Waare: “Waxaan joogaa Nairobi, dambina maahan inaan tago Imaaraadka”

Nairobi (Caasimadda Online) – Madaxweynaha Maamulka Hirshabelle Maxamed Cabdi Waare oo hadda ku sugan magaalada Nairobi ayaa sheegay in tegista dalka Imaaraadka Carabta aanay denbi ahayn, balse isagu uu hadda joogo dalka Kenya.

Mudane Waare ayaa been abuur ku tilmaamay wararka sheegaya inuu tegay Imaaraadka Carabta, isagoo inuu arrimo gaara u joogo magaalada Nairobi, balse aanay dembi aheyn in la tago Imaaraadka Carabta oo ka mida dalalka dunida Jaamacadda Carabta.

“In Imaaraadka la tago dambi ma ahan, laakiin waxaa ku suganahay magaalada Nairobi oo aan maalmahan howlo gaar ah aan u joogay, maalinta jimcaha ayaa Muqdisho tagayaa oo aan uga gudbayaa shirka Amniga ee Baydhabo ka dhacaya”ayuu yiri Madaxweyne Waare.

Qaar ka mid ah Warbaahinta iyo baraha bulshada ayaa saacadihii la soo dhaafay qabsaday in Madaxweynaha Hirshabeelle uu u ambabaxay dalka Imaaraadka Carabta, kaddib markii ay sheegeen in loo yeeray.

Magaalada Nairobi ayaa waxaa ku wada sugan Madaxweynayaasha maamulada Koofur Galbeed, Hirshabeelle iyo Jubbaland, waxaana socdaalkooda ahaa kuwo kala gaar ahaa oo marba Mas’uul uu tagay magaaladaas

Wuxuu caddeeyay Madaxweynaha Hirshabelle inuu Jimcaha dib ugu laaban doono Magaalada Muqdisho, kadibna uga sii gudbi doono Magaalada Baydhabo oo uu ka dhacayo Shirka Golaha AMniga Qaranka.

Magaalada Nairbo, waxaa ku wada sugan Madaxweynayaasha Maamul Goboleedyada Koofur Galbeed, Jubaland iyo Hirshabelle, iyadoo warar isqilaafsan ka soo baxayaan Ujeedka Socdaalkooda.

Xogta ay heleyso Caasimadda Online ayaa sheegeyso inuu Madaxweyne Waare u safri doono dalka Imaaraadka Carabta halkaas oo uu kulamo ku qaadan doono madaxda ugu sareyso dalkaas.

Imaaraadka Carabta ayaa xiriir dhow la leh maamul goboleedyada qaar, waxaana muddooyinkii u dambeeyay ay faragelin toos ku heysay arrimaha Soomaaliya.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
Caasimada@live.com