Video: Sheekh Kenyaawi iyo Kheyre oo hormuud u ahaa aaska Xoosh Jabriil

Muqdisho (Caasimadda Online) –  Garoonka diyaaradaha ee magaaladda caasimada ah ee Muqdisho waxaa laga soo dejiyay meydka marxuum Cabdiraxmaan Xoosh Jibriil.

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, Xasan Cali Khayre, ayaa maanta ka qayb galay janaasada iyo aaska Qaran ee Muqdisho loogu sameeyay Allaha u naxariistii wasiirkii arrimaha dastuurka, Cabdiraxmaan Xoosh Jibriil, jimcihii geeriyooday.

Calanka Jamhuuriyada Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa lagu dahaaray isla markiiba laga soo saarey gudaha diyaaradda. Intaasi kadib, cutubyo kamid ah ciidamada qaranka ayaa meydka siiyay salaam sharafeed kahor inta aan Salaada Janaazada lagula tukan gudaha madaarka, waxaana salaadda hoggaaminayey Sheekh Kenyaawi.

Mas’uuliyiin uu ku jiro Ra’iisul Wasaaraha dalka, Xasan Cali Khayre, ku xigeenkiisa iyo xubno kamid ah qoyska Marxuumka ayaa ka qeybgalay Salaada.

Allaha u naxariistii wasiirkii arrimaha dastuurka xukuumadda federaalka Soomaalya, Cabdiraxmaan Xoosh Jibriil ayaa lagu aasay Qabuuraha Isbitaal madiina.

Marxuum Xoosh oo dhashay 1956, ayaa waxbarashadiisa heer jaamaadeedna ku qaatay dalka Canada, ayaa xubin kasoo noqday baarlamaankii 9-aad, waxa uuna sidoo kale laba jeer noqday wasiirka Arrimaha Dastuurka, isaga oo hogaaminayay qoristii iyo dhameystirka Dastuurka KMG ah ee Soomaaliya ee la ansixiyay August 2012-kii.