25.8 C
Mogadishu
Sunday, June 22, 2025

Soomaaliya oo diiday arrin ay soo jeediyeen Midowga Afrika oo la xiriirta kiiska badda

0

Muqdisho (Caasimada Online)- Wasiirka Arrimaha Dibedda ee Soomaaliya Maxamed Cabdirisaaq Maxamuud ayaa sheegay in dawladda Soomaaliya diiday dhex-dhexaadin ku saabsan muranka xuduudda badda ee ka dhexeeya Soomaaliya iyo Kenya.

Wasiirka ayaa sheegay in arrintaan dhex-dhaxaadinta ah uu isku deyey ururka Midowga Afrika, balse dowladda Soomaaliya aysan aqbali doonin inay gorgirtan ka gasho taako dhuleed oo ay xaq u leedahay.

Wasiir Maxamed Cabdirisaaq oo waraysi siiyey idaacadda VOA ayaa sheegay in dhex-dhaxaadinta dhanka xuduuda ah ee Midowga Afrika uu soo jeediyey ay salka ku heyso arrinta badda, balse mowqifka Soomaaliya uu yahay in lagu dhaqmo go’aanka ay ka soo saari doonto Maxkamadda ICJ oo qaaday dacwadda badda.

“Arrinta xuduudaha ee u dhaxeysa Kenya iyo Soomaaliya waxay salka ku heysaa arrinta badda, kiiska badana waxa uu yaallaa maxkamad, umana furna Midowga Afrika iyo cid kale toona, Soomaaliyana ma aqbaleyso, ilaa sanadkaan gudihiisana waxaan maxkamadda ka sugeynaa jawaab rasmi ah,” ayuu yiri wasiir Maxamed Cabdirisaaq.

Dhanka kale wasiirka oo ka hadlay halka uu marayo xiriirka Soomaaliya iyo Kenya ayaa sheegay in hadda dib loo furay labadii safaaradood, isla markaana ay iska dhamaa doonaan waxyaabaha la kala tabanayo.

“Waa jiraan waxyaabo badan oo Kenya aan ka tabanay oo ugu dambeyn nagu kalifay inaan xiriirka u jarno, hadda Kenya waan wadahadalnay kulamo badana waan isugu tagnay, waxaana ku heshiinay in waxyaabihii keenay in xiriirku go’o si run ah oo qota dheer loo galo, arrintaasna si fiican ayey noogu socotaa, labadii safaaradoodna waa la furay hadda,” ayuu yiri wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya.

Hoos ka dhageyso codka wasiirka

Rooble oo go’aan gaaray, kulan deg deg ahna isugu yeeray gudiyada doorashada gobollada waqooyi + Video

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul wasaare Rooble ayaa kulan deg deg ah isugu yeeray xubnaha guddiga doorashooyinka gobollada waqooyi, kuwaas oo khilaaf xoog leh uu ka dhaxeeyo, sidoo kalena ay kala hoggaaminayaan laba guddoon oo midba gaar uu u doortay.

Warqad ka soo baxday xafiiska wasiiru dowlaha xafiiska ra’iisul wasaaraha Cabdixakiin Xasan Ashkir ayaa lagu soo gudbiyey dalabka kulankaan.

“Xafiiska ra’iisul wasaaraha JFS waxa uu idin farayaa inaad ka soo qeyb gashaan kulan muhiim ah oo uu idinkugu yeeray ra’iisul wasaaraha, kana dhacaya xafiiskiisa, saacadu markii ay tahay 11:00 AM,” ayaa lagu yiri qoraalkan uu ku saxiixan yahay wasiiru dowlaha xafiiska RW Rooble Cabdixakiin Ashkir.

Dhanka kale Afhayeenka xukuumadda Maxamed Ibraahim Macalimuu oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in Ra’iisul wasaare Rooble uu maanta soo gabagabeeyey la tashiyadii uu la lahaa guddoomiyaha Aqalka Sare Cabdi Xaashi iyo ra’iisul wasaare ku xigeenka Mahdi Guuleed, kuwaas oo mudooyinkii dambe uu ka dhex taagnaa khilaaf salka ku haya guddiga doorashada gobollada waqooyi.

“Ra’iisul wasaare Maxamed Xuseen Rooble markii uu tix-geliyey in doorashada kuraasta Aqalka Sare ee gobollada waqooyi ay bilaabato, waxa uu go’aan ku gaaray in la guda galo doorashada, waxuuna ra’iisul wasaaruhu kulan deg deg ah berri isugu yeeray xubnaha guddiga doorashooyinka gobollada waqooyi ee SEIT,” ayuu yiri Macalimuu.

Hoos ka daawo Afhayeenka 

Magacyada Senatorada la doortay maanta iyo beelaha ay kasoo jeedaan (Aqriso)

0

Baydhabo (Caasimada Online) – Waxaa maanta magaalada Baydhabo ee xarunta kumeel gaarka ah ee dowlad goboleedka Koonfur Galbeed lagu doortay 5 Senator oo kamid aha Xubnaha Aqalka Sare ka imaanaya maamulkaas, kuwaasi oo hore ugu soo baxay liis uu soo saaray madaxweyne Lafta-gareen.

Doorashada maanta oo aheyd middii labaad ee doorashada Aqalka Sare, ayaa waxaa kusoo baxay 5 Senator, halka ay ku tartamayeen 10-xubnood, ayada oo qaar kamid ah soo bixistooda hore loo ogaa.

Kursiga 1-aad ayaa waxaa ku tartamay musharraxiinta kala ah Zamzam Ibraahim Cali iyo Shariifo Xaji Cismaan, waxayna guusha kursigaas raacday Zamzam Ibraahim Cali oo heshay 81 cod, halka Shariifo ay heshay 4 cod oo keli ah. Zamzam ayaa kaso jeeda beesha Jiido.

Kursiga 2-aad ayaa asagna waxaa ku tartamay Ayaan Aadan Cabdullaahi iyo Farxiyo Nuur Aadan, waxaana doorashada codadka ugu badan kasoo hoysay Ayaan Aadan oo heshay 79 cod, halka ay Farxiyo heshay 8 cod oo keliya, waxaana sidaas ku raacday guusha kursigaas Ayaan Aadan Cabdullaahi. Ayaan kasoo jeeda beesha Hariin.

Kursiga 3-aad ayaa waxaa ku tartamay Aadan Cabdinaasir Maxamed iyo Maxamed Xasan Aadan, waxaana 80 cod ku guuleystay Aadan Cabdinaasir, halka Maxamed uu helay 6 cod.

Aadan Cabdinaasir Maxamed oo ah Wasiiru-dowlaha arrimaha gudaha, federaalka iyo dib u heshiisinta xukuumadda xilgaarsiinta ee Ra’iisal wasaare Rooble ayaa hore loo sii ogaa soo bixistiisa, wuxuu beddelayaa Senator Xuseen Sheekh Maxamuud oo kursigan ku fadhiyey afartii sano ee lasoo dhoofay, kana tirsan xisbiga UPD ee madaxweyne Xasan Sheekh. Aadan ayaa kasoo jeeda beesha Hadamo.

