Doha (Caasimada Online) – Kumanaan askari Mareykan ah ayaa si toos ah halis ugu jira weerar ka yimaada Iran haddii madaxweynaha Mareykanka Donald Trump uu go’aansado in uu Israa’iil kala qeyb galo weerarada ka dhanka Iran — tallaabo uu sheegay Arbacadii inay suuragal tahay inuu qaado ama qaadin.
Haddii amar lagu siiyo ciidamada Mareykanka inay si toos ah uga qayb qaataan duqeymaha Israa’iil, Iran waxay si degdeg ah uga aargudi doontaa, iyada oo weerar ku qaadi karta saldhigyada Mareykanka ee ku kala yaalla dalal badan oo Bariga Dhexe ah, sida ay sheegayaan khubaro amni.
Khubarada waxay sidoo kale sheegeen in askar badan oo Mareykan ah ay heli doonaan daqiiqado kooban oo kaliya si ay u galaan difaac haddii gantaallo riddo-dheer ay kaga yimaadaan Iran.
“Haddii Mareykanku faragelin milatari ku sameeyo gobolka, khasaaraha ka dhalanaya wuu adkaan doonaa in la tirtiro,” ayuu yiri hoggaamiyaha sare ee Iran, Ayatollah Ali Khamenei, sida ay shaaciyeen warbaahinta dowladda Iran.
40,000 oo askari oo halis ku jira
In ka badan 40,000 askari iyo shaqaale rayid ah oo u shaqeeya Wasaaradda Difaaca Mareykanka (Pentagon) ayaa ka howl gala Bariga Dhexe. Hub iyo qalab ciidan oo lagu qiyaasay balaayiin doolar ayaa sidoo kale lagu kaydiyaa gobolkaas.
Dana Stroul, oo ahayd mas’uulka ugu sarreeya ee Pentagon u qaabilsan siyaasadda Bariga Dhexe xilligii maamulka Biden, ayaa sheegtay in ciidamada Mareykanka ay tobannaan sano ka shaqeynayeen xoojinta difaacyada gobolka, xilliyo dagaal iyo nabadeedba.
Waxay intaas ku dartay in difaacyadaasi la sii adkeeyay kadib weerarkii Xamaas ee lagu qaaday Israa’iil bishii Oktoobar 2023, taasoo horseeday dagaallo dhexmaray Israa’iil iyo xulafada Iran ee gobolka.
“Ciidamada Mareykanka waxay si buuxda u diyaariyeen masraxa dagaalka haddii xukuumadda Iran ay go’aansato inay beegsato ciidamada Mareykanka ama ay hawlgeliso maleeshiyaadkeeda gobolka,” ayay tiri Ms. Stroul.
Waxay sidoo kale sheegtay in isbeddelka xiisadda ku iman kara maalmaha soo socda uu ku xiran yahay sida Mareykanku uga qayb qaato hawlgallada weerarka ah ee Israa’iil.
Halista saldhigyada Mareykanka ee gobolka
Waxaa jira boqolaal ilaa dhowr kun oo askari Mareykan ah oo ku sugan dalal kale oo gobolka ah, sida Urdun, Suuriya iyo Cummaan, kuwaas oo ku sugan saldhigyo ay maamulaan dowladahaas. Ma jirto tiro sax ah oo la shaaciyay, iyadoo maamulka Trump uu qorsheynayo in uu yareeyo joogitaanka ciidamada qaar ka mid ah dalalkaas, gaar ahaan Suuriya.
Adel Abdel Ghafar, oo ah falanqeeye sare oo ka tirsan Golaha Bariga Dhexe ee Arrimaha Caalamiga ah (Middle East Council on Global Affairs) ee Doha, Qatar, ayaa sheegay in ciidamada Mareykanka ee ku sugan Ciraaq, Baxreyn iyo Kuwait ay noqon doonaan bartilmaameedyada ugu horreeya ee Iran haddii dagaalku qarxo.
Shaqaalaha aan muhiimka ahayn iyo qoysaskooda ayaa horey looga daadgureeyay safaaradaha Mareykanka ee dalalkaas.
Mr. Abdel Ghafar wuxuu sheegay in maleeshiyaadka Iran taageerto ee ku sugan Ciraaq iyo dalalka kale ay khatar ballaaran ku yihiin saldhigyada Mareykanka ee milatari iyo diblomaasiyadeed. Wuxuu sidoo kale xusay in gantaalka ridada-dheer ee laga rido gudaha Iran uu qiyaastii 3–4 daqiiqo ku gaari karo saldhigyada ku yaal dalalka Gacanka.
“Tani waxay ka dhigan tahay in difaacyada cirka ay haystaan waqti aad u kooban si ay u qabtaan gantaallada soo socda,” ayuu yiri. “Haddii ay dhacdo, waxay noqon doontaa masiibo.”
Haddaba waa kuwa dalalka ay halista ku wajahayaan ciidamada Mareykanka.
