27.5 C
Mogadishu
Sunday, June 22, 2025

Maxay ka wada-hadleen madaxweyne Qoor Qoor iyo wafdigii QM + Sawirro

0

Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Madaxweynaha dowladda goboleedka Galmudug, Axmed Cabdi Kaariye ayaa xarunta Madaxtooyada maamulkaas ku qaabilay Ku-xigeenka Ergeyga Qaramada Midoobey ee Soomaaliya, Marwo Anita Kiki Gbeho iyo wafdi ay hogaaminayso oo maanta gaaray magaalada Dhuusmareeb.

Wafdiga sare ee ka socda Qaramada Midoobay iyo madaxweynaha Galmudug ayaa waxay ka wada-hadleen xaalada Galmudug, arrimaha Doorashooyinka iyo sidii loo dar-dar gelin lahaa doorashada maamulkaas.

Waxa kale oo kulanka looga hadlay amniga doorashada iyo arrimaha horumarinta maamulkaas oo ay kaalin weyn ka qaadan doonto Qaramada Midoobay.

Qoor Qoor ayaa dhinaciisa uga warbixiyey wafdiga QM howl-galada ka dhanka ah cadowga argagaxisada iyo guulihii u danbeeyay ee laga gaaray dagaalanka ay kula jiraan ciidamada dowladda.

Sidoo kale waxa uu Qoor Qoor uu la wadaagay wafdiga xaaladaha bini’aadanimo ee soo foodsaaray shacabka ku sugan deeganada dhawaan laga sifeeyay argagaxisada

Ugu dambeyntiina wafdiga ayaa kulan doceed la qaatay Guddoomiye ku xigeenka 2-aad ee Baarlamaanka Galmudug, Marwo Faadumo Cabdi Cali (Faandhe) iyo xubno ka tirsan golaha wasiirada oo kulanka Qoor Qoor ku wehlinayay.

Sababta ay qaar ka mid ah musharaxiinta madaxweyne u raadinayaan xildhibaanimo

Warbixintan oo muuqaal ah halkan ka daawo

Muqdisho (Caasimada Online) – Dhaq-dhaqaayo lama filaan ah ayaa ka socda xeendaabka siyaasadda Soomaaliya, kadib markii musharaxiin madaxweyne oo badan ay billaabeen dadaallo ay ku doonayaan inay ku noqdaan xildhibaano.

Xubnahan ayaa isugu jira siyaasiyiin la rumeysan yahay inay fursad u leeyihiin in loo doorto madaxweyne, iyo kuwa rajadoodu ay yar tahay.

Waxaa sidoo kale kala duwan ujeedka ay musharaxiinta madaxweyne u raadinayaan xildhibaannimada, inkasta oo si guud ay u wada sheegayaan hal ujeed oo isku mid ah.

Sida ay ogaatay Caasimada Online, musharaxiinta raadinaya xildhibaannimada ayaa waxaa ka mid ah madaxweynihii hore ee Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed, Ra’iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya Xasan Cali Kheyre iyo hogaamiyaha xisbiga Wadajir Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame.

Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa todobaadkaan la kulmay odoyaasha beesha Agoonyar, waxa uuna weydiistay kursiga iyadoo la sheegay in shanta oday ee beesha ay si buuxda u ogolaadeen kursigaas, laguna wargeliyey in haddii uu doonayo aanay jirin cid kula tartami karta.

Kursigan ayaa waxaa hadda ku fadhiya Cabdullaahi Maxamed Nuur, oo sida la sheegay Shariif abaal weyn u haya, una ixtiraama sida aabihiis oo kale, kaasi oo aan tartan la gali doonin madaxweynaha.

Sidoo kale, Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa la sheegay inuu odayaasha beeshiisa kala hadlay inuu isku sharxayo xildhibaan, waxaana wararka ay sheegayaan inaan jawaab rasmi ah la siin. Kursigan ayaa waxaa hadda ku fadhiya Saciid Nuur Giriish.

Dhanka kale, ra’iisul wasaare Xasan Cali Kheyre ayaa sida ay ogaatay Caasimada Online, waxa uu rabitaankiisa weli ku kooban yahay isaga, mana jirto cid ka tirsan odayaasha beesha Habar Cayno oo uu kala hadlay.

Waxaa sidoo kale jira musharaxiin kale oo dhowr ah, balse ah kuwa aan markii horeba sidaas looga aqoon saaxadda siyaasadda dalka.

Waa maxay ujeedka loo doonayo xildhibaannimada?

Sababta ugu weyn ee musharaxiinta ay u raadinayaan xildhibaanada ayaa lagu sheegay inay tahay inay helaan xasaanad, sida qaarkood laga soo xigtay.

Si kastaba, Inkasta oo xasaasnadda ay tahay daaha gadaashiisa la isku qarinayo, haddana wararka qaar ayaa sheegaya in musharaxiinta qaar ay rumeysan yihiin inaysan haysan wax fursad ah oo lagu dooran karo, sidaas darteedna ay u raadinayaan xildhibaannimo.

Musharaxiinta madaxweyne ayaa ka kooban saddex koox. Kooxda koowaad waa koox ay dhab ka tahay inay u tartamaan xilka madaxweynaha. Kooxda labaad waa musharaxiin ku raadinaya xilal hoose. Halka kooxda saddexaad ay musharaxnimada ku raadinayaa dhaqaale.

Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa ka mid ah kooxda koowaad ee rajada madaxweyne leh, ayna dhab ka tahay loolanka madaxweeynaha. 

Shariif ayaa raadinaya xasaanadda kadib markii sanadihii la soo dhaafay uu la kulmay dhowr weerar oo kaga yimid dhinaca dowladda, waxaana la sheegay in haddii uu ku guuleysto tartanka xilka Madaxweynaha uu iska casili doono xilka xubinimada Golaha Shacabka.

Si kastaba, musharaxiinta kale, waxaa la rumeysan yahay inaysan musharaxnimada madaxweyne dhab ka aheyn, sidaas darteedna ay doonayaan xildhibaannimo.

Waxaa sidoo kale jirta koox saddexaad oo ah musharaxiin xil dhan aan dooneyn balse dhaqaale raadis ah.

Kooxdan ayaa saaxiibadooda iyo beelaha ay kasoo jeedaan lacag badan uga qaadanaya inay yihiin musharax madaxweyne, kadibna ayaga oo aan wax badan ka qarash gareyn lacagtaas ka haraya tartanka.

Arrintan ayaa dhacday doorashooyinkii lasoo dhaafay markaasi oo ganacsato qiireysan ay lacago ku shubeen rag ku beel ah, oo kadibna xitaa aan helin hal cod, ama tartanka ka haray markii doorashadu soo dhowaatay.

Si kastaba, ganacsatada ayaa sanadkan ka feejigan arrintaas, waxayna taageerayaan kaliya musharax ay hubaan inuu rajo wanaagsan leeyahay. Waxay tani horseeday in ganacsato badan ay taageeraan musharaxiin aan ku beel aheyn oo ay doonayaan inay wax ku darsadaan.

Wax ay ahaataba, toddobaadyada soo socda ayey kala caddaan doonaan musharaxiinta madaxweyne ee dhabta ah iyo kuwa leh ujeedooyinka kale ee qarsoon. 

GO’AAN culus oo laga soo saaray askarta rasaasta ku dhex furta SHACABKA

0

Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Guddoomiyaha Maxkamadda Ciidamada qalabka-sida ee dowlad gobaleedka Galmudug, Gaashaanlle Dhexe Cabdulaahi Abuukar Xassan ayaa shaaciyey in tallaabo adag laga qaadi doono Askariga bulshada dhexdeeda ku fura rasaasta.

Guddoomiyaha oo khudbad u jeedinayay Saraakiisha iyo Askarta ciidanka xooga dalka ee ku sugan magaalada Dhuusamareeb ayaa sidoo kale sheegay in aan la ogolaan doonin Askari xooga dalka ka tirsan uu fasax la’aan iska aado gudaha magaalooyinka.

Waxa kale oo uu sheegay inay dambi tahay in Ciidamada Milatarigu soo galaan shacabka dhexdooda, ayada oo uu sidoo kale faray hay’addaha amniga sida Booliska iyo Nabad-sugida.

Guddoomiye Cabdulaahi Abuukar ayaa waxa uu ciidamada qalabka sida qaybahooda kala duwan ku amaanay guulahii ay kasoo hooyeen howl-galada ka socda gobolka Mudug ee xoreynta magaalooyinka cusub sida Camaara ee maamulka Galmudug.

