26.8 C
Mogadishu
Sunday, June 22, 2025

Israel oo markale hanjabaad culus u jeedisay IRAN

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’isul wasaaraha Israel Naftali Bennett ayaa jeediyay hadal kulul oo ku wajahan Iran, isaga oo cambaareeyay weerarkii lagu qaaday markab shidaal oo ay leedahay shirkad Israeli ah meel u dhow xeebaha Cumaan, usbuucii hore.

“Waxaa dhammaaday waqtigii si raaxo leh la isaga fadhin jiray Tehran iyada dab laga hurinayo bariga dhexe,” ayuu yiri Mr Bennett.

Hadalkan ayaa jeediyay xilli uu Bennett booqday Talaadadii saldhig militari oo ku yaalla Waqooyiga, isga oo uu weheliyo Taliyaha Guud ee IDF, Aviv Kohavi.

Bennett ayaa yiri: “Waxaan abaabuli doonaa caalamka, laakiin isla waqtigaas waxaan sidoo kale naqaannaa sida aan kaligeen wax uga qaban karno oo ay Iran ogaato cawaaqibka ka dhalan kara marka ay amnigeena halis galiso,” ayuu intaa ku daray Bennett.

“Isla markii weerarka Iiraan ay ku qaaday markabka, waxaan la wadaagnay macluumaadka ay heleen sirdoonkeenna saaxiibbadeenna Mareykanka, Ingiriiska iyo dalal kale,” ayuu Bennett hadalkiisa raaciyay.

Ra’iisul wasaaraha Israel ayaa muujiyay sida uu uga xun yahay in “wakiil ka socda Midowga Yurub uu ka qeybgalayo xafladda dhaarinta Madaxweynaha cusub ee Iran Raisi (Khamiista).

Wuxuu uu canaan u jeediyay Midowga Yurub, isagoo yiri: “Suuragal ma ahan in laga hadlo xuquuqda aadanaha, iyadoo la sharfayo gacan ku dhiiglaha dalkiisa ka saaray boqolaal qof oo ka soo horjeeday nidaamka Iiraan”.

Dowladda Iran ayaa Isniintii, sheegtay inay si deg deg ah uga jawaabi doonto wax kasta oo khatar ku ah ammaankeeda.

Af -hayeenka Wasaaradda Arrimaha Dibedda Iran Saciid Khatibzadeh ayaa sheegay in Israa’iil “ay tahay inay joojiso eedeymaha aan sal iyo raad toona lahayn” wuxuuna ugu baaqay Mareykanka iyo Britain inay keenaan caddeyn lagu taageerayo eedeymahooda.

Khatibzadeh wuxuu sheegay in Iiraan “aysan ka labalabeyn doonin inay ilaaliso amnigeeda iyo danaha qarankeeda, isla markaana ay si degdeg ah uga jawaabi doonto wax kasta oo suuragal ah”.

Iiraan iyo Israa’iil ayaa midba midka kale ku eedeeyay inuu weerarro ku qaaday maraakiibta labada dhinac

Britain ayaa u yeertay safiirka Iran waxayna ka codsatay maraakiibta inay si xor ah u dhex maraan gobolka saliidda hodanka ku ah.

Xiisadda u dhexeysa Iiraan iyo Israa’iil ayaa sare u kacday tan iyo 2018 -kii, markii madaxweynaha Mareykanka Donald Trump uu ka baxay heshiiskii nukliyeerka ee Tehran ay la gashay lix quwadood oo adduunka ah isla markaana uu dib u soo celiyay cunaqabateyntii dhaqaale ee curyaamisay dhaqaalaha Iiraan.

Isha: BBC

Maxaa looga hadlay kulankii uu caawa Rooble la yeeshay madax goboleedyada?

0

Muqdisho (Caasimada Online)- Qoraal ka soo baxay xafiiska Ra’iisul wasaaraha ayaa lagu shaaciyey in Rooble uu caawa kulan qadka internetka kula yeeshay madaxda dowlad goboleedyada dalka, iyagoo ka wadahadlay arrimaha doorashooyinka.

Qoraalka ayaa lagu yiri, “Kulan fogaan arag ah oo ay caawa yeesheen Madaxda Golaha Wadatashiga Qaranka uuna shir guddoominayay Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble ayaa looga wadahadlay dardar-gelinta howlaha doorashooyinka dalka.”

Intii uu kulankaasi socday ra’iisul wasaare Rooble ayaa madaxda dowlad goboleedyada uga warbixiyey halka uu marayo khilaafka xubnaha guddiga doorashada kuraasta BF ee gobollada waqooyi oo maanta xafiiskiisa uu ku qaabilay.

“Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble ayaa Golaha uga warbixiyay halka ay mareyso xallinta khilaafka ka taagan doorashada hoggaanka Guddiga Maamulka Doorashada Gobollada Woqooyi ee Somaliland, iyadoo goluhu si buuxda u taageeray dadaalada Ra’iisul Wasaaraha ee lagu dhammeystirayo dhismaha Guddoonka Guddiga Maamulka Doorashooyinka Somaliland oo maanta uu Ra’iisul Wasaaruhu ku wargaliyay Xubnaha Gudigaas in ay si deg deg ah isaga dhex doortaan hoggaankooda,” ayaa lagu yiri qoraalkaan uu caawa baahiyey xafiiska Rooble.

Khilaafka guddiga doorashada kuraasta reer Somaliland ayaa salka ku haya xurguf siyaasadeed oo u dhaxeysa siyaasiyiinta ka soo jeeda gobollada waqooyi oo u kala jabay laba garab oo ay kala hoggaaminayaan Cabdi Xaashi iyo Mahdi Guuleed.

R/Wasaare Rooble ayaa horay u balan qaaday inuu xal deg deg ah u raadinayo khilaafka guddiga iyo siyaasiyiinta reer waqooyi, si doorasho lagu wada qanacsan yahay ay u dhacdo, isagoo maanta baabi’iyey nidaamka guddoono kala hoggaaminayey 11-ka xubnood ee guddiga doorashada kuraasta xildhibaanada dowladda federaalka ku meteli doona Somaliland.

Maalmaha soo socda ayaa lagu wadaa in xubnaha guddigaas ay doortaan guddoon rasmi ah, isla markaana lasoo afjaro khilaafkooda.

Sidoo kale kulankaan ay caawa yeesheen madaxda golaha wadatashiga qaranka ee Ra’iisul wasaare Rooble iyo madaxda dowlad goboleedyada ayaa ku soo aadaya iyadoo ay dowlad goboleedyada Jubbaland iyo Koonfur Galbeed soo doorteen xubnaha ku metelaya golaha Aqalka Sare ee baarlamaanka 11-aad.

Halka madaxda seddaxda dowlad goboleed ee kale aysan weli soo gudbin liiska musharaxiinta u tartameysa golaha Aqalka Sare, balse waxaa la filayaa in saacadaha iyo maalmaha soo socday ay soo gudbiyaan.

Maamulka G/Banaadir oo soo saaray go’aan ka dhan ah…

0

Muqdisho (Caasimada Onine) – Maamulka Gobolka Banaadir ayaa soo saaray amar culus oo ka dhan ah gawaarida xamuulka qaada ee ka shaqeeya Dekadda Muqdisho, kadib markii gaadiidkaas uu sababay saxmad iyo jaam ka dhashay jidadka magaalada.

Gawaarida xamuulka kasoo qaada Dekadda Muqdisho ayaa lagu amray inay Dekadda kasoo bixi karaan laga bilaabo markii ay saacadu gaarto 10:00 Habeenimo ilaa 4:00 Habeenimo sida uu saxaafadda u sheegay afhayeenka Gobolka Banaadir Saalax Cumar Xasan.

Maamulka Gobolka Banaadir ayaa sidoo kale mamnuucay inay gawaarida xamuulka ah soo qaadaan rar ka badan inta loogu talagalay, taas oo sababta inay ku rogmadaan gudaha magaalada, isla markaasna ay ka dhalatay dhibaato naf iyo maalba leh.

