Kufsi wadareed ka dhacay magaalada HARGEYSA

Hargeysa (Caasimada Online) – Waxa dhawaan soo shaac baxday arrin fool-xun in badan la qaraniyay, midaasi oo aheyd Kufsi wadareed Gabadh loogu geystay magaalada Hargeysa, gaar ahaa xarunta Agoomaha ee magaaladaaasi ee ay gacanta ku hayso xukuumadu.

Gabadha kufsiga loogu geystay xaruntaasi agoomaha ayaa lagu soo waramayaa inay leedahay Uur, xili ay falkaasi foosha xun kasoo wareegtay 8-bilooad, sida uu sheegay Aabaha dhalay gabadhaasi oo warbaahinta la hadlay.

Xariir Raage, Aabaha dhalay gabadhaasi ayaa ka waramay sida uu falkaasi u dhacay, isagoona sheegay tirada ragga faro-xumeeyay gabadhiisa, xiliga ay ku jirtay xarunta agoomaha ee hargeysa.

Xariir ayaa si cad u sheegay in inantiisu ay ka qaraxisay falkaasi iyo inay uur leedahay, midkaasi oo u muuqda cadaadis uga yimid maamulka xarunta iyo ragga loo haysto falkaasi, walow uusan carabaabin.

Sidoo kale waxa uu shaaciyay Aabaha dhalay gabadhaasi inay maamulka iyo xubno kale ay isku dayeen in laga soo rido ilmaha yar, kadib markii ay dibada usoo baxday arrintaasi, isagoona xusay in dhakhtarkii loo geeyay uu ka diiday.

Xariir Raage, oo ah Aabaha dhalay gabadha lagu fara-xumeeyay gudaha xarunta agoomaha ee Hargeysa, ayaa baaq culus u diray xukuumada Somaliland iyo cidkasta oo kala qeyb qaadan karta sidii sharciga loo marin lahaa dadkii falkaasi u geystay gabadhiisa, wuxuuna yiri

“Laba Hablood iyo Wiil ayaan geeyay Xarunta Agoomaha, maadaama oo ay Hooyadoodna Maskaxda ka xanuunsanayso, Aniguna waan Indho la’aa markaa, Il ayaa beri dhawayd Manhal Dar Ilaahay iigu jeexay, markaas ayaan Xarunta geeyay oo aan is idhi Halkaas ayay Xanaano iyo Daryeel ka helayaan”.

“Arrintan (Kufsiga) waxaan maqlay Dabayaaqadii bisha Shabcaan, 8 bilood ka horna way dhacday oo imika waa Xaamilo, anigoo Jimce kasta u tagayey iimay sheegin. Waan tagay Xafiiska Maamulka, waxaan waydiiyey inay ogyihiin Uurka Inanta, Haa waanu ognahay ayay yidhaahdeen, sidaa waxa igu tidhi Caasha oo ah Islaanta Xarunta Haysata, waxay tidhi 8 Nin ayay noo sheegtay Inantu (8 Nin baa Kufsiga geystay), waa Xerada ay seexdaan Gudaheeda, intii ay Xaaladdu dhacday ayay Dibedda uga saartay Xerada (Inanta), markaa Qolada Maamulku way qariyaan (in la kufsaday Inantayda) waxayna gaadheen in Inanta laga soo rido Ilmaha (Way isku dayeen), laakiin Dhakhtarkaa ka diiday”

Wuxuuna intaas kusii daray “Siddeeda Nin mid baa qirtay bay yidhaahdeen, laakiin inta kale may qiran, kii qirtay ayay yidhaahdeen inanta aanu u dhisno, laakiin kama aqbalin, Sharciguu miyuu dhigayaa ayaan ku idhi, Diinta Islaamku miyey dhigaysaa In nin Wax kufsaday haddana la yidhaa (ha guursado Inantii) ? miyeynaan islaam ahayn, waxaan la socodsiiyey Hay’adihii ay khusaysey oo dhan, laakiin waxba ii dhaqaajin waa’, sidaasi darteed waxay igu keliftay inaan Islaamka (Hortiisa)  ka sheegto Gartayda, si Cawo u hesho Xuquuqdeeda”.

“Doraad baan u tagay iigu yeedha ayaan idhi, waalla ii diiday, shalay baan u tagay waalla ii diiday. Waxaan dalbanayaa Dawladda iyo wixii Islaam ah ee arrintaa wax igala qaban karaya ee meel aan Carruurtaa isugu urursado iga taageeraya in wax la igala qabto, Cawo-na ay Caddaalad hesho, kuwa helayna (Faro-xumeeyay) loo mariyo sharciga ayaan codsanayaa”.