Waxa uu ku tilmaamay howl-galada ay ciidamada deegaanadaas kaga sifeynayaan argagixisada mid tusaale u ah soo afjarida Al-Shabaab iyo in aysan haynin Awood ay kusii joogi karaan deegaanada maamulkaas.

Go’aanka uu shaaciyey Guddoomiyaha ayaa waxa uu kusoo aadaya xili ay shacabka cabasho badan ka gudbiyeen rasaasta ay ciidamada ka dhex ridaan xaafadaha iyo gudaha magaalooyinka, islamarkaana ay ku dhib qabaan iska hor-imaadyada macnaha laheyn ee dhex-mara ciidamada.

QM oo wafdi culus u dirtay Dhuusamareeb + Ujeedka

0

Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Magaalada Dhuusamareeb ee caasimadda Galmudug waxaa maanta gaaray wafdi sare oo ka socda Qaramada Midoobay, kaas oo ay hoggaamineyso Marwo Anita Kiki Gbeho oo ah ku xigeenka ergeyga gaarka ah ee Qaramada Midoobay.

Wafdigan ayaa waxa garoonka Dhuusamareeb ee Ugaas Nuur ku soo dhoweeyey mas’uuliyiin ka tirsan dowlad goboleedka Soomaaliyeed ee Galmudug.

Ujeedka wafdigan ee ay Qaramada Midoobay u dirtay Dhuusamareeb ayaa qiimeyn waxa ay ku sameyn doonaan xaaladaha guud ee ka jira deegaanada maamulka Galmudug.

Sidoo kale Anita Kiki Gbeho iyo xubnaha la socda ayaa kulamo la qaadan doono hoggaanka Galmudug, iyaga oo kala hadli doono arrimaha doorashada iyo horumarinta maamulkaas.

Socdaalka wafdiga Qaramada Midoobay ee Dhuusamareeb ayaa kusoo aadayo, xilli xasaasi ah oo magaaladaas laga dareemayo qaban-qaabada doorashooyinka Soomaaliya.

Galmudug ayaa haatan wada dadaalkii ugu dambeeyey ee qabashada doorashada Golaha Aqalka Sare, waxaana madaxweyne Qoor Qoor saacadaha soo soda uu ku dhawaaqi doonaa liiska xubnaha musharraxiinta ee ku tartamaya kuraasta Aqalka Sare ee Galmudug.

Doorashada Soomaaliya ayaa marxalado kala duwan soo martay, waxaana si rasmi ah ay haatan uga billodeen Kismaayo & Baydhabo oo kala tirsan Jubbaland iyo Koonfur Galbeed.

Dhalinyarada Soomaaliyeed waa inay u istaagaan helidda matalaada ay xaqa u leeyihiin

Dhawaan waxaa nagu soo fool leh doorashadda Soomaaliya. Doorashooyinkani waa kuwa ka duwan kuwii aan hore u soo arki jirnay, sababtoo ah waxaa iska cad in siyaasadda dalkeena ay noqotay mid ka cakiran sidii hore, oo saamileyaal sidaadeed oo ka badan kuwii hore, kuwaas oo heerar kala duwan leh. Tani, marka dhinac laga eego waa guul weyn, iyadoo la eegayo in Soomaaliya 2012-kii loo aqoonsaday dowlad rasmi ah, tan iyo burburkii dowladnimadeena ee 1991-kii. 

Doorashadu waa mid xilligeedii dib uga dhacday, waxaana ugu wacan wada-xaajoodyada xasaasiga ah ee siyaasiyiinta iyo dadkeena u dhaxeeya, midaas oo dhanka kale marka laga eego kaabeysa in mustaqbalka dalkeena ay qeyb ka noqdaan dhamaan daneyayaasha Soomaaliyeed. Siyaasadda Soomaaliya waxaa muddoyinkii dambe majaraha u hayey siyaasiyiinta dabaqadda sare, sidaas daradeed in xilligan la balaadhiyo masraxa siyaasadeed si ay qeybaha kale ee bulshadda uga soo qeyb galaan waa ahmiyad aad u weyn. 

Dhalinyarada Soomaaliyeed inay ka qeyb galaan siyaasada waxay lagama maarmaan u tahay horumar iyo dib-u-habeynta dowladnimada Soomaaliya. Waqti dheer, dhalinyarada Soomaaliyeed waxaa loo sheegi jiray “waqtigii wuu imanayaa, waxaad tihiin mustaqbalka” balse fursadahoodii ka qeybgalka siyaasadda iyo mustaqbalka ah u qalmaan labadda midna wali ma imaan. Arrimaha ku xeeran ineysan suurtagalin himilooyinkani waa badan yihiin, balse dhamaan fursadaha, haddii ay yihiin kuwo bulsho iyo mid dhaqaale amaba kuwa kale waxay ku bilowdaan in marka hore ay dhalinyardu yeshaan cod iyo matalaad. Haddii dhalinyaradu aaney siyaasadda ku jirin, ma awoodi karaan inay qaabeyaan mustaqbalkooda, mana ku lahaan karaan saameyn muuqata aayatiinkooda. Tani waa masiibo weyn, sababtoo ah dhalinyarada waqtigoodu marwalba waa rajo ku dhisan aas-aas adag iyo kalsooni gelin ku hagta iney qeyb ka noqdaan dib-u-dhiska dalkooda. 

Marka maanta la eego xaaladda siyaasadeed ee dalkeena, intee ayay la eegtahay matalaadda dhalinyarada ee siyaasadda dalka? Waa tiro aad u yar. Maqnaanshiyaha iska cad ee mataaladda dhalinyarada ee labada Aqal ee Barlamaanka Soomaaliya, waxaa soo raaca xafiisyada kale ee dowladda oo go’aamada waaweyn ee dalka laga gaadho. Waxaa intaasi dheer ineysan dhalinyaradu matalaad muuqata ku laheyn ururada bulshada rayidka ah. Dhamaan qeybahan, hoggaaminta dhalinyarada iyo kaqeyb galkoodaba waa in la dhiirigaliyaa oona la taageeraa, sababtoo ah iyagaa ah qiyaastii tiro ka badan 75% bulshadda Soomaaliyeed marka loo eego qiyaasta ay bixiyaan hey’addaha caalamiga ah. 

Dhaliyarada Soomaaliyeed waa inay u guntadaan helitaanka mataalada ay xaqa u leeyihiin, sababtoo ah waa sida kelliya ee ay ku soo dhacsan karaan xaqooda, isla markaasna ay uga bixi karaan faquuqa bulsho. Caqabadaha heysta dhalinyarada maanta waa kuwo ay la wadagaan dhamaan qeybaha kale ee bulshada sida amaanka, balse waxaa kale oo jira caqabado iyaga u gaar ah sida shaqo la’aan baahsan iyo dhiirigalin la’aan hal-abuur. 

Suurtagal maahan in mustaqablka dhalinyarada Soomaaliyeed oo ah tirada ugu badan bulshadeena inay matalaan dad aan fahmi karin baahiyahooga. Dabcan, siyaasadeena loogama maarmo khibrad iyo waayelayn, balse la’aanta dhiig cusub iyo garaad caboon, suurtagal maahan in la gaadho halka la hiigsanayo. Bulsho walba awoodeedu waxay la eegtahay hadba inta muwadiniintoodu la eegyihiin, bulshana waxay awood ku yeelataa markii ay matalaad dhab ah heysato oo loo dhanyahay. 

Ugu dambeyn, dhamaan wakiilada siyaasadeed ee dalka waxaa waajib ka saran inay wada matalaan dadkooda, waana inay ka shaqeyaan horumarinta dalka, diinta iyo dalka Soomaaliyeed. Haddii dhalinyarada la siiyo fursad ay ku matalaan dalkooda iyo dadkooda waxay ka soo dhalaali karaan waajibaadka loo idmaday. Dalkeena aan wada jecelnahay ee Soomaaliya wuxuu u qalmaa inay matalaan kuweena ugu wanaagsan, madaama aan wajaheyno caqabado waaweyn, oo ay hareer socdaan fursaddo. Dhalinyarada Soomaaliyeed waa inay u istagaan gudashada waajibaadkan culus.

