MUUSE BIIXI oo eray yaab leh ku tilmaamay Soomaaliya

Hargeysa (Caasimada Online) – Madaxweynaha Somaliland, Muuse Biixi Cabdi ayaa Soomaaliya ku qeexay cadow ay leedahay Somaliland, wuxuuna fariin iyo digniin u diray Beesha caalamka.

Madaxweyne Muuse Biixi, oo ka hadlayey munaasibad lagu xusayey 18-May, ayaa sheegay inay Somaliland diyaar u tahay xoojinta xidhiidhka kala dhaxeeya dalalka caalamka, midkaasi oo uu ku sheegay inuu ku saleysan yahay wax wada-qabsi.

Madaxweyne Biixi ayaa Beesha caalamka ka dalbaday inay tix-geliyaan go’aanka iyo aayo ka tashiga shacabka Somaliland ay xaqa u leeyihiin, isla markaana ay ku taageeraan.

Dalabka Biixi ayaa u muuqda mid uu ku dalbanayo in sida dal madax-banaan loola dhaqmo, xili ay dalalka caalamku mararka qaar usoo maraan dowladda federaalka ah ee Soomaaliya. 

“Waan soo dhoweynaynaa deeq iyo taageero kasta oo caalamka nooga timaadda, lakiin marmaba ma aqbalayno in Muqdisho la soo marsiiyo, waxaan nahay cadow iyo col, cadowga keliya ee aan leen nahay waa Soomaaliya, waa dowladda keliya ee diiddan aqoonsigeenna,” ayuu yidhi Muuse Biixi madaxweynaha Somaliland.

Sidoo kale waxa uu dalabkaasi ku soo aadaya xili ay xiisad hor leh ka taagan tahay gudaha Somaliland, kadib markii ay saaka qaar kamid ah bulshada reer Somaliland ay soo saareen baaq ku qotomay in lagu hungoobay gooni isku taagoodii.

Baaqaasi ay soo saareen bulshada reer Somaliland ayaa lagu sheegay in gebi ahaanba la-mijo xaabiyay ujeedkii ay Somaliland ka laheyd gooni isku taaga, isla markaana aan wax guul ah laga gaadhin ictiraaf raadinta.

Waxaana baaqaasi oo ay ku saxeexnaayeen boqolaal shacab ah lagu sheegay in xukuumada Somaliland ay gebi ahaanba baal martay heshiisyadii lagu galay shirarkii Burco, Boorame iyo Dastuurka Somaliland ee la ansixiyay 2001. – Halkan riix oo ka aqriso baaqaasi oo dhameystiran.