Musharaxiinta Puntland oo amaro adag la dul dhigay

Garoowe (Caaismada Online) – Kadib kulan looga hadlaayay amniga oo ahaa mid deg deg ah laguna qabtay Magaalada Garoowe ayaa waxaa laga soo saaray amaro ku socda Ciidamada Puntland iyo musharixiinta Madaxweynaha Maamulkaas.

Wasiirada Amniga, Warfaafinta iyo taliyaha Ciidamada Amniga doorashada Puntland ayaa si wadajir ah u soo saaray amaradaas oo inta badan ku saabsanaa suggida Amniga.

Wasiirka Wasaaradda Amniga Puntland Axmed Cabdullaahi Yuusuf (Dowlad) ayaa sheegay in musharixiinta Madaxweynaha looga baahan yahay inay xakameeyaan Ciidamada ay wataan xilliyada ay ku jiraan ololaha doorashada.

Waxa uu sheegay in Magaalada Garoowe gudaheeda aan lagu arki karin ciidamo aan aheyn ciidamada loogu talo galay Amniga doorashada Puntland, hayeeshee ciidamada kale iyo kuwa musharixiinta looga baahan yahay inay Xarumahooda ku ekaadaan.

Wasiirka Wasaaradda Amniga Puntland Axmed Cabdullaahi Yuusuf (Dowlad) ayaa sidoo kale faray Ciidamada ku jira furumaha dagaalka sida Tukaraq in xilliyada ay soo aadayaan Magaalada ay ku soo galaan, iyaga oo Shacaba ah oo hubkoodii iska-soo dhigay.

Dhinaca kale, taliyaha ciidanka badda ahna taliyaga sugidda amniga Admiraal Cabdirisaaq Diiriye Faarax ayaa sheegay  in la bilaabayo howlihii ugu danbeeyay ee lagu xaqiijinayo amniga magaalada Garoowe iyo guud ahaan deegaanada maamulka Putnland si aan loogu soo dhexdhuumanin, asagoo soo rogay amarro lagu joojinayo ciidamada shaqada ka fadhiya iyo hubka sharcidarada ah ee lagu dhexwato magaalada Garoowe gudaheeda ayada oo laga digtoonyahay in wax qalada ay dhacaan inta lagu guda jiro doorashada dhowaan la filayo.

“Waxa aan annagu aan hadda ka shaqeynayno waxaa weeyaan inaan sugno ammaanka magaalada Garoowe iyo guud ahaan deegaanada maamulka uu ka taiyo, waxaana u sugnay si dhab ah oo siduu cadawgu marnaba uuna nooga faa’iidaysan, Soomaali diidka iyo inaan xakamayno dhaqdhaqaaqa,  ciidamada aan shaqyen iyo hubka sharci darada ah iyo waliba gaadiidka”.

Admiraal Cabdirisaaq Diiriye Faarax  oo sii hadlaya “waxaa leeyahay hubka waxii maanta ka danbeeyo magaalada Garoowe ee caasimada Putnland waxaa la dhexmari karaa oo kaliya hub sharci ah, markaan leeyahay waxaa waaye in ciidamada ammaanka sugaya oo loo xilsaaray iyo kuwa booliska ayaa waxa ay  la dhexmari karaan oo kaliya hubka magaalada Garoowe”  isaga oo intaasi raaciyey “Ciidamada  kale ee ka imaanaya meelaha kale ama haya shaqooyinka kale iyagu waxa ay tagayaan meeshii ay u socdeen lamana ogolaanayo inay magaalada hubkooda la dhex maraan”

Taliyaha ayaa sheegay xakameynta hubka iyo ciidamada  aan cid gaara loola jeedin ee kaliya ay la xariirto sugitaanka ammaanka, amnigooda oo kaliya ay tahay ujeedada, oo aaney aheyn wax cid gooni ah loogu talo-galay in lagu carqaladeeyo.

“Waxaa jira musharaxiinta, waa musharaxiintii madaxweynaha maamlka Putnland, sharaf iyo qadarin ayey ciidamada ka mudan yihiin, waa mawaadiniin in lagu xadgudbana xaq ma ahan, ayaguna waa inay ogaadaan inaan ku mashquulsanahy siday u tartami lahaayeen’.

Caasimada Online
Xafiiska Garoowe
caasimada@live.com