Muxuu yahay heshiiska ay gaareen DDSI iyo Puntland?

Garoowe (Caasimada Online) – Dowlad goboleedka Soomaaliyeed ee Puntland iyo is-maamulka Somaalida Itoobiya ayaa heshiis kala saxiixday, kadib markii wafuud ka kala socotay labada dhinac ay shirweyne ku yeesheen degmada Galdogob ee gobolka Mudug.

Shirkan oo maalmo qaatay ayaa waxaa ka qeyb-galay maas’uuliyiin ka socotay wasaaradda maaliyadda, mida ganacsiga, maamulka gobolka Mudug iyo hay’adaha amniga Puntland, halka dhanka dowlad deegaanka Soomaalida ay matalayeen guddoomiyaha gobolka Doollo, guddoomiyeyayaashii degmooyinka Bookh, Galxamur, Galaadi, Danood iyo hay’adaha amniga, iyada oo gabagadii shirweynahan laga soo saaray war-murtiyeed dhowr qodob ah.

Labada dhinac ayaa si gaar ah uga wada-hadlay, isla-markaana diiradda u saaray wada-shaqeynta amniga, ganacsiga, cashuuraha iyo xoojinta iskaashiga Puntland iyo DDS.

Puntland iyo is-maamulka Soomaalida Itoobiya ayaa ku heshiiyey in meel looga soo wada jeesto la dagaalanka argagaxisada iyo falalka kale ee lidka ku ah amniga labada dhinac .

Sidoo kale waxaa heshiiskan qeyb ka ah in si isku mid ah looga hortego deegaameynta cusub xadka ay wadaagaan labada maamul & in la joojiyo xaalufinta dhirta.

Guddiyada ka socday labada dhinac ayaa sidoo kale is afgarad ka gaaray iskaahsiga ilaalinta canshuuraha iyo arrimaha dakhliga gudaha.

Si kastaba heshiiskan cusub ayaa kusoo aadaya, iyada oo maalmihii dambe Puntland ay ka cabanaesay maan-dooriyaha nooca qamriga ee uga yimaada dhinaca dowlad deegaanka Soomaalida, halka ismaamulka dowlad deegaankana uu ka cabanayay hubka & wax-yaabaha qarxa ee laga soo galiyo dhanka dowlad goboleedka Soomaaliyeed ee Puntland.