Furitaanka duulimaadyada Somalia oo ku xiran lacag ka maqan DF Soomaaliya

Muqdisho (Caasimada Online) – Dalalka Soomaaliya, Kenya, Itoobiya, Masar iyo kuwa kale oo Afrika ku yaalla ayaan furi doonin duulimaadyada gudaha iyo dibadda ilaa ay ka helaan lacago malaayiin doolar ah oo uga xiran arrintaasi. 

Xog ay heshay Caasimada Online ayaa sheegeysa in dowladda federaalka Soomaaliya ay dooneyso in ay milkiso lacag malaayiin dollar ah oo loogu talagalay cudurka safmarka ah ee COVID-19, taasi oo ah deeq caalami ah.

Warar lagu kalsoon yahay oo ay heshay Caasimada Online ayaa sheegaya in laga yaabo in illaa bisha August ee sanadkaan ay sii xirnaan doonto hawada Soomaaliya, haddii aysan dowladda Soomaaliya soo gaarin lacagta loogu talogalay in la siiyo si ay ula dagaasho cudurka Coronavirus, taas oo laga sugayo hay’adda caafimaadka aduunka ee WHO iyo dalal kale oo taageera Soomaaliya. 

Dowladda Masar ayaa shaacisay in ilaa bisha August ay sii xirnaan doonaan duulimaadyada gudaha iyo dibadda sababo la xariira cudurka Covid-19, halka wadamadaan kale oo ay Soomaaliya ku jirto la filayo in ay shaaciyaan dabayaaqada bishaan. 

Dalalkaan haddii ay furaan hawada islamarkaana ay soo celiyaan jawi xasilooni ah waxaa la aaminsan yahay in ay weyn doonaan lacago malaayiin doolar ah oo loogu yaboohay si ay ula dagaalamaan cudurka Covid-19, sababtoo ah waxay u muuqan doonaan kuwa aan dagaal kula jirin cudurka, una baahneyn taageero. 

Dad badan oo Soomaaliyeed ayaa ku dhibaateysan dunida halka qaarkoodna ay doonayaan in ay dano badan soo gutaan waxaana dhamaantood saameeyay xayiraadda adduunka saaraan ee ka dhalatay Coronavirus.