27.4 C
Mogadishu
Sunday, June 22, 2025

Wararkii ugu dambeeyey cadaadiska saaran QOOR QOOR iyo liiska laga sugayo

Dhuusomareeb (Caasimada Online) – Madaxweynaha maamulka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoor Qoor ayaa weli la xarbinaya go’aan ka gaarista liiska musharaxiinta Aqalka Sare oo laga sugayo inuu soo saaro.

Qoor Qoor ayaa weli go’aan ka gaari la’ qaar ka mid ah kuraasta beelaha iyo cidda uu u sharxayo, taasi oo dib u dhigeysa inuu liiska shaaciyo, waxaana cadaadiska ugu xooggan uu ka saaran yahay laba ka mid ah kuraasta.

Labadaas kursi ayaa waxaa ku fadhiya laba Senator oo aad ugu dhow Qoor Qoor oo kala ah; Cabdi Axmed Dhuxulow Dhagdheer, oo kasoo jeeda beesha Murusade iyo Cabdi Xasan Cawaale Qeybdiid oo kasoo jeeda beesha Sacad Habar-Gidir.

Labadan Senator ayaa aad ugu dhow oo saaxiib la ah Qoor Qoor, hase yeeshee waxaa sanadkan kuraastooda u sharaxan oo doonaya siyaasiyiin kale oo magac iyo miisaan ku leh beelahooda.

Kursiga Dhagdheer ayaa waxaa u sharaxan Sheekh Yuusuf Cali Caynte, halka kursiga Qeybdiid uu doonayo Axmed Ducaale Geelle Xaaf.

Go’aanka ugu fudud ee Qoor Qoor uu qaadan karo ayaa ah inuu dhammaan kuraasta ka dhigo kuwa furan oo ay isku sharci karaan ciddii doonta, hase yeeshee Dhagdheer iyo Qeybdiid, oo saaxiibo la ah, ayaan dooneyn inay wajahaan tartan adag oo ay kursiga ku weyn karaan.

Laba kursi oo kale oo ay ku fadhiyaan siyaasiyiin miisaan culus, oo laga cabsi qabay inay Qoor Qoor ku adkaato go’aan ka gaaristooda ayaa culeyskoodu ka degay. 

Mid ka mid ah kursigaas ayaa waxaa ku fadhiya Senatorr Yuusuf Geelle Ugaas Dhagey oo kasoo jeeda beesha Duduble, hase yeeshee go’aansaday inuu sanadkan isku sharxo golaha shacabka.

Kursiga labaad ayaa waxaa ku fadhiya Cabdiwaaxid Cilmi Goonjeex oo kasoo jeeda beesha Mareexaan, hase yeeshee waxaa la sheegay in madaxweyne Farmaajo iyo beesha go’aansadeen in loo wareejiyo jufo hoosaad beesha ka mid ah oo tirsaneysa cadaalad darro.

Qoor Qoor ayaa mar ay ahaataba ku qasban inuu hoggaamiyenimo muujiyo oo uu go’aan qaato, sababtoo ah kuma sii dheganaan karo liiska. 

Xog: Mucaaradka cabsi ka qaba in rajada doorashada Farmaajo ay aad u sarreyso

Warbixintan oo muuqaal ah halkan ka daawo

Muqdisho (Caasimada Online) – Xogo kala duwan oo aan ka helnay dhinaca mucaaradka ayaa sheegaya in Midowga Musharaxiinta ay cabsi weyn ka qabaan in markale la doorto Madaxweyne Farmaajo, marka la eego qaabka ay wax u socdaan. 

Xogta ay heshay Caasimada Online ayaa xaqiijinaya in Midowga Murashaxiinta ay qabaan dareen weyn oo ah in xildhibaanada cusub ee lasoo dooranayo ay badankood noqon doonaa kuwa taageersan Farmaajo, taasi oo sidii ay ku dhici laheyd ay Villa Somalia aad uga shaqeyneyso.

Sida aan xogta ku helnay, Farmaajo ayaa diyaarsaday shaqsiyaad badan oo daacad u ah oo kamid noqonaya baarlamaanka cusub, si ay ugu doortaan Madaxweynaha 10-aad ee Soomaaliya.

Cabsida ay qabaan mucaaradka ayaa sii korartay kadib shanti xubnood ee Aqalka Sare ee Isniintii lagu doortay magaalada Baydhaba, kuwaasi oo xaqiijiyey sida madaxweyne Lafta-gareen ay go’an tahay inuu soo saaro xildhibaano taageersan Farmaajo.

Maamulka Koonfur Galbeed ayaa laga soo dooranayaa xildhibaanada ugu badan ee baarlamanka Soomaaliya, kuwaasi oo marka la isku geeyo golaha shacabka iyo Aqalka Sare gaaraya 77.

Farmaajo ayaa la filayaa inuu yeesho inta ugu badan xildhibaanada Koonfur Galbeed, oo ay usii dheer yihiin kuwa Dir, beelaha Banaadiriga iyo kuwa beeshiisa. Waxaa sidoo kale la filayaa inuu faro-geliyo kuwa Galmudug iyo HirShabelle.

Qaar kamid ah Murashaxiinta xilka Madaxweynaha kuwooda ugu saameynta badan ayaa la sheegay in ay isku afgarteen in musharax kasta uu ilaaliyo kursiga beeshiisa, si aysan ugu gacan gelin Farmaajo.

Sidoo kale murashaxiinta ayaa sidoo kale ku heshiiyay in ugu yaraan ay Xildhibaano fiican ku yeeshaan Baarlamaanka 11-aad ee dowladda Soomaaliya, si loo dhimo rajada Farmaajo.

Ilo wareedyo kala duwan ayaa sheegaya in waxyaabaha ay ku heshiiyeen ay qayb ka tahay in marka hore ay xoogga saaraan sidii ay baarlamaanka xubno iyo guddoonkaba u yeelan lahaayeen, si haddii uu markale guuleysto Farmaajo ay mooshin uga keenaan ama ay saaraan cadaadis baarlamaan. 

Rajada mucaaradka ayaa ah inay xoogga saaraan in Farmaajo uusan wax saameyn ah ku yeelan xildhibaanada ka imanaya Galmudug iyo HirShabelle, maadaama aysan wax welwel ah ka qabin dhanka Jubaland iyo Puntland.

Si kastaba, Haddii Qoor Qoor iyo Guudlaawe ay la mid noqdaan Lafta-gareen ama ku dhowaadaan, waxay kasii dhignaan doontaa niyadjab weyn oo dhanka mucaaradka ah.

Xeendaabka siyaasadda dalka ayaa waxaa ka jira dareen xoog leh oo ay qabaan dadka dorsa arrimaha siyaasadda, kaasoo ah in Farmaajo uu wado soo saarashada Xildhibaano markale doorta.

Dedaalkaan waxaa hore u soo sameeyay Madaxweynihii isaga ka horreeyay ee Xasan Sheekh Maxamuud inkastoo sidii la filayay aysan wax u dhicin 2017-kii, oo Xasan Sheeekh laga adkaaday.

