25.7 C
Mogadishu
Sunday, June 22, 2025

Sawirro: Koonfur Galbeed oo dooratay Senatorkii ugu horeeyey – Yaa kusoo baxay?

0

Baydhabo (Caasimada Online) – Koonfur Galbeed ayaa maanta si rasmi ah u bilowday qabashada doorashada, waxaana kursigii ugu horreeyey ee Aqalka Sare ee maamulkaasi lagu doortay magaalada Baydhabo, taas oo ay ku tartameen labo musharrax oo dumar ah.

Doorashadan ayaa waxaa goobjoog ahaa xubno ka socda guddiga xallinta khilaafaadka doorashooyinka ee heer federaal iyo mas’uuliyiin ka tirsan maamulka Koonfur Galbeed.

Kursiga 1-aad ee doorashadiisa maanta la qabtay ayaa waxaa ku tartamay musharraxiinta kala ah Zamzam Ibrahim Cali iyo Shariifo Xaji Cismaan oo ka mid ahaa musharixiintii uu horey u shaaciyey madaxweyne Cabdicasiis Xasan Maxamed (Lafta Gareen).

Guusha ayaa waxa ay raacday Zamzam Ibrahim Cali oo 81 cod heshay, halka 4 cod ay heshay masharrax Shariifo Xaji Cismaan oo la tartameysay, waxaana sidoo kale halaabay illaa 7 cod, sida uu ku dhawaaqay guddiga doorashada ee maamulka Koonfur Galbeed.

Zamzam Ibrahim Cali ayaa horey u aheyd Senator ka tirsan Golaha Aqalka Sare ee baarlamaanka federaalka ah ee Soomaaliya, iyada oo markale difaacatay kursigeeda.

Sidoo kale waxaa haatan la guda-geli doonaa doorashada afarta kursi ee kale ee la shaaciyey, taas oo isla maanta lagu qabanayo magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay.

Koonfur Galbeed ayaa noqoneyso maamul goboleedkii labaad ee billaaba doorashada, gaar ahaan soo xulista Senatorada cusub ee Golaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Soomaaliya.

Wararkii ugu dambeeyey ee doorashada Aqalka Sare ee ka dhaceysa BAYDHABA

0

Baydhabo (Caasimada Online) – Wararka laga helayo deegaanada Koonfur Galbeed ayaa sheegaya in maanta doorashada shan kursi oo ka mid ah sideeda Senator ee ka imaanaya maamulkaasi lagu dooran doono gudaha magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay.

Qaban qaabadii ugu dambeysay ee qabashada doorashada ayaa haatan ka socota Baydhabo, waxaana si weyn loo adkeeyey amniga guud ee magaaladaasi.

Doorashadan ayaa waxaa ku tartamaya illaa 10 musharrax oo uu liiskooda soo gudbiyey madaxweyne Cabdicasiis Lafta Gareen, waxaana saddex ka mid ah yihiin dumar.

Guddoomiyaha guddiga doorashooyinka Koonfur Galbeed Yuusuf Cabdulqaadir Maxamed ayaa ka warbixiyey u diyaar garowda doorashada, wuxuuna tilmaamay in 10-ka musharrax ay buuxiyeen shuruudihii laga rabay, isla-markaana la mariyey baarista hubinta dambiyada.

Sidoo kale wuxuu intaasi ku daray in ugu horreyn musharraxiinta laga dhageysan doono khudbado, kadibna la guda-geli doono qabashada doorashada.

“10-ka musharrax waxa ay buuxiyeen shuruudihii waxaana ay mareen baarista hubinta dambiyada, ilaa haatan wax kiis ah oo naloo soo gudbiyay ma jiro, sidaas awgeed waxa ay ka wada qaybgalayaan doorashada maanta” ayuu yiri Yuusuf Cabdulqaadir Maxamed.

Koonfur Galbeed ayaa noqoneyso maamulkii labaad ee bilaaba doorashada Golaha Aqalka Sare, waxaana ka horreeyey oo kaliya dowlad goboleedka Soomaaliyeed ee Jubbaland.

Maamullada harsan ayaa sidoo kale looga fadhiyaa inay dadajiyaan qabashada doorashada Aqalka Sare, si loo bilaabo tan Golaha Shacabka, waxaana kusii xigta mida madaxweynaha.

Maxaa la isku afgartay kulankii R/W Rooble, Cabdi Xaashi iyo Mahdi Guuleed?

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaaraha xukuumadda xil-gaarsiinta Maxamed Xuseen Rooble ayaa maanta mar kale xafiiskiisa ku wada qaabilay guddoomiyaha golaha waqtigu ka dhamaaday ee Aqalka Sare Cabdi Xaashi iyo ra’iisul wasaare ku xigeenka Mahdi Guuleed, sida lagu shaaciyey qoraal kooban oo ka soo baxay xafiiska Rooble.

Ra’iisul Wasaare Rooble oo horay ula kulmay Cabdi Xaashi iyo Mahdi Guuleed ayaa ka sugaayey inay xal ka gaaraan khilaafka ka dhaxeeya ee salka ku haya doorashada kuraas gobollada waqooyi ee BFS.

Cabdi Xaashi iyo Mahdi Guuleed ayaa kala hoggaaminaya laba garab oo ay u  kala jabeen siyaasiyiinta ka soo jeeda Somaliland, waxuuna haatan khilaafka ugu adag ka taagan yahay doorashada guddoonka guddiga 11-ka xubnood ah oo ay soo kala magacaabeen Cabdi Xaashi, Mahdi Guuleed iyo Rooble.

“Ra’iisul Wasaaraha XFS Mudane Maxamed Xuseen Rooble, ayaa maanta mar kale la kulmay Guddoomiyaha Aqalka Sare ee BFS Mudane Cabdi Xaashi Cabdillaahi iyo Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka dalka Mahdi Maxamed Guuleed oo uu ka sugayay xal ay heshiis ku yihiin oo ku aaddan khilaafka doorashada guddoonka Guddiga Doorashada Gobollada Woqooyi,” ayaa lagu yiri qoraalkaan  ka soo baxay xafiiska Rooble.

Sida lagu sheegay qoraalka Cabdi Xaashi ayaa Ra’iisul Wasaaraha ka codsaday in la siiyo fursad hal maalin ah, si khilaafkooda ay u soo afjaraan labada garab oo ay kala hoggaanimayaan isaga iyo Mahdi Guuleed, iyadoo dalabkaasna uu ka aqbalay Rooble.

“Guddoomiye Cabdi Xaashi Cabdillaahi ayaa Ra’iisul Wasaaraha ka codsaday in la siiyo muddo hal maalin ah, codsigaas oo uu Ra’iisul Wasaaruhu ka aqbalay,” ayaa lagu yiri qoraalka ka soo baxay xafiiska Ra’iisul Wasaaraha.

Xubnaha guddiga doorashada kuraasta xildhibaanada Somaliland ayaa u kala jabay laba garab oo kala taabacsan siyaasiyiinta ay kala hoggaaminayaan Cabdi Xaashi iyo Mahdi Guuleed, maadaama ay horay u soo kala magacaabeen xubnahaan, waxuuna garab kasta sameystay guddoon u gaar ah.

Todoba xubnood oo guddigaas ka mid ah, kuwaas oo afar uu soo magacaabay Mahdi Guuleed, seddaxna Rooble ayaa bilaabay doorasho hal dhinac ah, iyagoo iska dhex doortay guddoomiye iyo ku xigeen, sidoo kale afartii kale ee uu soo magacaabay ayaa Cabdi Xaashi ayaa dhankooda iska dhex doortay guddoon, waxaana cirka isku shareeray khilaafka labada garab ee siyaasiyiinta ka soo jeeda gobollada waqooyi.

