Kooxo xeelad afduub oo yaab leh dadka ku dhaca oo kasoo ifbaxay Muqdisho

Muqdisho (Caasimadda Online) – Dadka dagan qaar ka mid ah xaafadaha magaalada Muqdisho ayaa ka cabanaya dhac loo geysto habeen iyo maalin, ayada oo loo adeegsanayo xeelad cusub.

Shacabkan ayaa sheegay in dad ku labisan dharka ciidanka ay maalin iyo habeen dhac u geystaan dadka xaafadaha Xamar Jadiid iyo Laba Dhagax iyagoo ula macaamilaya qaab xirfadeysan.

Qofka ka mid ah dadka dhibaatada ay ku dhacday ayaa sheegay inay kooxahan ay adeegsadaan xeelad ay dadka ku afduubayaan ayaga oo u sheegaya iney yihiin ciidanka dowladda, ayna baaris ku sameynayaan ama ugu yaraan ay ka shakiyeen, kadibna ay geysteen meel cidlo ah, iyagoo ka furanaya wax walba oo ay heystaan.

Sidoo kale wuxuu sheegay in xitaa ay dadka ku amrayaan iney furaan taleefoonadooda iyagoo ka tuuranaya lacagaha ugu jira.

Marka ay qofka kasoo qaataan wax kasta oo uu haysto ayey iska soo daayaan, sida uu sheegay qofka shacabka ah, oo intaas ku daray in arrintan ay sii kordheysay maalmihii dhowaa.

Ragga sheeganayaa inay yihiin ciidanka dowladda ayaa mararka qaar ku labisan dharka shacabka, balse weli dadka cabsi geliya, waxayna ku qaataan mooto bajaad.

Sharaxaadda la bixiyay sidoo kale waxaa lagu sheegay in dhawr mar ay saldhigga dagmada la xiriireen, balse aysan waxba isbadalin, taasoo keeneysa in dhibaatada ay sii baahdo.

Booliiska Soomaaliya oo arintaan wax laga weydiiyay ayaa ka gaabsaday.

Hoos ka dhageyso dhacdadan