Xildhibaanada oo maanta ka shiraya 2 arrin oo xasaasi

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa maanta lagu wadaa in xildhibaanada golaha shacabka ee baarlamaanka federaalka ah ee Soomaaliya ay kulan ku yeeshaan xarunta Villa Hargeysa ee magaalada caasimada ah ee Muqdisho.

Kulanka oo ah mid xasaasi ah ayaa waxaa looga doodayaa sida uu qorshuhu yahay xeerka matalaada gobolka Banaadir iyo xeerka kuraasta gobolada waqooyi.

Labadaan xeer oo muhiim u ah doorashada soo socota ayaa waxaa soo gudbiyey guddiga wadajirka ah ee labada aqal ee loo xil-saaray diyaarinta xeerarka doorashada.

Arrinta maqaamka Muqdisho ayaa weli ay dood adag ka taagan tahay, kadib markii aqalka sare laga siiyey illaa 7 kursi oo loo qeybsan doono nidaamka 4.5, taas oo ay cabasho xoogan ka keeneen siyaasiyiin badan iyo waxgaradka gobolka Banaadir.

Sidoo kale kuraasta gobollada waqooyi ayaa iyana waxa ka taagan muran xoogan, waxaana la filayaa in madaxweynaha Soomaaliya uu kulan la qaato xildhibaanada ka soo jeeda gobolladaasi, si uu ugala hadlo arrimaha doorashada, wada-hadallada u bilowday Soomaaliya iyo Somaliland, kadib shirkii dhowaan ku qabsoomay dalka Jabuuti.

Arrimahaan oo dil ayaa ku soo aadaya, iyada oo haatan lagu guda jiro xilli kala guur ah, islamarkaana uu waqti yar u haray muddo xileedka dowladda federaalka ah ee Somalia.