Sisi oo amar siiyey ciidamada Masar xilli ay xiisad kala dhaxeyso Turkiga

Qaahira (Caasimada Online) – Madaxweynaha Masar Cabdul Fitaax al-Sisi ayaa Sabtigii ku amray ciidankiisa in ay u diyaar garoobaan howlgal dalka gudihiisa ama dibaddiisa ah, si ay u difaacaan danahiisa amni xilli ay sii kordheeyso xiisadda kala dhaxaysa Turkiga oo taageeraya Dowladda Caalamku aqoonsan yahay ee Libya.

Turkigu waxaa uu taageersan yahay Dowladda Caalamku aqoonsan yahay ee degan Tripoli, waxayna taageerada Turkiga dib uga celisay weerar 14 bilood uu magaaladda caasimadda ah ku hayay Jeneral Khaliifa Xaftar, oo doonayey inuu qabsado.

Ciidamada Khaliif Xaftar waxaa taageera Ruushka, Imaaraadka Carabta iyo Masar.

Al-Sisi waxaa uu Sabtigii u safray saldhig ciidanka cirka ay ku leeyihiin meel 1,200 kilometer u jirta xuduudda galbeed ee ay wadagaan Masar iyo Libya, halkaas oo Tv-ga Dowladdu uu muujiyay Madaxweynaha oo daawanaya diyaarado dagaal oo duulaya.

“Isu diyaariya in aad qaadaan howlgal, halkaan xuduudeheena ah – ama haddii ay lagama maarmaan noqoto xuduudeena banaankeeda,” ayuu uu sheegay duuliyeyaal ka tirsan ciidanka cirka iyo askar ka tirsan ciidanka gaarka ah ee Masar.

Waxaa uu yiri “ciidanka Masar waxay ka mid ahaayeen ciidanka ugu xoogga badan gobolka.”

“Waa ciidan macquul ah; ciidan wax ilaaliya ee aan wax u hanjabin…tani waxaa xeeladdeena, waxa aan rumeysanahay iyo mabda’eena oo aanan marna bedeli doonin,” ayuu yiri Sisi.

Horraantii bishaan, Masar waxay ku baaqday in xabad joojin laga sameeyo Libya taasi oo qaybka ah hindise lasoo jeediyay in lagu doorto gole hoggaamiya dalka.

Maraykanka, Ruushka iyo Imaaraadka Carabta ayaa soo dhaweeyay qorshaha. Jarmalka waxaa uu sheegay in wada-hadallada ay garwadeenka ka tahay Qaramadda Midoobay uu muhiim u yahay hanaanka nabadda.

Si kastaba, Turkiga ayaa diiday soo jeedinta waxaana uu ku tilmaamay iskuday la doonayo in lagu badbaadiyo Xaftar oo khasaare uu kasoo gaaray goobta dagaalka.