GALMUDUG oo shaacisay qorshaheeda deegaannada laga saaray AL-SHABAAB

0

Camaara (Caasimada Online) – Wasiirka Amniga Maamulka Galmudug oo Warbaahinta la hadlay waxa uu sheegay in Dowlad-Goboleedkiisa uu diyaariyay qorshe Deegaannada Al-Shabaab ay ka qabsadeen loogu sameynayo maamullo ku shaqeeya & helista adeegyada aasaasiga ah.

Wasiirka oo shir jaraa’id ku qabtay magaalada Camaara ee Koonfurta Gobolka Mudug, isla markaana hoostagta Degmada Xarardheere ayaa sheegay in ciidamadu ay ku guuleysteen xaqiijinta amniga, haatanna ay magaalada tahay mid nabdoon oo Nabadgelydeeda la isku haleyn karo.

Mudane Axmed Macalin Fiqi ayaa xusay in magaalada Camaara laga hirgelin doona Saldhig boolis, xarumo caafimaad iyo Waxbarasho iyo waxyaabaha kale ee ay bulshada u baahantahay, maadaama Al-Shabaab ay kalhore baabi’iyeen goobihii bulshada loogu adeegi jiray.

Ciidamada Militariga ah ee Dowladda Federaalka & kuwa Daraawiishta Galmudug ayuu shaaciyay in ay kusii soconayaan howlgallada ka socda deegaannada ay joogaan Al-Shabaab sidaas awgeed ciidanka amniga lagu wareejinayo magaalooyinka ay qabsadaan.

Galmudug ayaa ku hanjabtay in ay gacanta ku dhigeyso Magaalo Xeebeedka Xarardheere ee Gobolka Mudug oo ay ku sugan yihiin Al-Shabaab, Saraakiisha howlgalka hoggaamineysa ayaa sheegay in ciidanka uu jiheysanayo Degmadaas.

Howlgalka ka socda Gobolka Mudug oo socda dhowr todobaad waxaa ka qaybgala diyaaradaha duulliye la’aanta Mareykanka oo saddex fuliyay duqeymo ay la eegteen deegaannada ay isaga baxeen Al-Shabaab oo markii dambe ay galeen Ciidanka DFS & Daraawiishta Galmudug.

ISRAEL oo ku dhowaaqday weerar ka dhan ah IRAN

Tel Aviv (Caasimada Online) – Wasiirka difaaca Israel ayaa ku dhowaaqay in Tel Aviv “ay diyaar u tahay inay weerarto Iran,” isaga oo intaas ku daray in Iran “ay caqabad ku tahay caalamka,” waxaa sidaas werisay wakaaladda wararka Anadolu.

Hadalka kasoo yeeray Benny Gantz ayuu ku sheegay wareysi gaar ah oo uu siiyey wargeyska Israel kasoo baxa ee Yedioth Ahronoth, Khamiistii.

“Iran waxay isku dayeysaa inay Israel ku noqoto caqabad dhinacyo badan ayada oo awooddeeda ku dhiseysa Lebanon iyo Gaza, maleeshiyo ku daabuleysa Syria iyo Iraq, islamarkaana taageeroyaal ku aas-aaseysa Yemen,” ayuu yiri Gantz.

Arbacadii, Benny Gantz ayaa shir ay soo abaabushay wasaaradda arrimaha dibedda Israel, oo ay ka qeyb galeen safiirada dalalka xubnaha ka ah Golaha Ammaanka, ku sheegay in Iran ay u baahan tahay oo kaliya “qiyaastii 10 toddobaad” si ay u hesho walxo ay ka sameyn karto hub Nukliyeer ah. 

Waxa uu sidoo kale ku eedeeyey Saeed Ara Jani, oo ah madaxa qeybta drone-ka ee Ciidamada Ilaalada Kacaanka Islaamiga ah ee Iran, inuu mas’uul ka yahay weerarada ka dhaca gacanka Persia. 

Israel ayaa toddobaadkii tegay Iran ku eedeysay inay mas’uul ka tahay weerar lagu qaaday Markab dalkaas ka diiwaan gashay oo marayey gacanka Cuman, weerarkaas oo lagu dilay qof British ah iyo mid Romanian ah, waxayna wacad ku martay jawaab “xanuun badan”.

Iran waa ay beenisay weerarkaas, waxayna ka digtay inay jawaab adag ka bixin doonto haddii la carqalad geliyo amnigeeda.

Cabdi Xaashi oo shaaciyey wixii dhex-maray isaga iyo Rooble kuna dhowaaqay in…

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyaha Aqalka Sare Cabdi Xaashi Cabdullaahi ayaa ka hadlay xaaladda dalka, taariikhdii lasoo maray iyo khilaafka ka taagan doorashda xildhibaannada Gobollada Waqooyi, iyo wixii dhex maray isaga iyo ra’iisul wasaare Rooble.

Cabdi Xaashi oo ka hadlayey kulan ka dhacay magaalada Muqdisho ayaa caddeeyay intii ay jirtay dowladda uu hoggaamiyo inuu Farmaajo ka hor taagnaa sharci darrada Dastuuriga ah, ayna isku dhaceen in badan, ayna dhacday in Golaha shacab laga ansixiyo laba sano oo ku darsi ah, ahna sharci darro.

Wuxuu ku eedeeyay madaxweynaha xilligiisu dhammaaday inuu u diiday madaxda kasoo jeeda Somaliland inay ka qeyb galaan shirarkii masiiriga ahaa ee Golaha Wadatashiga, taasina aany ogeyn abab ku kaliftay.

Cabdi Xaashi ayaa sidoo kale sheegay in Ra’iisal wasaare Maxamed Xuseen Rooble markii ay la shireen isaga iyo Mahdi Guuleed, uu ka dalbaday inay ku wareejiyaan arrinta Doorashada Somaliland, isaguna aanu u arkin inay arrinta Somaliland tahay badeecad la isku wareejinayo ee ay ahayd dad iyo dal, isla markaana uu dalbaday inuu talo la noqdo.

“Ra’iisal wasaaraha wuxuu u yeeray xubnaha guddiga doorashada ee 4-ta xubnood ahaa ee aan anigu magacaabay, wuxuuna ku yiri waa is dooraneysaan Guddigiina, haddii aan imaan weydaana waan idinka saarayaa Guddiga..” ayuu yiri Cabdi Xaashi oo Rooble ku eedeeyay inuu ka been sheegay wixii dhex maray.

Wuxuu si cad u sheegay Cabdi Xaashi inuusan cidna ka aqbaleynin inay mas’uul uga noqoto siyaasadda, wax aan heshiis lagu ahayna aanay socon doonin, wuxuuna Ra’iisal wasaare Rooble ku tilmaamay qof aan dhexdhexaad ahayn.

Guddiga doorashada gobollada waqooyi ayaa ka kooban 11 xubnood. Afar ka mid ah xubnaha waxaa soo magacaabay Mahdi Guuleed. Afar kale waxaa soo magacaabay Cabdi Xaashi, halka saddexda hartay uu soo magacaabay ra’iisul wasaare Rooble.

Saddexda xubnood ee uu soo magacaabay Rooble ayaa qorshuhu ahaa inay noqdaan kuwa ka madax banaan labada garab ee is-haya, si ay miisaan ugu noqdaan, hase yeeshee, waxay la safteen dhinac ka mid ah dhinacyada is-haya.