Daawo: Cabdi Xaashi oo shaaciyey tallaabo ay qaadi doonaan haddii la qabto doorasho hal dhinac ah

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyaha Aqalka Sare Cabdi Xaashi Cabdullahi ayaa ka digay in garabka Mahdi Guuleed ee doorashada kuraasta xildhibaanada gobollada Waqooyi ee Somaliland ay ku dhaqaaqan inay qabtaan doorasho, xili ay haystaan aqlabiyada guddiga.

Cabdi Xaashi ayaa sheegay haddii uu garabka Mahdi Guuleed ku dhaqaaqo tallaabadaas ay dhinacooda qaban doonaan doorasho, maadama uu xusay in garabka kasoo horjeeda ee guddiga doorashada gobolada Waqooyi iska dhago tireen dadaaladii lagu rabay in labada dhinac oo mideysan doortaan hogaan.

“Waa idinka kuwa doorashada xaqa u leh ee soo saaranaya xubnahooda Baarlamaan, haddii ay kolkaas dhacdo arrintaas u diyaar-garoowa in doorasho aad sameysaan,” ayuu yiri Guddoomiye Cabdi Xaashi.

“Sida la leeyahay doorasho ayey sameynaynaa oo guddigii la idiin sheegayay ee laga dhigo 7 halkaas ah (Mahdi Guuleed iyo xukuumadda) iyo 4 halkaan ah, iyaga ayaa la leeyahay waa intii badneyd oo iyaga ayaa soconaysa, markaa waa idinka kuwa doorashada xaqa u leh.”

Khilaafka ka taagan guddiga doorashada gobolada Waqooyi ayaa illaa hadda xal rasmi ah laga gaarin, ayada oo fashil kusoo dhamaadeen kulamo ay labada dhinac ka yeeshen dib u mideynta guddiga u kala jabay labada garab, kuwaasi oo leh labo guddoon oo kala duwan.

Garabka Guddoomiye Cabdi Xaashi ayaa ka kooban afar xubnood, halka garabka Mahdi Guuleed uu ka kooban yahay afar xubnood, oo sida la fahamsan yahay u dheer yihiin 3 xubnood oo kale oo xukuumadda kasoo galay guddigaas, kuwaasi oo uu magacaabay Ra’iisal wasaare Rooble.

Senator Xuseen Sheekh oo faahfaahin ka bixiyey sababta looga reebay liiska A/Sare

0

Baydhabo (Caasimada Online) – Senator Xuseen Sheekh Maxamuud, Gudoomiyaha Guddiga la socodka iyo hirgelinta dastuurka ee labada Aqal ee Baarlamaanka, ayaa markii u horeysay faah-faahin ka bixiyay sababtii looga reebay liiska musharaxiinta ee uu shalay soo saaray madaxweyne Lafta-gareen.

Waxa uu sheegay in liiskaas looga reebay kala aragti duwanaanshaha Madaxda joogta Villa Somalia, wuxuuna xusay inaysan saamayn ku yeelan doonin u “adeegistiisa shacabka Soomaaliyeed” in uu waayay kursigiisii xildhibaanimo ee Baarlamaanka Soomaaliya.

Qoraal uu soo dhigay bartiisa Facebook ayuu sidoo kale ku sheegay in la gaari doonaa waqti rabitaanka shacabka Koonfur Galbeed uu shaqeeyo, kuna doortaan matalayaashiina siyaasadda.

Halkaan ka aqriso qoraal uu ku daabacay bartiisa Facebook

Bismillaahi,

Marka Koowaad mahad oo dhan Alle ayay u sugnaatey, marka xigtana waxaan u mahadcelinayaa dhammaan shacabka Soomaaliyeed meel walba oo ay dunida ka joogaan taageerada iyo dhiirigelinta ay ila garab istaagnaayeen.

Si gaar ah waxaan ugu mahadcelinaa shacabka Koonfur Galbeed oo aan ku matalayay Aqalka sare muddo xileedkii la soo dhaafay. Insha Allah waxaa la gaari doonaa waqti rabitaankiinu shaqeeyo kuna doorataan matalayaashiina siyaasadda.

Muddadii aan u soo adeegayay shacabka Soomaaliyeed gaar ahaan kuwa Koonfur Galbeed waxaan ku dadaaley wixii karaankeyga ah inaan si daacadnimo ku jirto ugu adeego, una doodo xuquuqaha siyaasadeed iyo kuwo bulsho, anigoo ka tirsanaa Guddiga la socodka iyo hirgelinta dastuurka ee labada Aqal. Dadaal weyna aan ka gaystay howshaas wali qabyada ah.

Intaas ka dib, waxaan aaminsanahay Qadarta Rabbi iyo in Alle SWT uu bixiyo Mulkiga doonistiisana wax lagu helo waxna lagu waayo, haddii ay insaanka oo dhan wax kula doonaana ay ku xiran tahay un doonista Alle.

Qalinka waxaa haysta mas’uul siyaasi ah oo heshiis siyaasadeed fursad loogu siiyey inuu kala doorto gaar ahaan kuraasta Aqalka Sare ee Baarlamaanka 11aad. Cabbirka fikirka madaxbannaan ee dhaqanka ii ahaa muddo xileedkii la soo dhaafay, ayaan aaminsanahay inay sabab u ahayd in la iga reebo tartanka Aqalka Sare ee xilligan.

Insha Allah waxaan balanqaadayaa in waayidda xilkii xildhibaanimo ee BFS aaney saameyn ku yeelan doonin mabaadii’deyda ku dhisan in daacad loogu adeego shacabka Soomaaliyeed anoo xil haaya iyo anigoon hayninba.

Waxaan uga mahad celinayaa shacabkii iyo masuuliyiintii aad u jeclaa inaan mar kale tartamo, waxaanna ugu baaqayaa inay is dejiyaan.

Mahadsanidiin,
Hussein Sheikh Mohamud

Maxaa shaki geliyey dhab ahaanshaha musharaxnimada madaxweyne ee Kheyre?

Warbixintan oo muuqaal ah halkan ka daawo.

Muqdisho (Caasimada Online) – Ku dhowaad sanad kadib markii uu qoraal yar oo uu twitter-ka soo dhigay ku sheegay inuu yahay musharax madaxweyne, ayaa waxaa weli dadka xog-ogaalka u ah siyaasadda Soomaaliya ay shaki gelinayaan dhab ahaanshaha musharaxnimada Xasan Cali Kheyre. 

Kheyre naftiisa ayaa tallaabooyinka siyaasadeed ee uu qaadayo, amaba uusan qaadan, ay kaga sii darayaan shakiga laga qabo inuu yahay musharax dhab ah, oo ay ka go’an tahay inuu kursiga kala wareego madaxweyne Farmaajo.

Siyaasiyiinta badan iyo falanqeeyeyaal Soomaali iyo ajaanibba leh ayaa shakiga ka dhanka ah dhab ahaanshaha hanka Ra’iisul Wasaarihii hore sabab uga dhigaya dhowr arrimood oo ay ka mid yihiin:

Kheyre ma dhisin xisbi siyaasadeed: Dhammaan musharaxiinta miisaanka culus ee u taagan xilka madaxweyne waxay dhisteen xisbiyo siyaasadeed, oo ay hoggaamiyaan. Xasan Sheekh wuxuu madax u yahay UPD, Shariif wuxuu maamulaa Himilo Qaran, Cadbiraxmaan Cabdishakuur wuxuu dhisay Wadajir, Cabdikariin Guuleed wuxuu guddoomiyaa Sahan Party, halka Cabdulqaadir Cosoble uu madax ka yahay Ileys.

Inkasta oo laga yaabo in xisbi aan lagu galin doorashada, haddana xisbiga waa madal kulmisa musharaxiinta iyo xubnaha taageersan. Sidaas darteed, musharax kasta wuxuu leeyahay xubno taageersan oo la yaqaan oo ku jira xisbigiisa. Illaa hadda ma naqaan hal siyaasi ama xildhibaan oo ku aragti ah Xasan Cali Kheyre.