Abdullahi Hussein Nor (Abdalla Boss)

Qoraaga waxaad kala xiriiri kartaa: Email: [email protected]
Twitter, @Abdaleboss, Facebook: https://www.facebook.com/abdullahi.show

AFEEF: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada [email protected] Mahadsanid

Rooble oo ku adkeystay mowqifkiisa, iskana indho-tiray diidmadii Cabdi Xaashi

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Xafiiska Ra’iisul wasaare Rooble ayaa soo saaray qoraal uu ku xoojinayo warqadii maanta ka soo baxday guddiga doorashooyinka heer federaal, taas oo lagu shaaciyey goorta la qabanayo doorashada guddoonka guddiga maamulaya doorashada kuwaarsta gobollada waqooyi ee Somaliland.

Guddiga doorashooyinka heer federaal ayaa iclaamiyey in doorashada guddoonka xubnaha guddiga doorashada kuraasta Somaliland la qabto maalinta Sabtida ah ee soo socota, waxaana qorshaha doorashadaas durba ka hor yimid garabka siyaasiyiinta reer waqooyi ee Cabdi Xaashi uu hoggaamiyo.

Warqad uu soo saaray wasiiru dowlaha xafiiska Ra’isul Wasaare Rooble Cabdixakiin Ashkir ayaa lagu yiri, “Xafiiska Ra’iisul wasaaraha waxa uu adkeynayaa in doorashada Guddoonka Guddiga Doorashooyinka Somaliland ee SEIT ay noqoto mid daah-furan, laguna qabto waqtigeeda, si ay u gutaan waajibaadka loo xil-saaray.”

Hey’adaha dowladda Soomaaliya, kuwooda ay khuseyso doorashada guddoonka guddiga Somaliland iyo daneeyayaasha caalamiga ah ayaa lagu  faray warqada ka soo baxday xafiiska Rooble inay kor-joogteeyaan doorashada guddoonka xubnahaan oo Sabtiga soo socda la qorsheeyey inay ka dhacdo Tenedhada Afisyooni.

Golaha Siyaasiyiinta Somaliland ee uu hogaamiyo Guddoomiye Cabdi Xaashi ayaa galabta shaaciyey in aysan qeyb ka aheyn doorashada guddoonka guddigaas ee la shaaciyey inay qabsoomeyso maalinta Sabtida ee 7-da bishan.

“Waxay madaxda Madasha Wada-tashiga Qaran ee doorashooyinka, waxgaradka iyo guud ahaan bulshada Soomaaliyeed, gaar ahaan dadka ka soo jeeda Gobolada Waqooyi (Somaliland) halkan ugu caddeynayaan inuusan jirin wax heshiis is-afgarad ah oo laga gaadhay kulamadii aanu la yeellanay Ra’iisul Wasaare Rooble iyo xubno golahiisa Wasiiradda ah oo uu ku jiray Ra’iisul Wasaare kuxigeenka Mahdi Guuleed maalmihii la soo dhaafay,” ayaa lagu yiri qoraalka kasoo baxay Golaha Siyaasiyiinta Somaliland ee garabka Cabdi Xaashi.

Guddiga khilaafkaan uu hareeyey ee loo soo xulay inuu maamulo doorashada kuraasta labada Aqal ee xildhibaanada Somaliland ayaa ka kooban 11 xubnood. Afar ka mid ah xubnaha waxaa soo magacaabay Mahdi Guuleed. Afar kale waxaa soo magacaabay Cabdi Xaashi, halka saddexda hartay uu soo magacaabay ra’iisul wasaare Rooble.

Saddexda xubnood ee uu soo magacaabay Rooble ayaa qorshuhu ahaa inay noqdaan kuwa ka madax-banaan labada garab ee is-haya, si ay miisaan ugu noqdaan, hase yeeshee, waxay la safteen dhinac ka mid ah dhinacyada is-haya.

Saddexdan xubnood ayaa bishii lasoo dhaafay ku biiray garabka Mahdi Guuleed, waxayna qabteen doorasho lagala dhuuntay garabka Cabdi Xaashi oo ay ku doorteen hoggaan.

Sidaas darteed, su’aasha ayaa ah; maxaa diidaya in mar kale ay sidaas sameeyaan marka la qabto doorashada hoggaanka cusub ee la shaaciyey in Sabtiga ay ka dhaceyso teendhada Afisyoone?

Dhibaatada ugu weyn waxa ay ka taagan tahay; in Rooble uu soo magacaabay xubno aan dhex-dhexaad aheyn, ayada oo aan taas la xalinna ma imaan doono xal, sida muuqata.

Waxaa jiray heshiis ay horey u gaareen Rooble iyo Cabdi Xaashi oo dhigayey in saddexda xubnood ee uu soo magacaabay Rooble aysan ka qeyb-gelin wax codeyn ah, maadaama aysan dhex-dhexaad aheyn, taasi oo Rooble uu diiday inuu fuliyo.

Qoraalka galabta ka soo baxay Golaha Siyaasiyiinta Somaliland ee uu hogaamiyo Guddoomiye Cabdi Xaashi ayaa lagu yiri, “Waxaa Madaxda Dowlad Goboleedyada, waxgaradka Soomaaliyeed iyo daneenayaasha doorashada 2021-ka la socodsiinaynaa inay muuqato in Ra’iisul Wasaaruhu ka baxay heshiisyadii la gaadhey iyo wada-hadalladii socdey.”

Turkey oo ka carootay qorshe uu soo jeediyey Mareykanka

Ankara (Caasimada Online) – Ankara ayaa ka carootay qorshe Mareykanka uu doonayo in dalal saddexaad, sida Turkey, uu dib u dejin ugu sameeyo kumanaan Afghani ah, oo halis ugu jira in Taliban ay u beegsito xiriirka ay la leeyihiin Mareykanka dartiis.

Wax kayar bil kahor inta aanu Mareykanka soo geba-gebeen dagaalka muddada dhaar ee dalkaas, ayaa Waaxda Arrimaha Dibedda waxay Isniintii ku dhowaaqday barnaamij qaadasho qaxooti oo lagu talo-galay dadka u dhashay Afghanistan.

Barnaamijkan ayaa caawinaya turjumaanada la shaqeeyey ciidamada Mareykanka, Afghaaniyiinta ku lugta leh mashruucyada uu maal-geliyey Mareykanka, iyo kuwa la shaqeeya ururada aan dowliga aheyn iyo warbaahinta Mareykanka.

Wuxuu barnaamijka qeexayaa in dadka la dejiyo dal saddexaad oo gobolka ku yaalla muddo sanad ah illaa laga diyaarinayo warqadaha sharci ee ay ku tagayaan Mareykanka.

Hase yeeshee Turkey, oo hadda ay ku nool yihiin afar milyan oo qaxooti badankood Syrian ah, ayaa sheegtay inaan lagala tashin.

“Waa wax aan la aqbali karin in dhibaato xal loogu raadiyo dalkeena, ayada oo aan ogolaansho laga haysan dalkeena,” waxaa sidaas bayaan ay soo saartay Talaadadii ku tiri Wasaaradda Arrimaha Dibedda Turkey.

Waaxda Arrimaha Dibedda Mareykanka ayaa Turkey ku sheegtay mid ka mid ah dalalka y suurta-gal tahay in dib u dejinta lagu sameeyo, ayada oo sidoo kale qeexday Pakistan.

Hase yeeshee Wasaaradda Arrimaha Dibedda Turkey ayaa sheegtay in qorshaha Mareykanka uu hoggaamin karo “xasarad muhaajiriin oo weyn oo ka dhacday gobolka,” ayada oo intaas ku dartay inaysan awood u laheyn inay la tacaasho “qalalaase muhaajiriin oo cusub oo ay ugu daneyneyso dal saddexaad.”

Ayada oo la filayo in ciidamada Mareykanka iyo NATO ay ka baxaan Afghanistan, Turkey ayaa ka cabsi qabta qulqul cusub oo qaxooti ah.

Madaxweyne Recep Tayyip Erdogan ayaa sheegay in saraakiisha Turkiga ay wada-hadallo heer sare ah oo ku saabsan arrintan la leeyihiin dhiggooda Afghanistan.

AFP + VOA

Garabka Cabdi Xaashi oo qaadacay DOORASHADA guddoonka guddiga S/L

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Golaha Siyaasiyiinta Somaliland ee uu hogaamiyo Guddoomiye Cabdi Xaashi ayaa goordhoweyd shaaciyey inaysan qeyb ka aheyn doorashada guddoonka guddigaas ee la shaaciyey inay qabsoomeyso maalinta Sabtida.

Guddiga hirgelinta doorashooyinka ee heer Federaal ayaa maanta sheegay in doorashada guddoonka guddiga Somaliland la qaban doono maalinta Sabtida ee taariikhdu tahay 7-da bisha Agoosto ee 2021-ka, waxayna ka dhici doonta Xerada Afisyooni, midaasi oo ay qaadaceen xubnaha taabacsan Cabdi Xaashi.

“Waxay madaxda Madasha Wada-tashiga Qaran ee doorashooyinka, waxgaradka iyo guud ahaan bulshada Soomaaliyeed, gaar ahaan dadka ka soo jeeda Gobolada Waqooyi (Somaliland) halkan ugu caddeynayaan inuusan jirin wax heshiis is-afgarad ah oo laga gaadhay kulamadii aanu la yeellanay Ra’iisul Wasaare Rooble iyo xubno golahiisa Wasiiradda ah oo uu ku jiray Ra’iisul Wasaare kuxigeenka Mahdi Guuleed maalmihii la soo dhaafay,” ayaa lagu yiri qoraalka kasoo baxay Golaha Siyaasiyiinta Somaliland.

Sidoo kale waxay sheegen in dhowr jeer ay isku dayeen in laga heshiiyo oo la dhameeyo khilaafka kala dhaxeeya garabka kale, hase yeeshe uu garabka Mahdi Guuleed uu la imaan haba yaraatee wax hindise iyo xal ah u noqon kara is-mari-waaga taagan.

“Waxaa Madaxda Dowlad Goboleedyada, waxgaradka Soomaaliyeed iyo daneenayaasha doorashada 2021-ka la socodsiinaynaa inay muuqato in Ra’iisul Wasaaruhu ka baxay heshiisyadii la gaadhey iyo wada-hadalladii socdey.”

Ugu dambeyntiina waxa lagu sheegay qoraalka kasoo baxay Golaha Siyaasiyiinta Somaliland in ilaa inta xal kama dambeys ah laga gaarayo hanaanka hagidda doorashada xildhibaanada labada gole, goobta doorashada iyo dhismaha Guddoonka Guddiga doorashooyinka Somaliland, aysan qeyb ka noqon karin go’aan hal dhinac ah oo loogu daneynayo garab gaar ah.

Qoraalka kasoo baxay Golaha Siyaasiyiinta Somaliland ee uu hogaamiyo Guddoomiye Cabdi Xaashi ayaa imanaya saacad un kadib markii uu Guddiga hirgelinta doorashooyinka ee heer Federaal uu shaaciyey in maalinta Sabtida ah ee 7-da bishaan ay qabsoomeyso doorashada guddoonka guddiga Somaliland.

Arrintaan ayaa dab kusii shideysa khilaafka ka taagan guddiga doorashada Somaliland oo ayagu u kala jabay labo garab, maalmihii u dambeeyayna la isku dayey in xal laga gaaro, wallow ay fashil ku soo dhamaadeen kulamadaas.

Qoor Qoor oo shaacinaya liiska musharaxiinta Aqalka Sare iyo Qeybdiid iyo Xaaf oo…

0

Dhuusamareeb (Caasimada Online) – Madaxweynaha dowlad gobaleedka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoor Qoor ayaa lagu wadaa in saacadaha soo socdo uu ku dhawaaqo liiska musharixiinta Aqalka Sare ee Soomaaliya.

Liiska musharixiinta maanta la shaacinayo ayaa waxaa sida wararka ay sheegayaan ka soo dhax muuqan doono siyaasiyiin iyo mas’uuliyiin hore oo saameyn weyn ku leh siyaasadda oo ay ugu horreeyaan Yuusuf Geelle Ugaas Dhagey iyo Cabdi Axmed Dhuxulow Dhagdheer oo labadaba sabab u ahaa in Qoor Qoor uu noqdo madaxweynaha Maamulka Galmudug.

Madaxweyne Qoor Qoor ayaa la filayaa inuu liiska musharixiinta ka reebo Axmed Ducaale Geelle Xaaf oo ah musharax u taagan xilka uu ku fadhiyo Cabdi Xasan Cawaale Qeybdiid oo ay saaxiibo dhow yihiin madaxweynaha Galmudug.

Cabdi Qeybdiid ayaa la filayaa in liiska lagu soo daro, waxaana wararka ay sheegayaan in Qoor Qoorr uusan dooneyn in Cabdi Qeybdiid lala tartamo.

Xaaf ayaa horey uga digay dagaal iyo colaad, haddii Qoor Qoor uusan u caddaalad falin dhammaan dadka xilka raadinaya, waxaana go’aanka Qoor Qoor uu horseedi karaa xiisad.

Galmudug ayaa haddii ay shaaciso noqon doonta maamulki seddaxaad oo si rasmi ah u bilaaba doorashada Aqalka Sare kadib maamulada Jubbaland iyo Koonfur Galbeed.

Aqriso: Guddiga qabashada doorashada Aqalka Sare ee HirShabella oo la shaaciyey

0

Jowhar (Caasimada Online) – Guddoomiyaha Baarlamaanka HirShabelle Cabdixakiim Luqmaan Xaaji ayaa goor dhaweyd ku dhawaaqay guddiga qabashada doorashada xubnaha Aqalka Sare ee ka imanaya maamul Goboleedka HirShabelle.

Guddiga uu magacaabay Guddoomiye Cabdixakiim ayaa waxay ka kooban yihiin illaa 15 xubnood iyadoo ay kasoo muuqatay kaliya hal haween ah, waxaana guddoomiye looga dhigay Feysal Axmedweli Xasan halka guddoomiye ku xigeena laga dhigay Maxamuud Axmed Gacal.

Cabdixakiim ayaa sheegay inuu guddigaan magacaabay isagoo tix raacayo qodobada 31-aad iyo 41-aad ee Dastuurka Maamulka HirShabelle iyo qodobada 13-aad iyo 50-aad ee xeer hoosaadka Baarlamaanka HirShabelle.

Guddoomiyaha ayaa sheegay in xubnaha uu magacaabay ay dhammaantood khibrad iyo aqoon u leeyihiin arrimaha doorashooyinka.

Magacaabista guddigaan ayaa kuso aadayo xilli muddooyinkii ugu dambeeyey uu khilaaf ka dhex taagnaa xubnaha guddiga doorashada ee Federaal ee Maamulka Hirshabelle.

Halkan ka aqriso qoraalka lagu magacaabay guddiga qabashada doorashada Hirshabelle;

Dalladaha Muqdisho oo shaaciyey musuq-maasuq lagu sameeyay’ imtixaankii shahaadiga ahaa (Daawo)

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Dalladaha waxbarashada ee gobolka Banaadir oo maanta shir jaraa’id ku qabtay magaalada Muqdisho ayaa ka horyimid natiijadii imtixaanka shahaadiga fasalka 12-aad ee ay shaacisay Wasaaradda Waxbarashada Soomaaliya.

War-saxaafadeed kasoo baxay Wasaaradda 22-kii bishii hore ayaa waxa lagu sheegay in imtixaankaas ay ka hareen 4,646 arday oo ay 1,881 yihiin gabdho, halka 2,765 ay yihiin Wiilal, waxayna badankooda ka dhaceen gobolka Banaadir, kuwaasi oo kamid ahaa 34,908 arday oo u fariisatay imtixaankaas.

Mas’uuliyiinta Dalladaha ayaa sheegay inaysan marnaba u ku qanacsaneyn natiijooyinka ay wasaaradda soo bandhigtay ee gobolka Banaadir, maadama ay ku doodayaan in waxbarashada gobolka aysan la heer aheyn gobolada kale.

“Jiritaan la’aan korjoogto ka madax-banaan howl-wadeenada gacanta ku haysa Imtixaanka waxay sababtay mugdi badan iyo kalsooni la’aan aan xad laheyn. Natiijada imtixaanka oo aan ku qotamin hal beeg cadaalad ah iyo dugsiyo si cadaalad darro ah looga fool-xumeeyay sumcadii dugsiyada gobolka Banaadir,” ayuu yiri Guddoomiyaha Midowga Dugsiyada Gobolka Banaadir.

