Xog: Madaxweyne Farmaajo oo berri la shiraya madax goboleedyada balse aan kala hadleyn doorashada

Muqdisho (Caasimadda Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa Berri kulan la yeelan doono madaxda Maamul Goboleedyada dalka oo muddo uusan la kulmin, sida ay ogaatay Caasimada Online.

Sida ay xogta ku heshay Caasimada Online, kulankaan oo noqon doono mid horudhac u ah kulanka ay isugu imaan doonaan maamul Goboleedyada iyo Dowladda Dhexe ayaa waxaa diiradda lagu saari doonaa saameynta uu Soomaaliya ku yeeshay cudurka COVID-19  iyo sidii loo xoojin lahaa ka hortagfiisa.

Xogta aanu helnay ayaa sheegeysa in Madaxweyne Farmaajo oo uu madaxda maamul Goboleedyada u diray casuumaad ah inay ka soo qeyb galaan shirka uu ku baaqay oo Isniinta Berri ka dhacaya aalada fogaan aragga ee ‘ZOOM’ sida ku cad war saxaafadeedkii todobaadkii hore kasoo baxay xafiiska madaxtooyada Soomaaliya ee lagu casuumay maamul Goboleedyada

“Sidoo kale, waxaa jira shir hordhac ah oo ku qabsoomaya aaladda la iska arki karo kaasoo lagu qiimeynayo dadaallada wadajirka ah ee haatan socda ee lagula dagaallamayo cudurka Coronovirus, sidii loo sii xoojin lahaa ka hortaggiisa iyo culeyska dhaqaale ee ka dhashay.”

Shirka ayaa waxaa ka qeyb geli doono dhammaan madaxda Maamul Goboleedyada dalka, Maamul Gobolka Banaadir iyo Madaxda Dowladda Dhexe, waxaana la filayaa in kulankaas kadib uu xigi doono mid ay toos isugu imaan doonaan maamulada iyo Dowladda Dhexe.

14-kii Juun, 2020,  Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa casuumaad rasmi ah oo ku saabsan Shirka Golaha Amniga Qaranka u fidiyey Madaxweyneyaasha Dowlad Goboleedyada iyo Guddoomiyaha Maamulka Gobolka Banaadir inkastoo aan weli la shaacin waqtiga uu dhici doono.

Villa Somalia ayaa ujeedka kulanka ay isugu imaan doonaan madaxda Maamul iyo Dowladda Dhexe ku sheegtay inuu yahay sidii wadatashiyo ballaaran looga yeelan lahaa geeddi socodka doorashooyinka dalka, Arrimaha Amniga, dagaalka ka dhanka ah kooxaha argixisada, dhammeystirka dib u eegista dastuurka iyo horumarinta dhaqaalaha dalka.