Saciid Deni oo farriin u diray Somaliland, weerar culusna ku qaaday DF Soomaaliya

Qardho (Caasimada Online) – Madaxweynaha maamulka Puntland Saciid Cabdullaahi Deni ayaa maanta khudbad ka jeediyey munaasabad ka dhacday magaalada Qardho oo uu tababar ugu soo xirayey ciidamo cusub ka mid noqonaya daraawiisha Puntland, waxuuna Somaliland ka dalbaday inay si nabad ah uga baxdo dhulka Puntland.

Madaxweyne Deni ayaa sheegay inay ka go’antahay difaaca xuduudaha dhulka Puntland, kaas oo uu sheegay inuu qorayo dastuurka u yaalla maamulkiisa, isaga oo sheegay in uu soo dhaweynayo dadaallo kasta oo nabadeed, balse aysan xukuumadiisu ka tanaasuleyn ‘taako ka tirsan dhulka Puntland’ sida uu hadalka u dhigay.

“Waxaan ugu baaqeynaa Somaliland si sharaf leh ay uga baxdo dhulka reer Puntland, ma dooneyno in uu daato dhiig sokeeye oo waxaa naga go’an in  aan ka shaqeyno wanaagga iyo horumarka, marnaba yeeli meyno dastuurka federaalkuna waxa uu qorayaan in aan keena ku dhaqano inta isaga afti loo qaadayo, waxaana ku dhaqmeynaa dastuurkeena cidnana uga heybeysan meyno in aan ku dhaqano waxa uu na farayo,” ayuu yiri Deni.

Madaxweynaha Puntland Saciid Deni oo hadalkiisa sii watay ayaa yir, “Dastuurka Puntland iyo kan federaalkaba waxaa ku cad in waajibaadka lagarabo dowladda uu yahay ilaalinta sharafta karaamada iyo amniga ummadda ay u shaqaynayso, shaqadaasina waxaa laga rabaa waa ciidamada, sidaasi daraadeedna waxaa maamulkeyga ka go’an in ahmiyadda koowaad, labaad iyo seddaxaadba la siiyo dhismaha ciidamada, si ay u noqdaan kuwo guta waajibaadka saran.”

Somaliland iyo Puntland ayaa isku haya gacan ku haynta gobollada Sool, Sanaag ee waqooyiga Soomaaliya, waxayna ku galeen dagaalo dhiig badani ku daatay, welina ciidamadooda ayaa isku hor fadhiya deegaanada qaar.

Dhanka kale Madaxweyne Deni ayaa dowladda federaalka mar kale ku eedeeyay inay isku koobtay dhaqaalala ay beesha caalamku ku bixiso arrimaha ammaanka Soomaaliya.

“Waxaa nasiibdaro ah iyadoo aduunka uu uga baxo boqolaal million oo dollar sidii Soomaaliya uga caawin lahaayeen ammaanka iyo dhismaha ciidamada in wixii ay ka mudnaayeen Puntland aysan ka helin dowladda federaalka, madaxda federaalka kharash gacantooda ku soo dhaca cid wax tari mayo ee caalamku ha garwaaqsado taas, cadawgu meel walba waa joogaa, dhismaha ciidamada dalka oo dhan ayaa looga baahanyahay, Puntland oo 21 sano jirsatay waxay garwaaqsantahay ahmiyada ay ledahay in la dhisto ciidmo awood leh” ayuu yiri Madaxweyne Deni.

Halkan ka Daawo