Sidoo kale waxa uu sheegay in xiligii imtixaanka laga qaadayay ardeyda gobolka Banaadir ay qaab anshax xuma ah ula dhaqmeen ciidamadii iyo howl-wadeenadii ku sugnaa xarumaha lagu qaadayey imtixaanka, islamarkaana ay bilaa sabab uga reeben imtixaanka ardey xaq u laheyn, sida uu sheegay.

“Midowga dugsiyada gobolka Banaadir waxa uu dhaliilaya natiijada imtixaanka la shaaciyey ee ku aadan hal-beegyada dhicista ardeyda, doorashada 30-ka dugsi ee lagu sheegay inay ugu wanaagsan yihiin natiijada imtixaanka, calaamadeynta 100-ka dugsi ee ugu liidata imtixaanka.”

“Waxaa ku baaqeyna in dib u eegis lagu sameeyo howl-wadeenada imtixaanka, wuxuuna Midowga dugsiyada soo jeedinaya dhismaha guddi heer qaran oo qaabilsan imtixaanka qaran, kuwaas oo ka kooban qeybaha kala duwan ee aqoon yahanka Soomaaliyeed oo ka madax banaan dowladda federaalka iyo maamul goboleedyada.”

Aqriso: Xilliga iyo goobta ay ka dhaceyso doorashada gudoonka gudiga gobollada waqooyi oo la shaaciyey

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddiga hirgelinta doorashooyinka ee heer Federaal ayaa goordhoweyd qoraal uu soo saaray ku wargeliyay guddiga doorashooyinka Somaliland (SEIT) qabashada doorashada guddoonka, kadib khilaaf xoogan oo muddo taagna.

Guddiga ayaa sheegay in doorashada guddoonka guddiga Somaliland la qaban doono maalinta Sabtida ee taariikhdu tahay 7-da bisha Agoosto ee 2021-ka, waxayna ka dhici doonta Xerada Afisyooni.

“Iyadoo la tixraacayo go’aankii raysal wasaaraha Soomaaliya uu shalay (3 Agoosto 2021) ka gaaray xalinta arrimaha guddiga hirgelinta doorashad ee Somaliland, iyo go’aanadii xalay kasoo baxay shirka fogaan aragga Gollaha Wada-tashiga Qaran ee khuseeyay arrintaas, wuxuu Guddiga Hirgelinta Doorashooyinka Heer Federaal (GHDHF) ku wargalinayaa 11 xubnood ee Guddiga doorashooyinka in doorashada guddoonka la qaban doono Maalinka Sabtida,” ayaa lagu yiri qoraal kasoo baxay Guddiga.

Sidoo kale waxa uu guddiga ka digay dib u dhac ku yimaada waqtiga uu u mudeeyay inay qabsoomto doorashada guddoonka, taasi oo looga gol leeyahay si loo xaqiijiyo in doorashooyinka labada aqal ay ku dhacaan waqtigii loo qorsheeyay.

“Si looga fogaado dib u dhac ku yimaadda jadwalka doorashada, waxaa mar labaad dhamaan xubnaha guddiga la farayaa in doorashada guddoonka guddiga Somaliland lagu dhameystiro waqtiga kor ku xusan.”

Sida ay ogaatay Caasimada Online, Waqtiga uu Guddiga hirgelinta doorashooyinka ee heer Federaal u mudeeyay qabashada doorashada guddoonka Somaliland ayaa waxaa soo go’aamiyey Ra’iisul wasaare Rooble, oo asagu si toos ah ula wareegay arrinta guddigaas.

Sidoo kale waxaa xusid mudan in Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda xil-gaarsiinta uu shalay kulan uu la yeeshay guddiga doorashooyinka Somaliland, uu kaga laabtay guddoonkii ay soo doorteen labada garab ee guddiga doorashada Somaliland.

Maxaa ka jira in Shariif uu ka tanaasulay musharaxnimada?

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Mudane Sheekh Shariif Axmed oo qoraal soo dhigay bartiisa gaarka ah ee Facebook-ga ayaa ka hadlay warar dhowaan lagu baahiyey baraha bulshada ee Internet-ka, kuwaas oo sheegayey  inuu ka haray tartanka xilka madaxweynaha, isla-markaana uu u tanaasulay musharrax kale.

Shariif ayaa wararkaasi waxba ka jiraan ku tilmaamay, wuxuuna shaaca ka qaaday inuu aaminsan-yahay dimuqraadiyadda iyo in lagalo tartan xor ah.

Musharrax madaxweyne Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa sidoo kale xusay inuu dadaal soo geliyey dalka, uuna ka qeyb-galayo doorashada soo socota ee madaxweynaha.

“Waxaan had iyo goor aaminsannahay dimuqraadiyadda iyo in lagalo tartan xor ah, ku salaysan aragti siyaasadeed iyo isbahaysi, taasoo aan waqti soo galinnay welina aan u taagannahay,” ayuu qoraalkiisa ku yihi madaxweyne Sheekh Shariof Sheekh Axmed.

Sidoo kale wuxuu meesha ka saaray inuu jiro heshiis ay waxgaradka beelaha Mudullood ku gaareen inay isku tanaasulaan musharraxiinta qaar ee u tartamaya xilka madaxweynaha.

“Sidaa darteed waxaan rabaa inaan caddeeyo inaysan waxba kajirin wararka ku saabsan shir ay yeesheen waxgaradka iyo siyaasiyiinta beelaha mudullood oo lagu gaaray heshiis isku tanaasul ah oo la dhex dhigay murashaxiinta qaar,” ayuu markale yiri Sheekh Shariiif.

Dhawaqa kasoo yeeray Sheekh Shariif ayaa meesha ka saaraya hadal-heynta qabsatay baraha bulshada ee ku aadaneyd in musharraxiinta Mudullood ay isku tanaasuleen.

Si kastaba hadalkan wuxuu ku soo aadayaa, xilli xasaasi ah, isla-markaana haatan lagu guda jiro xilligii doorashada, iyada oo la bilaabay soo xulista xildhibaanada baarlamaanka.

Ra’iisul Wasaare ROOBLE oo mar kale Cabdi Xaashi kaga hiiliyey MAHDI GUULEED

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa shalay qaaday tallaabo u muuqata inuu kusoo afjarayo muranka xooggan ee ka taagan hoggaanka guddiyada doorashada gobollada waqooyi.

Balse marka aad si qoto dheer u eegto, waxaa muuqaneysa in Rooble qorsheynayo in mar kale uu xaqiijiyo in maamulka guddiga doorashada Somaliland ay gacanta ku dhigaan Mahdi Guuleed iyo madaxweyne Farmaajo.

Guddiga doorashada Gobollada Waqooyi ayaa bil kahor u kala jabay laba garab, oo la kala safan Guddoomiyaha Aqalka Sare Cabdi Xaashi Cabdullaahi iyo Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka dalka Mahdi Maxamed Guuleed, waxayna kala doorteen laba hoggaan.

Muxuu yahay xalka Rooble?

Si kastaba, Rooble oo shalay xafiiskiisa kula kulmay xubnaha guddiyada doorashada gobollada waqooyi, ayaa sheegay in la baabi’iyay doorashadii hoggaanka guddiyada doorashada gobollada waqooyi.

Qoraal kasoo baxay xafiiska Rooble ayaa lagu yiri “Ra’iisul Wasaaraha ayaa xusay in laga noqday doorashadii ay dhowaan dhinacyada guddigu ku doorteen labada hoggaan, isla markaana uu Xafiiska Ra’iisul Wasaaruhu soo gudbin doono xiliga iyo goobta lagu qabanayo doorashada guddoonka guddiyada.”

Doorasho cusub xal ma tahay?

Hase yeeshee, maxaa dhici kara haddii mar kale doorasho ay dhacdo, maxaase diidaya in mar kale xaaladda ay dib ugu soo noqoto sida ay hadda tahay?

Si aan u ogaano waxa dhici kara, waxaa muhiim ah inaan fahanno habka guddiga u dhisan yahay.

Guddiga ayaa ka kooban 11 xubnood. Afar ka mid ah xubnaha waxaa soo magacaabay Mahdi Guuleed. Afar kale waxaa soo magacaabay Cabdi Xaashi, halka saddexda hartay uu soo magacaabay ra’iisul wasaare Rooble.

Saddexda xubnood ee uu soo magacaabay Rooble ayaa qorshuhu ahaa inay noqdaan kuwa ka madax banaan labada garab ee is-haya, si ay miisaan ugu noqdaan, hase yeeshee, waxay la safteen dhinac ka mid ah dhinacyada is-haya.