Sidoo kale, Afhayeenka waxa uu sheegay in la amrayo ciidamada ku sugan Isgoysyada Taleex, Tarabuunka iyo Marinaayo ee magaalada Muqdisho inay soo deyn karaan kaliya Gaadiidka xamuulka ee sida tooska ah u galaya dekadda ee aan baakinka ama fariisinka ka dhiganeyn wadooyinka u dhow dekadda.

Maamulka Gobolka Banaadir ayaa faray ciidamada Ammaanka inay hubiyaan dhaqan gelinta amarkaan loogu talagalay in lagu yareeyo saxmadda ka jirta jidadka Muqdisho oo ay sabab u yihiin gawaarida xamuulka qaada ee laga soo fasaxo Dekadda ama soo gelaya.

Dhowr jeer oo hore ayaa laga soo saaray Gobolka Banaadir amaro kuwaan la mid ah mana aysan dhaqan gelin, haddana lama saadaalin karo sida uu ku hirgeli karo amarka cusub ee kasoo baxay Maamulka Gobolka Banaadir.

Hoos ka daawo Afhayeenka

Galka Baarista oo shaaciyey XOG cusub oo laga helay askartii la geeyay Eritrea iyo qorshe ay bilowday DF

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Xog cusub ayaa kasoo baxeysa dhalinyarada dowladda federaalka ay tobabarka ciidan u geysay dalka Eritrea, kuwaasi oo muddooyinkii dambe hadal hayn iyo dood badan ka dhex abuuray bulshada Soomaaliyeed.

Barnaamijka Galka Baarista ayaa toddobaadkan markale diirada saaray ciidamada Soomaaliyeed ee dowladda federaalka geysay Eritrea, ayada oo lagu wareystay dhalinyaro kale oo kasoo baxsaday dalkaas, kuwaasi oo ka waramay xaalado bini’aadanimo oo aad u xun oo ku qabsaday xeryihii lagu tobabarayey ee ay ku jireen.

Dhalinyarada kasoo baxsatay xeryaha lagu tobabaray ee Eritrea ayaa qaarkood waxay sheegen inay qaban jireen shaqo ka baxsan midka ciidanimo oo aad u adag, halka kuwa kalena ku dhinteen shaqaaqo dhex-martay ciidamada Soomaaliyeed iyo kuwa Eritrea.

“Waxaa dhacday maalin in meel lagu arkay rag Eritrean ah oo meel qodaya, waxaa la yiri qaar kamid ah dhalinyaradii Soomaalida ah ayaa dhintay oo halkaan ku aasayaan,” ayuu yiri Mid kamid ah dhalinyarada lagu wareystay barnaamijka Galka Baarista.

“Meel aan ku tobabaran jirnay ayaa nin Eritrean ah oo macalimiinta kamid ahaa ayaa isku dal-dalay, kadib ayey ciidamada Eritrean-ka ay ku shamuumeen.”

Sidoo kale waxay dhalinyarada lagu wareystay barnaamijkan ay xuseen in markii hore ee la qaadayay loo sheegay in la geynayo Qatar, balse laga dejiyay caasimada dalka Eritrea, sida ay hore u sheegen dhalinyaro kal hore kasoo baxsaday xeryihii lagu tobabaray.

Barnaamijka Galka Baarista ee ka baxa idaacada VOA-da ayaa sidoo kale shaaciyey in dowladda Soomaaliya ay qorsheyneyso in dhallinyaradaas dib loo soo celiyo, xili muddooyinkii dambe ay sare u kacday xiisada ka dhalatay arrinkaas.

Xogta uu helay Galka Baarista ayaa sheegaysa in madaxda sarre ee dowladda federaalka ay qorsheynayaan in dhalinyarada hadda ku sugan dalka Eritrea ay dib ugu soo celiso dalka toddobaadyo gudahood, ayada oo ay xusid mudan tahay in aan wax jawaab ah laga heynin muddo labo billood ah guddi uu Ra’iisul wasaare Rooble u xil saaray arrinta ciidamadaas.

Ciidamada ay dowladda kasoo celinayso Eritrea ayaa ka howl-gali doona maamul goboleedyada Koonfur Galbeed iyo Jubbaland, sida ay Galka Baarista u sheegen labo sarkaal oo ka tirsan dowladda Soomaaliya oo la qariyay shaqsiyadooda, maadama aan loo ogoleyn inay la hadlaan warbaahinta.

Hoos ka dhageyso barnaamijka

Jeneraal Biixi oo shaaca ka qaaday magaalada xigta oo ay weerarayaan (Daawo)

0

Camaara (Caasimada Online) – Taliyaha ciidanka dhulka ee xoogga dalka Jeneraal Maxamed Tahliil Biixi oo galabta shir jaraa’id ku qabtay deegaanka Camaara ee gobolka Mudug ayaa faahfaahin ka bixiyey gulufka dagaal ee ka socda koonfurta gobolkaas, kaas oo hoggaamintiisa ay Taliyaha ku wehliyaan wasiirka amniga Galmudug, Jeneraal Saadaq Joon iyo saraakiil kale.

Taliye Biixi ayaa wacad ku maray in hadalkiisa kan xiga uu ka jeedin doono gudaha degmada Xarardheere ee gobolka Mudug oo weligeed aan ka bixin gacanta Al-Shabaab intii ay jireen.

Waxa uu sheegay in  hadda si buuxda ay ula wareegeen deegaanada ku hareereysan Camaara oo xarun istaraatiiji ah u aheyd kooxda, isla markaana ay ciidamadu u gudbeen deegaano hor leh oo lagu tuhmaayo inay ku sugan yihiin Al-Shabaab.

“Meesha aan inkala hadlayo waa gudaha Camaara oo si toos ah aan u qabsanay shalay, qorshaheena labaad waxaa uu yahay oo aan ku wajahanahay in aan cadowga ka sifeyno Xarardheere oo hadalkeyga kan ku xiga aan ka jeedi doono, markii ay dadkeenu afkeena ka maqlaan waxaan xoreyeynaa Xarardheere runtii aad ayey u farxaan,” ayuu yiri Jeneraal Biixi.

Taliyaha ayaa aad u amaanay ciidamada ku jira dagaalka, sidoo kale waxa uu sheegay in dadka ku nool deegaanadaas ay diyaar u yihiin inay iska difaacaan Al-Shabaab.

“Si qorshaha lagu xoreynayo Xarardheere uu u fulo, waxaan qorsheeyey in cadawga meel kasta laga soo galo, waxaa looga soo wajahan yahay Sh/Dhexe, Hiiraan iyo Galgaduud, waxay dagaalo uga socdaan gobollada Bay iyo Bakool, shacabka iyo ciidankana waxaan u rajeynayaa guul, si gaar ah shacabka deegaanadaan Wisil ilaa Camaara oo si joogto ah noo gacan siinaya,” ayuu hadalkiisa ku sii daray Taliyaha ciidanka dhulka Jeneraal Maxamed Tahliil Biixi.

Hoos ka Daawo

Horjoogihii Al-Shabaab u gacan geliyey Faransiiskii laga afduubtay Saxafi oo la qabtay

0

Camaara (Caasimada Online) – Ciidamada Dowladda Soomaaliya iyo kuwa Galmudug ee shalay gudaha u galay Magaalada Camaara ee Gobolka Mudug ayaa gacanta ku dhigay horjooge Al-Shabaab u qaabilsanaa dhanka afduubyada Ajaanibta.

Horjoogahaan Al-Shabaab u qaabilsanaa afduubka ajaanibta ayaa waxaa looga cararay Magaalada Camaara oo Al-Shabaab ay shalay isaga baxeen markii ay ciidamada Dowladda oo ay kor ka taageerayaan diyaaradaha Mareykanka aad ugu soo dhawaadeen.

