliyadda wixii ka dhasha boobka doorashada ay qaadi doonaan madaxda dowladda dhexe iyo dowlad goboleedyada.

“Golaha Midowga Murashaxiinta kulan uga furmay magaalada Muqdisho intii u dhexaysay 25-30/11/2021 ayaa diiradda lagu saaray xaaladda siyaasadeed ee dalka, gaar ahaan geeddi-socodka doorashooyinkii la filayey in ay dalka ka qabsoomaan,” ayaa lagu yiri qoraalka.

Golaha ayaa soo saaray todoba qodob oo ay ku soo koobeen qaladaadka uga dhex muuqda doorashada socota, kuwaas oo kala ah:

1- In laga tegey odayaashii dhaqanka ee xaqa u lahaa in ay soo xulaan ergooyinka dooranaya xildhibaanada.

2- In aysan jirin ergo la xulay, la diiwaan geliyey, la tababaray, guddiga doorashooyinka ee heer Federaalna (FIET) ay hubiyeen.

3- In ergooyin laga dhigay shaqaalihii rayidka ahaa, ciidanka dawladda iyo dad aan mararka qaar ku hayb ahayn qabaa’ilka kursiga lahaa.

4- In loo diiday diiwaan gelinta tartanka kursiga xildhibaanno kuraasta hore ugu fadhiyey, iyo kuwo kale oo xaqu lahaa, halka la diiwaan geliyey xubno aan soo buuxinin shuruudihii diiwaan gelinta.

5- In ay luntay madaxbannaanidii, iyo dhexdhexaadnimadii guddiyada doorashada heer dawlad goboleed, kuwaasoo toos uga amar qaadanaya Madaxweynaha dawlad-goboleedka, halka guddiga doorashada ee heer federaal ka amar qaataan madaxda federaalka.

6- In guddiyada labada heer aysan kala amar qaadanaynin, Guddiga Xallinta Khilaafaadka uu gabay hawshii loo xilsaaray, isagoo diiday qabashada cabashooyinka, kuwii loo gudbiyeyna aanan u cadaalad falin.

7- In aysan jirin korjoogtayn iyo tebin toos ah ee warbaahineed si loo hubiyo in si daahfuran u dhaco tartanku. 

“Haddaba, haddii ay meesha ka baxeen dhammaan shuruudihii hufnaanta iyo daahfurnaanta doorashada, waxay doorashadi la sugayey isku bedeshay boob qaawan oo dalka u horseedi kara khilaaf siyaasadeed, xasillooni darri, iyo burbur ku yimaada dawladnimada,” ayaa lagu yiri qoraalka.

Sidoo kale golaha ayaa war-saxaafadeedkaan ku cadeeyey lix qodob oo ay sheegeen in shacabka Soomaaliyeed iyo beesha caalamka ay u cadeynayaan.

Hoos ka akhriso war-saxaafadeedka oo dhameystiran: