Nin Soomaali ah oo xaaskiisa dilay, kaddibna la qabtay

Muqdisho (Caasimada Online) – Wararka laga helayo gudaha wadanka Jarmalka ayaa sheegaya in saacadihii la soo dhaafay muwaadin Soomaaliyeed uu xaasikiisa ku dilay magaalada Cloppenburg oo ka tirsan gobolka Niedersachsen ee dalkaasi.

Warar kala duwan ayaa ka soo baxaya dilka loo geystay Marxuumada oo lagu magacaabi jiray Leylo Siciid, taas oo muddo ku nooleyd magaalada lagu dilay ee Cloppenburg.

Qaar ka mid ah Soomaalida ku dhaqan halkaasi ayaa sheegay in dilka uu yimid, kadib markii uu khilaaf soo kala dhex-galay Allaha u naxariistee Marxuumad Leyla iyo sayigeeda, kaas oo aan la shaacin waxa uu salka ku hayo.

Sidoo kale waxaa lagu soo warramayaa in Leylo Siciid iyo ninka dilay ay is-guursadeen muddo hadda laga joogo bil iyo bar.

Ciidamada ammaanka, gaar ahaan kuwa Booliska oo meesha tegay ayaa ugu dambeyn gacanta ku dhigan ninka dilka geystay, kaas oo ay ku socdaan baaritaano dheeraad ah.

Booliska ayaa sidoo kale la wareegay labo caruur ah oo ay nin kale u soo dhashay haweeneyda la dilay, kuwaas oo la geeyey qeybta caruurta qaabilsan ee Jugendamt-ga.

Si kastaba ha’ahaatee ma’ahan falkan mid ugub ku ah Soomaalida, iyadoona marar badan iyo meelo kala duwan laga soo wariyey sheekooyin la xiriira dhacdadaasi.