Ninkaan oo magaciisa ku sheegay Jabriil Saciid Cali Saciid ayaa waxaa gacanta ku dhigay ciidamadii uu hoggaaminayey Jeneraal Saadaq Joon iyo saraakiisha ciidamada dowlada.

Jabriil ayaa waxaa horey loogu eedeeyey inuu ka dambeeyey afduubka ajaanibta arrimaha samafalka u yimaada Soomaaliya oo uu u gacan gelin jiray kooxda Al-Shabaab, kuwaas oo qaarkood lagu soo daayey madax furasho halka qaar kalana weli lagu la’yahay nolol iyo geeri.

Shabakadda Caasimada Online, Jabriil iyo nin kale oo la socday oo saarnaa gaari ayaa lagu qabtay gudaha Magaalada Camaara, waxaana ninkaan markii ugu war dambeysay lagu ogaa Magaalada Xarardheere oo saldhig u aheyd.

Jabril ayaa loo heystay inuu ka danbeeyeyy afduubka laba Saraakiil oo Faransiis oo sanadkii 2009 lagala baxay Hotelka Saxafi ee magaalada Muqdisho, xilli ay dowladii kumeel gaarka ahayd u tababari lahaayeen ilaalada Madaxtooyada.

Weli Xog faahfaahsan lagama heli qaabkii ay Ciidamada Dowladda ugu suurta gashay inay gacanta ku dhigaan horjoogahaan.

Ciidamada Dowladda iyo kuwa Galmudug oo garab ka helayo diyaaradaha Dowladda Mareykanka ayaa Al-Shabaab kala wareegay deegaano badan oo ka tirsan Gobolka Mudug halkaas oo ay ku sugnaayen muddooyinkii ugu dambeeyey.

Ciidamada huwanta ah ayaa waxay kaabiga ku hayaan Magaalada Xarardheere oo ah saldhigga ugu weynaa ee Al-Shabaab ay ku leeyihiin Gobolka Mudug, waxaana lasoo sheegayaa inay hadda bilaabeen inay isaga baxaan magaalada maadaama ay kusoo wajan yihiin ciidamada Dowladda.

Wararkii ugu dambeeyey xaaladda Turkiga iyo quus iyo su’aalo taagan + Sawirro

Anakara (Caasimada Online) – Dhulka ku teedsan Xeebta koonfureed ee Turkiga ayaa gubanaya. Kaymaha ku yaalla buuralayda degmada Manavgat ee Antalya, qiiqa ayaa hawada isku shareeray. “Mar kasta oo dab kaynta la xakameeyo, mid kale ayaa bilaabanaya,” ayuu laga soo xigtay guddiga gurmadka deg dega ah.

Holaca iyo qiiqa ayaa baabi’inaya dhulbeereedyada, waxaa soo ifbaxaya haraadigii dhirta gubatay iyo qalfoofka geedaha. Tani, dad badani waxa ay rumaysan yihiin in ay tahay tusaalihii ugu dambeeyay ee muujinaya heerka ay gaartay xaallada cimilada oo ka sii daraysa, Turkigu diyaar ma u yahay ?. waa su’aal kale!

Lixdii maalmood ee la soo dhaafay, 132 oo goobood oo ku yaalla koonfurta iyo qeybaha kale ee Turkiga, waxaa ka kacay dab waxaana ku dhimatay siddeed qof si lamid ah gubtay ugu yaraan 118,789 hektar oo dhul ah, sida uu qabo machadka Macluumaadka Dabka ee Yurub.

In kasta oo muranku aad u badan yahay, hadana qaar badan oo ka mid ah shacabka Turkigu ayaa rumaysan in dabku ka dhashay “no siyaasadeed” – aragti ayna dhiirragalinayaan siyaasiyiin badan – laguna soo beegay bilo abaar ba’an iyo heerkul aad u daran ka jiro Turkey.

Antalya, oo ah goob dalxiis ayaa heerkulkeedu caadiyan ahaan jiray xilligaan oo kale 30C (95 Fahrenheit) balse toddobaadkan ayaa heerkulku gaaray 40C. Bishii July 20 -keedii, Turkiga ayaa diiwaangeliyay heerkulkii ugu sareeyay abid 49.1 (120.38 Fahrenheit) gaar ahaan gobolka koonfur -bari.

Dabka ayaa baabi’iyay kaymaha u dhow xeebaha ay caanka ku yihiin dalxiisayaasha deegaanka iyo kuwa reer Yurub, sida Bodrum iyo Marmaris, iyada oo ay dadku ku cararayaan baabuurta, doomo yaryar iyo mararka qaarkood doonyaha raaxada. Iyada oo heerkulku sii kordhayo hadana waa jira kaymo badan dabku ka kacay kuwaas oo ku yaalla koonfurta Yurub, sida Giriigga, Spain iyo Talyaaniga.

Manavgat ayaa ka mid ah meelaha ugu badan ee dabku saameeyay wadanka Turkiga, waxaana saraakiisha Turkigu la halgamayaan in ay si dhaqso leh u xakameeyaan dabka.

“Goobtaan oo dhami shalay way fiicnayd,” ayuu yiri Mustafa oo deggan tuulada Sirtkoy, isagoo farta ku fiiqaya dhagxaan madoobaatay oo ah gurigii saaxiibkiisa. “Dabka ayaa kacay saaka 5 -tii subaxnimo tanina waa gubatay. 6 -dii subaxnimo, dabku wuu dhammaaday, laakiin 9 -kii subaxnimo ayay dabayshu mar kale soo celisay sidaan ayaa dabku u baabi’yay dhulkaan. ”

Qaar ayaa ku dhaleeceeyay dowladda Turkiga sida ay u maareysay musiibada, gaar ahaan, iyada oo ay ugu wacan tahay in aysan diyaarin dab -damiska ee dalka. Taa baddalkeeda, laakiin dabinta dabka waxaa kala qayb galay Ukraine, Russia, Azerbaijan iyo Iran si ay u caawiyaan, Midowga Yurubna wuxuu sheegay in uu diyaar u yahay caawinta Turkey.

Khabiir ku takhasusay cilmiga dabka oo la yiraahdo Ismail Bekker ayaa sheegay in si looga soo kabsado dabka, ay muhiim tahay in dhulka Kaymaha ah la geeyo qalabka dab damiska oo ku filan balse aysan xal ahayn in dib loo beero kaymaha dabku baabi’iyay.

“Waxaan u baahannahay inaan kaymaha ku darno qorshaynta magaalooyinka maaddaama masiibadani muujisay in dababka kaynta ay hadda gaaray heer ay khatar oo keeni karata in uu saameeyo magaalooyinka,” ayuu yir.

“Marka cimiladu is -beddesho, way sii kululaan doontaa oo dabkuna wuu kori doonaa.”

R/W ROOBLE oo ka laabtay gudoonkii ay doorteen labada garab ee guddiga G/Waqooyi

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda xil-gaarsiinta, Maxamed Xuseen Rooble ayaa goordhoweyd shaaciyey in laga laabtay guddoonkii ay soo doorteen labada garab ee guddiga doorashada Somaliland, kadib kulan uu maanta la qaatay labada garab ee guddigaas.

Qoraal kasoo baxay Xafiiska Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa lagu sheegay in xafiisku uu soo gudbin doono xiliga iyo goobta lagu qabanayo doorashada guddoonka guddiga doorashooyinka gobolada Waqooyi ee Somaliland oo maalmihii u dambeeyay u kala jabay labo garab.

“Ra’iisul Wasaaraha ayaa xusay in laga noqday doorashadii ay dhowaan dhinacyada guddigu ku doorteen labada hoggaan, isla markaana uu Xafiiska Ra’iisul Wasaaruhu soo gudbin doono xiliga iyo goobta lagu qabanayo doorashada guddoonka guddiyada,” ayaa lagu yiri qoraalka.

“Waxa uu sheegay in xubnaha guddiga laga doonayo in ay ka madax banaanaadaan siyaasadda iyo aragtida dhinacyada, ayna si siman ugu adeegaan dhammaan muwaadiniinta u tartamaya kuraasta ay doorashadooda hagayaan.”

