Muxuu ku saabsan yahay shirka cusub ee u furmaya maamul goboleedyada?

Muqdisho (Caasimadda Online) – Iyadoo uu cirka isku sii shareeray Khilaafka u dhaxeeyo madaxda Maamul Goboleedyada iyo dowladda dhexe ayaa waxaa la filayaa inuu asbuuca soo socdo dhaco kulan xasaasi ah oo ku dhex mari doono  Madaxda Maamul Goboleedyada iyo dowladda Madaxweyne Farmaajo uu hoggaamiyo.

Shirkaan ayaa ah shirkii Golaha Amniga Qaranka ee Madaxda dowladda federaalka iyo kuwa maamul goboleedyada kaasoo uu wajiyadiisii hore ka dhacay Magaalada Muqdisho laguna balamay inuu ka dhaco Magaalada Baydhabo ee Xarunta Maamulka Koonfur Galbeed.

Shirkaan oo la filayey inuu mar hore ka dhaco Magaalada Baydhabo ayaa u baaqday Khilaafka xogga leh ee ka dhex bilowday mar labaad dowladda iyo Maamul Goboleedyada.

Dowladda Soomaaliya ayaa waday qorsho ku aadan sidii shirkaan loogu soo weecin lahaa Magaalada Muqdisho balse waxay  mucaaradnimo kala kulantay madaxda Maamul Goboleedyada oo iyagu ku adkeystay inuu shirkaas ka dhici doono Baydhabo sidii markii horeba loo qorsheeyey.

Shirkaan ayaa la filaa in looga hadli doono arrimo badan oo ku aadan siyaasadda, ammaanka, nooca doorasho ee dalka ka dhici doona sanadka 2020 iyo sidoo kale khilaafka soo cusboonaaday ee ka dhaxeeyo dowladda dhexe iyo Madaxda Maamul Goboleedyada oo ka dhashay sida laga yeelayo xiriirka dowladda Imaaraadka Carabta.

Shirka Golaha Amniga Qaranka ee lagu wado in todobaadka soo socda uu ka furmo Baydhabo ayaa ku soo aadaya, iyadoo uu jiro mad madow siyaasadeed oo u dhaxeeya Madaxda dowladda Federaalka iyo kuwa maamul goboleedyada.

Dhawaan ayey aheyd markii Madaxda Maamul Goboleedyada ay  shir ku yeeshay baydhabo, kaasoo ay ka soo saareen war murtiyeed ay dhaliilo badan ugu jeediyeen dowladda Federaalka.

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa la filayaa inuu shir guddoomiyo kulanka Baydhabo ka dhici doono haddii aysan wax iska badalin jadwalka loo qorsheeyey.

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa hadda ku sugan dalka Kenya, waxaana la filayaa inuu Maanta gelinka dambe dib ugu soo laabtay Magaalada Muqdisho, sidoo kalana qaar ka tirsan madaxda maamul Goboleedyada ayaa ku sugan Magaalada Nairobi.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com