Saddexdan xubnood ayaa bishii lasoo dhaafay ku biiray garabka Mahdi Guuleed, waxayna qabteen doorasho lagala dhuuntay garabka Cabdi Xaashi oo ay ku doorteen hoggaan.

Sidaas darteed, su’aasha ayaa ah; maxaa diidaya in mar kale ay sidaas sameeyaan marka la qabto doorashada hoggaanka cusub, oo la filayo inay ka dhacdo teendhada Afisyoone?

Dhibaatada ugu weyn waxa ay ka taagan tahay; in Rooble uu soo magacaabay xubno aan dhex-dhexaad aheyn, ayada oo aan taas la xalinna ma iman doono xal.

Waxaa jiray heshiis ay horey u gaareen Rooble iyo Cabdi Xaashi oo dhigayey in saddexda xubnood ee uu soo magacaabay aysan ka qeyb-gelin wax codeyn ah, maadaama aysan dhex-dhexaad aheyn, taasi oo Rooble uu diiday inuu fuliyo.

Muxuu yahay xalka Cabdi Xaashi?

Guddoomiye Cabdi Xaashi oo qoraal soo saaray Isniintii waxa uu ku diiday soo-jeedin ka timid ra’iisul wasaaraha oo aheyd inuu kusoo wareejiyo tallada iyo maamulka doorashada kuraasta xildhibaanada labada gole ee Somaliland.

Taas beddelkeed, Cabdi Xaashi ayaa qoraalka kusoo jeediyey saddex qodob oo uu sheegay in lagu xalin karo khilaafka ka taagan guddiyada doorashada gobollada waqooyi, kuwaas oo kala ah:

1- In isaga iyo ra’iisul wasaare ku-xigeenka Mahdi Guuleed ay noqdaan hoggaan wada-jir ah oo haga maamulka doorashada xildhibaanada waqooyi.

2- In dib loo mideeyo guddiyada doorashada gobollada waqooyi oo laba garab u kala jabay, loona qeybiyo hoggaanka, ayada oo dhinac la siinayo guddoomiyaha guddiga, dhinaca kalena guddoomiye ku-xigeenka iyo xoghayaha guddiga.

3- In doorashada kuqabsoomto gudaha Xalane, oo ay amnigeeda sugaan ciidamada booliska Soomaaliya iyo AMISOM.

Sida, muuqata Rooble ayaa waxa uu aqbalay kaliya qodobka saddexaad oo ku saabsan halka ay doorashadu ka dhaceyso, wuxuuna diiday labada qodob ee kale.

Sababta Cabdi Xaashi u doonayo in hoggaanka guddiyada la kala qeybsado, ama la wada guddoomiyo, ayaa ah inuu ogyahay in xubnaha uu soo magacaabay ra’iisul wasaare Rooble aysan dhex-dhexaad aheyn.

Sidaas darteed, Rooble inkasta oo uu isu muujinayo inuu xal raadinayo, haddana wuxuu weli ku dadaalayaa in guddigan uu noqdo mid si buuxda ugu jira gacanta Mahdi Guuleed iyo Farmaajo.

Muxuu yahay walaaca soo wajahay guddiga hirgelinta doorashooyinka DALKA?

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyaha guddiga hirgelinta doorashooyinka ee heer federaal, Maxamed Xasan Maxamed (Cirro) oo wareysi siiyey VOA ayaa ka hadlay arrimaha doorashooyinka dalka ee 2021-ka, gaar ahaan soo xulista xildhibaanada labada Aqal.

Cirro ayaa shaaca ka qaaday in si wanaagsan ay ku bilaabatay doorashada Golaha Aqalka Sare, wuxuuna tilmaamay in illaa iyo hadda aysan soo gaarin wax cabasho ah.

Guddoomiyaha ayaa xusay in ka guddi ahaan ay dadaali doonaan, balse wuxuu walaac ka muujiyey doorashada Golaha Shacabka oo uu tilmaamay inay caqabado ka imaan karaan.

Maxamed Xasan Cirro oo hadalkiisa sii wata ayaa sheegay in ergo badan iyo odayaal ay wax soo xulayaan, isla-markaana laga yaabo in murano ay ka yimaadaan halkaasi.

“Caqabaduhu waxa ay noqon karaan waqtiga Aqalka Hoose la galo wuu ka yara howl badan yahay Aqalka Sare oo marka aad u fiiriso dad badan oo ergooyin ah ayaa soo dooran doono Caaqilo badan ayaa wax soo xuli doono iyo ururo bulsho, marka waxyaabahaas oo dhan waa meelaha muranada iyo wax ka yimaadiin oo caqabadaha ugu badan ee aan dareemi doono waa halkaasi,” ayuu yiri guddoomiye Maxamed Xasan Maxamed (Cirro).

Guddoomiyaha guddiga hirgelinta doorashooyinka ee heer federaal, Maxamed Xasan Maxamed (Cirro) ayaa sidoo kale rajo wanaagsan ka muujiyey in doorashadu ay noqon doonto mid ku qabsoonta daah-furnaan.

Hadalkan ayaa kusoo aadaya, iyada oo haatan maamullada Jubbaland iyo Koonfur Galbeed ay bilaabeen doorashooyinka dalka, gaar ahaan tan Golaha Aqalka Sare ee Soomaaliya.

Wasiir ka tirsan DF oo Jay Bahdur iyo ururo ku eedeeyey ‘shirqool la rabo in lagu dilo’

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiiru Dowlaha Wasaarada Maaliyada Dowlada Federaalka Maxamuud Xayir Ibraahim ayaa ku eedeeyey Jay Bahdur iyo urur aan dowli aheyn oo fadhigiisu yahay Switzerland iney jabsadeen Emeil-kiisa islamarkaana qorsheynayaan iney dilaan.

Hay’addan ayaa wada baaritaano ku saabsan kaluumeysiga sharci darada ah ee laga sameeyo xeeebaha Baddweynta Hindiya dalka Soomaaliya, sida lagu daabacey jariidada Nation ee ka soo baxda dalka Kenya.

Xayir ayaa waydiistey Maxkamad ku taal dalka Kenya iney soo saarto amar ay kaga joojineyso Jay Bahdur iyo hay’adda la dagaalanka dambiyada Abaabulan ee Caalamiga ah “Global Initiative against Transnational Organised Crime (Giato)” iney baaraan kaluumeysi sharci daro ah ee ka dhacey xeebaha Soomaaliya kuwaas oo lagu soo eedeeyey in wasiirku qayb ka yahay.

Wasiiru dowlaha ayaa dhexda kaga jirey baaritaano Jay Bahdur ku sameeyey shirkad la yiraahdo “North East Fishing (Nefco)” taasoo kamid ah kuwa ugu badan oo Kaluunka dalka Soomaaliya u dhoofiya dalka Shiinaha.

NEFCO oo la shaqeysata shirkado Kaluumeysi oo dalka Shiinaha laga leeyahay ayaa Bahdur baaritaankiisa ku xusay in inta badan Kaluunka si sharci daro ah ku qabsadaan iyagoo taageero ka helaya saraakiil sare ee ka tirsan dowlada Federaalka Soomaaliya.

Bahdur iyo hay’adda Giato ayaa baaritaano ku wada koox saraakiil Soomaali ah kuwaas ay ku tuhunsan yihiin iney gacan-siinayeen shirkad NEFCO oo muddo soddon sano ah ku jirtey ka ganacsiga Kaluunka.

Wasiiru dowlaha Wasaarada Maaliyada ayaa, sida Jariidada Nation daabacdey, dacwadiisa ku gudbiyey in Jay Bahdur iyo Giato ay jabsadeen emeil-kiisa islamarkaana kala baxeen xoggo muhiim ah kuwaas oo ay u isticmaaleen warbixintooda, waxaana uu doonayaan in Maxkamada sare ee Kenya soo faragliso. Xayir ma uusan xusin sababta Soomaaliya dacwadaan uga xereyn waayey.

Maxamuud Xayir ayaan beenin eedeymaha la xiriira inuu ku lug lahaa Kaluumeysiga sharci darada ah, balse ku dacwoonaya in kaalinta uu ku lahaa arimaha la xiriira soo saarista ruqsooyinkaan in lagu heley si sharci daro ah maadaama emeil-kiisa la jabsadey.

