Dhageyso Jawaari: “Maadxweynuhu iscasil ayuu i dhahay, waana ka diiday”

Muqdisho (Caasimadda Online) – Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya ayaa  daqiiqado ka hor ku dhawaaqay inuu madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo fasaxay xildhibaano uu ugu yeeray inay yihiin kuwa foodo wado.

Guddoomiyaha ayaa ka dhawaajiyey inuu madaxweynaha Xildhibaanadaas u ogolaaday inay berri qabsadaan kulan codka kalsoonida loogu qaadayo Guddoomiye Jawaari.

Jawaari ayaa Xukuumadda ku eedeeyey inay ka dambeyso Mooshinkaiisa, wuxuuna midaas badalkeeda Xukuumadda ugu baaqay inay is casisho maadaama uu sheegay inay waajibkeeda kasoo bixi weysay.

Guddoomiye Jawaari ayaa sheegay in Madaxwweynaha uusan dhex dhexaad ka ahayn khilaafka Jawaari iyo ku xigeenkiisa.

Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari ayaa sheegay in wadahadalladii u dhaxeeyay labada dhinac ee uu madaxweynaha dhex dhexaadinayay uu fashilmay.

Waxaa uu intaas ku daray in Madaxweynuhu ka dalbaday in uu iscasilo hayeeshee uu Jawaari sheegay in uu ka diiday taas islamarkaana uusan is casileyn.

Guddoomiye Jawaari ayaa ugu dambeyn ka digay Shirka Golaha shacabka ee Berri loogu ballansanyahay xarunta Golaha shacabka,waxanaa uu xusay in isaga uu mas’uul ka yahay xaruntaas.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

Caasimada@live.com