Kursiga 4-aad ayaa sidoo kale waxaa ku tartamay Maxamuud Maxamed Cabdinuur (Garabey) iyo Nuur Baabul Cadow, waxaana kursigaan ku guuleystay Maxamuud Garabey oo helay 76 cod, halak uu Nuur Baabul uu helay 9 cod. Maxamuud ayaa kasoo jeeda beesha Geeladle. 

Kursiga 5-aad oo ah midka u dambeeyay ee maanta lagu doortay Baydhabo ayaa waxaa ku tartamay Xuseen Maxamed Daahir iyo Xasan Maxamed Nuur, waxayna guusha ku raacday Xuseen Maxamed Daahir oo helay 71 cod, halka uu Xasan helay 7 cod oo keliya. Xuseen ayaa kasoo jeeda beesha Boqole Hore. 

Doorashada maanta oo aheyd mid indhaha lagu hayey ayaa waxaa inta badan ku soo baxay xubno hore loo sii ogaa soo bixistooda, kuwaasi oo lala xiriirinayo madaxweynaha maamulka Koonfur Galbeed.

Cabdi Xaashi oo ku gacan seyray dalab uga yimid R/W Rooble, soo saaray 3 qodob

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyaha Aqalka Sare, Cabdi Xaashi ayaa ku gacan seyray dalab uga yimida Ra’iisal wasaaraha xukuumadda xil-gaarsiinta, si uu ula wareego gacan ku haynta doorashada kuraasta gobolada Waqooyi ee Somaliland.

Cabdi Xaashi ayaa sheegay in xal aysan u noqoneyn tabashada ay qabaan in talada iyo maamulka doorashada loo gacan geliyo Rooble, islamarkaana loo baahan yahay in la xaliyo khilaafka labo garab u kala jebiyay guddiga doorashada Somaliland.

Waxa uu sheegay in marnaba aan la wareejin karin masiir umaddeed, ayna xaq Dastuuri ah u leeyihiin dadka reer Waqooyi inay ka tashadaan aayahooda iyo hubinta madax-banaanida doorashadooda.

“Golaha Siyaasiyiinta Somaliland wuxuu kugu wargelinaya (Ra’iisal wasaare) in aan masiir umadeed la wareejin karin ee ay dadka reer Waqooyi xaq dastuuri ah u leeyihiin ka tashiga aayahooda iyo hubinta madax-banaanida Doorashada 57-da kursi ee ay leeyihiin labada Gole,” ayaa lagu yiri waraaq uu soo saaray Cabdi Xaashi.

Qoraalka kasoo baxay Cabdi Xaashi oo ahaa labo bogg ayaa waxa uu si toos ah ugu socday Ra’iisal wasaaraha xukuumadda xil-gaarsiinta, madaxda dowlad goboleedyada iyo gobolka Banaadir, wuxuna kusoo jeediyay 3 QODDOB oo uu sheegay inay fure u noqon karaan xal ka gaarista xiisada.

Saddexda soo jeedin ee uu Cabdi Xaashi u gudbiyey Madaxda Golaha Wada-tashiga Qaran ayaa waxay kala yihiin;

  1. Dhismaha jiheynta doorashada: In Cabdi Xaashi iyo Mahdi Guuleed ay noqdaan hogaan wada-jir ah oo haga maamulka doorashada.
  2. Dib u mideynta labada garab ee guddiga: ayada oo labada dhinac si cadaalad ah loogu qeybinayo guddoonka guddiga.
  3. Goobta doorashada iyo amnigeeda: In ay doorashada ka qabsoomto gudaha Xalane iyo inay amnigeeda sugaan ciidamada booliska Soomaaliya iyo AMISOM.

Hoos ka aqriso qoraalka uu soo saaray Cabdi Xaashi oo dhameystiran

Wasiir ka tirsan xukuumada Rooble oo loo doortay Senator

0

Baydhabo (Caasimada Online) – Doorashada kuraasta Aqalka Sare ee maamulka Koonfur Galbeed ayaa maanta si habsami leh uga socota magaalada Baydhabo, waxaana goordhoweyd lagu doortay Senator-kii saddexaad.

Kursiga 3-aad ee Aqalka Sare ee maamulka Koonfur Galbeed ayaa waxaa ku guuleystay Aadan Cabdinaasir Maxamed oo ah Wasiiur-dowlaha arrimaha gudaha, federaalka iyo dib u heshiisinta xukuumadda xilgaarsiinta ee Ra’iisal wasaare Rooble.

Aadan Cabdinaasir oo hore loo soo sii ogaa soo bixistiisa ayaa waxa uu helay codad gaaraya 80 cod, halka Musharaxa kale la tartamayay oo lagu magacaabo Maxamed Xasan Aadan uu helay 6 cod oo keliya.

Wasiiru-dowlaha ayaa u muuqda mid si fudud kusoo baxay, maadama uu xiriir dhow la leeyahay madaxweynaha muddo xileedkiisa uu dhamaaday ee Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, kaasi oo madaxweynaha maamulka Koonfur Galbeed uu xulafo dhow la yahay, sida la rumeysan yahay.

Aadan Cabdinaasir Maxamed ayaa noqonaya Senator-kii Saddexaad ee maanta lagu doorto magaalada Baydhabo, ayada oo goor sii horeysay lagu doortay labada Senator ee kala ah Zamzam Ibraahim Cali iyo Ayaan Aadan Cabdullaahi oo kusoo baxay codad aqlabiyad ah.

Yey yihiin Ayaan iyo Zamzam? – Wax ka ogow taariikhda labada gabar ee la doortay

0

Baydhabo (Caasimada Online) – Magaalada Baydhabo ee xarunta kumeel gaarka ee maamul goboleedka Koonfur Galbeed ayaa maanta lagu doortay Labo kursi oo kamid ah 5 Kursi oo maamulkaas ku leeyahay Aqalka Sare.

Kursiga 1-aad ayaa waxaa ku guuleysatay Zamzam Ibrahim Cali, halka Kursiga 2-aad ayaduna ku guuleysatay Ayaan Aadan Cabdullaahi, waxayna uga guuleystaan kuraastaas labo musharax oo dumar ah.

Haddaba, Wax ka ogow labada Senator ee maanta la doortay

Ayaan Aadan Cabdullaahi – Ayaan ayaa waxay ku dhalatay degmada Luuq Ganaane ee gobolka Gedo 1991-dii, sida ay ka hor sheegtay baarlamaanka Koonfur Galbeed.

Waxbarashadeedii Jaamacada ka horeysay waxay ku qaadatay magaalada Baydhabo ee xarunta KMG ee maamulka Koonfur Galbeed, halka Jaamacad Bangladesh ay uga soo baxday Computer Engineering.

Waxay muddo la shaqeynaysay hay’addo maxali ah, waxaana la filayaa inay noqoto qofka ugu da’da yar ee Aqalka Sare ee Baarlamaanka 11-aad

Ayaan ayaa waxay ku soo baxday codad gaaraya 79 cod, waxayna ka guuleystay musharax kale oo haween ah oo kula tartameysay kursigaas.

Kursiga ay ku guuleysatay Ayaan ayaa waxay tahay sumadiisu UH2, waxaana iska leh beesha Mirifle, Eelaay.

Zamzam Ibraahim Cali – Zamzam ayaa waxay hore u aheyd Senator ka tirsan Aqalka Sare ee baarlamaanka 10-aad, waxayna Guddoomiye ka aheyd Guddiga Garsoorka, Arrimaha Diinta & Awqaafta, Xuquuqul Insaanka, Haweenka Iyo Caruurta.

