Paris (Caasimada Online) – Madaxweynaha Faransiiska Emmanuel Macron ayaa ku boorriyay dowladda ku meel gaarka ah ee Suuriya in ay la shaqeyso isbahaysiga uu Mareykanku hoggaamiyo ee dagaalka kula jira kooxaha xagjirka ah ee gobolkaasi, isagoo martigeliyay shir khamiistii looga hadlayay mustaqbalka dalkan ku yaalla Bariga Dhexe.
Hadalka Macron ayaa imaanaya iyadoo hubaal la’aan ay ka jirto ka ballan qaadka Mareykanka ee gobolka. Shir Khamiistii ka dhacay magaalada Paris oo u dhexeeya dalalka Yurub iyo Carabta ayaa ahaa kii saddexaad ee looga hadlayo arrimaha Suuriya tan iyo markii xukunka laga tuuray dowladdii cadaadiska ku dhisneyd ee Bashaar Al-Asad bishii December, waxaana goob joog ka ahaa wasiirka arrimaha dibadda ee dowladda KMG ah ee Suuriya, Asaad al-Shibani.
“Suuriya waa in ay si cad u sii waddaa dagaalka ka dhanka ah dhammaan ururada argagixisada ah ee fidinaya fowdada,” ayuu yidhi Macron. “Haddii Suuriya ay go’aansato in kaalin iskaashi ah la sameyso” isbahaysiga caalamiga ah, Faransiisku waa uu taageeri doonaa tallaabadaasi, ayuu hadalkiisa raaciyay.
Shirka Paris ee Wasiirada Arrimaha Dibadda iyo mas’uuliyiin kale oo ka kala socday dalalka ka qeybgalaya shirka ayaa ujeedkiisu ahaa in la isku duba rido dadaallada lagu taageerayo isbedel nabadeed, iyadoo xukuumadda cusub ee Dimishiq ay hoosta ka xarriiqday in ay dooneyso in ay hagaajiso xiriirka reer Galbeedka.
Macron waxa kale oo uu ugu baaqay dowladda ku meel gaarka ah ee Suuriya in ay ciidamada uu Mareykanku taageero ee ay hoggaamiyaan Kurdiyiinta Suuriya ee SDF “in ay si buuxda uga qeybgeliso” marxaladda kala guurka ah ee Suuriya, isaga oo ugu yeeray in ay yihiin “xulafo qaali ah”.
“Waxaan filayaa in mas’uuliyadda idinka saaran maanta ay tahay isku dhafka iyo sidoo kale in aad u oggolaataan ciidamadan in ay idinku soo biiraan,” ayuu yiri.
Khamiistii, qabanqaabiyeyaasha shir ka dhacaya Dimishiq si loo jaangooyo mustaqbalka siyaasadeed ee waddanka ayaa sheegay in wadahadalladaasi ay ka qeyb gali doonaan dhammaan qaybaha bulshada Suuriya marka laga reebo maamulka Kurdiyiinta ee waqooyiga bari iyo kuwa daacadda u ah Assad.
Inta badan jabhadihii hore ee kacdoonka waday ayaa ku heshiiyey inay kala diraan askartooda ayna ku biiraan ciidamada cusub ee Suuriya iyo laamaha ammaanka, balse SDF-ta ay hoggaamiyaan Kurdiyiinta ayaa ilaa hadda diidan in ay sidaas oo kale sameeyso.
Xoogagga SDF ayaa isku dhacyo kula jira kooxaha uu Turkiga taageero ee waqooyiga Suuriya, waxayna Kurdiyiinta ka walaacsan yihiin in ay lumiyaan guulo siyaasadeed iyo kuwo dhaqan oo ay gaareen tan iyo markii ay go’aansadeen in ay waqooyi bari maamulkooda ka dhistaan intii uu socday dagaalka sokeeye ee dalkaas.
Waxaa socda wadahadal u dhaxeeya SDF iyo dowladda Dimishiq.
Gargaar dheeraad ah ayaa muhiim u ah si loo gaaro dib u dhis nabadeed inta lagu jiro kala-guurka ka dib Assad. Dalku waxa uu u baahan yahay in uu dib u dhiso guryaha, korontada, biyaha iyo kaabayaasha gaadiidka ka dib ku dhawaad 14 sano oo dagaal ah. Qaramada Midoobay ayaa 2017-kii ku qiyaastay in ay ku kici doonto ugu yaraan 250 bilyan oo doolar, halka khubarada qaar ay hadda sheegayaan in tirada ay gaari karto ugu yaraan $400 bilyan.
Iyadoo ay jiraan qaybo yar oo wax soo saar sameeya iyo shaqaalaha dowladda oo qaata mushahar u dhigma ilaa $20 bishii, Suuriya waxa ay noqotay mid ku tiirsan lacagaha xawaaladaha lagu diro iyo gargaarka bini’aadantinimo. Laakiin qulqulka gargaarka ayaa hoos u dhacay ka dib markii maamulka Trump uu bishii hore joojiyay kaalmada dibadda ee Mareykanku uu bixiyo.
AP + VOA