Mursal oo kulan deg deg ah la leh gudigii la kala diray

Muqdisho (Caasimadda Online) – Kulanka 31-aad ee Golaha Shacabka oo la filyey inuu maanta dhaco ayaa baaqday, kadib markii guddoonka uu joojiyey kulankaasi oo looga hadli lahaa arrimaha guddiga Maaliyadda Baaralmaanka ee la kala diray.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka, Maxamed Mursal Sh. Cabdiraxmaan, oo ay wehliyaan ku xigeenadiisa ayaa kulan gaara la leh maanta xubnaha Guddiga Maaliyadda ee la kala diray, waxaana la sheegay in xal loo raadinayo Guddigan oo Guddoonku doonayo in laga gudbo, lana magacaabo Guddi cusub.

Arrintan ayaa imaaneysa iyadoo ay hore u baaqdeen kulannadii labadii toddobaad ee ugu danbeeyay ay yeelan lahaayeen xildhibaannada baarlamaanka, marka laga reebo kulankii Arbacadii oo lagu ansixiyey sharciga xaq-siinta siyaasiyiinta.

Waxaa weli taagan khilaafkii ka dhashay warbixintii Miisaaniyadda 2018-ka, iyadoo Guddoomiye ku xigeenka Baarlamaanka C/weli Ibraahi m Muudey uu kala diray Guddiga Maaliyadda, taasoo dhalisay muran ka yimid sharcinimada tallaabadaasi.

Waxaa Baarlamaanka horyaala Hindisaha XeerkaHanti-dhawrka Qaranka oo akhrintii 3-aad maray, kaasoo la sheegay inay xukuumadda kasoo horjeedo ansixintiisa.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com