Saddexdan xubnood ayaa bishii lasoo dhaafay ku biiray garabka Mahdi Guuleed, waxayna qabteen doorasho lagala dhuuntay garabka Cabdi Xaashi oo ay ku doorteen hoggaan.

Isha: Goobjooge

Cabdicasiis Lafta-gareen oo hanjabaad culus u diray qaar ka mid ah ciidamada…

0

Baydhabo (Caasimada Online) – Madaxweynaha dowlad goboleedka Koonfur Galbeed, Cabdicasiis Xasan Maxamed (Lafta-gareen) oo shalay ka hadlayey kulan ka dhacay magaalada Baydhabo ayaa sheegay in marnaba loo dulqaadan doonin Askarta amar diidada ku sameysa Saraakiisha ka sareysa.

Waxa uu sheegay in loo baahan yahay in Ciidamada Qalabka-sida ay noqdaan kuwa anshaxa Ciidamannimo ilaaliyo, islamarkaana isku ixtiraama sida ay u kala darajo sareeyan.

Lafta-gareen ayaa shaaciyey in tallaabo sharci ah laga qaadi doono Askarta ku dhaqaaqda arrintaas, maadama ay dhowr jeer dhacday in ciidamada qaar ka hor-yimaadan amarada Saraakiisha ka sareysa.

“Mararka qaar waxaa dhacdo in askarta ay amar diido ku sameeyaan Saraakiisha ka sareeysa, taasi oo aan loo baahneyn. Waa in aan marnaba laga mashquulin dagaalka adag ee lagula jiro Al-Shabaab,” ayuu yiri Madaxweyne Lafta-gareen.

Sidoo kale waxa uu ciidamada qalabka sida uga digay inay ka mashquulan waajibaadkodo ku aadan la dagaalanka argagixisada, islamarkaana ay xoojiyaan dagaalka qaraar ee ay kula jiraan Al-Shabaab iyo xoogaga kale.

Hadalka madaxweyne Lafta-gareen ayaa imaanaya xili uu deegaano dhowr ah oo ka tirsan maamulka Koonfur Galbeed ay ciidamadu ka wadaan dagaal ka dhan ah Al-Shabaab, kaasi oo qeyb ka ah howl-galo ay ciidamadu ku sifeynayaan deegaanada maamulada dalka.

Madaxweyne Lafta-gareen oo u hanjabay qaar ka mid ah musharaxiinta (Daawo)

0

Baydhabo (Caasimaad Online) – Madaxweynaha dowlad goboleedka Koonfur Galbeed, Cabdcasiis Lafta-gareen ayaa markii u horeysay si adag uga hadlay handadaad la xiriirta in qaar kamid ah Musharaxiinta ay kasoo muuqdan kuraasta maamulada laga soo dooranayo.

Madaxweyne Lafta-gareen ayaa wax la’la yaabo ku tilmaamay in waaqican la joogo uu nin banaanka joogo ku hanjabo hub iyo tikniko, taasi oo uu ku dhaartay in uu gacan bir ah wax uga qaban doono.

“War yaa Ilaahay yaqaan, aniga labo ayaa fahmi waayay Ninka loo soo dhaaranaya; dadka ergada ah ee wax dooraneysa miyaa loo dhaaranaya mise maamulka loo dhaaranaya oo hal iyo labo BKM lagu dhameyn karaa Maya!, ilaa hadda waxaa fahmi la’yahay cida fariinta loo soo dirayo ee loo soo dhaaranayo,” ayuu yiri.

“Ma jirto cid aan uga tanaasulayo ama gor-gortan uga galayo amniga deegaankan. Amniga Koonfur Galbeed iyo amniga doorashadaba gacan bir ah ayaa ku qabaneyna, cid kasta oo isku deyda inay dadka qal-qal geliso ama been u sheegtaba Wallaahi waa ka qabaneyna.”

Sidoo kale waxa uu carabka ku adkeeyay in marnaba aysan dhaceyn in loogu hanjabo qal-qal gelinta amniga, si loo qaato kuraasta maamulkiisa, waa sida uu hadalka u dhigaye.

Ma jirto cid uu si shaacsan ugu jawaabay Lafta-gareen ilaa hadda inta la ogyahay, hase yeeshe warar hoose oo soo baxaya ayaa sheegaya in musharaxiin damaca uga jiro kuraasta maamulkaas ay u hanjabeen.

Ma aha markii u horeysay ee musharaxiinta hunguriyeynaysa kuraasta labada Gole ee BFS ay luuqad adag ugu hanjabaan madaxda maamulada, sida dhacday kal hore musharaxiin si shaacsan u sheegtay inay cawaaqib xumo ka dhalan doonto haddii laga hor istaago kuraastaas.

Rooble oo war kasoo saaray doorashada iyo go’aan uu ka gaaray khilaafka guddiga…

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda xil-gaarsiinta, Maxamed Xuseen Rooble oo maanta shir guddoominayay Shirka Golaha Wasiirada ayaa waxa uu uga warbixiyay golaha doorashada Aqalka Sare, isagoona siiyey go’aan uu ka gaaray khilaafka guddiga doorashooyinka Somaliland.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa golaha u sheegay inkastoo uu jiro dib u dhac yar, hadana kulan labo habeen ka hor uu la yeeshay Madasha Qaran ay isku afgarteen inay ku soo afjaraan doorashada Aqalka Sare asbuuca soo socda.

Waxa kale oo uu sheegay in kulan ay iskugu imaan doonaan Madaxda Golaha Wada-tashiga Qaran, kadib marka lasoo afmeero doorashada Aqalka Sare, kaasi oo looga arinsan doono sidii horey loogu sii amba-qaadi lahaa doorashada Gollaha Shacabka.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa sidoo kale waxa uu golaha uga warbixiyay dhex-dhexaaditii uu ka sameeyay khilaafka guddiga doorashooyinka Somaliland, oo ayagu u kala jabay labo garab, islamarkaana uu mid kastaa leeyahay guddoon u gaar ah.

Waxa uu sheegay Rooble in uu waqti badan ku bixiyey sidii uu is-faham uga dhex abuuri lahaa Cabdi Xaashi iyo Mahdi Guuleed, hase yeeshe uu xiligaan go’aansaday in doorashada guddoonka la guda galo, guddiguna uu dhexdiisa is doorto.

Go’aanka uu Rooble ka gaaray khilaafka guddiga doorashooyinka Somaliland ayaa waxaa qaadacay garabka Cabdi Xaashi oo u arka mid uu Ra’iisul wasaaraha ugu xaglinayo dhinaca Mahdi Guuleed, waxayna arrintaan mugdi hor leh galin kartaa doorashada kuraasta gobolada Waqooyi.

DF oo amar cusub maanta kusoo rogtay diyaaradaha SOOMAALIYA ka howlgala

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Hay’adda Duulista Rayidka Soomaaliyeed ayaa maanta soo rogtay amar cusub oo waajibanaya in howl-wadeenada diyaaradaha dalka ay xirtaan af-saabka (Face-mask), si looga gaashamto mowjada saddexaad ee cudurka Covid-19.