Sidoo kale waxay aheyd guddoomiye ku-xigeenka ururka haweenka ee baarlamaanka, waxayna si weyn ugu ololeysa una taageerta dadka baahiyaha gaarka leh iyo caruurta.

Waxay ku soo baxday codad dhan 81 cod, kaasi oo ay kaga guuleysatay musharax kale oo haween ah oo kula tartameysay kursigaas.

Zamzam ayaa maanta markale difaacatay kursigeeda oo sumadiisa tahay UH24, waxaana iska leh beesha Digil, Jiido.

DF Soomaaliya oo war cusub kasoo saartay xiriirka Kenya

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka arrimaha dibadda xukuumadda Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdirisaaq Maxamuud ayaa markale ka hadlay arrimo ku aadan xiriirka haatan soo hagaagayo ee u dhexeeya Soomaaliya iyo Kenya oo ah labo wadan oo daris ah.

Maxamed Cabdirisaaq ayaa shaaca ka qaaday in hadda ay dib u soo laabtay wada shaqeynta labada dowladood, isla-markaana ay sii wadi doonaan xoojinta xiriirkooda.

Wasiirka ayaa sidoo kale tilmaamay inuu dhowaan la kulmay dhiggiisa Kenya ayna ka wada-hadleen sidii loo sii dhaqaajin lahaa xiriirka dibulmaasiyadeed ee kabada dal.

“Waxa aan soo celinay xiriirka diblumaasiyadeed mar uun ma aanay laheyn cilaaqaad muddo 6-bil ah, waxaa soo laabtay wada shaqeynta, waxa aan la kulmay dhiggeyga Kenya oo aan ka wada hadalnay sidii loo sii dhaqaan lahaa,” ayuu yiri wasiirka arrimaha dibadda.

Dhinaca kale waxa uu soo hadal-qaaday arrimaha ammaanka ee Soomaaliya, isagoo xusay inay ka go’an tahay in sare loo qaado awooda ciidanka, si looga adkaado argagixisada.

“Waa in aan sare u qaadnaa awoodda ciidanka Soomaaliya, si ay u qabsadaan dhul badan una joogaan waana waxa aan diiradda in badan saareyno,” ayuu hadalkiisa sii raaciyey.

Si kastaba Soomaaliya iyo Kenya oo mar xiriirkooda uu go’ay, kadib khilaaf soo kala dhex-galay ayaa dib u soo nooleeyey, waxaana si rasmi ah loo furay labada safaaradood.

Arrimahan ayaa kusoo aadaya, xilli haatan Soomaaliya ay galeyso doorasho guud oo isugu jirta tan baarlamaanka labada Aqal iyo mida madaxweynaha oo xamaasad gooniya leh.

DAGAALKA kursiga Aqalka Sare ee Cabdi Qeybdiid iyo Xaaf oo meel adag gaaray

0

Dhuusomareeb (Caasimada Online) – Galmudug waxaa dhawaan ka bilaabaneysa doorashada Aqalka Sare ee Baarlamaanka Soomaaliya, waxaana magaalada Dhuusamareeb ee caasimada Galmudug lagu dooran doona 8 xubnood oo Aqalka Sare ah.

Laba Kursi ayaa wata xamaasad iyo loolan aad u culus, mid kamid ah labadaas kursi waxaa afartii sano ee lasoo dhaafay ku fadhiyey Senator Cabdi Xasan Cawaale Qeybdiid.

Kursigaan waxaa laga leeyahay Koonfurta Magaalada Gaalkacyo. Cabdi Qeybdiid oo hadda ku maqan jiidda dagaalka lagula jiro Al-Shabaab ayaa mar kale u tartamaya kursigii uu ku fadhiyey afartii sano ee lasoo dhaafay.

Dhawaan waxaa kursigaan isna isku soo sharaxay hoggamiyihii hore ee Galmudug Axmed Ducaale Geelle Xaaf, kaasoo mudadii uu joogay Galmudug muddo xileedkiisa uga dhammaaday dagaalka Villa Somalia.

Xaaf wuxuu dhowr kulan la qaatay Xildhibaanada maamulka Galmudug, wuxuu shiriyey Beesha kursiga iska leh, wuxuuna musharaxnimadiisa u muujiyey si af iyo ficil labadaba ah, wuxuuna iska sii hormariyey farriin hanjabaad ah oo ku wajahan hoggaamiyaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoor Qoor.

Haddaba maxaa adkeenayo dagaalka kursigaan?

Labada nin ee isku heysata kursiga kalama miisaan yara kalamana jeeb yara,  mid wuxuu ku xooggan yahay dhinaca Qoor Qoor waana Cabdi Qeybdiid, midna wuxuu ku xooggan yahay dhinaca Xildhibaanada Galmudug waana Xaaf.

Hoggaamiyaha Galmudug Axmed Qoor Qoor ayaa awood u leh inuu go’aan ka gaaro cidda ku tartameyso kursigaan, Qeybdiid waxaa la sheegay inuu rabo inaan lala qorin Xaaf oo uu isaga la yimaado musharax malxiis ah oo goobta ku tanaasula inta aysan doorashada bilaaban.

Galmudug waxaa ka jirto dood ah inaan kuraasta dad gooni ah loo xirin, Dadka doodaas hor boodaya waxaa kamid ah Guddoomiyaha Baarlamaanka Maamulka Galmudug Maxamed Nuur Gacal.

Qoor Qoor ma isla qori doonaa Xaaf iyo Cabdi Qeybdiid?

Marka la eego xaalka sida uu hadda yahay, Qoor Qoor waxaa ku dhow oo saaxiib la’ah, abaal badana ku leh Cabdi Qeybdiid, waxaana la sheegayaa inay ku adag tahay inuu isla qoro isaga iyo Xaaf.

Haddii labada nin la isla qoro waxay badi dadka reer Galmudug qabaan inuu Xaaf ku adkaan doono kursiga. Haddii uu Qoor Qoor diido inuu isla qoro labada nin oo uu ka tago Xaaf wuxuu u diyaar garoobayaa qiimaha ay ku kici doonto falcelinta Xaaf oo loo arko dagaal-yahan siyaasadeed oo yaqaana sida lacagta loogu adeegsado jilaafooyinka siyaasadda.

Dhinaca Beesha Kursiga iska leh

Beesha kursigaan iska leh ee degta Koonfurta Magaalada Gaalkacyo waxay Baarlamaanka Galmudug ku leedahay 6 cod, diidmameeda ama jaceylkeeda wax badan kama tari karo cidda qaadaneyso kursiga, laakiin marka la eego eedaha beesha dhexdeeda ah ee loo heysto Cabdi Qeybdid afartii sano ee lasoo dhaafay waxaad moodaa inuu Xaaf heysto taageero dhinaca Beesha ah.

Qeybdiid waxaa lagu eedeenayaa afartii sano ee lasoo dhaafay inuu kursiga ugu adeegay jufadiisa hoose marka la eego sida uu u maareeyey boosas shaqaaleysiin ah, saraakiil la dalacsiiyey iyo dad xilal loo magacaabay intaba.