Inta badan saraakiisha lagu xusey warbixinta “Giata” iyo xiriirka ay leeyahiin shirkada la yiraahdo “China Overseas Fisheries Association” kama aysan jawaabin eedeymahaas. Isku dayo la doonayay in xiriir toos ah lagula sameeyo ayaanan gabi ahaanba guuleysan.

Isha: Garowe Online

Kim Jong Un walaashiis oo soo saartay digniin xasaasi ah

Pyongyang (Caasimada Online) – Gabadha saamaynta badan leh ee la dhalatay hogaamiyaha Kuuriyada Waqooyi Kim Jong Un ayaa ka digtay in dhoolatuska milatariga ee ay sida sannadlaha ah u sameeyaan Kuuriyada Koonfureed iyo ciidamada Mareykanka uu wiiqi doono rajada laga qabo xiriir wanaagsan oo ka dhexeeya laba Kuuriyo, maalmo uun ka dib markii Seoul iyo Pyongyang ay dib u fureen wada xaajoodyadooda aan tooska ahayn.

Qoraal kasoo baxay Kim Yo Jong, oo ay baahisay warbaahinta dowladda, ayaa si gaar ah ugu socday Korea-da Koonfureed oo kaliya, taasi oo xoojineysa fikradda ah in go’aanka Korea-da Waqooyi ay dib ugu soo celisay xiriirka Korea-da Koonfureed looga dan leeyahay in lagu cadaadiyo Seoul inay Washington ka dhaadhiciso inay tanaasul ka sameyso wada-hadallada Nuclear ee cakirmay.

“Mararka qaarkood waxaan maqlayay sheeko aan wanaagsanayn oo ah in dhoolatus milatari oo wada jir ah oo dhexmara ciidanka Kuuriyada Koonfureed iyo ciidamada Mareykanka uu dhici karo sidii loo qorsheeyay,” ayey tiri Kim Yo Jong.

“Waxaan taas u arkaa horudhac aan la jeclayn oo si weyn u wiiqaya rabitaanka hoggaamiyeyaasha sare ee Waqooyiga iyo Koonfurta oo doonaya in ay arkaan tallaabo loo qaaday soo celinta kalsoonida labada dhinac taas oo sii xumaynaysa waddada ka horraysa xiriirka Waqooyi-ga iyo Koonfurta Kuuriya,” ayay tiri.

Waxay intaas ku dartay: “Dawladeena iyo ciidankeenu waxay si dhow ula socon doonaan in dhinaca Kuuriyada Koonfureed ay soo bandhigaan dhoolatusyo dagaal, bisha Ogosto ama ay qaataan go’aan kale oo geesinimo leh.”

Dhoolatusyada joogtada ah ee u dhexeeya Seoul iyo Washington waxay ahaayeen kuwa sii huriya cadaawadda muddada dheer ka taagnayd gacanka Kuuriya, iyadoo Kuuriyada Waqooyi ay ugu yeertay tijaabinta duullaanka oo ay kaga jawaabtay tijaabooyin cusub oo gantaalo ah. Kuuriyada Koonfureed iyo Mareykanka ayaa marar badan sheegay in dhoolatuskoodu yahay mid dabiici ah ama iska caadiya ah.

Dhowrkii sano ee la soo dhaafay, Kuuriyada Koonfureed iyo Mareykanka ayaa baajiyay ama hoos u dhigay qaar ka mid ah dhoola tusyadooda si ay u taageeraan dadaallada diblomaasiyadeed ee lagu soo afjarayo xiisadda nukliyeerka ee Kuuriyada Waqooyi ama masiibada COVID-19 awgeed.

Markii wax laga weydiiyay arragtidooda dhoolatusyada xagaaga ee bisha soo socota, Boo Seung-Chan, oo ah afhayeenka Wasaaradda Difaaca Kuuriyada Koonfureed, ayaa khamiistii sheegay in Seoul iyo Washington ay dib-u-eegayaan arrimo ay ka mid yihiin xaaladda covid-19, ee hadda jirta, dadaallada lagu gaarayo ka-hortagga nukliyeerka ee gacanka Kuuriya iyo diyaarinta ciidanka.

Diblumaasiyadda uu hoggaaminayo Mareykanka ee ujeeddadiisu tahay in Kuuriyada Waqooyi laga dhaadhiciyo in ay ka tanaasusho barnaamijkeeda nukliyeerka si ay ugu hesho abaalmarinno dhaqaale iyo siyaasadeed ayaan horumar samayn tan iyo markii shir madaxeedkii labaad ee Kim Jong Un iyo madaxweynihii xilligaas Donald Trump uu burburay sababo la xiriira khilaafyo ka dhashay hoggaaminta Mareykanka.

Dowladda Kuuriyada Koonfureed ee uu hoggaamiyo Madaxweyne Moon Jae-in, oo dooneysa dib-u-heshiisiin ballaaran oo dhex marta Kuuriyada, ayaa mar hore ku xirtay Pyongyang iyo Washington si ay u diyaariso shir-madaxeedkii ugu horreeyay ee dhexmara Trump iyo Kim.

Laakiin Kuuriyada Waqooyi ayaa markii dambe dib u bilowday hadallo kulul oo ka dhan ah Kuuriyada Koonfureed, iyada oo u sheegaysa in aysan dhex gelin la macaamilka Mareykanka.

Bishii Juun ee sanadkii hore, Pyongyang ayaa sidoo kale jartay wada xaajoodyadii curdunka ahaa ee kala dhexeeyay Seoul waxayna burburisay xafiis isku xira oo Kuuriyada Koonfureed ka dhisay dhulkeeda. Khubarada qaar ayaa sheegay in Pyongyang ay mas’uuliyadda burburkii shirweynihii labaad ee Kim-Trump u wareejisay Seoul oo ay ka xumaatay.

Ka dib markii labada Kuuriya ay dib u fureen wadaxaajoodyadooda Talaadadii, ka hadal tallaabooyin dib -u -heshiisiin oo waaweyn sida shir kale oo u dhexeeya Kim Jong Un iyo Moon ayaa si dhaqso leh looga ololaynaa Kuuriyada Koonfureed.

Laakiin Kim Yo Jong wuxuu ku tilmaamay dareenka noocaas ah “xukun deg -deg ah.” Waxay tiri “mala -awaalka degdega ah iyo fasiraadda aan sal lahayn waxay keeni doontaa quus.”

Falanqeeye Cheong Seong-Chang oo ka tirsan machadka Sejong ee gaarka loo leeyahay ee Kuuriyada Koonfureed ayaa sheegay in hadalka Kim Yo Jong uu yahay codsi ah in la joojiyo gabi ahaanba dhoolatusyada Mareykanka iyo Kuuriyada Koonfureed , taas oo aysan aqbali doonin Kuuriyada Koonfureed.

Falanqeeye Cheong Seong-Chang oo ka tirsan machadka Sejong ee gaarka loo leeyahay ee Kuuriyada Koonfureed ayaa sheegay in hadalka Kim Yo Jong uu yahay codsi ah in la joojiyo gabi ahaanba dhoolatusyadii Mareykanka iyo Kuuriyada Koonfureed ee Kuuriyada Koonfureed aysan aqbali karin.

“Kuuriyada Koonfureed ma lahan wax qiil ah oo ay ku qanciso Mareykanka inuu hakiyo dhoolatusyada Kuuriyada Koonfureed iyo Mareykanka, gaar ahaan xilli Kuuriyada Waqooyi ay diidmo ka muujineyso shir-madaxeedka Koonfur-Waqooyi,” ayuu yiri Cheong.

Muxuu yahay ujeedka shirka Afrika ee uu ka qeyb-galay Bayle

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka wasaaradda maaliyadda Soomaaliya, Mudane Cabdiraxmaan Ducaale Bayle ayaa aaladda fogaan aragga uga qeyb-galkay shirweynaha  wasiirada maaliyadda ee Afrika, kaas oo diiradda lagu saaray horumarka dhaqaalaha.

Bayle oo qoraal kooban soo geliyey Facebook-giisa ayaa ka warbixiyey shirkan, wuxuuna sheegay in sidoo kale madasha ay goobjoog ahaayeen Bangiga Adduunka iyo hay’ada IMF.

Sidoo kale wuxuu intaasi ku sii daray in shirka lagu soo hadal qaaday la jaan qaadidda horumarka Digital-ka ah ee xilligan ka jira adduunka.