Qoraal kasoo baxay Hay’adda Duulista Rayidka Soomaaliyeed oo ku socday howl-wadeenada diyaaradaha ayaa waxaa lagu faray in dhammaan howl-wadeenada diyaaradaha dalka ka shaqeeya ay qaatan af-saabka, ayada oo la dhaqan-gelinayo tilmaamaha caafimaad ee Wasaaradda caafimaadka Soomaaliya.

Amarka cusub ee kasoo baxay Hay’adda Duulista Rayidka ayaa waxaa lagu sheegay inay qeyb ka tahay dadaalada looga hortagayo mowjada cusub ee cudurka Covid-19, islamarkaana ay kiisaska cudurka sare uga kacayaan dalka.

“Maamulka Duulista Rayidka Soomaaliyeed (SCAA} waxa uu qaadaya mas’uuliyadda ah in la dhaqan-geliyo tallaabooyinka bad-baadada iyo tilmaamaha ay bixisay Wasaaradda Caafimaadka, si loo ilaaliyo rakaabka saaran diyaarad iyo kuwa adeegsada Gegida Diyaaradaha Soomaaliya, loona yareeyo faafitaanka halista fayraska. SCAA waxay ku wargelinaysaa dhammaan howl-wadeennada in Face-mask ay xirtaan,” ayaa lagu yiri qoraalka.

Sidoo kale waxaa qoraalka Hay’adda Duulista Rayidka lagu sii adkeeyay go’aamkii hore ee ahaa in rakaabka ka dhoofaya garoomada dalka ay xirtaan af-saabka ka hor inta aysan u gudbin gudaha diyaaradda.

Amarkaan ayaa imaanaya xili maalmihii u dambeeyay ay sare u kaceen kiisaska cudurka Covid-19 ee dalka, waxaana 48 saac ee u dambeeyay dalka oo dhan laga helay cudurka dad kor u dhaafaya 161 qof, sida ay shaacisay wasaaradda caafimaadka.

Xog: Sababta rasmiga ah ee Cabdi Xaashi u diidan yahay qorshaha R/Wasaare Rooble

Muqdisho (Caasimada Online) – Doorashada guddoonka guddiga doorashada xildhibaanada gobollada waqooyi ayaa la filayaa inay Sabtida ka dhacdo xerada Afisyoone, si loo mideeyo labada garab ee guddiga ee la kala safan Cabdi Xaashi iyo Mahdi Guuleed.

Si kastaba, garabka siyaasiyiinta gobollada waqooyi iyo Cabdi Xaashi ayaa diidan doorashadan, oo ay u arkaan in hoggaanka guddiga loogu gacan gelinayo garabka Mahdi Guuleed.

Qoraal shalay kasoo baxay garabka Cabdi Xaashi ayey ku qaadaceen doorashada, ayaga oo caddeeyey inuusan jirin wax heshiis is-afgarad ah oo laga gaaray kulamadii ay la yeesheen Ra’iisul Wasaare Rooble.

Muxuu Cabdi Xaashi u diidan yahay doorashada?

Doorashada ayaa ah mid Rooble uu doonayo inuu hoggaanka guddiga ugu gacan geliyo Mahdi Guuleed iyo madaxweyne Farmaajo

Guddiga ayaa ka kooban 11 xubnood. Afar ka mid ah xubnaha waxaa soo magacaabay Mahdi Guuleed. Afar kale waxaa soo magacaabay Cabdi Xaashi, halka saddexda hartay uu soo magacaabay ra’iisul wasaare Rooble.

Saddexda xubnood ee uu soo magacaabay Rooble ayaa qorshuhu ahaa inay noqdaan kuwa ka madax banaan labada garab ee is-haya, si ay miisaan ugu noqdaan, hase yeeshee, waxay la safteen dhinac ka mid ah dhinacyada is-haya.

Saddexdan xubnood ayaa bishii lasoo dhaafay ku biiray garabka Mahdi Guuleed, waxayna qabteen doorasho lagala dhuuntay garabka Cabdi Xaashi oo ay ku doorteen hoggaan.

Sidaas darteed, su’aasha ayaa ah; maxaa diidaya in mar kale ay sidaas sameeyaan marka la qabto doorashada hoggaanka cusub, oo la filayo inay ka dhacdo teendhada Afisyoone?

Dhibaatada ugu weyn waxa ay ka taagan tahay; in Rooble uu soo magacaabay xubno aan dhex-dhexaad aheyn, ayada oo aan taas la xalinna ma iman doono xal.

Waxaa jiray heshiis ay horey u gaareen Rooble iyo Cabdi Xaashi oo dhigayey in saddexda xubnood ee uu soo magacaabay aysan ka qeyb-gelin wax codeyn ah, maadaama aysan dhex-dhexaad aheyn, taasi oo Rooble uu diiday inuu fuliyo.

Israel oo sii xoojisay weerarka ay ku qaaday Lubnaan iyo wararkii ugu dambeeyey

Israel ayaa maanta sii xoojisay duqeymo cirka ah oo ay ku qaaday dalka Lubanaan, ayada oo sheegtay inay ka jawaabeyso gantaallo halkaas looga soo tuuray toddobaadkan.

War-saxaafadeed kasoo baxay ciidamada Israel ayaa lagu sheegay in diyaaradaha dagaalka ay weerareen goobo gantaallada looga soo tuuray dhowrkii maalmood ee tegay, iyo goobo cusub oo horey Israel looga soo weeraray.

Ciidamada ayaa ku eedeeyey dowladda Lubnaan weerarka, waxayna ka digeen “Isku dayo kale oo lagu waxyeeleynayo shacabka iyo madax-banaanida Israel.”

Weerarada cusub oo xaaladda kasii daraya ayaa imanaya xilli ay jirto xiisad siyaasadeed oo kacsan. Dowladda isbaheysiga ah ee Israel oo ka kooban sideed xisbi ayaa isku dayeysa inay ilaaliso xabad-joojin aan cago adag ku taagneyn oo lala galay kooxda Xamas ee maamusha Gaza, taasi oo soo geba-gebeysay dagaal socday 11 maalmood, bishii May.

Dhowr dhacdo oo ka horeeyey gantaallada toddobaadkan laga soo tuuray Lubnaan ayaa diiradda saaraya xuduudda waqooyi ee Israel, islamarkaana Mareykanka ayaa si deg deg ah u cambaareeyey weerarada lagu soo qaaday Israel.

Taleefishinka Al-Manar oo ay leedahay kooxda Xizbullah ayaa weriyey duqeymaha Israel, qiyaastii 2:00 AM, wuxuuna intaas ku daray inay ku dhaceen goob banaan oo ku taalla xaafadda Mahmoudiya ee degmada Marjayoun.

Avichai Adraee, oo ah afhayeenka luuqadda Carabiga ku hadlay ee ciidamada Israel, ayaa sheegay in dowladda Lubnaan ay mas’uul ka tahay waxa ka dhacaya dhulkeeda, wuxuuna ka digay weeraro kale oo Israel looga soo qaado Koonfurrta Lubnaan.

