Mursal oo dib loogu doortay kursigiisa golaha shacabka

Baydhabo (Caasimada Online) – Guddoomiyihii hore ee Golaha Shacabka, Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan ayaa markale loo doortay xildhibaan ka tirsan Golaha, kadib doorasho oo uusan tartan adag u gelin oo maanta ka dhacday magaalada Baydhabo.

Mursal ayaa markale dib u difaacday kursiga tirsigiisa uu yahay HOP#182, wuxuuna la tartamay musharax Faysal Ibraahin Xasan oo ugu dambeyntii ka adkaaday doorashada.

Guddoomiyihii hore ayaa helay 88 cod, halka musharaxii la tartamayey Faysal uusan helin wax cod ah, sidoo kale waxaa hallaabay 12 cod, sida uu shaaciyey guddiga.

Natiijada soo baxday iyo guusha Mursal ayaa aheyd mid horay loo sii oogaa, marka loo eego qaabka loo soo qorsheeyey, una dhacday doorashada maanta lagu qabtay Baydhabo.

Mudane Maxamed Mursal Sheekh Cabdiraxmaan oo ay saaxibo dhow yihiin madaxweynaha muddo xileedkiisu dhammaaday ayaa garab ka helay hoggaamiyaha Koonfur Galbeed, maadaama uu si gaar ah ugu xiray kursiga oo maanta markale dib loogu soo doortay.

Sidoo kale doorashada ayaa haatan sii soconeysa, waxaana la guda-galayaa labada kursi ee  kala ah HOP#170 iyo HOP#171 oo isla maanta la qabanayo doorashadooda.

Dhinaca kale dib u doorashada Mursal ayaa ku soo aadeyso, xilli Koonfur Galbeed lagu eedeeyey inay is hortaag ku sameysay guddoomiyihii Mursal kasii horeey ee Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari oo todobaadkan ku soo laabtay gudaha magaalada Muqdisho.

Arrimahan ayaa waxa ay uga sii darayaan walaaca laga muujinayo qaabka ay ku socota doorashada Golaha Shacabka oo ay cabasho xoogan ka keeneen musharixiinta mucaaradka oo ku eedeeyey Villa Soomaaliya inay ku shubaneyso doorashada socota ee baarlamaanka.