Xiriirka Villa Somalia: Ka sokow in shaki la gelinayo musharaxnimadiisa, Xasan Cali Kheyre waxaa weli lagu xantaa inuu ku xiran yahay Villa Somalia, oo uu weli saaxiib qarsoon la yahay Farmaajo iyo Fahad Yaasiin. Dadka ra’yigan qaba ayaa sheegaya kulamo qarsoodi ah oo dhinacyada dhex-maray, inkasta oo aan la xaqiijin karin.

Xitaa qaarkood ayaa gaarsiinaya inuu yahay wakiil loo soo diray inuu ka dhex-shaqeeyo mucaaradka. Waxaa shakiga sii kordhinaya, in ilaa markii uu xilka ka tegay uusan Xasan Cali Kheyre si toos ah u magacaabin Farmaajo iyo Fahad, oo uusan marnaba u dhaliilin si shaacsan, xilli ay jirto qaladaad badan oo musharaxiinta kale ay ku eedeeyeen ayaga oo aan la gabban.

Sidii uu xilka uga degay: In 7 daqiiqo gudahood xilka looga tuuro waxay muujisay in miisaanka siyaasadeed ee Xasan Kheyre uu aad u hooseeyo, sababtoo ah haddii Kheyre awood siyaasadeed ku dhex lahaan lahaa dalka, gaar ahanna baarlamanka, ma dhacdeen in 7 daqiiqo xilka looga tuuro.

Dadka siyaasadda fallanqeeya ayaa sidoo kale qaba in arrintan ay meesha ka saarayso rajadiisa ah in la doorto maadaama la filayo in ay dib u soo laabtaan xildhibaanandii riday ugu yaraan 70% kamid ah, ayaga oo is-weydiinaya sida xildhibaano ku riday 7 daqiiqo gudahood ay madaxweyne ugu dooran doonaan. 

Muddadii uu xilka Ra’iisul Wasaaraha hayay, saaxiibada siyaasadda ee kaliya ee uu lahaa waxa ay ahaayeen siyaasiyiinta ugu dhow madaxweyne Farmaajo, taas oo sababtay in aysan jirin koox siyaasadeed oo iibisa aragtidiisa islamarkaana la fududeysa caqabadaha siyaasadda.

Siyaasi aan la aamini karin: Xasan Cali Khayre markii ugu horreysay waxa uu saaxada siyaasadda kusoo galay isaga oo kamid ahaa kooxdii Xasan Sheekh Maxamuud. Kheyre ayaa ugu dhowaa madaxweyne Xasan Sheekh, ilaa heer uu gaaray inuu galo kooxdii olalahiisa madaxtinimada ka shaqeyneysay 2016.

Xilligaas, Kheyre wuxuu isaga oo ka tirsan kooxda Xasan Sheekh, haddana si hoose ula shaqeynayey Farmaajo, waxaana la rumeysan yahay in mid ka mid ah sababaha looga adkaaday Xasan Sheekh ay tahay in xogtiisa oo idil uu hayey Farmaajo.

Marka xigtay, isaga oo fulinaya qorshaha Farmaajo ayuu markii uu noqday ra’iisul wasaare dagaal ku qaaday madaxda maamul goboleedyada dalka oo istooda badan meesha ka saaray, halka madaxdii maamulladaas la geeyay ay fahansan yihiin in aysan aamini karin, xilligaasna uu fuliyay qorshe uu Farmaajo lahaa.

Aaminaad la’aantan ayaa ka fogeyneysa Xasan Kheyre saaxiibo badan oo uu heli lahaa, taasi oo shakiga laga qabo musharaxnimadiisa sii kordhisay. 

Wax ay ahaataba, waxaa dhab ahaanshaha iyo awoodda siyaasadeed ee Kheyre ay kala caddaan doonaan marka laga gaaro doorashada. 

Maxaad ka taqaanaa Jeneral Ceydiid oo geeriyooday 25 sano kahor maanta oo kale?

Waxaa maanta 25 sano laga joogaa markii uu dhintay Allaha u naxaristee janaraal Maxamed Faarax Ceydiid oo ka mid ah hogaamiye-kooxeedyadii Soomaaliya door weynna ku lahaa ololihii xukunka looga tuuray madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Maxamed Siyaad Barre. Wuxuu ku dhintay magaalada Muqdisho 1-dii Agoosto sanadkii 1996.

Kumuu ahaa Ceydiid

Janaraal Maxamed Faarax Ceydiid waxaa uu bishii December ee sanaddii 1934 ku dhashay magaalada Gaalkacyo.

Janaraal Ceydiid waxaa uu wax ku soo bartay dalka Taliyaaniga iyo Ruushka.

Waxaa uu xilligii gumeysiga la soo shaqeeyay booliiskii Taliyaaniga oo uu ku biiray sanaddi 1952.

Janaraal Ceydiid ayaa markii dambe ku biiray ciidammada qalabka side ee Soomaaliya oo u ka gaaray ilaa darajada Janaraal.

Kuliyadda militariga ee Furunzi oo ku taallla magaalada Moscow ee dalka Ruushka ayuu sidoo kale culuum dheeraad ah oo dhanka militariga ah ku soo qaatay.

Sanaddii 1969, waxaa uu ka mid ahaa saraakiishii ka soo horjeeday afgembigii militari ee dalkaka dhacay.

Janaraal ayaa waxaa xabsiga u taxaabay dowlaaddii kacaanka ee uu hogaaminayay (AHU) Maxamed Siyaad Bare

Ceydiid ayaa xabsiga laga soo daayay sanaddii 1975.

Dagaalkii dhexmaray Soomaaliya iyo Itobiya sanaddii 1977 ilaa 1978 waxaa uu ka mid ahaa saraakiishii ka qeyb gashay.

Janaraal Maxmed Faarax Ceydiid ayaa waxa uu sidoo kale mar noqday danjirihii Soomaaliya u fadhiyay dalka Hindiya.

Dagaalkii Jabhadaha

Janaraal Maxamed Faarax Ceydiid waxaa ka mid ahaa hogaamiyayaashii ka qeyb qaatay dumintii dowladda dhexe ee uu hogaaminayay Maxamed Siyaad Barre.

Waxaa uu sanadii 1991 noqday hogaamiyiihii jabhaddii USC. Jabhadaasi ayaa cidamadii dowladda kula dagaalamay magaalada Muqdisho ugu dambeyntiina halkaasi ka saaray.

Dagalkii Cali Mahdi iyo Caydiid

Dabayaaqadii bishii January ee sanadkii 1991, Cali Mahdi waxaa madaxweyne ku meel gaar ah u doortay dad u badan xubnaha Jabhaddii United Somali Congress (USC) oo ka mid ahayd xoogaggii xukunka ka tuuray Maxamed Siyaad Bare.

Arintaas ayaa khilaaf ka dhex dhalisay jabhadda gudaheeda, oo waxaa madaxtinnimada Cali Mahdi diiday Jen Maxamed Faarax Caydiid oo isu arkayay hogaamiyaha garabka milateri ee USC.

khilaafka ayaa isu rogey dagaal kumanaaan shacab ah ay ku dhinteen kumannaan kale -na ay ku barakaceen.

Cilmi Faarax Webi waxa uu kamid ahaa xukuumaddii uu xilligaa dhisay Cali Mahdi, waxaana uu BBC-da uga warramay waxyaabihii dhaliyay khilaafkii Cali iyo Ceydiid.

“Dabkan khilaafka waxa keenay waa in Jeneraal Caydiid uusan ku qanacsaneyn qaabka wax loo dhigay, raggii kale ee siyaasiyiinta ahaana waxay u arkeen dalku inuusan gali karin xilli uusan xil Madaxweyne jirin oo ay khasab tahay in la sameeyo nin madax ah kaddibna wadahadal dib loo galo. Arrintaas waa la isku fahmi wayaay, Caydiidna ma uusan aqoonsanin dowladda waxaana billaabatay in Ciidamo la aruursado oo la kala shakiyo,” ayuu yidhi.