AP+VOA

Al-Shabaab oo toogasho ku fulisay nin ‘aflagaadeeyey’ Nabi Maxamed (NNKH)

0

Dhuusamareen (Caasimada Online) -Kooxda Al-Shabaab ayaa waxaa lagu soo warramayaa in shalay gelinkii dambe nin da’ah ay ku toogtay fagaare ku yaalla degmada Ceelbuur oo ka tirsan gobolka Galgaduud ee bartamaha Soomaaliya.

Toogashada ayaa waxaa fuliyey xoogag ka tirsan Al-Shabaab, waxaana goobta ku sugnaa mas’uuliyiin ka tirsan kooxda iyo dadweyne la’isugu yeeray halkaasi.

Al-Shabaab ayaa ku eedeysay ninka la toogtay oo da’diisu ay aheyd 87 sano jirin ‘inuu aflagaadeeyey’ Nabi Maxamed naxariis iyo nabad-gelyo korkiisa ha’ahaatee.

Marxuumka ayaa waxaa lagu magacaabi jiray Xasan Tooxow Fiidow oo loo yaqaanay (Luglug), wuxuuna ku noolaa deegaanka Xiindheere ee gobolka Galgaduud.

Maxkamadda Al-Shabaab ee xukuntay marxuumka ayaa shaaca ka qaaday in caddeymo iyo sidoo kale marqaatiyaal lagu helay, sidaasna lagu dilay.

Sidoo kale ninka da’da ah ee la toogtay ayaa la sheegay inuu ka sheekeeyey taariikhda Idaacadaha ku yaalla Soomaaliya, balse marka la weydiiyey abtirsiga Nabi Maxamed (NNKH) uu ku jawaabay “Marka aan baranayo abtirsigiisa ma aniga ayaa dhalay, ma aniga ayaa habartiis ka dhalay,” kadib garsooraha ayaa ku dhawaaqay in falkaasi ay u arkaan mid ‘Diin ka bax ah’, isla-markaana yahay xad riddo ah, sidaas daraadeedna lagu xukumay dil.

Inta badan kooxda Al-Shabaab ayaa xukuno u badan dilal ka fulisa deegaanada ay maamusho ee koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya.

Si kastaba dilkan ayaa wuxuu noqonayaa kii ugu horreeyay oo ay Al-Shabaab ku fuliso ruux ay sheegeen inuu aflagaadeeyey Nabiga naxariis iyo nabad-gelyo korkiisa ha’ahaatee.

Xog: Rooble iyo Ashakir oo u hanjabay xubnaha guddiga doorashada ee Cabdi Xaashi

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble, iyo wasiiru dowlaha xafiiska Ra’isul Wasaaraha Cabdixakiin Ashkir ayaa u hanjabay xubnaha uu soo magacaabay Cabdi Xaashi ee ku jira guddiga doorashada Somaliland, sida ay ogaatay Caasimada Online.

Rooble ayaa xubnaha guddiga oo guud ahaan ka kooban 11, waxa uu xafiiskiisa kula kulmay Talaadadii, halkaasi oo uu kaga dhowaaqay in la baabi’iyay doorashooyinkii hoggaanka guddiyada doorashada gobollada waqooyi ee muranka uu ka dhashay, lana qabanayo doorasho cusub.

Qaar ka mid ah afarta xubnood ee guddiga ee uu soo magacaabay Cabdi Xaashi ayaa Caasimada Online u sheegay in intii uu socday kulanka uu Rooble ugu hanjabay in ciddii diida inay ka qeyb qaadato doorashada cusub ee hoggaanka guddiga laga saari doono guddiga.

Isla habeenkii Talaadada, ayaa wasiiru dowlaha xafiiska Ra’isul Wasaaraha Cabdixakiin Ashkir, oo aad ugu dhow Farmaajo, wuxuu casho u sameeyey xubnaha guddiga isaga oo mar kale ku celiyey hanjabaaddaas, sida aan xogta ku helnay.

Maalinkii xigay oo aheyd Arbacadii shalay ayaa Guddiga doorashooyinka heer federaal waxa uu iclaamiyey in doorashada guddoonka xubnaha guddiga doorashada kuraasta Somaliland la qabto maalinta Sabtida ah ee soo socota, laguna qabto Afisyoone.

Si kastaba, garabka Cabdi Xaashi ayaa durba soo saaray qoraal ay ku qaadaceen doorashada, ayaga oo caddeeyey inuusan jirin wax heshiis is-afgarad ah oo laga gaaray kulamadii ay la yeesheen Ra’iisul Wasaare Rooble.

Si kastaba, Rooble ayaa mowqifkiisa ku adkeystay, waxaana xalay uu Cabdixakiin Ashakir soo saaray qoraal uu xafiiska Ra’iisul Wasaaraha ku taageerayo qabashada doorashada halka dhinac ah. 

Muxuu Cabdi Xaashi u diidan yahay doorashada?

Doorashada ayaa ah mid Rooble uu doonayo inuu hoggaanka guddiga ugu gacan geliyo Mahdi Guuleed iyo madaxweyne Farmaajo

Guddiga ayaa ka kooban 11 xubnood. Afar ka mid ah xubnaha waxaa soo magacaabay Mahdi Guuleed. Afar kale waxaa soo magacaabay Cabdi Xaashi, halka saddexda hartay uu soo magacaabay ra’iisul wasaare Rooble.

Saddexda xubnood ee uu soo magacaabay Rooble ayaa qorshuhu ahaa inay noqdaan kuwa ka madax banaan labada garab ee is-haya, si ay miisaan ugu noqdaan, hase yeeshee, waxay la safteen dhinac ka mid ah dhinacyada is-haya.

Saddexdan xubnood ayaa bishii lasoo dhaafay ku biiray garabka Mahdi Guuleed, waxayna qabteen doorasho lagala dhuuntay garabka Cabdi Xaashi oo ay ku doorteen hoggaan.

Sidaas darteed, su’aasha ayaa ah; maxaa diidaya in mar kale ay sidaas sameeyaan marka la qabto doorashada hoggaanka cusub, oo la filayo inay ka dhacdo teendhada Afisyoone?

Dhibaatada ugu weyn waxa ay ka taagan tahay; in Rooble uu soo magacaabay xubno aan dhex-dhexaad aheyn, ayada oo aan taas la xalinna ma iman doono xal.

Waxaa jiray heshiis ay horey u gaareen Rooble iyo Cabdi Xaashi oo dhigayey in saddexda xubnood ee uu soo magacaabay aysan ka qeyb-gelin wax codeyn ah, maadaama aysan dhex-dhexaad aheyn, taasi oo Rooble uu diiday inuu fuliyo.

Madaxweyne Saciid Deni oo maanta shaacinaya LIISKA musharraxiinta Aqalka Sare

0

Garoowe (Caasimada Online) – Wararka laga helayo Garoowe ayaa sheegaya in saacadaha soo socda la filayo in madaxweynaha Puntland Saciid Cabdullahi Deni uu ku dhawaaqayo liiska xubnaha musharraxiinta ee Aqalka Sare ku metalaya maamulkaasi.

