Farmaajo oo agaasime cusub u magacabay Villa Somalia

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha waqtiga ka dhammaaday ee Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa Agaasime cusub u magacaabay Madaxtooyada Villa Somalia.

Agaasimaha cusub ee madaxtooyada ayaa waxaa loo magacaabay Prof. Maxamed Cabdullaahi Ciise (Dheere).

Prof. Maxamed Cabdullaahi Ciise ayaa leh khibrad shaqo oo 28 sano ah, wuxuuna si gaar ah uga soo shaqeeyey Arrimaha siyaasadda, maamulka iyo horumarinta bulshada.

Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa faray Agaasimaha cusub inuu si hufan u guto hawlaha muhiimka ah ee haatan horyaalla, wuxuuna Alle uga baryay inuu u fududeeyo masuuliyaddan culus ee loo igmaday.

Madaxweyne Farmaajo ayaa uga mahadceliyay Agaasimihii hore oo haatan loo magacaabay Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga Mudane Cabdisaciid Muuse Cali sidii xilkasnimada ahayd ee uu usoo hoggaamiyay Xafiiskan muddadii koobnayd ee uu xilka hayay.