Caydiid waxa uu u arkayay in uu xaq u leeyahay hoggaanka maadaama uu ahaa nin askari ah oo soo dagaallamay, sida uu sheegay Webi.

Dagaal xooggan oo bilooyin socday ayaa ciidamo kala taabacsan Cali Mahdi iyo Ceydiid ku dhexmaray magaalada Muqdisho, waxaana ka dhashay khasaaro ballaaran, iyo burbur baaxad leh.

Dagaalkii Ceydiid iyo Mareykanka

Sanddii 1992 – Golaha ammaanka ee Qaramada Midoobey ayaa go’aamiyey in Soomaaliya loo diro ciidammo nabad ilaalin ah oo uu hogaaminayo Maraykanka.

Dabyaaqadii sanaddii, 1992 – Ciidamada Badda ee Maraykanka ayaa soo gaaray magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya.

Howlgalkaasi uu Mareykanka hogaaminayay waxaa loogu magac daray “Hawlgalkii Rejo soo celinta”.

Sanaddii 1993 – waxaa dowladda Maraykanka ay hoggaaminta ciidamadii hawl galka ka wadey Soomaaliya ku wareejiyey Qaramada Midoobey.

Wax badanba kama soo wareegan markii khilaaf uu soo kala dhexgalay Janaraal ceydiid iyo ciidamadii shisheeye ee 35,000 ahaa ee dalka u tagay in ay nabadeeyaan.

Ceydiid wuxuu xilligaas haystay qaar ka mid ah goobihii muhiimka ahaa ee Muqdisho. Ka dib dhowr goobood oo uu Radiyow Muqdisho ka mid yahay ayey Mareylanku duqeeyeen.

Caradii ka dhalatay waxay sababtay in bishii June 1993, Taageerayaashii janeraal Caydid ay dagaal hubeysan kala hortagaan ciidanka Qaramada Midoobay. Weerar lagu qaaday ciidamadii Pakistan ee howlgalka qeybta ka ahaa, waxaa lagu dilay 24 askeri, illaa 60 kale ayaa la dhaawacay.

Qaramada Midoobay waxay ku dhawaaqday dagaal ka dhan ah Janeraal Caydiid. Ciidanka Mareykanka ayaa gulufkaa colaadeed hoggaanka u qabtay.

3-dii October 1993, ciidanka sida gaarka ah u tababaran ee Mareykanka ayaa howlgal militari ka fuliyay bartamaha koofurta Muqdisho. Xilligaas waxa ay heleen xog sheegaysay in jeneraal Caydiid uu madax sare kulan kula leeyahay hoteel Olombik ee waddada Howlwadaag.

Waxaa howlgalkaa ka qeyb qaatay 19 diyaaradood, 12 gaari, 160 askari oo xaruntooda uga baxay in ay howlgalka muddo 90 daqiiqo ah ku soo fuliyaan. Waxayse soo noqdeen 17 saacadoo kaddib.

50 daqiiqo markii uu howlgalka socay, diyaaraddii ugu horraysay ee blackHawk ayaa la soo riday. 20 daqiiqdo kaddibnaa diyaaraddii labaad ayaa dhulka la soo dhigay.

Ciidanka howlgalka galay ayaa la hareereeyay, ciidaan dheeraad ah ayaa loo diray si loo soo badbaadiyo.

Wuxuu ahaa dagaal daba dheeraaday, oo habeenkii oo dhan socday, (illaa 06:30am xilliga Muqdisho).

Boqollaal Soomaali ah iyo 18 askeri oo Mareykan ah ayaa ku nafwaayay dagaalkaas. Qaar ayaa jidadka Muqdisho lagu jiidjiiday.

Dhacdada oo fajac ku noqotay Mareykanka waxay soo dedejisay in ay gebi ahaanba isaga baxeen dalka. Gargaarkii Bini’aadannimana gaabis ayaa ku yimi.

Cabdi Ismaaciil Samatar oo wax ka dhiga Jaamacadda Minnesota wuxuu yiri: “In Soomaaliya oo dhibaato ay ku jirta dunidana ka jeesato, maxaa lagu macneyn karaa? Sow aragtida la yiraahdo, masuuliyad ayaa dunida ka saaran in ay dadka badbaadiso, mana beenoobeyso.”

Markii dambe dagaalkii muqdisho waxaa laga sameeyay filim la baxay “Black Hawk Down”.

Mareykanka waxay ku guuldareysteen in ay gacanta ku soo dhigaan janaraaal Maxamed Faarax Ceydiid.

Bishii March, 1994 – waxaa si rasmi ah loo soo afjaray hawlgalkii Maraykanku ka wadey Soomaaliya .

1 bishii August , 1996 – Maxamed Faarax Caydiid ayaa u dhintay dhaawac ka soo gaaray, dagaal dhexmaray isaga iyo Cusmaan Caato.

Xigasho: BBC Somali

TALIBAN oo duqaynaysa garoomada diyaaradaha iyo dagaallo culus oo socda

Kandahar (Caasimada Online) – Garoonka diyaaradaha Kandahar oo ku yaal koonfurta Afghanistan ayaa gantaal lala beegsaday, xilli ciidamada dowladda ay la halgamayaan sidii ay iskaga caabin lahaayeen weerarada Taliban oo ka socda dhowr magaalo oo waaweyn.

Duulimaadyadii ka bixi lahaa Kandahar, oo ah magaalada labaad ee ugu weyn Afghanistan, ayaa la joojiyay ka dib markii saddex gantaal oo ay Taliban rideen ay ku dhaceen garoonka diyaaradaha maanta oo Axad ah.

Madaxa garoonka Massoud Pashtun ayaa sheegay in laba ka mid ah gantaalladaasi ay ku dhaceen dhabaha ay diyaaraduhu ku ordaan, hadana lagu bilaabay dayactir. Sarkaal kale oo ka tirsan maamulka duulista rayidka ee caasimadda, Kabul ayaa xaqiijiyay weerarka.

Wali ma jiraan warar sheegaya khasaaraha ka dhashay dagaalka, sida ay saraakiishu sheegeen.

Zabiullah Mujahid, oo ah afhayeenka Taliban, ayaa u sheegay wakaaladda wararka ee Reuters, “Madaarka Kandahar annaga ayaa bartilmaameedsannay, maxaa yeelay cadowgu wuxuu u adeegsanayay xarun ahaan si uu noogu qaado weerarro xagga cirka ah”.

‘Xaalad aad u kacsan’

Dagaallada ayaa soo kordhay asbuucyadii la soo dhaafay laga soo bilaabo horraantii bishii May, markaas oo ciidamada shisheeye ee uu horkacayo Mareykanka ay bilaabeen ka bixitaankii ugu dambeeyay ee Afghanistan oo hadda ku dhow dhammaad.

Ka dib markii ay qabsadeen dhul ballaaran oo miyi ah kuna darsadeen isgoysyada muhiimka ah, Taalibaan waxay hadda bilaabeen in ay hareereeyaan caasimadaha gobollada.

Warbaahinta maxaliga ah ee Kabul, ayaa sheegtay in saddex magaalo oo waaweyn – Lashkar Gah, Kandahar iyo Herat – ay xilligan cadaadis kala kulmaan Taliban.

“Talibaan waxay qabsadeen dhul aad u tiro badan oo miyi ah bishii la soo dhaafay haddana waxay magaalooyinka gelinayaan cadaadis aad u badan, ka dibna waxay dib ugu laaban karaan miiska wadahadalka.”

Gudaha Lashkar Gah, xaaladdu “aad bay u kacsan tahay” iyadoo uu socdo dagaal culus, halka isgaarsiinta la xiray.

“Xalay, waxaan fahansanahay in ciidamada gaarka ah ee Afghanistan lagu soo riday diyaarad helicopter ah si ay isugu dayaan in ay ku weeraraan Taliban. Waxaan fahamsanahay in Mareykanku uu taageerayo weerarada cirka, ciidamada cirka ee Afghanistan-na ay wadaan dadaalo xooggan,” sidaas waxaa ku waramay wariyaha Afganistaan ee Kabul.