Sidoo kale Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa tilmaamay in mas’uuliyadda koowaad ee hufnaanta iyo la xisaabtanka guddiyada doorashooyinka ay isaga saaran tahay, islamarkaana xubnaha guddigu ay ka fogaadaan wax walba oo baal marsan habraaca doorashooyinka ee lagu heshiiyey.

“Sida ku qoran wareegtadii la idinku soo magacaabay, waxaad ka madax bannaan tihiin cid kasta oo siyaasad ku jirta, sida uu qabo habraaca doorashada, waxaa la idin kaga fadhiyaa waajibaadkiina inaad u gudataan si daacad ah oo waafaqsan hufnaanta doorashada, wixii caqabad ah ee idinla soo gud-boonaadana waxaad ula soo laabanaysaan Ra’iisul Wasaaraha oo ah hoggaamiyaha doorashada.”

Arrintaan ayaa imaneysa xili uu dhawaan Ra’iisul Wasaaraha kulamo wada-jir ah la qaatay hogaamiyeyaasha labada garab ee u kala jabeen guddiga doorashada kuraasta Somaliland, kuwaasi oo fashil kusoo dhamaaday, kadib markii uu Cabdi Xaashi ku gacan seyray dalab uu kusoo jeediyay Rooble in uu si toos ah ula wareego hogaanka doorashada gobolada Waqooyi.

Maxkamadda Ciidamada Qalabka sida oo soo saartay digniin la xiriirta doorashada

0

Baydhabo (Caasimada Online) – Guddoomiyaha Maxkamadda Ciidamada Qalabka sida ee Soomaaliya Xasan Cali Nuur Shuute oo ku sugan Magaalada Baydhabo ee xarunta kumeel gaarka ah ee Koonfur Galbeed ayaa soo saaray digniin ku saabsan doorashada Soomaaliya.

Guddoomiye Shuute ayaa ciidamada qalabka sida ee kala duwan uga digay inay ku milmaan arrimaha siyaasadda, gaar ahaan inay farageliyaan doorashooyinka ka bilowday Soomaaliya.

Guddoomiye Shuute waxaa uu ku amray Xeer ilaalinta maxkamadda inay dacwad kasoo gudbiyaan askarigii ama sarkaalkii farageliya Arrimaha doorashooyinka ee xilligaan ka socda dalka.

Shuute ayaa sheegay in askarigi ama sarkaalkii lagu helo inuu faragelin ku sameeyey doorashada Soomaaliya lagu ciqaabi doono in gebi ahaanba laga saaro liiska Dowladda Soomaaliya.

“ Meel kasta oo Ciidan uu joogo waan tegi doonaa, waxaana farayaa xafiiska Xeer ilaalinta in uu galdacwadeed kasoo gudbiyo ciidamada dhexdooda oo ka dhan ah shaqsiyaadka, iyada oo ciidamada ka tirsan ku milmay siyaasadda, waxaana qofkii lagu helo uu noqon doonaa mid aan u qalmin in uu ciidamada kasii mid ahaado ayuu yiri”  Guddoomiye  Shuute.

Hadalka Guddoomiyaha Maxkamadda Ciidamada Qalabka sida ee Soomaaliya Xasan Cali Nuur Shuute ayaa daba socda xilli Xubnaha musharixiinta Madaxweynaha ay dhowr jeer sheegeen in Madaxda joogta Villa Soomaaliya ay Ciidamada u adeegsadeen in lagu boobo doorashada.

Lama ogo waxa ay faragelinta ciidamada ee doorashada Soomaaliya ka badali doonto hadalka guddoomiyaha maxkamadda ciidamada qalabka sida inkastoo dhawaan lagu heshiiyey inay amniga doorashada sugan ciidamo isku dhaf ah iyo kuwa AMISOM.

Soomaaliya ayaa gashay xaalad doorasho, waxaana la doortay illaa 9 xildhibaan oo aqalka sare ah oo kasoo kala galay Koonfur Galbeed iyo Jubbaland, waxaana doorashada Soomaaliya ka socoto mas’uul ka ah Ra’isulwasaare Maxamed Xuseen Rooble oo lagu wareejiyey mas’uuliyadaas.

Liiska ay soo saarayaan Guudlaawe iyo Qoor Qoor iyo rajada FARMAAJO + Video

Warbixintan oo muuqaal ah halkan ka daawo 

Muqdisho (Caasimada Online) – Billowga doorashada Aqalka Sare, iyo tallaabooyinka ay qaadeen Axmed Madoobe iyo Cabdicasiis Lafta-gareen, waxay sidoo kale daah-fureen loolanka musharaxiinta madaxweynaha Soomaaliya, xitaa kahor inta aan la gaarin doorashada madaxweyne.

Labada liis ee kasoo kala baxay Axmed Madoobe iyo Lafta-gareen waxay muujiyeen halka uu Farmaajo ka filayo inay ugu soo baxaan xildhibaanada uu isku haleynayo doorahadii madaxweyne.

Afartii Senator ee Khamiistii lagu doortay Kismaayo waxay noqdeen kuwa ka baxsan xeendaabka Farmaajo, kadib markii xubnihii taageersnaa la reebay, waxaana taa beddelkeed soo xubno ka tirsan xisbiga Xasan Sheekh ee UPD ama taageersan.

Dhanka kalena, madaxweyne Cabdicasiis Lafta-gareen waxa uu liiskii uu soo saaray ka reebay xildhibaanada mucaaradka ku ah Farmaajo, isaga oo ku beddelay musharaxiin la filayo inay taageeraan Farmaajo.

Tallaaoobyinka ay qaadeen Axmed Madoobe iyo Lafta-gareen la-yaab ma leh, oo waa kuwa ay filayeen xog-ogaalka siyaasadda Soomaaliya.

Si kastaba, siyaasadaha aan la saadaalin karin ee madaxweynayaasha Gamudug iyo HirShabelle, Axmed Qoor Qoor iyo Cali Guudlaawe, iyo liiska musharaxiinta Aqalka Sare ee ay soo gudbin doonaan, ayaa wax badan nooga sheegi doona heerka ay gaarsiisan tahay daacad u ahaanshahooda Farmaajo.

Warar ay heshay Caasimada Online ayaa sheegaya in Qoor Qoor iyo Guudlaawe ay cadaadis xooggan kala kulmayaan Villa Somalia, si liiska musharaxiinta looga reebo Senatorada mucaaradka ah, looguna beddelo musharaxiin ay raali ka tahay madaxtooyada.

Hase yeeshee, ma ahan arrin sahlan in liiska musharaxnimo laga reebo xubnaha ay cabashada ka qabto Villa Somalia, sababtoo ah, badankood waa jilbo-weynta siyaasadda Soomaaliya iyo qabiillada ay kasoo jeedaan.

Senatorada laga soo doorto Galmudug ee la sugayo inuu go’aanka ka gaaro Qoor Qoor waxaa ka mid ah, guddoomiye ku-xigeenka Aqalka Sare Abshir Bukhaari, iyo Senatorada kala ah; Cabdi Xasan Cawaale Qeybdiid, Cabdi Axmed Dhuxulow Dhagdheer, Yuusuf Geelle Ugaas, Jawaahir Axmed Cilmi iyo xubno kale.

Madaxweynaha HirShabelle Cali Guudlaawe ayaa isna laga dhowrayaa haddii uu liiska ka saari doono iyo haddii kale, xubno ay ka mid yihiin Xaaji Muuse Suudi Yalaxow, Maxamed Amiin Sheekh Cusmaan, Prof. Cusmaan Maxamuud Dufle, Prof. Maxamed Cusmaan Faarax, iyo Maxamed Xuseen Raage.

Haddii Qoor Qoor iyo Guudlaawe ay liiska musharaxnimo ka reebaan Senatorada mucaaradsan Farmaajo ama badankood, waxay caddeyn doonta halka ay daacadnimadoodu jirto, waxayna xoojin doontaa rajada dib u doorasho ee madaxweynaha waqtigu ka dhammaaday.

