Odayaasha Mudulood oo madaxweyne Farmaajo hor-dhigay laba qodob oo culus

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa dhowr habeen ka hore waxa xafiiskiisa Villa Somalia ku qaabilay qaar kamid ah odayaasha dhaqanka beelaha Mudulood, waxayna ka wada hadleen arrimo quseeyo Soomaaliya gaar ahaan gobalka Banaadir.

Kulankan ayaa odayaasha waxaa ku wehlinayay Guddoomiyaha gobalka Banaadir ahna duqa Muqdisho Cumar Maxamuud Maxamed Filish iyo saraakiil kale oo ka tirsan dowladda Soomaaliya.

Odayaasha ayaa madaxweynaha kala hadlay laba qodob oo waa wayn, kuwaas oo ahaa digniin iyo wargelin, sida ay noo sheegeen qaar ka mid ah odayaashii kulanka ka qayb-galay.

Madaxweynaha ayaa marka hore odayaasha waxay uga mahad-celiyeen magacaabistii taliyaha ciidamada xoogga dalka Janaraal Odowaa Yuusuf Raage, waxayna balan qaadeen in ay la shaqeyn doonaan taliyaha Xoogga.

Madaxweyne Farmaajo ayaa dhanka kale looga digay laba qodob kuwaas oo kala ah.

1) – In uu shaqadiisa u madaxbaneeyo guddoomiyaha gobalka Banaadir ahna duqa Muqdisho, hadii ay dhici weysana laga dhaxli doono cawaaqib ay masuuliyadiisa qaadi doonto dowladda.

Odayaasha ayaa madaxweynaha u sheegay in guddoomiye Filish hadda uu wajahayo cadaadis iyo rabitaano is-diidan oo saameyn kuleh shaqadiisa iyo waajibka saaran, loona baahanyahay in culeeskaas laga qaado duqa cusub.

2) – Qodobka labaad oo ay odayaasha Madaxweynaha u sheegeen ayaa u muuqday hanjabaad, waxa uuna ahaa, in odayaasha Madaxweynaha u sheegeen in ay ka hortaagan yihiin umad dhan oo daashay,  islamarkaana caro ay buux dhaafisay wixii xiligaas ka dambeeyana aysan sii hortaagnaan doonin hadii aysan dowladda qorshaheeda wax ka badalin.

Arrimaha amniga iyo xirnaanshiyaha waddooyinka Muqdisho ayaa qayb ka ah waxyaabaha kulankaas looga hadlay, waxaana la sheegay in uu caadi ku soo dhamaaday oo ay dhinacyo is-fahmeen.

Lama oga sida uu ku dhaqan geli doono waxyaabaha ay ku wada hadleen madaxweynaha Soomaaliya, guddoomiyaha gobalka Banaadir iyo odayaasha beelaha Mudulood.

Caasimada Online
Xafiiska Muqdisho
caasimada@live.com