Deni ayaa haatan wada wada-tashiyadii ugu dambeeyey ee la xiriira shaacinta xubnaha u sharraxan Puntland Senatorada ay ku yeelaneyso Aqalka Sare ee afarta sano ee socota.

Sidoo kale wararka ayaa intaasi kusii daraya in Saciid Deni uu xalay kulan gaar ah la qaatay guddoonka iyo xildhibaannada golaha wakiilada Puntland, isaga oo kala hadlay sidii loo bilaabi lahaa doorashada Aqalka Sare ee Puntland, si loo dhaqan-geliyo jadwalkii hore.

Sida ay ogaatay Caasimada Online waxaa suuragal ah in liiskan ay iska waayaan qaar ka mid ah Senatorada haatan Puntland ku metala Aqalka Sare ee Soomaaliya.

Garoowe ayaa waxaa sidoo kale muddooyinkii dambe ka socday kulamo xasaasi ah oo looga hadlayey arrimaha doorashooyinka, gaar ahaan tan xildhibaanada labada Aqal.

Puntland ayaa ka mid ah maamullada ka daahay qabashada doorashada Aqalka Sare, waxaana isa soo tarayey baaqyada loo dirayey ee ku aadan bilaabista doorashooyinka.

Si kastaba Jubbaland iyo Koonfur Galbeed ayaa noqday maamulladii ugu horreeyey ee ku guuleysta bilaabista soo xulista Senatotada cusub, kuwaas oo qaarkood lagu doortay magaalooyinka Kismaayo iyo Baydhabo oo xarumo KMG u ah labadaasi maamul goboleed.

Maxay tahay sirta ku saabsan Maxamed Bin Salmaan ee lagu shaacin rabo Canada?

Toronto (Caasimada Online) – Saraakiil Mareykan ah ayaa soo farageliyay dacwad ka socoto Canada oo uu ku lug leeyahay Madaxii hore ee Sirdoonka Sacuudiga Sacad Al-Jaabiri, taasi oo daaha ka qaadeysa shaqo sirdoon oo xasaasi ah oo qarsoon. 

Sacad Al-Jaabiri, Madaxii hore ee Sirdoonka oo loo masaafuriyay Canada, waxaa ka dhashay khilaaf soo kala dhexgalay Amiirkii hore ee xilka dhaxal-sug ee Sacuudiga laga qaaday Mohammed bin Nayef (MBN) iyo Dhaxal-sugaha kala wareegay ee Amiir Mohammed bin Salman (MBS).

Al-Jaabiri oo muddo fog wax ka ogaa howlgalka Wadajirka ah Sacuudiga & Mareykanka ee “La dagaalanka Argagixisada,” ayaa sanadkii tagay ku andacooday in Amiirka Sacuudiga Maxamed Bin Salmaan uu u qorsheeyay shirqool dil ah, halka uu xiray labo carruur ah oo uu dhalay.

Al-Jaabiri ayaa ku lug lahaa howlaha qarsoon ee Maxamed Bin Salmaan. Saaxiibkii hore, Amiir Maxamed Bin Naif, oo uu ula shaqeyn jiray ayaa xabsi guri ku jira, kadib markii laga qaaday Dhaxal Sugenimada 2017-kii waliba si afgambi ah.

Sacad Al-Jaabiri waxa uu kaalin weyn ka qaatay howlgaladii uu dhaxal-suge Maxamed Bin Salmaan ku beegsaday dad maalqabeeno ah oo ay ku jiraan xubno ka tirsan qoyska Boqortooyadooda.

Qoraal uu diyaariyay Qareenka Al-Jaabiri oo ay aragtay Wakaaladda Wararka AFP ayaa waaxda Cadaaladda Mareykanka waxay ku codsatay “dib u dhigista dhammaan gal dacwadeedyada” maxkamadda Ontario ilaa 30-ka September si Washington ay u hesho waqti ay uga fakirto tallaabooyinka lagu ilaalinayo danaheeda.

“Xiriirka Arrimaha Dibadda iyo Amniga qaranka Mareykanka waxa ay u baahan yihiin in la dabciyo marna la adkeeyo,” Sidaasi waxaa qoraal ku taariikheysan 29-kii June ku yiri Qareenka Dowladda Malcolm Ruby.

Inkasta oo ay Washington in aysan “wax Mowqif ah ka laheyn kiiska” haddana waxa ay ka welwelsan tahay “Ilaalinta macluumaadka Amniga Qaranka,” ayuu qoraalkiisa sii raaciyay Malcolm Ruby Qareenka Dowladda.

Faafitaanta siraha

Warqad loo dusiyay (Lala wadaagay) Elizabeth Ricards oo ah La taliye ka tirsan waaxda Cadaaladda Canada ayaa Mareykanka loosoo jeediyay in uu si hoose ula shaqeeyo dhiggooda Canada “Si Xushamad leh”.

Richards iyo qareenka Al-Jaabiri kama aysan jawaabin codsiga AFP, Halka Ruby uu qoraalka AFP u weeciyay waaxda Cadaaladda Mareykanka oo iyanna dhankeeda diiday in ay jawaab ka bixiso arrintaan.

Qoraalka Ruby ayaa lagu sheegay in soo gudbinta difaaca Al-Jaabiri ay si toos ah u kicin doonto qodobbada hoos yimaada “qaybta 38 ee Sharciga Caddaynta Canada”, taas oo ku qasbi doonta qareennadiisa in ay dib u saxaan macluumaadka xasaasiga ah.

Xeer-dheerayaasha ayaa sheegay in sharciga qodobkaan xasaasiga ah shaacinta macluumaadka iyo xogaha ku jira ee xasaasiga ah ay u baahan doonto in la helo fasax (Ogolaansho) laga helo qareenka guud ee Canada ama Mid maxkamadeed.

“Maxkamadaha Canada waligood ma aanay arag wax lamid ah tan,” ayuu yiri garyaqaan fadhigiisu yahay Magaalada Toronto oo codsaday in aan magaciisa la adeegsan. “Halka qodobka 38 uu si KMG ah uga hortagayo gudbinta macluumaadka amniga qaranka Mareykanka haddana Dr Al-Jaabiri waxa ay kahor joogsaneysaa in uu adeegsado caddeymo udub dhexaad u ah difaaciisa,” ayuu Qareenka u sheegay AFP.

Dacwadaha waxaa iska leh shirkado badan, oo ay ku jirto Sakab Saudi Holding, kuwaas oo xareynaya galdacweedka aasaaska Amiir Maxamed Bin Salman waxaana ay qayb ka ahaayeen shirkado isku xiran oo gabbaad looga dhigtay howlgalka la dagaalanka “Argagixisada” Sacuudiga iyo Mareyianka.

Bishii March, Sakab waxa ay Al-Jaabiri ku eedeysay in uu lunsaday $3.47 Bilyan oo dollar, isaga oo ka shaqeynayay Wasaaradda arrimaha Gudaha Sacuudiga. Maxkamadda Massachusetts waxa ay Boston ku wargelisay in ay xayirto $29 Milyan oo dollar oo lacagiisa ah.

Tani waxa ay timid kamid markii shirkado badan oo Sacuudiga laga leeyahay oo ay kamid tahay Sakab ay Canada ka dalbatay in ay xayirto sidaas oo kale si loo joojiyo dhaqdhaqaaqa hantidiisa taalla Dalkaas.

