C/qaadir C/llaahi Goosaar oo caawa lagu dilay Muqdisho

Muqdisho (Caasimada Online) – Allaha u naxariistee Cabdulqaadir Cabdullahi Goosaar oo ahaa wiil dhalinyaro ah, isla markaana sanadkan ka qalin jabiyey mid kamid ah Jaamacadaha Muqdisho ayaa caawa lagu dilay degmada Yaaqshiid ee gobolka Banaadir.

Marxuumka waxaa dishay koox tuugo ah, waxayna horay u kaxeysteen mooto nuuca loo yaqaano laba lugoodleyda (FEKON) uu watay, taas oo u jeed koodu uu ahaa inay ka dhacaan.

Mid ka mid ah dhalinyarada ay ehelka ahaayeen wiilka caawa la dilay ee ku nool degmada Yaaqshiid ayaa noo sheegay in kooxda burcadda ah ee dishay marxuum Cabdulqaadir ay doonayeen inay ka dhacaan mootada iyo agabkii kale ee uu watay, balse uu isku dayey inuu ka dhega adeygo, sidaasna ay ku dileen.

Sidoo kale waxa uu sheegay in dadka ku nool Yaaqshiid ay qaati ka taaganyihiin burcad har iyo habeen ka furaneysa gadiidka yar yar, haba ugu badnaadeene mootooyinka iyo agabyada kale, sida lacagaha iyo moobeellada.

Wiilka noo waramay oo dalbaday in aan magaciisa qarino ayaa sheegay in mudooyinkii dambe ay isaga daba laabanayeen saldhigga iyo xarunta maamulka degmada Yaaqshiid, iyaga oo ka dalbanaya maamulka in xaafadaha degmada ee uu dhacaasi ka socdo ciidamo la dhex dejiyo.

Horay waxa uu sheegay in ciidamo ay u dhex deganaa jireen xaafadaha haatan laga geysto dhaca ugu badan ee ka tirsan degmada Yaaqshiid, balse kol sii horeysay laga qaaday ciidamadaas, iyadoo wixii markaas ka dambeeyana dil iyo dhac joogto ah ay ka bilaawdeen, inta badan xaafadaha degmada Yaaqshiid.