Ciidamada amniga Afgaanistaan ayaa aad ugu tiirsan weerarada cirka si ay dagaalyahanada dib uga riixaan magaalooyinka xitaa iyagoo halis ugu jira in ay duqeeyaan dadka rayidka ah ee ku nool meelaha dadku ku badan yihiin.

Dhanka galbeed, oo ah magaalada saddexaad ee ugu weyn Herat, dagaalku wuxuu ka socdaa duleedka magaalada habeenimadii.

Afhayeenka gobolka Herat Jailani Farhad ayaa sheegay in ku dhawaad 100 dagaalyahan oo Taliban ah lagu dilay weerarada.

Labada dhinac ee Taliban iyo ciidamada dowladda ayaa buunbuuniyay sheegashooyinka khasaaraha soo gaaray ciidammadii midba midka kale, waxaana adag in si madax bannaan loo xaqiijiyo.

Sarkaal ka tirsan dowladda ayaa u sheegay warbaahinta in ciidamada Afghanistan ay adeegsadeen weerarro cirka ah si ay u difaacaan Herat iyo in Mareykanka uu “si dhow ula socdo” xaaladda gobolka.

Maxaa ka jira in dowladda ay musharaxiinta qaarkood u diiday warqadda CID-da?

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Taliyaha ciidamada Booliska Soomaaliyeed, General Cabdi Xasan Maxamed (Xijaar) oo sidoo kale ah guddoomiyaha guddiga amniga doorashooyinka ayaa markii u horeeyay shaaciyey inaysan jirin Musharax la siiyey warqada CID-da ee dembi la’aanta.

Taliye Xijaar oo u waramayey warbaahinta dowladda ayaa sidoo kale waxa uu beeniyay inay jiraan Musharaxiin Mucaarid ah oo loo diiday in la siiyo waraaqda dembi la’aanta, xili ay soo baxeen warar sheegaya arrintaas.

“Cid aan siinay waraaq (dembi la’aanta ee CID-da) horta ha lasoo helo, taasi waxay ku tuseysa inaysan jirin cid la siiyey, cid loo diideyna aysan jirin. CID-da wey tageen dad badan oo musharaxiin ah oo raba inay tartamaan,” ayuu yiri Taliye Xijaar.

“Anaga waxa aanu ku shaqeyna nidaam dowli ah, Siyaasiyiin ma nihin, waxaanu rabnaa wax walba oo qabaneyno sida lagu heshiiyey inay ogyihiin Golaha Wada-tashiga Qaranka oo gacanta ku hayaan.”

Ugu dambeyntiina waxa uu carabka ku adkeeyay in muwaadin kasta oo Soomaaliyeed uu xaq u leeyahay inuu helo waraaqda dembi la’aanta ee CID-da, haddii uusan dalka dembi ka gelin, sida uu hadalka u dhigay.

Hadalka Taliyaha ayaa imanaya xili ay maalmihii dambe soo baxayeen warar sheegayey in Musharaxiinta ka tirsan kuwa mucaaridka laga hor-istaagay inay helaan warqada dembi la’aanta ee CID-da.

Mareykanka oo farriin u diray madaxweyne Qays Saciid kadib ‘afgambigii’ dhacay

Tunis (Caasimada Online) – La-taliyaha amniga qaranka Mareykanka Jake Suliivan ayaa ugu baaqay madaxweynaha Tunisia inuu deg deg Tunisia ugu soo celiyo “waddada dimoqraadiyadda” kadib markii uu Axaddii tagtay la wareegay awoodaha maamulka, waxaa sidaas sheegay Aqalka Cad.

Madaxweynaha Tunisia Qays Saciid ayaa dalka geliyey xaalad deg deg ah oo la xiriirta faafitaanka cudurka Coronavirus iyo maamul xumo, si uu u eryo ra’iisul wasaraaha, u hakiyo baarlamanka, ulana wareego awoodda fulinta.

Kooxaha mucaaradka Tunisia, oo uu ugu weyn yahay xisbiga Islaamiga ah ee Ennahda, ayaa tallaabadan ku macneeyey afgambi.

Wada-hadal teleefon oo uu la yeeshay, ayuu Sullivan hoosta uga xariqiay madaxweyne Qays baahida loo qabo “inuu deg deg usoo dhiso dowlad cusub, oo uu hoggaaminayo ra’iisul wasaare karti leh oo xasiliya dhaqaalahaTunisia, kana hortaga faafitaanka cudurka Coronavirus, iyo inuu xaqiijiyo in dib loo soo celiyo baarlamanka la doortay” sida lagu sheegay bayaan kasoo baxay Golaha Amniga Qaranka Aqalka Cad.

Madaxweyne Qays Saciid ayaa horey u difaacay tallaabooyinka uu qaaday oo uu sheegay inay lagama maarmaan u yihiin xasilloonida dalka.

Xiisadda siyaasadeed ee Tunisia ayaa dadka qaar ay ku eedeeyeen inay ku lug leeyihiin dalal shisheeye, ayada oo si gaar ah farta loogu fiiqay Imaaraadka Carabta.

REUTERS + VOA

Guddiga doorashooyinka Galmudug oo dalab xasaasi ah u diray Axmed Qoor Qoor

0

Dhuusamaraabe (Caasimada Online) – Guddiga doorashada heer dowlad goboleedka ee Galmudug ayaa ka hadlay qabashada doorashooyinka dalka ee 2021, gaar ahaan kuraasta Golaha Aqalka Sare ee taalla magaalada Dhuusamareeb ee caasimada gobolka Galgaduud.

Ugu horreyn guddiga ayaa codsi la xiriira qabashada doorashada Aqalka Sare u diray madaxweyne Axmed Cabdi Kaariye (Qoor Qoor), si loo soo xulo kuraasta ay dowlad goboleedka Galmudug ku leedahay Golaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Soomaaliya.

Guddiga doorashada Galmudug ayaa si gaar ah uga codsaday madaxweyne Qoor Qoor inuu soo gudbiyo liiska xubnaha musharraxiinta, si loo guda-galo qabashada doorashada.

“Waxaan halkan kuugu soo gudbineynaa codsi mudane madaxweyne inaad soo gudbiso liiska magacyada xubnaha musharraxiinta (Golaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federalka Soomaaliya),” ayaa lagu yiri warqadda ka soo baxday guddiga doorashada Galmudug.

Sidoo kale guddiga ayaa xasuusiyey madaxweynaha in haatan lagu guda jiro waqtigii doorashada, loona baahan yahay in si rasmi ah loo guda-galo doorashooyinka dalka.

“Mudane madaxweyne, iyada oo lagu guda jiro waqtigii doorashada, mas’uuliyadna tahay in aan gudano howsha qaran ayaa kuugu soo dirnay codsigan,” ayuu lagu sii yiri qoraalka.

Dalabkan ayaa kusoo aadayo, iyada oo ay Jubbaland billowday qabashada doorashada Aqalka Sare, sidoo kalena Koonfur Galbeed ay shaacisay liiska musharraxiinta Aqalka Sare.

Si kastaba maamullada harsan ayaa waxaa looga fadhiyaa inay dadajiyaan doorashada, gaar ahaan tan xildhibaanada labada Gole, si loo dhaqan-geliyo heshiiskii doorashada.

 

Wararkii ugu dambeeyey doorashada Golaha Aqalka Sare ee Koonfur Galbeed

0

Baydhabo (Caasimada Online) – Magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay ayaa waxaa laga dareemayaa qaban-qaabadii ugu dambeysay qabashada doorashooyinka Soomaaliya, gaar ahaan tan Golaha Aqalka Sare ee ka imaanaya dhanka Koonfur Galbeed.