Galmudug waxay hadda dagaal kula jirtaa Al-Shabaab, dagaalkaan wuxuu qarxay kadib markii kooxdaan qabsatay deegaan kamid ah kuwa ay dagto beesha iska leh kursiga ay ku tartamayaan Cabdi Qeybdiid iyo Xaaf.

Marka la eego sida uu Cabdi Qeybdiid uga falceliyey dagaalkaas iyo shaqada uu qabtay waxaa macquul ah inay dhinaca kale ka daboosho hoos u dhicii ka dhashay sidii uu u maareeyey fursadihii ay Beesha ka heshay Dowladda Federaalka ah afartii sano ee lasoo dhaafay.

Si kastaba, loolanka kursigaan waa culus yahay labada ninba waa siyaasiyiin mug leh oo aan xulashadooda la dhayalsan karin .

Cabdi Qeybdid oo sanadkaan gacmaha u laabtay inuu madaxweynaha Soomaaliya u dhiso Cabdikariin Xuseen Guuleed ayey u badan tahay inuu kursiga ku soo laabto haddii uu Qoor Qoor ku adkeysto inuu u bareero halista ka imaan karta Xaaf.

Faalladan oo cod ah, hoos ka dhageyso.

AFEEF: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada [email protected] Mahadsanid

Qoor Qoor oo damacsan inuu siyaasiyiin miisaan culus ka reebo liiska AQALKA SARE

Muqdisho (Caasimada Online) – Sida ay Caasimada Online u sheegeen ilo-wareedyo lagu kalsoon yahay, madaxweynaha maamulka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoor Qoor ayaa wajahaya culeys siyaasadeed aad u ballaaran oo ku aadan xulashadiisa musharaxiinta 8-da kursi ee Aqalka Sare ee laga soo dooranayo Galmudug. 

Xogta aan helnay ayaa sheegeysa in Madaxweynaha maamulka Galmudug uu ka fikirayo sidii uu liiska dadka Aqalka Sare u tartamaya uga reebi lahaa saddex Senator oo kala ah, Senator Abshir Bukhaari, oo ah guddoomiye ku-xigeenka Aqalka Sare, Senator Cabdi Axmed Dhuxulow Dhagdheer, iyo Yuusuf Geelle Ugaas.

Saddexdan Senator ayaa ka mid ah xubnaha sida aadka ah u mucaaradsan madaxweynaha waqtigu ka dhammaaday Maxamed Cabdullahi Farmaajo.

Sidoo kale, wararka aan helnay ayaa sheegaya in madaxweyne Qoor Qoor ay suurtagal tahay in uusan ku soo darin Senator Cabdi Xasan Cawaale Qeybdiid iyo Samsam Daahir, taasi oo ka dhigi karta inay kuraastooda waayaan shan ka mid ah sideedda Senator ee laga soo doorto Galmudug. 

Xogta aan helnay ayaa sidoo kale tilmaamaysa in ay suurtagal tahay in uusan ku soo darin Madaxweynihii hore ee Galmudug Axmed Ducaale Geelle Xaaf, oo loolan adag ugu jira inuu kursiga ka beddelo Cabdi Xasan Cawaale Qeybdiid.

Xaaf ayaa horey uga digay dagaal ka dhaca Galmudug, haddii Qoor Qoor uusan u caddaalad falin xubnaha loolanka ugu wada jira kuraasta baarlamaan.

Ma sahlano go’aan ka gaarista doorashada Aqalka Sare ee Galmudug, waxaana jira durba culeysyo badan oo soo baxaya. Guddiga doorashada SEIT ee maamulka Galmudug ayaa Axaddii Qoor Qoor ka dalbaday in uu soo gudbiyo liiska musharaxiinta Aqalka Sare.

Qoor Qoor ayaa la rumeysan yahay inuu cadaadis kala kulmayo Villa Somalia, oo dooneysa inuu meesha ka saaro xubnaha caanka ah ee Hawiye ee aan taageersaneyn Farmaajo.

Senator Ilyaas oo jawaab ka soo saaray tallaabadii looga reebay liiska Aqalka Sare

Muqdisho (Caasimada Online) – Senator Ilyaas Cali Xasan oo ka tirsan Aqalka Sare ee baarlamanka Soomaaliya ayaa jawaab rasmi ah kasoo saaray go’aankii uu madaxweynaha Koonfur Galbeed Cabdicasiis Lafta-gareen uga reebay liiska musharaxiinta Aqalka Sare ee beesha Eelaay.

Kursiga Ilyaas ayaa waxaa loo sharxay inay ku tartamaan laba gabdhood oo kala ah; Ayaan Aadan Cabdullahi iyo Farxiyo Nuur Aadan oo labadaba kasoo jeeda beesha Hariin ee madaxweyne Lafta-gareen.

Hoos ka aqriso qoraalka Senator Ilyaas.

Waxay ii aheyd Sharaf in aan ugu adeegey heerka ugu sareyso ee aan awoodey guud ahaan Shacabka Soomaaliyeed, gaar ahaan reer Koonfur Galbeed, kuwaas oo 4sano kahor kursiga Senator-nimo aan kumatalaayey iigu doortey 91 cod, oo ahaa codkii ugu badan ee qof Senator Soomaaliyeed ah lagu doortey. 

Intii aan haayey xilla waxaan aaminsanahay in aan waxba ka hagran dalka iyo dadkii aan matalaayey, waxaana si xorriyad kujirto aan codkeyga ugu difaacaayey wixii aan u arko kolba danta Qaranka iyo Deegaankii aan mtalaayey in ay kujirto, laakiin shaki kuma jiro in ay arintaasi dhibeysey kuwa dulmiga u saaxiibka ahaa, kuwaasoo marwalba dantooda gaarka ah ka hormariya wax kasta una arka cadow cidii iyaga aan ku aragti ama mowqif aheyn. 

Sida lawada ogsoonyahay Soomaaliya waxay wax kuqeybsataa Qabiil iyo Deegaan, aniguna kursiga sidaasbaa shaley la iigu doortey inaan soo galo liiska musharaxiinta Aqalka Sare utartantey, hase ahaatee qof waliba waa uu ka dheragsanyahay maanta sida ay wax udhaceen. 

Waxaan u mahadnaqaayaa guud ahaan Shacabka Soomaaliyeed, gaar ahaan dadka reer Koonfur Galbeed oo sidii weyneyd ay uga falceliyeen wixii uu sameeyey Maamulka Koonfur Galbeed. 

Ugu dambeyntii waxaan umadda Soomaaliyeed iyo reer Koonfur Galbeed-ba u ballan qaadaayaa in aan utaagnaan doono difaacidda Dimuqraadiyadda, Qaranimada iyo Horumarka Soomaaliya. 

Maamulka Hiiraan iyo taliska ciidanka Xoogga oo eedeyn culus u jeediyey AMISOM

0

Beledweyne (Caasimada Online) – Guddoomiyaha maamulka gobolka Hiiraan, Cali Jeyte Cismaan iyo taliyaha guutada 5-aad ee qeybta 27-aad ee ciidamada Xoogga dalka oo ka hadlayey howl-gallada ka socda gobolkaasi ayaa eedeyn u jeediyey ciidamada AMISOM.

