Nolosha maxaabiista ururka Xamas ee u xiran dowladda Sacuudiga oo loo baqayo

Gaza (Caasimada Online) – Xarakada Xamas ayaa ka codsatay dowladda Sacuudi Carabiya inay sii deyso maxaabiista reer Falastiin ee u xiran, gaar ahaan Mohammad Al-Khodari, oo ah 80 jir si aad ah u xanuunsan, sida ay werisay wakaaladda wararka ee Anadolu Agency.

Sabtidii shalay ayaa ku beegneyd sanad guuradii shanaad ee kasoo wareegtay markii la xabisay Al-Khodari oo qaabilsanaan jiray xiriirka Xamas iyo mas’uuliyiinta Sacuudiga.

Anadolu Agency ayaa soo xigatay bayaan uu soo saaray madaxa warbaahinta Xamas Raafat Murra, oo ku baaqay in deg deg loo sii daayo Al-Khodari iyo maxaabiista kale ee reer Falastiin oo noloshooda ay halis ku jirto.

“Waxaan si sabab iyo xikmad leh uga codsaneynaa boqortooyada Sacuudiga inay arrintan deg deg usoo geba-gebeyso, ka hor bisha barakeysan Ramadan, dadka Falastiin darteed iyo qadiyaddooda,” ayuu yiri Murra.

Xamas ayaa shaaca ka qaadday in walaaca laga qabo maxaabiista Falastiiniyiinta ay korartay kadib markii uu dillaacay cudurka Coronavirus.

Murra ayaa sheegay in Xamas ay la xiriirtay dhinacyo saddexaad oo badan, si ay u dhex-dhexaadiyaan ayaga iyo Sacuudiga, balse ma shaacin cidda ay yihiin dhinacyadaas saddexaad.

Bishii tagtay, hay’adaha xuquuqda aadanaha ayaa shaaca ka qaaday in boqortooyada Sacuudiga ay billowday dhageysiga dacwadaha maxkamadeed ee maxaabiista Falastiiniyiinta. Bassim Naim ayaa xaqiijiyey in la dhageystay kiiska 62 Falastiiniyiin ah.

Xubno badan oo ka mid ah mujaahidiinta Xamas oo si nabad-galyo leh ugu noolaan jiray Sacuudiga, ayaa sanadihii dhowaa la billaabay in la xir-xiro kadib markii ay aad isugu dhowaadeen maamulka Sacuudiga, gaar ahaan Maxamed Bin Salmaan iyo Yahuudda iyo Mareykanka.