Odayaasha beesha Sacad oo go’aan cusub kasoo saaray shirka Dhuusomareeb

Gaalkacyo (Caasimadda Online) – Odoyaasha iyo waxgaradka Koofurta Gaalkacyo ayaa soo saaray go’aan cusub oo ku saabsan shirka ay dowladda u iclaamisay inuu ka dhaco Magaalada Dhuusamareeb.

Odayaasha beesha Sacad oo shir jaraa’id ku qabtay magaalada Hobyo ayaa waxa ay ka hadleen shirka dib u heshiisiinta beelaha Galmudug oo loo madlan yahay in lagu qabto dhuusamareeb ee Caasimadda Galmudug.

Odoyaasha dhaqanka ayaa sheegay in ay haatan ku mashquulsanyihiin Shir uga Socda Magaaladda Hobyo ayna sugayaan inta uu ka soo dhamaanayo sida ay hadalka u dhigeen.

Suldaan Cabdinaasir Jaamac Seed iyo odayaal kale oo ka tirsan wax garadka Gobolka Mudug oo weriyaasha kula hadlay Magalada Hobyo ayaa sheegay in ilaa uu ka dhamanayo shirka nabadda Hobyo aysan ka qeyb galeynin shirka Dib u heshiinta ee deeganada Galmudug oo lagu wado in uu ka furmo Dhuusamareeb.

Gudiga Qaban qaabadda Shirka dib u heshiinta beelaha Galmudug oo Xalay Dhuusamareeb dib ugu soo laabtay ka dib safar ay mareen deegaanadda Balanbal, Caaduwaaq, Xeraale, Huurshe, Gaalkacyo iyo Cadaado ayaa ugu qaabay Waxgaradka deegaanadda Galmudug in ay tabashada ay qabaan ay ku xaliyaan shirka dib u heshiinta oo ka furmaya Dhuusamareeb 5 bisha soo socota.

Go’aanka ayaa kusoo aadayo xilli  Guddoomiyaha iyo guddoomiye ku-xigeenka  guddiga qaban-qaabada shir-weynaha dib-u-heshiisiinta Galmudug, Dr. Cabdiraxmaan Cabdullaahi Baadiyow iyo Cabdi Maxamed Jaamac {Cabdi waayeel} ayaa si wadajir ah uga war bixiyay natiijadii kasoo baxday socdaalkooda iyo xariirro ay la sameeyeen bulshada ku nool deegaannada aan xorta aheyn ee ka tirsan Galmudug.

Guddoomiyaha iyo guddoomiye ku-xigeenka guddiga ayaa ugu baaqay dhammaan siyaasiyiinta, aqoonyahanka iyo dhaqanka ugu baaqeen in aan la siyaasadeyn gogosha, beelununa  ay kasoo qayb galaan gogosha Nabadeed ee Dhuusamareeb, halkaasna ay ku soo bandhigaan fikradahooda iyo hadii ay tabasho qabaan.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
caasimada@live.com