Haddiise ay labadan madaxweyne goboleed soo celiyaan Senatorada aan soo xusnay badankood, waxay tusmeyn doontaa inay dhammaatay daacadnimadoodii Farmaajo, ayna ka go’an tahay inay dhexdhexaad ka noqdaan doorashada.

Inkasta oo xildhibaanada Aqalka Sare ee lagu soo dooranayo Galmudug iyo HirShabelle ay marka la isku geeyo yihiin 16, oo aysan wax badan ka tarin doorashada madaxweynaha, haddana go’aanada Qoor Qoor iyo Guudlaawe waxay sii ifin karaan sida ay u maamuli doonaan doorashada xildhibaanada golaha shacabka. 

Madaxweyne Farmaajo ayaa gacanta ku haya, oo la filayaa in inta badan ay taageerayaashiisa noqdaan xubnaha Aqalka Sare ee kasoo baxay Koonfur Galbeed iyo Somaliland.

Madaxweynaha Maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya Cabdicasiis Lafta-gareen, oo Sabtidii soo saaray liiska shan ka mid ah musharaxiinta Aqalka Sare, ayaa billaabay fulinta qorshaha doorashada ee madaxweyne Farmaajo.

Lafta-gareen, oo awood u leh soo gudbinta liiska musharaxiinta Aqalka Sare ee laga soo dooranayo Koonfur Galbeed, ayaa liiska ka reebay laba ka mid ah Senatorada ugu caansan Aqalka Sare, oo kala ah; Ilyaas Cali Xasan iyo Xuseen Sheekh Maxamuud.

Ilyaas Cali Xasan, ayaa waxa uu ka tirsan yahay xisbiga Himilo Qaran ee uu hoggaamiyo Shariif Sheekh Axmed, waana xoghayaha arrimaha dibedda ee xisbigaas, halka Xuseen Sheekh Maxamuud uu xubin sare ah xisbiga UPD ee uu hoggaamiyo madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

Sidoo kale, doorashada xubnaha Aqalka Sare ee Somaliland oo ka dhaceysa Muqdisho, ayaanay jirin cid Farmaajo iyo Mahdi Guuleed ka hor-istaagi doonta inay soo saartaan xubnaha ay doonaan. 

Sidaas darteed, xubno kasta oo intaas dheeri ku ah oo uu Farmaajo ka helo Galmudug iyo HirShabelle, waxay sii xoojin doonaan rajadiisa dib u doorasho. 

Xildhibaanada Somaliland oo maanta doortay guddoon cusub – Yaa mucaaradka iyo muxaafadka guuleystay?

Hargeysa (Caasimada Online) – Xildhibaanada cusub ee baarlamaanka ee Somaliland ayaa maanta doortay guddoomiye cusub, kadib doorasho ka dhacday magaalada Hargeysa.

Doorashadan oo aheyd mid xiiso leh ayaa waxaa ku tartamay labo musharrax oo kala ahaa Yaasiin Xaaji Maxamuud Xiir (Faratoon) iyo Cabdirisaaq Khaliif Axmed.

Faratoon ayaa metalayey xisbiga muxaafadka ah ee Kulmiye, halka Cabdirisaaq uu ka socday xisbiga mucaaradka ee Wadani, kaas oo ay guushu raacday.

Guddoomiyaha maxkamadda sare ee Somaliland oo shaaciyey natiijada ayaa sheegay in Cabdirisaaq Khaliif uu helay 42 cod, halka Yaasiin Maxamuud Faratoon oo laga guuleystay uu helay 39 cod, waxaana sidaas guddoonka golaha wakiilada ugu guuleystay Wadani.

Cabdirisaaq Khaliif ayaa xilal kala duwan kasoo qabtay Somaliland, wuxuuna laba jeer soo noqday wasiir xilligii Siilaanyo, isaga oo sidoo kale xisbiga Wadani ku biiray 2015-kii.

Sidoo kale guddoomiye ku xigeenka koowaad waxaa ku guuleystay Saciid Mire Faarax oo metalaya xisbiga mucaaradka ah ee Ucid , wuxuuna helay 41 cod, halka musharraxii la tartamayey ee Cumar Jaamac uu helay 40 cod.

Guddoomiye ku xigeenka labaad waxaa sidoo kale kusoo baxay Cali Xaamud Jibriil oo isna metalaya xisbiga Ucid, isla-markaaana hekay 43 cod, halka Cabdinaasir Yuusuf Qodax oo laga guuleystay uu helay 38 cod, sida uu ku dhawaaqay guddoomiyaha maxkamadda sare.

Doorashadan ayaa aheyd mid la wada sugayey, waxaana guushan ay xisbiyada mucaaradka u horseedeydaa inay  lalan adag la galaan xisbiga talada haya ee Kulimye.

Waa kuma Cabdirisaaq Khalfii?

Cabdirisaaq Khaliif Axmed waxa uu ku dhashay magaalada Laascaanood, sannadkii 1967-dii, waxabarshada hoose waxa uu ku qaatay isla magaaladaas.

Halka uu waxbarashadiisii sare uu ku qaatay koonfurta Soomaaliya. Waxaa se uu sheegay in aanu ku shaqayn wixii bartay isaga o u baydhay dhanka ganacsiga gaarka ah, maamulka iyo siyaasadda.

Labaatankii sano ee u dhaxeeyey 1991 illaa 2010 hawlahaas ayuu ku mashquulsanaa.

Xukuumadii ugu horreysay ee madaxweyne Siilaanyo ayuu ka noqday sannadkii 2010-kii wasiirka Wasaaradda Ganacsiga, Wershedaha iyo Dalxiiska.

Halka mar kale 2013 bishii 7aad uu noqday Wasiirka Hawlaha Guud iyo Guryeynta Soomaaliya.

Sannadkii 2015-kiina waxa uu ka mid tiro wasiirro ah oo iska casilay xukuumaddii Madaxweyne Siilaanyo, kuwaas oo markii danbena ku biiray xisbigii mucaaradka ahaa ee Waddani.

Sannadkii 2016 – kiina waxa uu noqday xoghayaha Maaliyadda ee Xisbiga Waddani.

Halka 2018 bishii 3aad uu noqday Guddoomiye Ku Xigeenka Koobaad ee Xisbiga Waddani.

Waxaana uu sannadkan xildhibaannadii cusbaa eee golaha wakiillada

Xog: Qaar musharaxiinta madaxweyne ka mid ah oo raadinaya kursi xildhibaan

Muqdisho (Caasimada Online) – Xog ay heshay Caasimada Online ayaa sheegeysa in saddex ka mid ah musharaxiinta xilka Madaxweynaha Soomaaliya ay raadinayaan ka mid noqoshada xubnaha Golaha Shacabka ee baarlamanka Soomaaliya.

Xogta ayaa tilmaameysa in Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed, Ra’iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya Xasan Cali Kheyre iyo hogaamiyaha xisbiga Wadajir Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame ay doonayaan kamid noqoshada Golaha Shacabka.

Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa todobaadkaan la kulmay odoyaasha beesha Agoonyar, waxa uuna weydiistay kursiga iyadoo la sheegay in shanta oday ee beesha ay si buuxda u ogolaadeen kursigaas, ayada oo lagu wargeliyey in haddii uu doonayo aanay jirin cid kula tartami karta.

Kursigan ayaa waxaa hadda ku fadhiya Cabdullaahi Maxamed Nuur, oo sida la sheegay Shariif abaal weyn u haya, una ixtiraama sida aabihiis oo kale, kaasi oo aan tartan la gali doonin madaxweynaha.

Sababta ugu weyn ee Sheekh Shariif uga mid noqonaya Golaha Shacabka ama u raadiyay ayaa lagu sheegay laba qodob oo kala ah, in marka hore uu kursigaan kaga difaacayo madaxweyne Farmaajo oo u rabo wasiirka amniga Soomaaliya, iyo marka labaad oo la sheegay in loogu raadinayo xasaanad uu kaga badbaado qalalaase kasta oo uu wajaho. 

Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa sanadihii la soo dhaafay la kulmay dhowr weerar oo kaga yimid dhinaca dowladda waxaana la sheegay in haddii uu ku guuleesto tartanka xilka Madaxweynaha uu iska casili doono xilka xubinimada Golaha Shacabka.

Sidoo kale, Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa la sheegay inuu odayaasha beeshiisa kala hadlay inuu isku sharxayo xildhibaan, waxaana wararka ay sheegayaan inaan jawaab rasmi ah la siin. Kursigan ayaa waxaa hadda ku fadhiya Saciid Nuur Giriish. 

Dhanka kale, ra’iisul wasaare Xasan Cali Kheyre ayaa sida ay ogaatay Caasimada Online, waxa uu rabitaankiisa weli ku kooban yahay isaga, mana jirto cid ka tirsan odayaasha beesha Habar Cayno oo uu kala hadlay.

Rag badan oo kamid ah Musharaxiinta Mucaaradka ah ayaa hada raadinaya kuraas baarlamanaa, waxaana sababta ugu weyn lagu sheegay inay doonayaan xasaanad. 

Yaa ku dhagan doorashada Puntland ee Aqalka Sare?

0

Garoowe (Caasimada Online) – Doorashada xubnaha Golaha Aqalka Sare ayaa si rasmi ah u bilaabatay, waxaana doorashooyinkii ugu horreeyey ee Golahaasi lagu qabtay magaalooyinka Kismaayo iyo Baydhabo oo ka kala tirsan Jubbaland iyo Koonfur Galbeed.

Maamullada harsan waxaa ka mid ah Puntland, haddaba yaa ku dhagan qabashada doorashada Aqalka Sare ee maamulkaasi?.

Warqad kasoo baxday xafiiska guddiga doorashooyinka Puntland ayaa lagu sheegay in la joogo waqtigii lagu heshiiyey doorashada Golaha Aqalka Sare, waxayna dalab xasaasi ah u direen madaxweyne Siciid Cabdullahi Maxamed (Deni) oo weli ku dhagan doorashadaasi.

Guddiga ayaa ka codsaday Saciid Deni inuu soo saaro liiska xubnaha musharraxiinta ee ku tartamaya kuraasta taalla magaalada Garoowe ee xarunta gobolka Nugaal.

“Waxaan halkan kuugu soo wadaagayaa codsi ku aadan inaad noo soo gudbiso liiska musharraxiinta Aqalka Sare,” ayaa lagu yiri qoraal kasoo baxay xafiiska guddoomiyaha guddiga doorashooyinka heer dowlad goboleed ee Puntland Cabdikariin Muuse Maxamed.

Sidoo kale waxa uu intaasi raaciyey ” Mudane madaxweyne anigoo ku kalsoon codsigeyga inaad iga aqbali doontid, si aan u gudano waajibaadka na saaran ee qaran,”.

Deni ayaa laga sugayaa inuu ka jawaabo dalabkan, isla-markaana uu ku dhawaaqo liiska xubnaha musharraxiinta ee ku tartamaya doorashada ka dhaceysa magaalada Garoowe.

Si kastaba Puntland ayaa la filayaa inay qaado dhabihii ay mareen maamullada Jubbaland iyo Koonfur Galbeed, isla-markaana ay soo xusho Senatorada ka imaanaya maamulkaasi.

 

 

 

 

Muxuu ka yiri Muuse Biixi guul daradii musharaxiintii uu watay maanta ku dhacday?

Hargeysa (Caasimada Online) – Madaxweynaha Somaliland, Muuse Biixi Cabdi ayaa hambalyo iyo bogaadin u diray shir-guddoonka cusub ee maanta loo doortay golaha wakiillada, kadib guul-daradii xisbigiisa iyo musharaxiintii uu watay ka raacday loolankii adkaa ee Guddoonka Golaha Wakiilada Somaliland

Muuse Biixi oo markii ay soo idlaatay doorashada shir-guddoonku qasriga madaxtooyada ku qaabilay xubnaha cusub ee shir-guddoonka, isagoona sheegay inay ku suntanaan doonto baal dahab oo taariikhi ah.

“Maanta waa maalin taariikhi ah, Somaliland-na waxay ugu suntanaan doontaa baal dahab ah, Ilaahayna wuxuu ina gaadhsiiyey guul weyn oo dhammaan Somaliland ku guulaysatay oo wixii Somaliland jecelina uu ku farxayo, cadowga Somaliland-na uu ku jabayo,” ayuu yiri madaxweyne Muuse Biixi.

Sidoo kale waxa uu hoosta ka xarriiqay in guusha qaranka Somaliland oo dhammi wada leeyahay oo aanay xisbi iyo cid gaar ah sheegan karin, wuxuuna u hambalyeeyey musharaxiintii kale ee kula tartameyey ee sida quruxda iyo Dimuqraaddiyadda leh u hanneeyey natiijada, sida uu hadalka u dhigay.

“Somaliland oo dhan baa guulaysatay eee nin qudha ahi ma guulaysan, xisbina ma guulaysan, guddoomiyaha Baarlamaanka , ku-xigeenka koowaad iyo labaadna waan soo dhaweynayaa, waanan hambalyeynayaa, guddoomiyihii la tartamayeyna waan hambalyeynayaa, tartan isu dhaw buu ahaa, waa Dimuqraaddiyad, sida uu u hambalyeeyey iyo waayeelnimada uu muujiyeyna waan hambalyeynayaa.”

Shir-guddoonka cusub ee golaha wakiillada Somaliland ayaa waxaa maanta loo doortay Cabdirisaaq Khaliif Axmed (Guddoomiye), Siciid Mire Faarax Giirre (Guddoomiye ku-xigeenka koowaad) iyo Cali Xaamud Jibriil oo asagana loo doortay Guddoomiye ku-xigeenka labaad ee golaha.

Lafta-gareen oo dhisay qoys siyaasadeed – Sidee xigto u yihiin xubnaha la doortay?

Warbixintan oo muuqaal ah halkan ka daawo

Baydhaba (Caasimada Online) – Madaxweynaha maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya Cabdcasiis Lafta-gareen ayaa xubnaha Aqalka Sare kasoo galaya maamulka Koonfur Galbeed badankood ka dhigay kuwa ka tirsan ehelkiisa ama saaxiib dhow la ah, sida ay ogaatay Caasimada Online.

Lafta-gareen, oo dhowaan soo saaray liiska musharaxiinta shan kursi, ayaa afar ka mid ah ka dhigay xigtadiisa, waxaana dhammaantood shalay si guul leh loogu doortay magaalada Baydhaba, ayaga oo aan wajahin tartan adag.

Laba ka mid ah xubnaha la doortay ayaa waxa ay qabaan gabdhaha uu dhaley taliyaha ciidamada Asluubta Soomaaliyeed General Mahad Cabdiraxmaan, oo loo yaqaan “Taliye Shub,” waxayna la dhasheen xaaska Lafta-gareen, oo sidoo kale uu dhalay taliyaha, ayaga oo Lafta-gareen la noqonaya Owriyo Walaalo. 

Xubnaha la doortay ee xigtada la ah Lafta-gareen ayaa kala ah

1- Aadan Cabdinaasir Maxamed, oo ah wasiiru dowlaha arrimaha gudaha Soomaaliya, kana soo jeeda beesha Hadamo, wuxuu qabaa Anisa Mahad Cabdirahman, oo ay isla dhasheen xaaska Lafta-gareen, Zamzam Mahad Cabdirahman. Labadaba waxaa dhaliye taliye Mahad Cabdiraxmaan.

Aadan Cabdinaasir Maxamed wuxuu beddelayaa Senator Xuseen Sheekh Maxamuud oo kursigan ku fadhiyey afartii sano ee lasoo dhoofay kana tirsan xisbiga UPD ee madaxweyne Xasan Sheekh.

