Midowga musharraxiinta oo shaaciyey inuu ‘dambiile qaran yahay’ FARMAAJO

Muqdisho (Caasimada Online)  -War-saxaafadeed ka soo baxay xubnaha midowga musharraxiinta mucaaradka ayaa waxaa looga hadlay xasaradihii ugu dambeeyey ee ka dhacay gudaha magaalada Muqdisho iyo sidoo kale dibad-baxoodii shalay laga hor istaagay.

Qoraalkan ayaa waxaa ugu horreyn lagu sheegay in uu goluhu cambaareynayo wax ay ugu yeereen gabood-fal wuxuushnimo ah oo ay ku dhaqaaqday dowladda Soomaaliya.

Musharraxiinta mucaaradka ayaa ku eedeeyey dowladda inay  sifo sharci darro ah ku weerartay xubno ka mid ah mucaaradka, islamarkaana ku joojisay dibad-baxoodii.

Sidoo kale golaha ayaa eeda koowaad dusha ka saaray madaxweynaha waqtigiisu dhammaaday ee Mudane Maxamed Cabdullahi Maxamed (Farmaajo), iyaga oo shaaca ka qaaday in dambi fool xun ay tahay in ciidanka qaranka loo adeegsado dano siyaasadeed.

Golaha ayaa intaasi kusii daray in Farmaajo uu yahay dambiile qaran, sidaas aawgeedna  uusan ka qeyb-gelin karin xal-uhelida arrimaha kala guurka & doorashooyinka dalka.

“Goluhu wuxuu u arkaa madaxweynaha waqtigiisu dhammaaday in uu yahay dambiile qaran, uusan sinaba qeyb uga noqon karin xal u helida siyaasada kala guurka ah, loona diido in uu ka qeyb qaato doorashada, sida uu qabo dastuurka KMG ah” ayaa lagu yiri qoraalka.

Ugu dambeyn waxa ay musharraxiinta mucaaradka ku goodiyeen inay wadi doonaan dibad-baxyada ka dhanka ah dowladda Soomaaliya ee magaalada Muqdisho.