Musaveni oo farriin u diray QM kuna hanjabay inuu la baxayo ciidankiisa Somalia

Kampala (Caasimada Online) – Madaxweynaha dalka Uganda Yuweri Musaveni ayaa  markale ku goodiyay in dhamaan ciidamada kaga sugan Soomaaliya uu la baxayo haddii midowga Africa isku dayaan inay yareeyaan ciidamada Uganda ee Somalia jooga.

Madaxeynaha Uganda wuxuu sheegay in isaga uu ku wargeliyay golaha amaanka ee Qaramada Midoobay in dhamaan ciidamada ka jooga Soomaaliya oo ka badan 6,400 oo askari uu la baxayo haddii la isku dayo in la dhimo ciidamada Uganda.

Arinta ayaa ka dambeysay kadib markii madaxweynaha Burundi uu ku hanjabay in ciidamada ka joogo Soomaaliya uu guud ahaan la baxayo haddii aan la joojin tirada ciidamada Burundi kaliya ee ka baxaya Soomaaliya.

Museveni ayaa yiri: “waxaa ay noo soo jeediyeen Golaha amaanka in tirada ciidankeenna aan dhinno, laakiin waxaan u sheegay in aan dhimayo, laakiin aan soo saareyn hal Askari ilaa aan dhamaantood soo saaro”.

Musaveni ayaa sheegay in ciidamada ku sugan Soomaaliya ay dalkooda ku xiran tahay inay sii wada joogaan ama inay ka wada baxaan ciidamada AMISOM ee Howlgalka ka wada Soomaaliya tan iyo sanadkii 2007.

Waxaa uu Madaxweyne Museveni intaas raaciyay in Muqdisho looga baahanyahay lacag Ciidan lagu qorto laakiin aysan taas muhiim ahayn, maaddaama sida uu sheegay lacagta dib laga heli karo.

Uganda waxaa hanjabaada kaga horeyay Burundi, waxaana la og yahay in dhamaan dalalka AMISOM dhaqaalo badan uu kasoo galo howlgalka ay u joogaan Soomaaliya, taasi oo keeneysa inaysan ka bixin dalka, islamarkaana aysan qaban shaqo la taaban karo.

Caasimada Online
Xafiiska Uganda
Caasimada@live.com