Ugu horreyn Cali Jeyte oo ka hadlay shirka jaraa’id ayaa shaaca ka qaaday in ciidamada AMISOM, gaar ahaan kuwa Jabuuti aysan wax shaqo ah ka qaban gobolka Hiiraan, isla-markaana ay ka gaabiyeen howl-gallada ballaaran ee ka socda deegaanada gobolkaasi.

Jayte ayaa sidoo kale soo jeediyey in dib u eegis lagu sameeyo ciidamada AMISOM, kuwooda ka howl-gala deegaanada maamulka HirShabelle.

“Waxaan leeyahay shaqada ciidamada AMISOM dib haloo eego sababto ah ma qabtaan shaqadooda, waxay aheyd iney la dagaalaman Al-Shabaab, aniga waxan ahay guddoomiyahii gobolka waxan xaq ulaha iney i ilaaliyaan, anagoo dagaal u baxnayna way naga hareen sadax bilood ayaan ku qalqalineynay iney nala galaan howlgalada Shabaab aan kula dagaalameyno aniga iyo madaxweyne ku xigeenka Hirshabeelle oo aan waliba ugu tagnay xarumahooda wayna naga diideen,” ayuu yiri guddoomiye Cali Jayte Cismaan.

Dhankiisa Maxamuud Xasan Ibraahim (Baakaay) oo ah taliyaha guutada 5-aad, qeybta 27-aad oo madasha ka hadlay ayaa xusay in ciidamada AMISOM aysan weli ka dhaqaaqin afar sano ka hor meeshii ay joogeen, isla-markaana aysan sameyn ilaa & hadda wax howl-gal ah.

Taliyaha ayaa sidoo kale intaasi kusii daray in xittaa aysan u ekeynba ciidamo nabad ilaalin u jooga gudaha Soomaaliya, sida uu hadalka u dhigay.

“Taangiga ciidanka AMISOM afar sano ka hor meeshii la dhigay ayuu wali ku baakiman yahay wax shaqo ah oo lagu qabtay ma jirto mudada uu dalka madaxweynaha ka yahay Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, maba u maleysid iney yihiin ciidan nabad ilaalin u joogo dalka” ayuu yiri taliye Maxamuud Xasan Ibraahim (Baakaay).

Illaa iyo hadda ma jiro wax hadal ah oo kasoo baxay AMISOM oo ku aadan eedeynta uga timid taliska ciidanka Xoogga dalka iyo maamulka gobolka Hiiraan ee bartamaha dalka.

Hadalkan ayaa ku soo aadaya, xilli haatan ay howl-gallo ballaaran iyo dhaq-dhaqaaqyo milatari ay ciidanka dowladda Soomaaliya ka wadaan gobolkaas oo hoostaga HirShabelle.

Puntland oo askar badan ku xirxirtay Boosaaso + Sababta

0

Boosaaso (Caasimada Online) – Taliyaha qeybta Booliska ee gobolka Bari ee Puntland Gaashaanle Sare Xuseen Cali Maxamuud (Daan) ayaa ka warbixiyey ammaanka magaalada Boosaaso, kadib khudbad uu xalay ka jeediyey munaasabad lagu xusayey sanad guurada 23-aad ee ka soo wareegtay aas aaska dowlad goboleedka Puntland ee kowda August.

Taliyaha ayaa shaaca ka qaaday in haatan u wanaagsan-yahay amniga guud ee magaalada Boosaaso, isla-markaana uu yahay mid la’isku haleyn karo.

Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray in ay xabsiga u taxaabeen askar ka tirsan ciidamada ammaanka oo rasaaseeyey dad shacab ah, walow uusan shaacin tiradooda.

“Waxaa jira askar Booliska ka mid ah oo inta xabad ku rideen dad shacab ah, markii naloo sheegay lasoo qabtay maxakamadda aan gudbinay, kadibna xabsiga loo diray,” ayuu yiri

Gaashaanle Sare Xuseen Cali Maxamuud (Daan) oo hadalkiisa sii wata ayaa xusay inay u taagan yihiin ilaalinta amniga dadka shacabka ah, isla-markaana ay xaq dhowrayaan.

“Ma dooneyno in qof shacab ah aan u shaqeyneyno habeen iyo maalin in wax la gaarsiiyo,” ayuu sii raaciyey.

Ugu dambeyn wuxuu baaqay shacabka ku dhaqan Boosaaso inay la shaqeeyaan ciidanka ammaanka, si looga hortego wax kasta oo liddi ku ah amniga guud ee magaaladaasi.

Hadalkan ayaa ku soo aadaya, iyada oo ay Puntland xoojisay amniga magaalooyinka waa weyn ee maamulkaasi, sidoo kalena ay kordhisay howl-gallada ka socda gobolka Bari.

Muxuu yahay qorshaha ku wajahan Mareykanka ee Erdogan uu cayaarayo?

Ankara (Caasimada Online) – Madaxweynaha Turkiga ayaa dalbanaya inuu ilaaliyo amaanka garoonka istaraatiijiga ee Kabul, kadib marka ay ciidamada Mareykanka ka baxaan Afghanistan taasoo, khubaradu amaanku u arkaan dalab halis badan oo lagu hagaajinayo xiriirka Ankara iyo Washington oo xumaaday sanadihii la soo dhaafay.

In xoogagga Taliban laga ilaaliyo garoonka diyaaradaha Kabul ayaa noqotay arrin weyn kadib markii Madaxweynaha Mareykanka Joe Biden, uu ku baaqay in la soo afjaro howlgalka Washington ee 20-ka sano ka socda bariga dhexe isagoo amar ku bixiyay in “dhammaan ciidamadiisa ay ka baxaan Afghanistan dhammaadka bishaan August 2021.”

Garoonka dayuuradaha Kabul ee Hamid Karzai waa marinka ugu nabadgalyada badan oo ay daganyihiin dublumaasiyiinta iyo shaqaalaha gargaarka bani’aadamnimad si ay u caawiyaan wadankaan ay dagaalladu halakeeyeen.

Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdogan, oo soo jeedinta ‘layaabka badan’ u arka fursad ay Ankara ku dhisi karto xiriirka kala dhaxeeya Washington, ayaa kala hadlay qadiyadaan Biden intii uu socday  kulankoodii ugu horreeyay ee shir madaxeedka NATO bishii June.

Dalabka ayaa la rumaysanyahay in hoggaamiyaha Turkiga uu ka lahaa labo ujeedo midkood oo kala ah in uu xiriir wanaagsan la yeesho xulafadiisa reer Galbeedka iyo ka -hortagga qulqulka qaxootiga iyadoo la furayo waddooyinka gargaarka.

“Turkigu wuxuu dan gaar ah ka leeyahay xasiloonida Afghanistan,” ayay tiri Magdalena Kirchner, oo ah agaasimaha Afghanistan ee saldhigga Jarmalka Friedrich-Ebert-Stiftung.

Saraakiisha Turkiga ayaa sheegay in aysan siyaasadeed daro ka lahayn balse ay doonayaan in laga yareeyo dhibaatada dadka reer Afghanistan.

“Ujeeddadeennu waa in aan hubinno in Afghanistan aysan ku xirnayn dibaadada dunida, in aysan go’doon ahayn,” ayaa laga soo xigtay ilo diblomaasiyadeed oo Turki ah.