Diiwaan-gelinta musharraxiinta u taagan ka mid noqoshada Golaha Aqalka Sare ee afarta sano ee soo socota ayaa maanta ka bilaabaneyso gudaha magaalada Baydhabo, sida uu shaaciyey guddiga doorashooyinka u qaabilsan dowlad goboleedka ee Koonfur Galbeed.

Sidoo kale guddiga ayaa sheegay in doorashada shanta kursi ee ugu horreyso Aqalka Sare ee maamulkaasi la qabanayo labada bishan August oo ku beegan maalinta beri ah.

Sidoo kale liiska musharraxiinta uu soo gudbiyey madaxweyne Cabdicasiis Lafta Gareen ayaa ah toban musharrax oo afar ka mid ah ay yihiin haween, waxayna isugu aadan yihiin:-

1- Aadan Cabdinasir Maxamed iyo Maxamed Xasan Aadan.
2- Dr. Xuseen Maxamed Daahir iyo Xasan Maxamed Nuur.
3- Zamzam Ibrahim Cali iyo Shariifo Xaji Cusmaan lbraahim.
4- Maxamuud Maxamed Cabdinuur (Garabeey) iyo Nuur Baabul Cadow.
5- Ayaan Aadan Cabdullahi iyo Farxiyo Nuur Aadan.

Ammaanka ayaa sidoo kale aad loo adkeeyey, waxaana ciidamo dheeraad ah la dhigay goobaha muhiimka ah ee magaalada, gaar ahaan xarunta ay ka dhaceyso doorashada.

Koonfur Galbeed ayaa noqoneyso maamulkii labaad ee qabta doorashada Aqalka Sare kadib maamulka Jubaland oo qabtay Khamiistii la soo dhaafay.

Dhinaca kale maamullada kale ee Galmudug, HirShabelle iyo Puntland ayaa looga fadhiyaa inay guda-galaan qabashada doorashada Golaha Aqalka Sare, si looga faa’iideysto waqtiga yar ee ka haray qabashada doorashada 2021-ka oo soo martay marxalado kala duwan.

Doorashada Aqalka Sare, kadib ayaa waxaa sidoo kale la bilaabi doonaa tan Golaha Shacabka, waxaana kusii xigi doono sida uu qorshuhu yahay tan madaxweynaha.

Muxuu ra’iisul wasaare ROOBLE ka yiri tallaabadii madaxweyne Lafta-gareen?

0

Baydhabo (Caasimada Online) – Ra’iisul wasaaraha xukuumadda federaalka ah ee Soomalaiya, Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa ka hadlay tallaabadii madaxweynaha dowlad goboleedka Koonfur Galbeed ee uu ku shaaciyey liiska musharraxiinta Golaha Aqalka Sare ee Soomaaliya iyo sidoo kale soo saarista doorashada ee xubnaha Golahaasi.

Ugu horreyn ra’iisul wasaaraha ayaa boggaadiyey ku dhawaaqista liiska shan ka mid ah musharaxiinta Aqalka Sare ee laga soo dooranayo Koonfur Galbeed Soomaaliya yo sida ay u tartami doonaan, wuxuuna sheegay in ay tahay tallaabo horey loogu qaaday doorashada.

Sidoo kale waxa uu rajo wanaagsan ka muujiyey in doorashada ka dhaceyso magaalada Baydhabo ay ku qabsoonto jawi nabdoon oo hufan, isla-markaana lagu kalsoonaan karo.

“Waxaan Madaxweyne Lafta Gareen iyo guddiga doorashada Koonfur Galbeed ku bogaadinayaa soo saarista jadwalka doorashada xubnaha Aqalka Sare iyo liiskooda, anigoo u rajeynaya in doorashadu ay ku qabsoonto jawi nabdoon oo hufan”. ayuu yiri Rooble.

Ra’iisul wasaaraha ayaa sidoo kale faray maamullada kale inay dadajiyaan qabashada doorashada, gaar ahaan tan soo xulista xildhibaanada labada Aqal ee Soomaaliya.

Dhinaca kale diiwaan-gelinta, qabashada codsiyada iyo shubitaanka qidmooyinka ee musharaxiinta Aqalka Sare ayaa loo qoondeeyey maalinta oo ay tahay 1-da bisha August.

Maamulka Koonfur Galbeed ayaa noqon doona midkii labaad ee qabta doorashada Aqalka Sare, kadib maamulka Jubaland oo qabtay Khamiistii la soo dhaafay.

Soomaaliya oo marxalado kala duwan kasoo martay doorashada ayaa haatan rajado waxay mareysaa meel wanaagsan, maadaama la guda-galay qabashada doorashada ee 2021-ka.

Al-Ganushi oo shaaciyey qorshaha Imaaraadka ee afgambiga ka dhacay Tunisia

Tunis (Caasimada Online) – Afhayeenka baarlamanka Tunisa Rashid Al-Ganushi ayaa Imnaaraadka Carabta ku eedeeyey inay ka dambeeyaan afgambiga dalkiisa, kadib markii madaxweyne Qays Saciid uu hakiyey baarlamanka, lana wareegay awoodda fulinta.

Al-Ganushi ayaa u sheegay wargeyska The Times, in Imaaraadka ay ka go’neyd “inay soo geba-gebeeyaan” Guga Carabta oo ah kacdoonkii 2011 xukunka looga tuuray qaar ka mid ah hoggaamiyayaasha dalal ka mid ah Bariga Dhexe iyo Waqooyi Afrika.

“Imaaraadka Carabta waxay qaateen fikradda ah in Guga Carabta uu ka dhashay Tunisia, ayna tahay inuu ku dhinto Tunisia,” ayuu yiri Rashid Al-Ganushi.

Waxa uu intaas ku daray in Imaaraadka Carabta ay halis u arkaan Islaamka dimoqraadiga ah ee xisbigiisa Al-Nahda ay hoggaanka u hayaan. 

Waxa uu intaas ku daray in Tunisia aysan ka dhici doonin wax la mid ah wixii Masar ka dhacay 2013-kii, markaasi oo militariga ay xoog kula wareegeen awoodda, ayaga oo taageero ka helaya Imaaraadka Carabta.

“Tunisia ma ahan Masar. Waxaa jira xiriir ka duwan oo u dhaxeeya ciidamada dowladda,” ayuu Al-Ganushi.

“Halkan wixii ka dambeeyey kacdoonka, ciidamada waxay ilaaliyeen xoriyadda iyo codeynta.”

Qays Saciid ayaa Axaddii qaaday tallaabo lama filaan ah isaga oo xilka ka qaaday ra’iisul wasaarihii, sidoo kalena hakiyey baarlamanka, taasi oo lagu macneeyey afgambi muuqda.

Tunisia ayaa ahaa dalka kaliya ee kacdoonkii Carbeed uu hoggaamiyey dimoqraadiyad, waxaana tan iyo 2011 ka jira nidaam dimoqraadi ah oo shaqeeya.

Al-Ganushi ayaa sheegay in Imaaraadka Carabta ay sidoo kale ka welwelsan yihiin heshiiska nabadeed ee dalka Libya, kaasi oo hoggaamin kara dowlad dimoqraadi ah.

“Aad ayey uga cabsadaan dimoqraadiyadda, waxaana welwelkoodu yahay inay ku baahdo gobolka Carbeed oo idil,” ayuu yiri.

Biixi oo kulan deg deg isugu yeeray Golaha wakiilada cusub iyo tuhun ku xeeran

Hargeysa (Caasimada Online) – Madaxweynaha Somaliland, Muuse Biixi Cabdi ayaa maanta kulan deg deg ah isugu yeeray xildhibaanada cusub ee Golaha Wakiilada Somaliland, si ay u yeeshaan fadhigii u horeeyay ee golaha.

Fadhiga uu isugu yeeray madaxweynuhu xildhibaanada cusub ayaa qabsoomaya maalinta Talaadada ee bishaan 3-deeda, waxayna ku mari doonaan dhaarta Dastuuriga ah, sida lagu sheegay qoraal kasoo baxay xafiiska madaxweynaha.

