Xog: Ciidamo beeleed isku urursanaya laba qeyb oo Muqdisho ka mid ah

Muqdisho (Caasimada Online) – Saacadihii la soo dhaafay waxaa magaalada Muqdisho ka socdo abaabulka ciidamo beeleed, kadib markii magaalada ay ka dhaceen isku dhacyo ka dhashay weerar ay ciidamada dowladda ku qaadeen musharaxiinta mucaaradka.

Degmooyinka ku yaalla dhinac Koonfur iyo Waqooyiga Muqdisho ayaa laga abaabulayaa ciidankaan oo la sheegay in lagu ilaalin doono laguna xoojin doono ammaanka musharaxiinta oo qalqal galay saacadihii la soo dhaafay.

Ciidamada is-abaabulaya ayaa u badan ciidamo beeleed oo aan ka tirsaneen ciidanka qalabka sida ee Soomaaliya, waxaana sababta lagu sheegay in lagu yareyn doono culeys amni oo ay wajahayaan hogaamiyaasha Mucaaradka ee xilka Madaxweynaha Soomaaliya.

“Waqooyiga iyo koonfurta ayey kala joogaan ciidankaan waana ciidanka badbaada shacabka iyo musharaxiinta wixii hadda ka dambeeya wado aan aheyn dagaal nooma muuqato,” ayuu yiri sarkaal ka tirsan ciidanka dowladda ee ku biiray maleeshiyaadka laga abaabulayo Muqdisho, oo la hadlay Caasimada Online.

Tallaabadii ay qaaday dowladda ee ay ku beegsatay mucaaradka iyo shacab dibad-baxayey ayaa la rumeysan yahay inay kicisay dad badan oo markii hore arrintan dhex-dhexaad ka ahaa, waxaana laga cabsi qabaa inay xaaladda kasii darto.

Magaalada Muqdisho ayaa hadda haawaneysa waxaana cidlo ah wadooyinka Muqdisho iyo xaafadaha qaar. Ciidanka dowladda waxaa wali u xiran wadooyinka muhiimka ah lamana oga sida ay ku dambeyn doonto xaaladda magaalada Muqdisho.