2- Dr. Xuseen Maxamed Daahir, oo kasoo jeeda beesha Boqol Hore, wuxuu qabaa Ilhaan Mahad Cabdirahman oo sidoo kale ay isla dhasheen xaaska Lafta Gareen Zamzam Mahad Abdirahman. 

Dr. Xuseen Maxamed Daahir wuxuu bedelayaa Senator Timiro Maxamed Cali oo kursigan ku fadhisay labadii sano ee tagtay. 

3- Ayaan Aadan Cabdullahi, oo kasoo jeeda beesha Hariin waxay ilma adeer la tahay madaxweynaha Koonfur Galbeed Lafta-gareen, waxayna bedeleysaa Senator Ilyaas Cali Xasan oo kasoo jeeda beesha Eelaay.

Kursigan oo ay laheyd beesha Eelaay, ayuu gebi ahaan Lafta-gareen kasoo wareejiyey, wuxuuna siiyey beesha Hariin, si uu kursiga ugu fadhiisiyo Ayaan. 

4- Maxamuud Maxamed Cabdi Garabey, oo kasoo jeeeda beesha Geeladle, wuxuu ka tirsanaa waaxda dowladaha hoose ee magaalada Baydhaba. Waxaa saaxiibo aad isugu dhow ah Maxamed Cabdi Garabey, aabaha Maxamuud iyo Lafta-gareen. 

Senator-ka kaliya ee la doortay ee aan wax xiriir ah la laheyn Lafta-gareen ayaa ah Zamzam ibraahim Cali, oo kasoo jeedo beesha Jiido. Zamzam ayaa horey kursigan ugu fadhisay, waxaana sababta uusan Lafta-gareen u taaban kursigooda ay tahay in Zamzam uu qabo Suldaan Warsame Ibrow oo ah suldaanka beesha Jiido, oo aan loo dhowaan karin.

Ilo-wareedyo xog-ogaal ah oo Caasimada Online la hadlay ayaa sheegay in xubnaha uu soo xulay Lafta-gareen uusan ugu daneyn cid ka mid ah musharaxiinta madaxweynaha Soomaaliya, balse uu qoyskiisa ugu daneeyey.

“Lafta-gareen musharaxna uma daneyn ee wuxuu dhisay qoys siyaasadeed. Wuxuu doonayaa in xildhibaano isku xiran uu kula gorgortamo musharaxiinta madaxweyne, kana iibiyo kan ugu lacagta badan,” ayuu yiri ilo-wareed la hadlay Caasimada Online.

Waxaa sidoo kale la filayaa in kuraasta shanta ah ee harsan uu sidoo kale usoo xulo Lafta-gareen, sida aan xogta ku helnay.

Baarlamanka Soomaaliya ee cusub, ayaa la filayaa inuu noqdo mid xubnihiisa badankood aysan ku fadhin karti iyo tartan siyaasadeed oo ay galeen, balse ay ku yimaadaan sida ay ugu dhow yihiin madaxweyne goboleedyada oo la filayo in badankood ay qadaaan tallaabo la mid ah tan Lafta-gareen. 

Maxaa dhaliyey buuqa hareeyey kulanka golaha wakiilada SOMALILAND?

Hargeysa (Caasimada Online) – Kulanka golaha wakiilada Somaliland oo haatan ka socda gudaha magaalada Hargeysa ayaa waxaa hareeyey buuq iyo fowdo, kadib markii shir guddoonka golaha lagu wareejiyey xildhibaan Yaasiin Maxamuud Xiir oo loo yaqaano Faratoon.

Buuqa ayaa ka dhashay, kadib markii guddoomiyaha maxkamadda sare ee Somaliland uu shir guddoominta ku wareejiyey Faratoon oo ah musharrax u taagay xilka guddoomiyaha, waxaana xildhibaanada qaar ay ka biyo diideen arrintaas, iyaga oo, kadib fowdo bilaabay.

Xubnaha mucaaradka ee ku jira golaha ayaa shaaca ka qaaday in aysan suurtogal aheyn in Faratoon uu guddoomiyo kulanka, sababo la xiriira in nuu musharrax yahay.

Sidoo kale kadib waxaa laga dajiyey kursiga guddoonka ee golaha, si loo joojiyo buuqa, isla-markaana uu sii socdo kulanka golaha oo ah kii ugu horreeyey ee ay yeeshaan.

Wararka ayaa intaasi ku daraya in kulanka uu haatan si habsami leh ku socdo, waxaana khudbado jeediyey musharraxiinta u taagan xilka guddoonka sare ee golaha wakiilada.

Xildhibaanada ayaa cod gacan-taag ah ku dooranaya gudoomiyaha cusub waxaana u taramaya Yaasiin Xaaji Maxamuud Xiir Faratoon oo metalaya xisbiga muxaafadka ah ee Kulmiye iyo Cabdirisaaq Khaliif Axmed oo ka socda xisbiga mucaaradka ee Wadani, isla markaana garab ka helaya xisbiga Ucid, iyada oo cod dheeri ay ku kala bixi doonaan.

Sidoo kale doorashada guddoomiyaha cusub, kadib ayaa waxaa la sii amba qaadi doonaa doorashada guddoomiye ku xigeenka koowaad iyo labaad ee golaha wakiilada Somaliland.

Doorashadani ayaa waxaa goobjoog ahaa xubno ka socda xukuumadda iyo sidoo kale guddoonka xisbiyada mucaaradka Wadani iyo Ucid.

Wararkii ugu dambeeyey ee doorashada guddoonka golaha wakiilada Somaliland

Hargeysa (Caasimada Online) – Magaalada Hargeysa ee caasimada Somaliland waxaa maanta la filayaa inay ka dhacdo doorashada guddoonka golaha wakiilada maamulkaasi, taas oo ah mid xiiso leh, isla-markaana ay isku hayaan xisbiyada Kulmiye, Wadani iyo Ucid.

Qaban qaabadii ugu dambeysay ee doorashada ayaa haatan ka socota Hargeysa, waxaana lagu soo warrmayaa in goordhow shirka golaha uu ka furmay magaaladaasi

Kulankan oo ay soo xaadireen 81 Mudane ayaa waxaa lagu dooran doonaa guddoomiye, ku xigeenkiisa koowaad iyo labaad, taas oo uu muran ka taagnaa maalmihii lasoo dhaafay.

Wararka ayaa sheegaya in marka hore xildhibaanadu ay cod gacan-taag ah ku dooranayaan gudoomiyaha waxaana ku taramaya Yaasiin Xaaji Maxamuud Xiir Faratoon oo metalaya xisbiga muxaafadka ah ee Kulmiye iyo Cabdirisaaq Khaliif Axmed oo ka socda Xisbiga Wadani, isla markaana garab ka helaya Ucid, iyada oo cod dheeri ay ku kala bixi doonaan.

Sidoo kale doorashada guddoomiyaha cusub, kadib ayaa waxaa la sii amba qaadi doonaa doorashada guddoomiye ku xigeenka koowaad iyo labaad ee golaha wakiilada Somaliland.

Doorashadan ayaa waxaa goobjoog ah xubno ka socda xukuumadda iyo sidoo kale guddoonka xisbiyada mucaaradka Wadani iyo Ucid.

Ammaanka ayaa sidoo kale lagu soo warramayaa in aad loo adkeeyey, isla-markaana meelaha muhiimka ee Hargeysa la dhigay ciidamo Boolis ah, si loo adkeeyo amniga.

Somaliland ayaa horey waxaa uga dhacday doorasho taariikhi ah oo isugu jirtay tan golaha wakiilada iyo sidoo kale mida goleyaasha deegaanka ee magaalooyinka maamulkaasi.