Si loo caddeeyo in uusan dambi lahayn, Al-Jaabiri wuxuu leeyahay maxkamaduhu waxa ay u baahan doonaan in ay baaraan dhaqaalaha Shirkadda Sakab oo ay kamid tahay sida loo isticmaalay maalgelinta barnaamijyada howlgallada CIA, Hay’adda Amniga Qaranka ee Mareykanka iyo Waaxda Difaaca Dalkaas.

Murankaan ayaa khilaaf ka dhex geliyay xubnaha boqortooyada dhexdooda, waxaana uu gaaray in la xiro shaqsiyaadka qaar, Sacad Al-Jaabiri waxa uu sanooyin badan aad ugu dhawaa dhaxal-sugihii hore Maxamed Bin Nayef oo lagu ammaano in uu ka adkaaday Al-Qaacida sanadkii 2000.

Sidoo kale waxa uu Aljaabiri udub dhexaad uu ahaa Xiriirka Sacuudiga uu la yeeshay Sirdoonka Dalalka Mareykanka, Ingiriiska, Canada, Austarlia & New Zealand, waana tan keentay in baacsigiisa uu bato in xogta uu hayo loo af qabto.

Jubbaland oo dad usoo qab-qabatay qaraxii lagu dilay cayaartoyda + Sawirro

0

Kismaayo (Caasimada Online) – Shirka golaha wasiirada Jubbaland oo uu maanta shir guddoomiyey madaxweyne ku xigeenka koowaad ee maamulkaasi, Maxamuud Sayid Aadan ayaa waxaa lagu soo hadal qaaday qaraxii lala beegsaday kooxda kubadda cagta JCCI ee dhowaan ka dhacay magaallo xeebeedka Kismaayo ee xarunta gobolka Jubbada Hoose.

Ugu horreyn shirka ayaa waxaa warbixin looga dhageystay wasaaradda amniga, taas oo ku aadan qaraxii Kismaayo iyo amniga guud ee dowlad goboleedka Jubbaland.

Wasaaradda amniga ayaa shaaca ka qaaday in tiro dad ah loo soo qab-qabtay qaraxaas, kuwaas oo ay tilmaamtay inay weli ku socdaan baaritaano dheeraad ah.

Sidoo kale wasaarada dhalinyarada iyo ciyaaraha Jubbaland ayaa golaha la wadaagtay sidii loogu gurmaday ciyaartooydii ay waxyeeladu ka soo gaartay qaraxaasi oo geystay khasaare kala duwan oo isugu jiro dhimasho iyo dhaawac soo gaaray qaar ka mid ah ciyaartoyda.

Golaha ayaa sidoo kale soo jeediyey in la xoojiyo amniga, si looga hortego weerarada iyo dilalka qorsheysan, maadaama haatan lagu jiro soo doorashada xildhibaanada labada Aqal

Ugu dambeyn wasaarada maaliyadda ayaa gudbisay xeerka i-sbadalka sharciga qoondada, kaas oo golahu ay falanqeyn kadib dib ugu soo celin doonaan fadhiyada  kale ee soo socda.

Jubbaland ayaa haatan billowday doorashada Soomaaliya, gaar ahaan Golaha Aqalka Sare ee Soomaaliya, iyada oo Senataro cusub lagu doortay magaallo xeebeedka Kismaayo.

Somalia oo QM u gudbisay QORSHIHII laga sugayey

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Dowladda federaalka ah ee Soomaaliya ayaa ku guuleystay in ugu dambeyn ay Qaramada Midoobay u gudbiso qorshaheeda dhinaca is-bedelka cimilada, kaas oo waafaqsan heshiiskii Paris ee la gaaray 2015-kii.

Ra’iisul wasaare ku xigeenka dalka oo ka hadlay qorshahan, kadib qoraal uu soo dhigay bartiisa Twitter-ka ayaa shaaca ka qaaday in uu faraxsanyahay in Soomaaliya ay gudbiso  qorshaheeda tabarrcaadyada Qaran ee waafaqsan heshiiskii Paris ee isbedelka cimilada.

“Waxaan ku faraxsanahay inaan ku dhawaaqo in Soomaaliya ay soo gudbisay tabarrucyadii Qaran ahaan loo qoondeeyay si waafaqsan waajibaadka caalamiga ah iyo heshiiskii Paris ee isbeddelka cimilada,” ayuu Mahdi Guuleed ku yiri qoraalka uu soo dhigay bartiisa Twitterka.

Heshiiska Paris ayaa waxaa la ansixiyey sanadkii 2015, waxaana dhinacyada laga rabay inay soo gudbiyaan tabarrucaadkooda Qaran ugu dambeyn sanadkii 2020-kii

Sidoo kale heshiiska Paris ayaa wuxuu tilmaamayaa qaab dhismeed caalami ah oo lagula dagaallamayo isbedelka cimilada ee caalamka oo dhan.

Si kastaba u jeeddada ugu weyn ee qorshahan ayaa ah  in la xoojiyo awooda wadamada caalamka ee la tacaalida saameynta is-bedelka cimilada oo lagu taageero dadaalkooda.

Maxay ka wada-hadleen madaxweyne Qoor Qoor iyo wafdigii QM + Sawirro

0

Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Madaxweynaha dowladda goboleedka Galmudug, Axmed Cabdi Kaariye ayaa xarunta Madaxtooyada maamulkaas ku qaabilay Ku-xigeenka Ergeyga Qaramada Midoobey ee Soomaaliya, Marwo Anita Kiki Gbeho iyo wafdi ay hogaaminayso oo maanta gaaray magaalada Dhuusmareeb.

Wafdiga sare ee ka socda Qaramada Midoobay iyo madaxweynaha Galmudug ayaa waxay ka wada-hadleen xaalada Galmudug, arrimaha Doorashooyinka iyo sidii loo dar-dar gelin lahaa doorashada maamulkaas.

Waxa kale oo kulanka looga hadlay amniga doorashada iyo arrimaha horumarinta maamulkaas oo ay kaalin weyn ka qaadan doonto Qaramada Midoobay.

Qoor Qoor ayaa dhinaciisa uga warbixiyey wafdiga QM howl-galada ka dhanka ah cadowga argagaxisada iyo guulihii u danbeeyay ee laga gaaray dagaalanka ay kula jiraan ciidamada dowladda.

Sidoo kale waxa uu Qoor Qoor uu la wadaagay wafdiga xaaladaha bini’aadanimo ee soo foodsaaray shacabka ku sugan deeganada dhawaan laga sifeeyay argagaxisada

Ugu dambeyntiina wafdiga ayaa kulan doceed la qaatay Guddoomiye ku xigeenka 2-aad ee Baarlamaanka Galmudug, Marwo Faadumo Cabdi Cali (Faandhe) iyo xubno ka tirsan golaha wasiirada oo kulanka Qoor Qoor ku wehlinayay.

