NISA oo xabsi dhigtay nin dhawaan sheegtay in loo magacaabay Taliyaha NISA ee Jubbooyinka

Muqdisho (Caasimada Online)-Ciidamada Nabadsugida iyo Sirdoonka Qaranka qeybta loo yaqaan dharcadka ayaa Caawa fiidkii Xabsi dhigey Cali Mire Ducaale oo sheegtay inuu yahay Taliyaha NISA ee jubbooyinka.

Cali Mire Ducaale, ayaa todobaadkii tagay dhamaadkiisa waxaa Garoonka magaalada Kismaayo kasoo celiyay Nabadsugida maamulka Jubbaland.

Ninkaani lagu magacaabo Cali Mire Ducaaale ayaa xilligii laga soo celinayey garoonka Kismaayo watay Warqado uu ku sheegayey in dowladda Somalia ay taliye ugu Magacaawday Nabadsugida Jubbaland, waxana la socday nin kale oo ku xigeen u ahaa.

Qoraal lagu daabacay bogga Tweeter-ka NISA ayaa waxaa lagu xaqiijiyay xariga Cali Mire Ducaale oo la sheegay in Warqado been abuur ah ka sameeyay NISA taa oo uu la tagay Kismaayo.

Cali Mire Ducaale, ayaa markii loo diiday inuu galo magaalada Kismaayo maamulka Jubbaland ugu goodiyay inuu ku shaqeyn doono magaalooyinka kale ee maamulka isla markaana Jubbaland aysan aheyn Kismaayo oo qura.

Dhinaca kale, Cali Mire Ducaale ayaa lagu wadaa in lasoo taago maxkamad, iyadoo wax laga weydiin doono falka been abuurka ah ee uu ku kacay.

Caasimada Online

Xafiiska Muqdisho

Caasimada@live.com