Sidoo kale waxay xildhibaanada cusub ku dooran doonaan kulankaas Shir-guddoonka Golaha Wakiillada, oo maalmihii u dambeeyay dhaliyey xiisad u dhaxeysa xisbiyada mucaaridka iyo madaxweyne Muuse Biixi.

“Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi waxa uu xeer Madaxweyne oo summaddiisu tahay Lr. 13/082021 uu maanta ku meel mariyey Isugu Yeedhidda Golaha Wakiillada Cusub,” ayaa lagu yiri qoraalka.

“Waxaa go’aamiyey in Fadhiga ugu horreeya ee Golaha Wakiillada cusub ee dhawaan la doortay uu qabsoomo maalinta Salaasada ee ku beegan 03/08/2021, saacaddu marka ay tahay 09:00 Subaxnimo. Fadhigaasina waxa uu ka qabsoomi doonaa Xarunta Golaha Wakiillada ee Caasimadda Jamhuuriyadda Somaliland.”

Kal-fadhiga deg deg ah ee uu madaxweynaha isugu yeeray maalinta Salaada xildhibaanada cusub ee Golaha Wakiiladda ayaa waxaa laga muujinaya tuhuno badan oo la xiriira in Muuse Biixi oo qorsheynayo in si dhaqso ah loo doorto guddoonka uu wato.

Xisbiyada mucaaridka ayaa kal hore ku eedeeyey madaxweynaha in lacagtii canshuurta shacabka ku iibsaday qaar kamid ah xildhibaanada mucaaridka, halka kuwa muxaafidka ee ku dhiirada inay usoo goostan isbaheysiga mucaaridka uu ugu hanjabayo xilka uu qaranka u hayo.

XIJAAR oo soo saaray amar ku socda musharraxiinta iyo ergada wax dooraneysa

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Taliyaha ciidamada Booliska Soomaaliyeed, General Cabdi Xasan Maxamed (Xijaar), ahna guddoomiyaha guddiga amniga doorashooyinka ayaa soo saaray amar ku socda musharraxiinta ka qeybgalaya doorashooyinka ka dhacaya dalka.

Xijaar ayaa soo jeediyey in la baaro qof kasta oo musharrax ah iyo ergooyinka wax dooranaya, si loo ogaado inay dambi ka galeen dalka iyo dadka Soomaaliyeed.

Taliyaha ayaa sidoo kale xusay in baaris kadib ay u gudbin doonaan ra’iisul wasaaraha oo ah mas’uulka ugu sarreeya doorashada, si uu ula wadaago golaha wada-tashiga qaranka.

“Qof kasta oo musharrax ah iyo qof kasta oo ergooyinka wax dooranaya ah waxa aan soo jeedinayaa in la baaro oo la ogaado inay dambi ka galeen Ummadda Soomaaliyeed waxaana u geyneynaa ra’iisul Wasaaraha si uu ugu sii gudbiyo golaha wada-tashiga qaran” ayuu yiri.

Dhinaca kale wuxuu soo hadal-qaaday eedeyn loo jeediyey taliska Booliska oo ah inuu ka horyimid musharraxiin warqadda dambi la’aanta ka dalbaday xarunta C.I.D, isaga oo qiray inay jiraan shaqsiyaad musharraxiin ah oo tegay xarunta, balse aysan jirin is hortaag lagu sameeyey.

Xijaar ayaa sidoo kale intaasi kusii daray in aysan jirin cid la siiyey warqadaasi, isla-markaana ay ku shaqeynayaan nidaamka u degsan dowladda Soomaaliya.

“Cid aanu siinay waraaq hala soo helo, taasi waxa ay muujineysaa in aanay jirin cid aan siinay iyo kuwo aan u diidnay, C.I.D-du way tageen dad badan oo musharraxiin ah oo raba in ay tartamaan balse waxa aan ku shaqeynaa nidaamka Dowladda oo ma nihin siyaasiyiin” ayuu hadalkiisa sii raaciyey taliyaha ciidamada Booliska Soomaaliyeed.

Hadalkan ayaa kusoo aadaya, iyada oo haatan ay si rasmi ah u bilaabatay doorashada Soomaaliya, gaar ahaan tan Golaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Soomaaliya.

Laba ka mid ah Senatorada mucaaradsan Farmaajo oo kuraastooda waayey + Video

Warbixintan oo muuqaal ah halkan ka daawo.

Baydhaba (Caasimada Online) – Madaxweynaha Maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya Cabdicasiis Lafta-gareen, oo shalay soo saaray liiska shan ka mid ah musharaxiinta Aqalka Sare, ayaa billaabay fulinta qorshaha doorashada ee madaxweyne Farmaajo.

Lafta-gareen, oo awood u leh soo gudbinta liiska musharaxiinta Aqalka Sare ee laga soo dooranayo Koonfur Galbeed, ayaa liiska ka reebay laba ka mid ah Senatorada ugu caansan Aqalka Sare, oo kala ah; Ilyaas Cali Xasan iyo Xuseen Sheekh Maxamuud.

Ilyaas Cali Xasan, ayaa waxa uu ka tirsan yahay xisbiga Himilo Qaran ee uu hoggaamiyo Shariif Sheekh Axmed, waana xoghayaha arrimaha dibedda ee xisbigaas, Xuseen Sheekh Maxamuud uu xubin sare ah xisbiga UPD ee uu hoggaamiyo madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

Caasimada Online ayaa fahansan in go’aanka Ilyaas iyo Xuseen looga reebay liiska musharaxiinta Aqalka Sare uu ka yimid madaxtooyada Soomaaliya, oo ay ka go’an tahay in xildhibaano daacad u ah ay kasoo baxaan Koonfur Galbeed. 

Kursiga Ilyaas ayaa waxaa loo sharxay inay ku tartamaan laba gabdhood oo kala ah; Ayaan Aadan Cabdullahi iyo Farxiyo Nuur Aadan, halka kursiga Xuseen Sheekh Maxamuud loo sharxay wasiiru dowlaha arrimaha gudaha Soomaaliya Aadan Cabdinasir Maxamed iyo Maxamed Xasan Aadan.

Lafta-gareen ayaa sameeyey in kursiga Ilyaas Cali Xasan oo kasoo jeeda beesha Eelaay, uu u wareejiyey beesha Hariin ee uu kasoo jeedo lana filayo inay ku guuleysato Ayaan Aadan Cabdullahi, maadaama Lafta-gareen uu wato.

Kursiga Xuseeen Sheekh Maxamuud, oo kasoo jeeda beesha Hadamo ayaa weli dhexyaalla isla beesha Hadamo, oo ay kasoo wada jeedaan Aadan Cabdinasir Maxamed iyo Maxamed Xasan Aadan.

Senator Xuseen Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in sabab la’aan looga reebay liiska, waxaa uuna intaa raaciyey inuu filayo inuu eersaday mowqofkiisa dal dhisidda ahaa.

Lafta-gareen ayaa sidoo kale la filayaa in shanta kursi ee kala ee harsan ee musharaxiintooda laga sugayo, uu ka reebo cid kasta oo loo arko inaysan daacad u aheyn ama u noqon doonin madaxweyne Farmaajo. 

Sida ay horey u shaacisay Caasimada Online, xildhibaanada Koonfur Galbeed, beelaha Shanaad, Banaadiriga, iyo Dir, ayaa waxaa maamulkooda si buuxda gacanta ugu haya Farmaajo.

Arrintan ah in siyaasiyiin laga hor istaago tartan waxay saameyn weyn ku yeelan doontaa guud ahaan geedi u socodka doorashada iyo hufnaanta la rajeynayey.

Si kastaba, Lafta-gareen ma billaabin arrintan, waxaana kaga horeeyey madaxweynaha Jubaland Axmed Madoobe, oo liiska ka reebay laba xildhibaan oo hadda ka tirsan Aqalka Sare, kuwaas oo ku aragti ah madaxweyne Farmaajo.

