Musharaxnimada XASAN CALI KHEYRE oo dhalisay su’aalo ka badan jawaabaha

Ra’iisul wasaarihii hore ee Dowladda Federaalka Soomaaliya Xasan Cali Khayre ayaa maalintii Sabtiga September 12, 2020 ku shaaciyay bartiisa Twitterka in uu doorashada soo socoto musharrax u yahay madaxtooyada Soomaaliya. Golaha Shacabka ayaa July 25, 2020 kala noqday kalsoonidii xukuumaddiisii xilli dalku u baahan yahay xasillooni siyaasadeed. 

Ku dhawaaqidda musharraxnimada Khayre waxay dhalisay su’aallo ka badan jawaabaha la bixin karo. Wax yar ka hor inta aan Mudane Maxamed Cabdullahi Farmaajo iyo Mudane Xasan Cali Khayre ku kala weecan masiirka siyaasadda, “Nabad iyo Nolol” waxay u muuqatay mid aan lagu loodi karin masraxa siyaasadda Soomaaliya. 

Sida soo baxday muddo kaddib, khilaafka Farmaajo iyo Khayre  wuxuu salka ku hayay: b) Muddo kororsiga xukuumaddooda; t) Iskahorimaadka doorasho Qof iyo Cod  iyo waqtiga u dhiman xukuumaddooda; iyo j) Laga maarmaannimada shirka wadatashiga Dowladda Federaalka iyo Maamul goboleedyada.

Waxaa soo dhaweyey Khayre dad u arkayay inuu yahay shaqsi aan muran ka taagneyn tartanka doorashada sanadka dambe. Balse taasi ma dhaboobin, kaddib markii siyaasi Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame uu dareensaday musharraxnimada Khayre ugana falceliyay si aan caadi ahayn, iyadoo lala yaabban yahay mabda’a uu u taagan yahay.

Warar laysla dhaxmarayay baraha bulshada ayaa sheegay in Mudane Khayre uu ka cudur daartay inuu ka hormuuqdo xafladdii Hotel Doorbin, haseyeeshee, xeeldheerayaasha arrimaha Soomaaliya ayaa sheegaya in xafladu ay ahayd mid loo qabanqaabiyay hab qabiil, taas oo khilaafsan mabaad’ida siyaasadda ee uu Khayre damacsan yahay inuu ku tartamo.

Dad badan ayaa isweydiinaya maxaa Khayre deddejiyay iyadoo weli la sugayo hannaanka doorasho ee uu dalka qaadan doono. Ilaa hadda Madaxweyne Farmaajo iyo madaxda maamul-goboleedyada si daacad ah iskuma afgaran qaabka loo dhigayo doorashada iyo waqtiga la qaban doono. Inta yar ee ay gaareenna waxay ku timid isku jiidjiidka beesha caalamka.

Malahaa Mudane Khayre wuxuu saadaaliyay in shirka wadatashiga uu ku dhammaanayo sida ay rabaan maamul goboleedyada, sida ku cad warmurtiyeedkii soo baxay September 17, 2020.

Dhinaca kale, weerarka Cabdiraxmaan Cabdishakuur waxuu si tooxan uga turjumayaa in Khayre uusan ku biirin ilaa hadda xerta Abu Dhabi. Balse siyaasiyiin in mudda ah ku maqnaa degaankaas (Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaarke iyo Shariif Xasan Sheekh Aadan) ayaa dib ugu soo laabtay saaxadda siyaasadda culaysna saaraya dowladda.

Waxaa muuqata in la gudaggalay ololihii doorashooyinka madaxweynaha iyo golayaasha Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya (BFS), iyadoo aysan muuqan mucaarad waddani ah oo isku duuban una barbardhigi kara Madaxweyne Farmaajo. Balse, haddii Farmaajo uu ku sii wada siyaasiyiinta ka soo horjeeda riixitaanka, waxaa laga yaabaa inuu ugu dambeynta ku soo dhaweeyn doono Villa Somalia.

Si kasta ha noqotee, booqashadii lama filaanka ahayd ee guddoomiyihii hore ee Golaha Shacabka Xildhibaan Maxamed Sheikh Cusman Jawaari uu ku tegay guriga Ra’iisul wasaarihii hore Mudane Xasan Cali Khayre ayaa u muuqato mid kordhin doonta su’aalaha siyaasadeed ee aan la ogeyn waxa xigi doona.

Xaqiiq waxaa ah wada jirka siyaasiyiinta ku bahoobay “Madasha Xisbiyada” inaysan kalsooni fiican u dhaxeyn. Taas waxaa u daliil ah in ilaa maanta ay la soo bixi la’yihiin hoggaamiye mideeya.

Guud ahaan, maqnaasha hoggaamiye mucaaradka kala duwan ku daba safan yihiin waxay ka dhigan tahay in doorashada madaxweynaha Soomaaliya ee soo socoto siyaasiyiinta ashaamudka ah (kala duwan) ay ku midoobi doonaa keliya dhaqankoodii ahaa “Lugta ha lagu dhego ninka Villada fadhiya.”

AFEEF: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada caasimada@live.com Mahadsanid