Muqdisho: Dowladnimada ma ahan duruufta jirta uga sii dar

Dad Soomaali ah, oo Yurub qaxooti ku ah, oo degan guryo dowladdeed oo ay dowlad ajinabi ah ka bixiso kiro, koranto, caafimaad iyo cunto ayaa waxey internet-ka la fadhiyan dad danyar ah, oo sidooda oo kale aan kiro awooddin, iney dhahaan xoog halooga saaro meesha ay ku hoydaan.

Dadkaas maxay dareemi lahaayeen hadii muwaadiniinta iyo siyaasiyiinta dalalka ay qaxootiga ku yihiin ay dhihi lahaayeen dadkan ajinabiga ah guryaha xoog halooga saaro, kabka cuntadana halaga jaro. Dabcan xaalad xun ayaad gali laheydeen kadibna muuqaalo baroor iyo baryo ah ayaad soo duubi laheydeen.

Dadka Soomaaliya jooga, gaar ahaan Muqdisho canshuur ayey siiyan Dowladda, sidaas oo ay tahayna Dowladda kama helaan caafimaad, amni, waxbarasho, shaqo, koranto iyo biyo.

Marka nus boos ay Dowlad hanti-wadaag ah markii horaba shacabka xoog uga qaadatay in maanta la yiraahdo danyartu kuma noolan karan sax ma’ahan.

Isla Dowladda falkaas ku kaceysa canshuur ayey ka rabta bil walba, isla dadkaas ay barakicineyso, hadii ay Bajaaj wataan iyo hadii ay Yaanyo iibiyan-ba.

Dadka ka hadlaya arrinta Dab-Damiska iyo guud ahaan dhulalka kale ee danyartu degantahay waxaan ugu baaqi lahaa iney is weydiiyan sidii ay jeclaan lahaayeen in loola dhaqmo hadii ay ka mid ahaan lahaayeen dadkaas danyarta ah ee guryahaas degan ee aan kirana awoodin.

Dowladdu dhulal badan oo bannaan ayey wali heli kartaa, oo shaqo Dowladdeed lagu qaban karo hadii aanan loo socon hadaf kale.

Sidoo kale isla dadkan ayey Dowladdu deegaameyn uga sameyn karta meel kale, madaama ay masuuliyadda koowaad ee dowladnimadu tahay u adeeggida shacabka. Laakiin xoog, xabad iyo cagaf ma’ahan luuqad uu adeegsan karo hoggaamiye suuban oo la doortay.

Dowladnimadu daruuftii jirtay uga sii dar ma’ahan.

W/Q: Abdullahi Osman Farah