Ciraaq
Qiyaastii 2,500 askari iyo qandaraasleyaal Mareykan ah ayaa ku sugan Ciraaq, iyagoo jooga Baghdad, gobolka Kurdiyiinta ee waqooyi, iyo lamad agaanka galbeed. Saldhigga Al Asad — oo ay maamusho dowladda Ciraaq — ayaa la weeraray horaantii toddobaadkan iyadoo lagu duqeeyay diyaarado aan duuliye lahayn oo ay soo direen kooxo Shiico ah oo taageero ka hela Iran. Ciidamada Mareykanka ee halkaas ku sugnaa ayaa soo riday gantaalladaas.
Inkasta oo xiriirka Washington iyo Baghdad uu ahaa mid adag tan iyo markii uu Mareykanku la baxay ciidamadiisa 2011, haddana sanado kadib waxaa mar kale lagu soo dhoweeyay si loola dagaallamo kooxda Daacish.
Sanadkii 2020, Mareykanku wuxuu duqeyn ku dilay Jeneraal Qaasim Suleymaani — taliyihii guutada Qudus Iran — xilli uu gaaray Baghdad si uu ula kulmo Ra’iisul Wasaaraha Ciraaq. Weerarkaas ayaa kaciyey xiisaddii u dhaxaysay Tehran iyo Washington.
Baxreyn
Taliska Ciidanka Badda ee Qaybta Shanaad (Fifth Fleet) ee Mareykanka ayaa fadhigiisu yahay Manama, Baxreyn. Waxaa halkaas ku sugan qiyaastii 9,000 oo askari iyo shaqaale rayid ah.
Taliskaasi wuxuu u xil saaran yahay ilaalinta maraakiibta ganacsiga ee maraya marin-biyoodka Hormuz, halkaasoo ay ka gudbaan 20% shidaalka caalamka. I
ran waxay hanjabtay inay ku ridi doonto ilaa 6,000 miinooyin badeed ah, arrin halis gelin karta maraakiibta Mareykanka, iyo sidoo kale sahayda shidaalka ee dalal ay ka mid yihiin Sacuudiga, Imaaraadka, Shiinaha, iyo Hindiya.
Kuwait
Qiyaastii 13,500 askari Mareykan ah ayaa ku sugan shan saldhig oo milatari oo ku yaalla Kuwait, kuwaas oo muddo tobanaan sano ah u adeegey sidii meel ay ciidamada Mareykanku ka abaabulaan hawlgalladooda dunida oo dhan.
Xiriirka militari ee Kuwait iyo Mareykanka ayaa xoogganaa tan iyo dagaalkii Khaliijka 1991, markaas oo Mareykanku hoggaamiyay isbahaysi dib u xoreeyay Kuwait kadib markii Ciraaq ay qabsatay sanad ka hor.
Sannadkii 2003, Mareykanku wuxuu Kuwait u adeegsaday saldhigga dagaal oo laga qaaday duullaankii Ciraaq, taas oo keentay in Saddam Hussein xukunka laga tuuro.
Qatar
Saldhigga Cirka ee Al Udeid ee Qatar waa xarunta ugu weyn ee Mareykanku ku leeyahay Bariga Dhexe, waxaana halkaas ku sugan qiyaastii 10,000 oo askari. Waa xarunta Taliska Dhexe ee Ciidanka Mareykanka (U.S. Central Command) ee gobolka.
Saldhiggaas ayaa loo adeegsaday weerarro ka dhan ah Taliban iyo Al-Qaacida kadib dhacdooyinkii 11-kii September 2001. Intii lagu jiray dagaalladii Ciraaq iyo Afghanistan, iyo duqeymihii ISIS ee Suuriya, Al Udeid wuxuu noqday xarunta dhexe ee hawlgallada cirka.
Waxaa halkaas laga hawlgeliyay diyaarado dagaal, diyaarado duqeeya meelo fog, diyaarado aan duuliye lahayn, iyo kuwa shidaalka cirka ku shuba. Sidoo kale wuxuu noqday xarunta daad-gureynta tobanaan kun oo Afghan iyo Mareykan ah sannadkii 2021 xilligii Mareykanku ka baxay Afghanistan.
Imaaraadka Carabta
Qiyaastii 3,500 askari Mareykan ah ayaa ku sugan Saldhigga Cirka ee Al Dhafra, oo ku yaal duleedka Abu Dhabi. Diyaaradaha F-22 ee Mareykanka ayaa dhowr jeer lagu wareejiyay halkaas si loo ilaaliyo maraakiibta shidaalka Imaaraadka, kuwaas oo ay weerareen dagaalyahanada Xuutiyiinta ee xiriirka la leh Iran sanadkii 2022.
Guutada 380-aad ee Hawlgalka Degdegga ah (380th Air Expeditionary Wing) ee Ciidanka Cirka Mareykanka ayaa halkaas saldhig ku leh. Waxaa halkaas laga fuliyaa hawlgallo weerar ah oo ka dhan ah ISIS, Xuutiyiinta, iyo sidoo kale howlgallo sirdoon iyo dabagal ah oo la xiriira dagaalladii Afghanistan iyo Ciraaq.