Soomaaliya oo diiday arrin ay soo jeediyeen Midowga Afrika oo la xiriirta kiiska badda

0

Muqdisho (Caasimada Online)- Wasiirka Arrimaha Dibedda ee Soomaaliya Maxamed Cabdirisaaq Maxamuud ayaa sheegay in dawladda Soomaaliya diiday dhex-dhexaadin ku saabsan muranka xuduudda badda ee ka dhexeeya Soomaaliya iyo Kenya.

Wasiirka ayaa sheegay in arrintaan dhex-dhaxaadinta ah uu isku deyey ururka Midowga Afrika, balse dowladda Soomaaliya aysan aqbali doonin inay gorgirtan ka gasho taako dhuleed oo ay xaq u leedahay.

Wasiir Maxamed Cabdirisaaq oo waraysi siiyey idaacadda VOA ayaa sheegay in dhex-dhaxaadinta dhanka xuduuda ah ee Midowga Afrika uu soo jeediyey ay salka ku heyso arrinta badda, balse mowqifka Soomaaliya uu yahay in lagu dhaqmo go’aanka ay ka soo saari doonto Maxkamadda ICJ oo qaaday dacwadda badda.

“Arrinta xuduudaha ee u dhaxeysa Kenya iyo Soomaaliya waxay salka ku heysaa arrinta badda, kiiska badana waxa uu yaallaa maxkamad, umana furna Midowga Afrika iyo cid kale toona, Soomaaliyana ma aqbaleyso, ilaa sanadkaan gudihiisana waxaan maxkamadda ka sugeynaa jawaab rasmi ah,” ayuu yiri wasiir Maxamed Cabdirisaaq.

Dhanka kale wasiirka oo ka hadlay halka uu marayo xiriirka Soomaaliya iyo Kenya ayaa sheegay in hadda dib loo furay labadii safaaradood, isla markaana ay iska dhamaa doonaan waxyaabaha la kala tabanayo.

“Waa jiraan waxyaabo badan oo Kenya aan ka tabanay oo ugu dambeyn nagu kalifay inaan xiriirka u jarno, hadda Kenya waan wadahadalnay kulamo badana waan isugu tagnay, waxaana ku heshiinay in waxyaabihii keenay in xiriirku go’o si run ah oo qota dheer loo galo, arrintaasna si fiican ayey noogu socotaa, labadii safaaradoodna waa la furay hadda,” ayuu yiri wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya.

Hoos ka dhageyso codka wasiirka

Rooble oo go’aan gaaray, kulan deg deg ahna isugu yeeray gudiyada doorashada gobollada waqooyi + Video

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul wasaare Rooble ayaa kulan deg deg ah isugu yeeray xubnaha guddiga doorashooyinka gobollada waqooyi, kuwaas oo khilaaf xoog leh uu ka dhaxeeyo, sidoo kalena ay kala hoggaaminayaan laba guddoon oo midba gaar uu u doortay.

Warqad ka soo baxday xafiiska wasiiru dowlaha xafiiska ra’iisul wasaaraha Cabdixakiin Xasan Ashkir ayaa lagu soo gudbiyey dalabka kulankaan.

“Xafiiska ra’iisul wasaaraha JFS waxa uu idin farayaa inaad ka soo qeyb gashaan kulan muhiim ah oo uu idinkugu yeeray ra’iisul wasaaraha, kana dhacaya xafiiskiisa, saacadu markii ay tahay 11:00 AM,” ayaa lagu yiri qoraalkan uu ku saxiixan yahay wasiiru dowlaha xafiiska RW Rooble Cabdixakiin Ashkir.

Dhanka kale Afhayeenka xukuumadda Maxamed Ibraahim Macalimuu oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in Ra’iisul wasaare Rooble uu maanta soo gabagabeeyey la tashiyadii uu la lahaa guddoomiyaha Aqalka Sare Cabdi Xaashi iyo ra’iisul wasaare ku xigeenka Mahdi Guuleed, kuwaas oo mudooyinkii dambe uu ka dhex taagnaa khilaaf salka ku haya guddiga doorashada gobollada waqooyi.

“Ra’iisul wasaare Maxamed Xuseen Rooble markii uu tix-geliyey in doorashada kuraasta Aqalka Sare ee gobollada waqooyi ay bilaabato, waxa uu go’aan ku gaaray in la guda galo doorashada, waxuuna ra’iisul wasaaruhu kulan deg deg ah berri isugu yeeray xubnaha guddiga doorashooyinka gobollada waqooyi ee SEIT,” ayuu yiri Macalimuu.

Hoos ka daawo Afhayeenka 

Magacyada Senatorada la doortay maanta iyo beelaha ay kasoo jeedaan (Aqriso)

0

Baydhabo (Caasimada Online) – Waxaa maanta magaalada Baydhabo ee xarunta kumeel gaarka ah ee dowlad goboleedka Koonfur Galbeed lagu doortay 5 Senator oo kamid aha Xubnaha Aqalka Sare ka imaanaya maamulkaas, kuwaasi oo hore ugu soo baxay liis uu soo saaray madaxweyne Lafta-gareen.

Doorashada maanta oo aheyd middii labaad ee doorashada Aqalka Sare, ayaa waxaa kusoo baxay 5 Senator, halka ay ku tartamayeen 10-xubnood, ayada oo qaar kamid ah soo bixistooda hore loo ogaa.

Kursiga 1-aad ayaa waxaa ku tartamay musharraxiinta kala ah Zamzam Ibraahim Cali iyo Shariifo Xaji Cismaan, waxayna guusha kursigaas raacday Zamzam Ibraahim Cali oo heshay 81 cod, halka Shariifo ay heshay 4 cod oo keli ah. Zamzam ayaa kaso jeeda beesha Jiido.

Kursiga 2-aad ayaa asagna waxaa ku tartamay Ayaan Aadan Cabdullaahi iyo Farxiyo Nuur Aadan, waxaana doorashada codadka ugu badan kasoo hoysay Ayaan Aadan oo heshay 79 cod, halka ay Farxiyo heshay 8 cod oo keliya, waxaana sidaas ku raacday guusha kursigaas Ayaan Aadan Cabdullaahi. Ayaan kasoo jeeda beesha Hariin.

Kursiga 3-aad ayaa waxaa ku tartamay Aadan Cabdinaasir Maxamed iyo Maxamed Xasan Aadan, waxaana 80 cod ku guuleystay Aadan Cabdinaasir, halka Maxamed uu helay 6 cod.

Aadan Cabdinaasir Maxamed oo ah Wasiiru-dowlaha arrimaha gudaha, federaalka iyo dib u heshiisinta xukuumadda xilgaarsiinta ee Ra’iisal wasaare Rooble ayaa hore loo sii ogaa soo bixistiisa, wuxuu beddelayaa Senator Xuseen Sheekh Maxamuud oo kursigan ku fadhiyey afartii sano ee lasoo dhoofay, kana tirsan xisbiga UPD ee madaxweyne Xasan Sheekh. Aadan ayaa kasoo jeeda beesha Hadamo.

Kursiga 4-aad ayaa sidoo kale waxaa ku tartamay Maxamuud Maxamed Cabdinuur (Garabey) iyo Nuur Baabul Cadow, waxaana kursigaan ku guuleystay Maxamuud Garabey oo helay 76 cod, halak uu Nuur Baabul uu helay 9 cod. Maxamuud ayaa kasoo jeeda beesha Geeladle. 

Kursiga 5-aad oo ah midka u dambeeyay ee maanta lagu doortay Baydhabo ayaa waxaa ku tartamay Xuseen Maxamed Daahir iyo Xasan Maxamed Nuur, waxayna guusha ku raacday Xuseen Maxamed Daahir oo helay 71 cod, halka uu Xasan helay 7 cod oo keliya. Xuseen ayaa kasoo jeeda beesha Boqole Hore. 

Doorashada maanta oo aheyd mid indhaha lagu hayey ayaa waxaa inta badan ku soo baxay xubno hore loo sii ogaa soo bixistooda, kuwaasi oo lala xiriirinayo madaxweynaha maamulka Koonfur Galbeed.