Qaramada Midoobay ayaa bishan sheegtay in 18 milyan oo qof ama kala bar dadka reer Afghanistan ay u baahan yihiin gargaar, halka kala bar dhammaan carruurta ka yar shanta sano ay la il daran yihiin nafaqo -darro ba’an.

– ‘Soo cesho raalli ahaanshaha’ –

In kasta oo Washington ay weli u aragto Turkiga inuu yahay xulafo muhiim u ah bariga dhexe, haddana xiriirkooda waxaa hareeyey khilaafyo, ay xudun u yihiin soo iibsashada Ankara ee nidaamka difaaca gantaalaha Ruushka.

Washington ayaa Ankara ku soo rogtay cunaqabatayn xagga wax iibsiga ah sannadkii hore taas oo sii xumaysay xiriirka laba wadan.

“Arrinta ugu weyn ee ka dambaysa soo jeedinta garoonka dayuuradaha … waa xiriirka Turkiga iyo Mareykanka: Ankara waxay rajaynaysaa in ay dib ula soo laabato raalli ahaanshaha Washington ka dib xiisado diblomaasiyadeed,” ayuu falanqeeye Salim Cevik ku qoray warqad loogu talagalay hay’adda SWP ee Jarmalka.

Saraakiisha Turkiga ayaa diiday in ay faahfaahin ka bixiyaan waxa ay Ankara ka rabto Washington si ay ugu sii joogto Afghanistan, laakiin Erdogan ayaa sheegay in Turkigu u baahan yahay taageero xagga saadka iyo maalgelinta Mareykanka. 

Hoggaamiyaha Turkiga ayaa sidoo kale xusay suurtogalnimada in Hungary iyo Pakistan ay qayb ka noqdaan howlgalka, hase yeeshe saraakiisha Turkiga ayaa sheegay in Ankara aysan wada hadal toos ah oo ku saabsan gegida la yeelan Islamabad, Hungary-na aysan wax badan ku lahayn howlgalka socda.

– ‘Waan kugu kalsoonahay’ –

Dowladda Turkiga ayaa sidoo kale la hadlaysa Daalibaan iyadoo rajo ka qabta in ay hesho qorshe ka ilaalin kara ciidamada Turkiga in ay noqdaan bartilmaameedyada dhaqdhaqaaqa mayalka adag ee Daalibaan.

Daalibaan ayaa si cad u sheegtay in fikirka ah in milateriga Turkigu sii joogaan Kabul ay tahay “wax laga xumaado”.

Madaxweyne Erdogan ayaa sheegay inuu diyaar u yahay “inuu arko xalka wada –hadalka uu kula jiro Taalibaan halka ay geynayaan”.

“Wadahadallada aan la yeelanay Daalibaan, waxay noo sheegeen:‘ waan inku kalsoonahay, waan ognahay inaadan lahayn ajande qarsoon’,” ayaa laga soo xigtay ilo Turki ah.

Turkiga waxaa Afghanistan ka jooga ku dhawaad 500 oo askari kuwaas oo qeyb ka ah howlgalka NATO kama aysan qayb qaadan dagaalka.

– ‘Reer Yurub ayaa walwalsan’ –

Hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan qaxootiga ayaa warbixin ay soo saartay 2020 waxa ay ku sheegtay in 125,104 qaxooti reer Afganistan ku suganyihiin Turkiga, oo hoy u ah 3.6 milyan oo qaxooti Suuriyaan ah.

Erdogan ayaa heshiis la galay Midowga Yurub sanadkii 2016 kaas oo uu Turkigu kula heshiiyey in uu martigeliyo muhaajiriinta taas oo lagu beddelayo balaayiin doollar oo gargaar ah.

Ankara iyo Brussels ayaa hadda ka shaqeynaya sidii loo cusbooneysiin lahaa heshiiska, iyadoo Afghanistan ay durba awood u leedahay wadahadalada u dhexeeya saraakiisha reer Yurub iyo Turkiga.

“Reer Yurub ayaa walwalsan,” ayaa laga soo xigtay ilo Turki ah.

Wadar ahaan 201,437 muhaajiriin reer Afghanistan ah ayaa lagu qabtay Turkiga sannadka 2019. 

DF oo jawaab rasmi ah ka bixisay warbixintii xasaasiga aheyd ee Midowga Afrika

0

 Muqdisho (Caasimada Online) – Wasiirka Arrimaha Dibedda Soomaaliya Maxamed Cabdirisaaq Maxamuud ayaa si rasmi ah uga jawaabay warbixin ay dhowaan diyaariyeen guddi qiimayn ah oo ka socday Midowga Afrika, taas oo looga hadlay mustaqbalka hawlgalka AMISOM ee Soomaaliya.

Dowladda Soomaaliya ayaa aad u dhibsatay warbixintaas oo ku talisay in afar qaab midkood uu yeesho hawlgalka AMISOM wixii ka dambeeya bisha Decembar ee sanadkaan 2021-ka.

Afarta qaab oo guddigaas uu ku taliyey ayaa kala ahaa:

1 – Inuu noqdo hawlgal ay wadajir u fuliyaan Midowga Afrika iyo Qaramada Midoobey
2 – In dib u habayn iyo wax ka beddel lagu sameeyo hawlgalka haatan jira ee AMISOM.
3 – In AMISOM gebi ahaanba ka baxdo dalka.
4 – Iyo In ciidamo kale oo ka socda waddamada Bariga Afrika la keeno Soomaaliya.

Wasiirka Arrimaha Dibedda Soomaaliya Maxamed Cabdirisaaq oo la hadlay VOA ayaa dafiray wax ku oolnimada warbixintaas, isagoo si faahfaasan u duray qodobada ku xusan qoraalkii uu Midowga Afrika u gudbiyey Qaramada Midoobey.

Wasiirka ayaa dhaliilay tayada ciidamada AMISOM, isagoo sheegay in gabi ahaanba aysan la howlgelin ciidamada Soomaaliya, taas oo keentay in la hana waayo ammaanka guud ee dalka, sida uu hadalka u dhigay wasiir Maxamed Cabdirisaaq.

“Hadii aan samenay qiimeyn waxaa noo soo baxday wadashaqeyn la’aantu in dhankeena aysan ka imaan, ciidamada Soomaaliyeed waa shaqeeyaan, waa dagaalamaan, weerarrada ayagaa qaada, meeshii ay qabsadaan ayey AMISOM degtaa, laakiin ayagu weerar ma qaadaan, markii laga reebo qeybta koowaad ee howlgalka oo ah ciidamada Uganda, kuwaas oo mar mar ka qeyb qaata howlgallada,” ayuu yiri wasiir Maxamed Cabdirisaaq.

Wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya oo sii hadlaayey ayaa yiri, “Waxaa dhacda in ciidamada Soomaaliya ay mararka qaar arkaan fursad ay jab ku gaarsiin karaan cadawga, laakiin aysan heleynin, gacan siinta ay uga baahan yihiin AMISOM.”

Hoos ka dhageyso wareysiga

Dowladda Jabuuti oo si adag uga hadashay dagaalllada Soomaalida iyo Canfarta

0

Jabuuti (Caasimada Online) – Dowladda Jabuuti ayaa markii ugu horreysay si adag uga hadashay dagaallada u dhexeeya qowmiyadaha Soomaalida iyo Canfarta, kadib markii caasimada Jabuuti ay ka dhaceeyn qul-qulatooyin u dhexeeya labada dhinac, kuwaas oo sababay khasaare xoog-leh oo isugu jiro dhimasho, dhaawac & burbur hantiyeed.

