Juxa oo la weydiiyay lacag ma bixinee si laguu doorto (Aqriso jawaabtii uu bixiyey)

Garoowe (Caasimada Online) – Musharax Cabdi Faarax Siciid (Juxa) ayaa kasoo muuqday kulan su’aalo weydiin ah oo ay soo abaabushay Jaamacada Puntland, kaas oo ka dhacay magaalada Garoowe. Waxaa jira warar sheegaya in musharaxiin badan ay diideen kulanka noocaan ah.

Dooddu waxey u muuqatay mid aan waxba la isu reeban, laakiin Juxa oo ay reer Puntland ugu yeeraan ama ku sheegaan inuu lee yahay astaamaha ra’iisul wasaarihii hore ee Soomaaliya, Cabdirisaaq Xaaji Xuseen ayaa jawaabo cadcad ka bixiyay doodda.

Waxaa halkaan kusoo koobnay qaar ka mid ah su’aalihii muhiimka ahaa iyo jawaabihii uu ka bixiyay.

Lacag ma bixineysa si laguu doorto ?

Juxa wuxuu ayaan daro ku tilmaamay, 20 sanno kadib in qayimka hogaanka Puntland inuu yahay lacag, wuxuu sheegay in siyaasadu aaney aheyn meel laga macaasho, balse ay tahay wax siyaadin, mustaqbalka oo laga fakaro iyo in raad fiican laga tago, wuxuuna kula taliyay kuwa siyaasada lacagta ka raadinaya iney dukaamo furtaan. Juxa wuxuu qabaa in dhallinyarada sanadkaan loo soo xulaayo Baarlamanka Puntland in aaney lacag doon aheyn.

Arrinta gobalka Sool ?

Musharax Juxa wuxuu qabaa in arrinta gobalka Sool aan laga dhalin mid ololaha doorashada lagu galo. Wuxuu sheegay in arrinta gobalkaas ay tahay mid Dastuuri ah oo in lasoo celiyo ay muqadas tahay.

Heshiiska DP World ?

Juxa waxaa uu sheegay in hadii la doorto uu soo dhoweyn doono dhamaan wixii maalgashi ah, uuna si fiican ula macaamili doono hay’addaha caalamiga ah. Wuxuu sheegay inuusan aqrin heshiiska DP World iyo Puntland balse hadii la doorto uu dib u eegis ku sameyn doono wixii qaldan, lagana saari doono hadii ay ku jiraan wax bulshada dhibaya.

Arrinta Federaalismka ?

Wasiirkii hore arrimaha Gudaha, wuxuu sheegay inuu wax badan ka qabtay arrinta Federaalka intii uu xafiiska joogay, wuxuu ku tilmaamay inuu yahay wax ay Soomaalidu ku heshiisay oo u baahan in la hirgaliyo, lana ixtiraamo.

Juxa ayaa isku qeexay nin xogogaal ah, xaalada Puntland iyo dadkeeda wax badan kala socda, oo aan dibbada kasoo shaqo tagin, una baahan inuu dadkiisa u jiheeyo meesha ay ku haminayaan. Dadkii doodda ka qeyb galay ayaa sheegay iney ku qanceen jawaabaha uu bixiyay Juxa.

Caasimada Online
Xafiiska Garoowe
Caasimada@live.com