Senotor Axmed Xaashi Maxamuud iyo Senator Faadumo Xassan Adam (Gariyow), oo deegaan doorashadoodu tahay Jubaland ayaa waayey kuraastooda kadib markii laga saaray liiskii uu soo gudbiyey Axmed Madoobe.

Kursiga uu afartii sano ee lasoo dhaafay ku fadhiyey Axmed Xaashi Maxamuud ayaa waxaa ku guuleystay Ilyaas Badal Gaboose, oo ka adkaaday Maxamed Axmed Sayid iyo Sharmaake Maxamed Cabdi, oo la tartamay.

Sidoo kale waxaa kursigeeda lumisay Faadumo Xassan Adam (Gariyow), waxaana kursigaasi ku guuleystay Cabdirisaaq Maxamed Cismaan, oo ka adkaaday Xaliimo Jaamac Maxamed.

Dagaal iyo duqeyn is barbar socda oo ka dhacay Mudug

0

Gaalkacyo (Caasimada Online) – Wararka ka imaanaya gobolka Mudug ee bartamaha Soomaaliya ayaa sheegaya in saaka dagaal iyo duqeyn is barbar socda ay ka dhaceen qeybo ka mid ah koonfurta Mudug, waxaana weerarkan lagu beegsaday Al-Shabaab.

War qoraal ah oo kasoo baxay wasaaradda amniga Galmudug ayaa lagu faah faahiyey weerarkaasi, waxaana lagu sheegay in si gaar ah loola bartilmaameedsaday saldhig ay kooxda Al-Shabaab ku leeyihiin inta u dhexeysa deegaanada Qaycad iyo Hareere Dheere.

Sidoo kale Galmudug ayaa shaaca ka qaaday in ciidamada huwanta ay gudaha u galeen saldhigga la duqeeyey oo ahaa mid ay ‘ku dhuumaaleysanayeen xoogaga Al-Shabaab.

“Dagaal iyo duqeyn dhanka cirka ah ayaa ka dhacday saldhig kale oo kooxda Shabaab ay ku lahaayeen aagga u dhexeeeya Qeycad iyo Hareere Dheere, iyada oo ciidamada qaranka iyo kuwa Galmudug ay hadda galeen saldhigga la duqeeyey,” ayaa lagu yiri qoraalka.

Weerarkan dhanka cirka ah ayaa noqonaya kii saddexaad oo ay diyaaradaha dagaalka Mareykanka ka fuliyaan koonfurta gobolka Mudug ee bartamaha dalka oo ay howl-gallo ka wadaan ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed  iyo kuwa dowlad goboleedka Galmuudg.

“Duqeynta saakay ayaa noqoneysa tii saddexaad oo deegaanada koonfurta Mudug ka dhacda saddexdii todobaad ee la soo dhaafay, ayadoo argagixisada Shabaab ay soo waajahday xaalad adag iyo dagaal qaraar,” ayaa markale lagu yiri warka qoraalka ah.

Wasaaradda amniga Galmud warsaxaafadeedkeeda kuma shaacin khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay weerarkan, marka laga reebo inay cagta mariyeen saldhigii Al-Shabaab.

Xaaladda ayaa haatan aad u kacsan, waxaana weli dhaq-dhaqaaqyo xoogan laga dareemayaa qeybo badan oo ka mid ah gobolka Mudug ee bartamaha Soomaaliya.

Mas’uul ka tirsan Somaliland oo lagu dilay Laascaanood

Laascaanood (Caasimada Online) – Faah faahino dheeraad ah ayaa waxaa laga helayaa dil qorsheysan oo xalay mas’uul ka tirsanaa Somaliland loogu geystay gudaha magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool ee waqooyiga Soomaaliya.

Wararka ayaa sheegaya in dilka loo geystay guddoomiyihii doorashooyinka Somaliland ee gobolka Sool, Cabdullaahi Laba-Go’le, kaas oo ay toogasho ku dileen kooxo hubeysan.

Ilo wareedyo lagu kalsoon-yahay ayaa Caasimada Online u sheegtay in ragga toogashada fuliyey ay goobta isaga baxsadeen, kadib dilka marxuumka.

Ciidamo ka tirsan kuwa ammaanka Somaliland ayaa lagu soo warramayaa inay goobta gaareen, kadibna ay howl-gallo ka sameeyeen aagga uu dilku ka dhacay.

Sidoo kale illaa iyo hadda ma cadda sababta rasmiga ah ee loo beegsaday mas’uulkaasi iyo sidoo kale cidda ka dambeysa dilkiisa.

Saraakiisha ammaanka Somaliland oo ka hadlay dilka marxuum Cabdullaahi Laba-Go’le oo ahaa guddoomiyihii guddiga doorashooyinka ee gobolka Sool ayaa shaaca ka qaaday inay ku raad-joogaan kooxihii ka dambeeyey dilka mas’uulkaasi, ayna cadaaladda horkeeni doonaan.

Laascaanood oo ka mid ah magaalooyinka ee ay ka taliso Somaliland ayaa waxaa inta badan ka dhaca dilal qorsheysan, waxaana laamaha ammaanku ay ku cel-celiyaan inay wax ka qaban doonaan dhibaatooyinka amni ee ka dhaca magaalaasi oo xarun u ah Sool.

Daawo: TURKEY oo ciidamo cusub u tababartay Somalia

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynaha muddo xileedkiisu dhammaaday Maxamed Cabdullaahi Farmaajo aaa ka qayb galay munaasabad tababar loogu soo xirayey Dufcaddii 3-aad ee Layli Saraakiil iyo Dufcaddii 4-aad ee  Layli Saraakiil Xigeen ee ka tirsan Ciidanka Xoogga Dalka oo ka qalin-jebiyey Dugsiga Tababarka Ciidamada ee TurkSom.

Farmaajo ayaa abaal-marinno guddoonsiiyey Saraakiisha iyo Saraakiil Xigeennada galay kaalmaha hore, waxaana uu tilmaamay in Saraakiisha iyo Saraakiil Xigeennada maanta qalinjabiyey looga baahan yahay in ay hormuud u noqdaan qorshaha Qaran ee dhismaha Ciidammada Qalabka Sida, safka horena ka galaan dagaalka lagaga xoreynayo dalkeenna argagixisada. 

“Dowladda Federaalka Soomaaliya waxaa ka go’an dib-u-dhiska Ciidamada Qaranka, qalabayntooda iyo tayeyntooda, si dib loogu soo celiyo cududda iyo tayada ay ku tilmaaman yihiin Cidiimmada Qalabka Sida ee Soomaaliyeed,” ayuu yiri Farmaajo

Waxa uu xusay in dowladdu ay ku guuleysatay barnaamijka tababarka iyo tayeynta Ciidamada Xoogga Dalka, iyada oo dugsiyada tababarka ee gudaha dalkeenna lagu leylinayo Saraakiil iyo Saraakiil Xigeenno hanan kara tayeynta iyo hoggaaminta Ciidanka.

Farmaajo ayaa uga mahadceliyey Dowladda iyo shacabka dalka aan walaalaha nahay ee Turkiga dadaalka ay ku bixiyeen in saraakiishan lagu carbiyo dalka gudihiisa, waxa uuna xusay in xiriirka u dhexeeya Turkiga iyo Soomaaliya uu yahay mid ku dhisan walaaltinimo iyo iskaashi mug weyn.

Munaasabaddan waxaa goobjoog ka ahaa Safiirka dalka aan walaalaha nahay ee Turkiga Mudane Mehmet Yilmaz, Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Mudane Cumar Maxamed Maxamuud, Wasiir Ku-xigeenka Gaashaandhigga  Mudane Cabdifataax Qaasim Maxamuud, Taliye Ku-xigeenka Ciidanka Xoogga Dalka Jeneraal Cabbaas Amiin Cali, Taliyaha Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed Sarreeye Gaas Cabdi Xasan Maxamed Xijaar.