Saciid Nuux Xasan oo ah wasiirka arrimaha gudaha ee Jamhuuriyadda Jabuuti oo la hadlayey wariyeyaasha ayaa shaaca ka qaaday in dowladdu aysan u dul-qaadan doonin sii socoshada rabashadaha kasoo cusboonaaday dalkaasi ee Soomaaliyda iyo Canfarta.

Wasiirka ayaa sidoo kale tilmaamay in haddii ay soo socdaan qul-qulatooyinkaasi ay halis ku tahay Jamhuuriyadda Jabuuti, sida uu hadalka u dhigay.

Sidoo kale waxa uu faray ciidamada ammaanka inay qaadaan tallaabooyin deg-deg ah oo looga hortegayo rabshadahaas, si aysan u dhicin waxyeelo kale oo la gaarsiiyo shacabka.

Rabshadaha saacadihii lasoo dhaafay ka dhacay caasimada Jabuuti ayaa waxa ay dhaliyeen dhimasho, dhaawac iyo burbur baahsan oo loo geystay guryo ay daganaayeen rayid.

Ugu dambeyn rabshadahan ayaa sababay in ciidamada Booliska ay kusoo baxaan, isla-markaana ay dadka u adeegsadaan sunta dadka ka ilmi-siisa, si loo kala ceyriyo.

Si kastaba xiisada kasoo cusboonaatay Jabuuti ee u dhexeysa qowmiyadaha Soomaalida iyo Canfarta ayaa daba socota dagaallada ka socda magaalada Garba Ciise ee Itoobiya.

Guddoomiye Ciro oo war ka soo saaray doorashada Aqalka Sare ee maamullada qaar

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyaha guddiga doorashooyinka heer federaal Maxamed Xasan Ciro oo ka hadlay arrimaha doorashooyinka ayaa rajo fiican ka muujiyey in laga gudbay isjiid-jiidkii mudada soo taagnaa ee hir-gelinta doorashada, maadaama ay Kismaayo Khamiistii la soo dhaafay ka dhacday doorasho uu goobjoog ka ahaa.

Guddoomiye Ciro oo la hadlay VOA ayaa yiri, “Doorashadii waata ka bilaabatay Jubaland, waxaana hadda kadib la sugayaan in hadba maamul goboleed ay u ka bilaabato, oo xildhibaano cusub ay soo baxaan, marka waxaa moodaa in jiitankii doorashada uu Khamiistii ku ekaa oo hadda toos loo guda galay hirgelinta doorashada.”

Sidoo kale guddoomiye Ciro waxa uu sheegay in hadda loo balansan yahay in maalmaha soo socda ay doorashada xubnaha kale ee Aqalka Sare ay ka bilaabato deegaanada dowlad goboleedyada dalka.

“Todobaadka koowaad ee bishan Agoosto ayuu qorshuhu ahaa in lasoo gabagabeeyo  doorashada Aqalka Sare, waxaana hadda noo abaabulan  in waqtigaas ay doorashada Aqalka Sare ay ku dhacdo oo maalmaha soo socda ay ka bilaabato xarumaha dowlad goboleedyada,” ayuu hadalkiisa ku sii daray guddoomiye Maxamed Ciro.

Jubbaland ayaa Khamiistii la soo dhaafay bilaawday doorashada Aqalka Sare ee baarlamaanka Soomaaliya, halkaas oo lagu soo doortay afar Senator, waxaana dhiman doorashada ugu yaraan 50-Senator oo kale, kuwaas oo laga soo kala dooranayo xarumaha dowlad goboleedyada dalka.

Madaxweyne kasta oo dowlad goboleed waxa uu awood u heystaa in rabitaankiisu uu sameyn ku yeesho xubnaha ku soo baxaya doorashada senatorrada Aqalka Sare, sida laga ogaaday doorashadii ka dhacday Kismaayo iyo liiska murasharaxiinta u tartameysa kuraasta Aqalka Sare ee taalla K/Galbeed oo maalin ka hor Lafta Gareen uu soo gudbiyey.

Afarta Senator ee ku soo baxday doorashadii ka dhacday Kismaayo ayaa la sheegay in ay siyaasadda isku mowqif ka yihiin Axmed Madoobe, halka Lafta Gareen uu liiska musharaxiinta Aqalka Sare qalinkiisa uga reebay, ugu yaraan laba musharax oo isku siyaasad aysan aheyn, kuwaas oo kala ah, Xuseen Sheekh Maxamuud iyo Ilyaas Cali Xasan. Labadaan nin afartii sano ee lasoo dhaafay waxay ka tirsanaayeen Aqalka Sare, balse hadda tartanka waxaa ka reebay Madaxweyne Lafta Gareen.

Senator-kii Labaad oo lagu doortay Baydhaba iyo wararkii ugu dambeeyay doorashada

0

Baydhabo (Caasimada Online) – Waxaa goordhoweyd magaalada Baydhabo ee xarunta kumeel gaarka ah ee Koonfur Galbeed lagu doortay Kursigii labaad ee Aqalka Sare ee maamulkaas, taasi oo ay ku tartameen labo musharax oo dumar ah.

Kursiga 2-aad ee maanta doorashadiisa ka dhacday magaalada Baydhabo ayaa waxaa ku tartamay Ayaan Aadan Cabdullaahi iyo Farxiyo Nuur Aadan, oo kamid ah musharaxiintii uu hore u shaaciyey madaxweyne Lafta-gareen.

Waxay guusha Kursigaas raacday Ayaan Aadan Cabdullaahi oo ayadu noqoneysa Senator-kii labaad ee laga soo doortay deegaanada Koonfur Galbeed ee ku metelaya Aqalka Sare ee dalka.

Ayaan Aadan Cabdullaahi ayaa heshay 79 cod, halka Farxiyo Nuur ay heshay 8 cod oo keliya, sida ay ku dhawaaqeen guddiga doorashada ee maamulka Koonfur Galbeed.

Sidoo kale waxaa goor sii horeysay loo doortay Kursigii ugu horeeyay ee Aqalka Sare ee maamulkaas, kaasi oo ay ku guuleysatay Zamzam Ibrahim Cali oo ayadu horey u aheyd Senator ka tirsan Golaha Aqalka Sare ee baarlamaanka federaalka ah ee Soomaaliya, islamarkaana markale difaacatay kursigeeda.

Waxaa haatan la guda-geli doonaa doorashada saddexda kursi ee kale ee la shaaciyey, taas oo isla maanta lagu qabanayo magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay.

Koonfur Galbeed ayaa noqoneyso maamul goboleedkii labaad ee billaaba doorashada, gaar ahaan soo xulista Senatorada cusub ee Golaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Soomaaliya.

Sawirro: Koonfur Galbeed oo dooratay Senatorkii ugu horeeyey – Yaa kusoo baxay?

0

Baydhabo (Caasimada Online) – Koonfur Galbeed ayaa maanta si rasmi ah u bilowday qabashada doorashada, waxaana kursigii ugu horreeyey ee Aqalka Sare ee maamulkaasi lagu doortay magaalada Baydhabo, taas oo ay ku tartameen labo musharrax oo dumar ah.

