Muudey oo si rasmi ah ugu dhawaaqay in berri codka kalsoonida loo qaadayo Jawaari

Muqdisho (Caasimadda Online) – Guddoomiye ku xigeenka koowaad ee baarlamaanka Soomaaliya Muudey ayaa ku Dhawaaqay inuu berri dhici doono kulanka Baarlamaanka Soomaaliya.

Farriin loo diray Xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya ayaa loogu sheegay inuu Berri dhici doono kulanka Baarlamaanka Soomaaliya ee baaqday maalintii Sabtid aheyd.

Ajandaha Kulanka ayaa lagu sheegay inuu yahay codka kalsoonida ee loo qaadayo Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya Maxamed Sh. Cismaan Jawaari.

Mudane Xildhibaan,

Sii hayaha Guddoomiyaha ahna Guddoomiye ku xigeenka 1aad ee Golaha Shacabka wuxuu ku wargelinayaa Dhammaan Xubnaha Golaha in Maalinta berri oo  Arbacada ku beegantahay Tr. 04/04/2018 Saacadda: 09:00 Subaxnimo la qaban doono Kulanka Guud ee Golaha shacabka
Ajendaha: Mooshinka Kalsooni kala noqoshada Guddoomiyaha Golaha Shacabka.

Farriintaas ayaa loo diray Xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya waxaana muuqato inuu Khilaafkii cirka isku sii shareeray.

Waxaa fashilmay dhex dhexaadintii uu waday Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Guddoomiyaha ayaa ka dhawaajiyey inuu madaxweynaha Xildhibaanadaas u ogolaaday inay berri qabsadaan kulan codka kalsoonida loogu qaadayo Guddoomiye Jawaari.

Jawaari ayaa Xukuumadda ku eedeeyey inay ka dambeyso Mooshinkaiisa, wuxuuna midaas badalkeeda Xukuumadda ugu baaqay inay is casisho maadaama uu sheegay inay waajibkeeda kasoo bixi weysay.

Guddoomiye Jawaari ayaa sheegay in Madaxwweynaha uusan dhex dhexaad ka ahayn khilaafka Jawaari iyo ku xigeenkiisa.

Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari ayaa sheegay in wadahadalladii u dhaxeeyay labada dhinac ee uu madaxweynaha dhex dhexaadinayay uu fashilmay.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

Caasimada@live.com