Muxuu yahay heshiiska dhex maray DDS Ethiopia iyo Galmudug iyo HirShabelle?

Jig-Jiga (Caasimada Online) – Heshiis saddex geesood ah oo ay gaareen Galmudug, Hir-Shabelle iyo dowlad deegaanka Soomaalida ayaa la gaaray, kaas oo ku saabsan in la iska kaashado waxyaabo badan oo bulshooyinka saddexda maamul dan u ah.

Saddexdaan maamul ee xuduudda leh ayaa ku heshiiyay iney iska kaashadaan la dagaalanka kooxda argagixisada ah ee Al-Shabaab, haraadiga TPLF iyo sidoo kale in loo midoobo isku dhacyada beelaha daga xadka saddexda maamul.

Madaxweynaha dowlad deegaanka Soomaalida Mustaf Maxamed Cagjar ayaa ka hadlay waxa uu ka dhigan yahay heshiiska.

“Wixii is riix-riix ah waa laga hadli karaa, balse looma dulqaadan doono in ay ka faaiideystaan Al-Shabaab, Haraadiga TPLF & iska hor keenidda Beelaha, wixii isku qabsi dhul ah waa in si sharci ah loo maro mana aqbali doono gacan-qaad iyo in qalqal la geliyo xasiloonida” ayuu yiri madaxweyne Mustafa Cagjar.

Isagoo sii hadlaya wuxuu yiri: Waxaa na saaran mas’uuliyadda amniga, dhowrista Soomaalinimada, sidaas oo ay tahay waa muhiim in xoogga la saaro ilaalinta xuduudaha oo u baahan in si gaar ah isha loogu hayo, waxaa aad usoo noq-noqonaya isku dayada Al-Shabaab oo dhaq-dhaqaaq xooggan sameynaya oo loo ekeysiinayo dagaal Beeleedyo”

Heshiiskaan saddexda gees leh waxaa lagu saxiixay magaalooyinka Feer-Feer & Wardheer, waxaana si wadajir ah u saxiixay madaxweyne Mustaf Maxamed Cagjar, madaxweyne ku xigeenka Hir-Shabelle Yuusuf Dabageed iyo wasiirka Amniga dowlad goboleedka Axmed Macalin Fiqi.