“Waxa aan ka qeyb galay Shirka Wasiirrada Maaliyadda ee Afrika iyo Bangiga Adduunka/ IMF oo aan diiradda ku saarnay arimaha soo kabashada dhaqaalaha iyo la jaan qaadidda horumarka Digital ka ah ee Adduunka,” ayuu yiri wasiir Cabdiraxmaan Ducaale Bayle.

Wasiirka maaliyadda ayaa sidoo kale xusay in ka qeyb-galka shirkan uu muhiim uhaa Soomaaliya, maadaama horumar iyo dib u habeyn lagu sameeyey dhaqaalaha dalka.

Ugu dambeyn waxa uu u mahadceliyey dowladda Burundi oo sanadkan marti-gelisay shirka wasiirada maaliyadda ee Qaaradda Afrika, kaas oo diirada lagu saaray dhinaca dhaqaalaha.

“Ka qeyb galka Shirkan waxa uu muhiim u ahaa Horumarinta iyo dib-u- habeynta dhaqaalaha Soomaaliya. Ugu dambeyn waxa aan u mahadcelinayaa owladda Burundi oo shirkaan maanta marti galisay. ayuu hadalkiisa sii raaciyey wasiirka maaliyada.

Soomaaliya ayaa sanadihii lasoo dhaafay kobac ka sameyneysay dhinaca dhaqaalaha, waxaana sidoo kale kordhayey daqliga gudaha ee u soo xarooda dowladda dhexe.

Israel oo markale hanjabaad culus u jeedisay IRAN

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’isul wasaaraha Israel Naftali Bennett ayaa jeediyay hadal kulul oo ku wajahan Iran, isaga oo cambaareeyay weerarkii lagu qaaday markab shidaal oo ay leedahay shirkad Israeli ah meel u dhow xeebaha Cumaan, usbuucii hore.

“Waxaa dhammaaday waqtigii si raaxo leh la isaga fadhin jiray Tehran iyada dab laga hurinayo bariga dhexe,” ayuu yiri Mr Bennett.

Hadalkan ayaa jeediyay xilli uu Bennett booqday Talaadadii saldhig militari oo ku yaalla Waqooyiga, isga oo uu weheliyo Taliyaha Guud ee IDF, Aviv Kohavi.

Bennett ayaa yiri: “Waxaan abaabuli doonaa caalamka, laakiin isla waqtigaas waxaan sidoo kale naqaannaa sida aan kaligeen wax uga qaban karno oo ay Iran ogaato cawaaqibka ka dhalan kara marka ay amnigeena halis galiso,” ayuu intaa ku daray Bennett.

“Isla markii weerarka Iiraan ay ku qaaday markabka, waxaan la wadaagnay macluumaadka ay heleen sirdoonkeenna saaxiibbadeenna Mareykanka, Ingiriiska iyo dalal kale,” ayuu Bennett hadalkiisa raaciyay.

Ra’iisul wasaaraha Israel ayaa muujiyay sida uu uga xun yahay in “wakiil ka socda Midowga Yurub uu ka qeybgalayo xafladda dhaarinta Madaxweynaha cusub ee Iran Raisi (Khamiista).

Wuxuu uu canaan u jeediyay Midowga Yurub, isagoo yiri: “Suuragal ma ahan in laga hadlo xuquuqda aadanaha, iyadoo la sharfayo gacan ku dhiiglaha dalkiisa ka saaray boqolaal qof oo ka soo horjeeday nidaamka Iiraan”.

Dowladda Iran ayaa Isniintii, sheegtay inay si deg deg ah uga jawaabi doonto wax kasta oo khatar ku ah ammaankeeda.

Af -hayeenka Wasaaradda Arrimaha Dibedda Iran Saciid Khatibzadeh ayaa sheegay in Israa’iil “ay tahay inay joojiso eedeymaha aan sal iyo raad toona lahayn” wuxuuna ugu baaqay Mareykanka iyo Britain inay keenaan caddeyn lagu taageerayo eedeymahooda.

Khatibzadeh wuxuu sheegay in Iiraan “aysan ka labalabeyn doonin inay ilaaliso amnigeeda iyo danaha qarankeeda, isla markaana ay si degdeg ah uga jawaabi doonto wax kasta oo suuragal ah”.

Iiraan iyo Israa’iil ayaa midba midka kale ku eedeeyay inuu weerarro ku qaaday maraakiibta labada dhinac

Britain ayaa u yeertay safiirka Iran waxayna ka codsatay maraakiibta inay si xor ah u dhex maraan gobolka saliidda hodanka ku ah.

Xiisadda u dhexeysa Iiraan iyo Israa’iil ayaa sare u kacday tan iyo 2018 -kii, markii madaxweynaha Mareykanka Donald Trump uu ka baxay heshiiskii nukliyeerka ee Tehran ay la gashay lix quwadood oo adduunka ah isla markaana uu dib u soo celiyay cunaqabateyntii dhaqaale ee curyaamisay dhaqaalaha Iiraan.

Isha: BBC

Maxaa looga hadlay kulankii uu caawa Rooble la yeeshay madax goboleedyada?

0

Muqdisho (Caasimada Online)- Qoraal ka soo baxay xafiiska Ra’iisul wasaaraha ayaa lagu shaaciyey in Rooble uu caawa kulan qadka internetka kula yeeshay madaxda dowlad goboleedyada dalka, iyagoo ka wadahadlay arrimaha doorashooyinka.

Qoraalka ayaa lagu yiri, “Kulan fogaan arag ah oo ay caawa yeesheen Madaxda Golaha Wadatashiga Qaranka uuna shir guddoominayay Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble ayaa looga wadahadlay dardar-gelinta howlaha doorashooyinka dalka.”

Intii uu kulankaasi socday ra’iisul wasaare Rooble ayaa madaxda dowlad goboleedyada uga warbixiyey halka uu marayo khilaafka xubnaha guddiga doorashada kuraasta BF ee gobollada waqooyi oo maanta xafiiskiisa uu ku qaabilay.

“Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble ayaa Golaha uga warbixiyay halka ay mareyso xallinta khilaafka ka taagan doorashada hoggaanka Guddiga Maamulka Doorashada Gobollada Woqooyi ee Somaliland, iyadoo goluhu si buuxda u taageeray dadaalada Ra’iisul Wasaaraha ee lagu dhammeystirayo dhismaha Guddoonka Guddiga Maamulka Doorashooyinka Somaliland oo maanta uu Ra’iisul Wasaaruhu ku wargaliyay Xubnaha Gudigaas in ay si deg deg ah isaga dhex doortaan hoggaankooda,” ayaa lagu yiri qoraalkaan uu caawa baahiyey xafiiska Rooble.

Khilaafka guddiga doorashada kuraasta reer Somaliland ayaa salka ku haya xurguf siyaasadeed oo u dhaxeysa siyaasiyiinta ka soo jeeda gobollada waqooyi oo u kala jabay laba garab oo ay kala hoggaaminayaan Cabdi Xaashi iyo Mahdi Guuleed.

R/Wasaare Rooble ayaa horay u balan qaaday inuu xal deg deg ah u raadinayo khilaafka guddiga iyo siyaasiyiinta reer waqooyi, si doorasho lagu wada qanacsan yahay ay u dhacdo, isagoo maanta baabi’iyey nidaamka guddoono kala hoggaaminayey 11-ka xubnood ee guddiga doorashada kuraasta xildhibaanada dowladda federaalka ku meteli doona Somaliland.

Maalmaha soo socda ayaa lagu wadaa in xubnaha guddigaas ay doortaan guddoon rasmi ah, isla markaana lasoo afjaro khilaafkooda.

Sidoo kale kulankaan ay caawa yeesheen madaxda golaha wadatashiga qaranka ee Ra’iisul wasaare Rooble iyo madaxda dowlad goboleedyada ayaa ku soo aadaya iyadoo ay dowlad goboleedyada Jubbaland iyo Koonfur Galbeed soo doorteen xubnaha ku metelaya golaha Aqalka Sare ee baarlamaanka 11-aad.

Halka madaxda seddaxda dowlad goboleed ee kale aysan weli soo gudbin liiska musharaxiinta u tartameysa golaha Aqalka Sare, balse waxaa la filayaa in saacadaha iyo maalmaha soo socday ay soo gudbiyaan.