Doorashadan ayaa waxaa goobjoog ahaa xubno ka socda guddiga xallinta khilaafaadka doorashooyinka ee heer federaal iyo mas’uuliyiin ka tirsan maamulka Koonfur Galbeed.

Kursiga 1-aad ee doorashadiisa maanta la qabtay ayaa waxaa ku tartamay musharraxiinta kala ah Zamzam Ibrahim Cali iyo Shariifo Xaji Cismaan oo ka mid ahaa musharixiintii uu horey u shaaciyey madaxweyne Cabdicasiis Xasan Maxamed (Lafta Gareen).

Guusha ayaa waxa ay raacday Zamzam Ibrahim Cali oo 81 cod heshay, halka 4 cod ay heshay masharrax Shariifo Xaji Cismaan oo la tartameysay, waxaana sidoo kale halaabay illaa 7 cod, sida uu ku dhawaaqay guddiga doorashada ee maamulka Koonfur Galbeed.

Zamzam Ibrahim Cali ayaa horey u aheyd Senator ka tirsan Golaha Aqalka Sare ee baarlamaanka federaalka ah ee Soomaaliya, iyada oo markale difaacatay kursigeeda.

Sidoo kale waxaa haatan la guda-geli doonaa doorashada afarta kursi ee kale ee la shaaciyey, taas oo isla maanta lagu qabanayo magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay.

Koonfur Galbeed ayaa noqoneyso maamul goboleedkii labaad ee billaaba doorashada, gaar ahaan soo xulista Senatorada cusub ee Golaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Soomaaliya.

Wararkii ugu dambeeyey ee doorashada Aqalka Sare ee ka dhaceysa BAYDHABA

0

Baydhabo (Caasimada Online) – Wararka laga helayo deegaanada Koonfur Galbeed ayaa sheegaya in maanta doorashada shan kursi oo ka mid ah sideeda Senator ee ka imaanaya maamulkaasi lagu dooran doono gudaha magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay.

Qaban qaabadii ugu dambeysay ee qabashada doorashada ayaa haatan ka socota Baydhabo, waxaana si weyn loo adkeeyey amniga guud ee magaaladaasi.

Doorashadan ayaa waxaa ku tartamaya illaa 10 musharrax oo uu liiskooda soo gudbiyey madaxweyne Cabdicasiis Lafta Gareen, waxaana saddex ka mid ah yihiin dumar.

Guddoomiyaha guddiga doorashooyinka Koonfur Galbeed Yuusuf Cabdulqaadir Maxamed ayaa ka warbixiyey u diyaar garowda doorashada, wuxuuna tilmaamay in 10-ka musharrax ay buuxiyeen shuruudihii laga rabay, isla-markaana la mariyey baarista hubinta dambiyada.

Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray in ugu horreyn musharraxiinta laga dhageysan doono khudbado, kadibna la guda-geli doono qabashada doorashada.

“10-ka musharrax waxa ay buuxiyeen shuruudihii waxaana ay mareen baarista hubinta dambiyada, ilaa haatan wax kiis ah oo naloo soo gudbiyay ma jiro, sidaas awgeed waxa ay ka wada qaybgalayaan doorashada maanta” ayuu yiri Yuusuf Cabdulqaadir Maxamed.

Koonfur Galbeed ayaa noqoneyso maamulkii labaad ee bilaaba doorashada Golaha Aqalka Sare, waxaana ka horreeyey oo kaliya dowlad goboleedka Soomaaliyeed ee Jubbaland.

Maamullada harsan ayaa sidoo kale looga fadhiyaa inay dadajiyaan qabashada doorashada Aqalka Sare, si loo bilaabo tan Golaha Shacabka, waxaana kusii xigta mida madaxweynaha.

Maxaa la isku afgartay kulankii R/W Rooble, Cabdi Xaashi iyo Mahdi Guuleed?

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda xil-gaarsiinta Maxamed Xuseen Rooble ayaa maanta mar kale xafiiskiisa ku wada qaabilay guddoomiyaha golaha waqtigu ka dhamaaday ee Aqalka Sare Cabdi Xaashi iyo ra’iisul wasaare ku xigeenka Mahdi Guuleed, sida lagu shaaciyey qoraal kooban oo ka soo baxay xafiiska Rooble.

Ra’iisul Wasaare Rooble oo horay ula kulmay Cabdi Xaashi iyo Mahdi Guuleed ayaa ka sugaayey inay xal ka gaaraan khilaafka ka dhaxeeya ee salka ku haya doorashada kuraas gobollada waqooyi ee BFS.

Cabdi Xaashi iyo Mahdi Guuleed ayaa kala hoggaaminaya laba garab oo ay u  kala jabeen siyaasiyiinta ka soo jeeda Somaliland, waxuuna haatan khilaafka ugu adag ka taagan yahay doorashada guddoonka guddiga 11-ka xubnood ah oo ay soo kala magacaabeen Cabdi Xaashi, Mahdi Guuleed iyo Rooble.

“Ra’iisul Wasaaraha XFS Mudane Maxamed Xuseen Rooble, ayaa maanta mar kale la kulmay Guddoomiyaha Aqalka Sare ee BFS Mudane Cabdi Xaashi Cabdillaahi iyo Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka dalka Mahdi Maxamed Guuleed oo uu ka sugayay xal ay heshiis ku yihiin oo ku aaddan khilaafka doorashada guddoonka Guddiga Doorashada Gobollada Woqooyi,” ayaa lagu yiri qoraalkaan  ka soo baxay xafiiska Rooble.

Sida lagu sheegay qoraalka Cabdi Xaashi ayaa Ra’iisul Wasaaraha ka codsaday in la siiyo fursad hal maalin ah, si khilaafkooda ay u soo afjaraan labada garab oo ay kala hoggaanimayaan isaga iyo Mahdi Guuleed, iyadoo dalabkaasna uu ka aqbalay Rooble.

“Guddoomiye Cabdi Xaashi Cabdillaahi ayaa Ra’iisul Wasaaraha ka codsaday in la siiyo muddo hal maalin ah, codsigaas oo uu Ra’iisul Wasaaruhu ka aqbalay,” ayaa lagu yiri qoraalka ka soo baxay xafiiska Ra’iisul Wasaaraha.

Xubnaha guddiga doorashada kuraasta xildhibaanada Somaliland ayaa u kala jabay laba garab oo kala taabacsan siyaasiyiinta ay kala hoggaaminayaan Cabdi Xaashi iyo Mahdi Guuleed, maadaama ay horay u soo kala magacaabeen xubnahaan, waxuuna garab kasta sameystay guddoon u gaar ah.

Todoba xubnood oo guddigaas ka mid ah, kuwaas oo afar uu soo magacaabay Mahdi Guuleed, seddaxna Rooble ayaa bilaabay doorasho hal dhinac ah, iyagoo iska dhex doortay guddoomiye iyo ku xigeen, sidoo kale afartii kale ee uu soo magacaabay ayaa Cabdi Xaashi ayaa dhankooda iska dhex doortay guddoon, waxaana cirka isku shareeray khilaafka labada garab ee siyaasiyiinta ka soo jeeda gobollada waqooyi.