Muxuu QOOR QOOR caawa kala hadlay Shariif, Xasan Sheekh iyo Kheyre? + Video

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye (Qoor Qoor) ayaa caawa guryahooda ku booqday Madaxweyne-yaashii hore ee dalka, Shariif Sheekh Axmed, Xasan Sheekh Maxamuud iyo Ra’iisal Wasaarihii hore ee Xukuumadda, Xasan Cali Khayre.

“Madaxweynaha Galmudug ayaa caawa ku soo booqday guryahooda Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, Madaxweyne Sheekh Shariif Sheekh Axmed iyo Ra’iisal Wasaare Xasan Cali Khayre,” ayaa lagu yiri qoraal ka soo baxay Madaxtooyada Galmudug.

Qoraalka waxaa lagu sheegay in kulamadaasi la xiriiraan kala warqaadasho ku aaddan xaaladda siyaasadeed ee dlka iyo sidii looga gudbi lahaa marxaladda kala guurka, ee xilligan uu dalku marayo.

“Kulanka Madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye ayaa isugu jiray kala warqaadasho xaaladda siyaasadeed ee dalka iyo sidii loo maarayn lahaa marxaladda kala guurka ah ee xilligan dalku marayo,” ayaa lagu yiri warka.

Madaxweyne Qoor Qoor ayaa Maqribkii caawa soo gaaray Magaalada Muqdisho, si uu uga qaybgalo shirka ay magaalada ku leeyihiin Madaxda Dowladda Federaalka iyo Dowlad Goboleedyada.

Qoor Qoor ayaa u muuqdo mid markale xal u raadinaya, sidii leeskugu soo dhawayn lahaa Villa Somalia iyo siyaasiyiinta mucaaradka.