Sababta ay qaar ka mid ah musharaxiinta madaxweyne u raadinayaan xildhibaanimo

Warbixintan oo muuqaal ah halkan ka daawo

Muqdisho (Caasimada Online) – Dhaq-dhaqaayo lama filaan ah ayaa ka socda xeendaabka siyaasadda Soomaaliya, kadib markii musharaxiin madaxweyne oo badan ay billaabeen dadaallo ay ku doonayaan inay ku noqdaan xildhibaano.

Xubnahan ayaa isugu jira siyaasiyiin la rumeysan yahay inay fursad u leeyihiin in loo doorto madaxweyne, iyo kuwa rajadoodu ay yar tahay.

Waxaa sidoo kale kala duwan ujeedka ay musharaxiinta madaxweyne u raadinayaan xildhibaannimada, inkasta oo si guud ay u wada sheegayaan hal ujeed oo isku mid ah.

Sida ay ogaatay Caasimada Online, musharaxiinta raadinaya xildhibaannimada ayaa waxaa ka mid ah madaxweynihii hore ee Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed, Ra’iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya Xasan Cali Kheyre iyo hogaamiyaha xisbiga Wadajir Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame.

Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa todobaadkaan la kulmay odoyaasha beesha Agoonyar, waxa uuna weydiistay kursiga iyadoo la sheegay in shanta oday ee beesha ay si buuxda u ogolaadeen kursigaas, laguna wargeliyey in haddii uu doonayo aanay jirin cid kula tartami karta.

Kursigan ayaa waxaa hadda ku fadhiya Cabdullaahi Maxamed Nuur, oo sida la sheegay Shariif abaal weyn u haya, una ixtiraama sida aabihiis oo kale, kaasi oo aan tartan la gali doonin madaxweynaha.

Sidoo kale, Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa la sheegay inuu odayaasha beeshiisa kala hadlay inuu isku sharxayo xildhibaan, waxaana wararka ay sheegayaan inaan jawaab rasmi ah la siin. Kursigan ayaa waxaa hadda ku fadhiya Saciid Nuur Giriish.

Dhanka kale, ra’iisul wasaare Xasan Cali Kheyre ayaa sida ay ogaatay Caasimada Online, waxa uu rabitaankiisa weli ku kooban yahay isaga, mana jirto cid ka tirsan odayaasha beesha Habar Cayno oo uu kala hadlay.

Waxaa sidoo kale jira musharaxiin kale oo dhowr ah, balse ah kuwa aan markii horeba sidaas looga aqoon saaxadda siyaasadda dalka.

Waa maxay ujeedka loo doonayo xildhibaannimada?

Sababta ugu weyn ee musharaxiinta ay u raadinayaan xildhibaanada ayaa lagu sheegay inay tahay inay helaan xasaanad, sida qaarkood laga soo xigtay.

Si kastaba, Inkasta oo xasaasnadda ay tahay daaha gadaashiisa la isku qarinayo, haddana wararka qaar ayaa sheegaya in musharaxiinta qaar ay rumeysan yihiin inaysan haysan wax fursad ah oo lagu dooran karo, sidaas darteedna ay u raadinayaan xildhibaannimo.

Musharaxiinta madaxweyne ayaa ka kooban saddex koox. Kooxda koowaad waa koox ay dhab ka tahay inay u tartamaan xilka madaxweynaha. Kooxda labaad waa musharaxiin ku raadinaya xilal hoose. Halka kooxda saddexaad ay musharaxnimada ku raadinayaa dhaqaale.

Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa ka mid ah kooxda koowaad ee rajada madaxweyne leh, ayna dhab ka tahay loolanka madaxweeynaha. 

Shariif ayaa raadinaya xasaanadda kadib markii sanadihii la soo dhaafay uu la kulmay dhowr weerar oo kaga yimid dhinaca dowladda, waxaana la sheegay in haddii uu ku guuleysto tartanka xilka Madaxweynaha uu iska casili doono xilka xubinimada Golaha Shacabka.

Si kastaba, musharaxiinta kale, waxaa la rumeysan yahay inaysan musharaxnimada madaxweyne dhab ka aheyn, sidaas darteedna ay doonayaan xildhibaannimo.

Waxaa sidoo kale jirta koox saddexaad oo ah musharaxiin xil dhan aan dooneyn balse dhaqaale raadis ah.

Kooxdan ayaa saaxiibadooda iyo beelaha ay kasoo jeedaan lacag badan uga qaadanaya inay yihiin musharax madaxweyne, kadibna ayaga oo aan wax badan ka qarash gareyn lacagtaas ka haraya tartanka.

Arrintan ayaa dhacday doorashooyinkii lasoo dhaafay markaasi oo ganacsato qiireysan ay lacago ku shubeen rag ku beel ah, oo kadibna xitaa aan helin hal cod, ama tartanka ka haray markii doorashadu soo dhowaatay.

Si kastaba, ganacsatada ayaa sanadkan ka feejigan arrintaas, waxayna taageerayaan kaliya musharax ay hubaan inuu rajo wanaagsan leeyahay. Waxay tani horseeday in ganacsato badan ay taageeraan musharaxiin aan ku beel aheyn oo ay doonayaan inay wax ku darsadaan.

Wax ay ahaataba, toddobaadyada soo socda ayey kala caddaan doonaan musharaxiinta madaxweyne ee dhabta ah iyo kuwa leh ujeedooyinka kale ee qarsoon. 

GO’AAN culus oo laga soo saaray askarta rasaasta ku dhex furta SHACABKA

0

Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Guddoomiyaha Maxkamadda Ciidamada qalabka-sida ee dowlad gobaleedka Galmudug, Gaashaanlle Dhexe Cabdulaahi Abuukar Xassan ayaa shaaciyey in tallaabo adag laga qaadi doono Askariga bulshada dhexdeeda ku fura rasaasta.

Guddoomiyaha oo khudbad u jeedinayay Saraakiisha iyo Askarta ciidanka xooga dalka ee ku sugan magaalada Dhuusamareeb ayaa sidoo kale sheegay in aan la ogolaan doonin Askari xooga dalka ka tirsan uu fasax la’aan iska aado gudaha magaalooyinka.

Waxa kale oo uu sheegay inay dambi tahay in Ciidamada Milatarigu soo galaan shacabka dhexdooda, ayada oo uu sidoo kale faray hay’addaha amniga sida Booliska iyo Nabad-sugida.

Guddoomiye Cabdulaahi Abuukar ayaa waxa uu ciidamada qalabka sida qaybahooda kala duwan ku amaanay guulahii ay kasoo hooyeen howl-galada ka socda gobolka Mudug ee xoreynta magaalooyinka cusub sida Camaara ee maamulka Galmudug.

Waxa uu ku tilmaamay howl-galada ay ciidamada deegaanadaas kaga sifeynayaan argagixisada mid tusaale u ah soo afjarida Al-Shabaab iyo in aysan haynin Awood ay kusii joogi karaan deegaanada maamulkaas.

Go’aanka uu shaaciyey Guddoomiyaha ayaa waxa uu kusoo aadaya xili ay shacabka cabasho badan ka gudbiyeen rasaasta ay ciidamada ka dhex ridaan xaafadaha iyo gudaha magaalooyinka, islamarkaana ay ku dhib qabaan iska hor-imaadyada macnaha laheyn ee dhex-mara ciidamada.