Qoraalkii Madasha xisbiyada oo muujinaya arrin halis ah

Muqdisho (Caasimada Online) – Waxaa shalay war-saxaafadeed ka duwan kuwii hore soo saaray Madasha Xisbiyada Qaran, kaas oo ay kaga hadleen xaaladda Soomaaliya, gaar ahaan arrimaha doorashooyinka.

War-saxaafadeedka oo ka koobnaa 7-da qodob ayaa ku qornaa luuqad siyaasadeed adag, waxa uuna hadal heyn ka abuuray doodaha siyaasadda Soomaaliya.

Fariinta uu gudbinayo war-saxaafadeedkaan ayaa ah in Xisbiyada Mucaaradka ay ka quusteen Xukuumadda iyo Madaxda dowladda Soomaaliya islamarkaana ay hadda digniin iyo baaqba u dirayaan baarlamaanka Soomaaliya ee ka kooban labada gole.

Dowladda Soomaaliya oo hadda ka kooban laba hay’adood oo kala ah sharci dejinta (Baarlamaanka) iyo fulinta (Xukuumadda) ayaa baaqa Madasha waxaa toos loogu diray baarlamanka maadaama ay meesha ka maqantahay hay’addii sadaxaad ee dowladda oo ah garsoorka dalka.

Dadka darsa siyaasadda Soomaaliya ayaa fariintaan ku tilmaamay tii ugu adkeyd ee Madasha ka soo baxda waxaana ka dhalan kara hadii leeska indha tiro qal qal xoog leh iyo daganaansho la’aan amni iyo mid siyaasadeed.

Maxamed Maxamuud Cadde, weriyihii hore ee BBC-da ayaa warbaahinta u sheegay in fariintaan ay tahay mid adag oo meel dheer ku socoto.

“Waa fariin mug leh, waxaa muuqato in ay ka quusteen xukuumaddii iyo in ay cadeeyeen in Xukuumaddu fashilantay, markaan waxay joogtaa baarlamaanka waana in il gaar ah lagu eegaa fariintaan,” ayuu yiri Maxamed Maxamuud Cadde.