25.6 C
Mogadishu
Monday, June 23, 2025

Lafta-gareen oo shaaciyey liiska musharaxiinta Aqalka Sare + Xilliga doorashada

Baydhaba (Caasimada Online) – Madaxweynaha Maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya Cabdicasiis Lafta-gareen ayaa soo saaray liiska shan ka mid ah musharaxiinta Aqalka Sare ee laga soo dooranayo maamulkaas iyo sida ay u tartami doonaan.

Koonfur Galbeed ayaa waxaa lagu doornayaa 10 xildhibaan oo Aqalka Sare ah, waxaana shanta kursi ee musharaxiintooda la shaaciyey, iyo sida ay isugu aadeen ay kala yihiin:-

1- Aadan Cabdinasir Maxamed iyo Maxamed Xasan Aadan.
2- Dr. Xuseen Maxamed Daahir iyo Xasan Maxamed Nuur.
3- Zamzam Ibrahim Cali iyo Shariifo Xaji Cusmaan lbraahim.
4- Maxamuud Maxamed Cabdinuur (Garabeey) iyo Nuur Baabul Cadow.
5- Ayaan Aadan Cabdullahi iyo Farxiyo Nuur Aadan.

Dhinaca kale, Guddiga hirgelinta doorashooyinka heer Dawlad Goboleed ee Koonfur Galbeed ayaa soo saaray jadwalka doorashada, waxayna sheegeen in doorashada shanta kursi ee la shaaciyey ay dhici doonta 2-da bisha August.

Diiwaan gelinta, qabashada codsiyada iyo shubitaanka qidmooyinka ee musharaxiinta Aqalka Sare ayaa loo qoondeeyey maalinta Axadda ee kowada bisha August.

Maamulka Koonfur Galbeed ayaa noqon doona midkii labaad ee qabta doorashada Aqalka Sare kadib maamulka Jubaland oo qabtay Khamiistii lasoo dhaafay.

Hoos ka aqriso liiska musharaxiinta iyo jadwalka doorashada.

Sawirro: Shirkadda Somtel oo todobaadkii labaad abaal-marisay 1000 macaamiil

Muqdisho (Caasimada Online) – Shirkadda Isgaarsiinta Somtel ayaa todobaadkii 2-aad abaalmarisay ku dhawaad 1,000 qof oo macaamiisheeda ka mid ah, kuwaas oo ku guuleystay hadiyado qaali ah.

Macaamiisha ay abaalmarisay shirkadda Somtel abaalmariyay ayaa kala jooga gobollada dalka, gaar ahaan degmooyin ay ka mid yihiin Afgooye, Luuq, Kismaayo. Aadan-yabaal, Dhuusamareeb iyo Buurhakaba.

Todobaadka sedexaad waxaa lagu guuleystay hadiyado ay ka mid-yihiin bajaajyo, Computers, Qasaalado, Firinjeero, TV Screens, Ipads, Dahab iyo Hadiyado Dhowr ah.

Munaasabada Macaamiisha Somtel lagu abaalmarinayay todobaadkii sedexaad ayaa waxaa goob-joog ahaa xubno ka kala tirsan labada Aqal ee BFS iyo maamulka shirkadda, kuwaas oo si wadajir ah abaalmarinada u gudoonsiiyey guuleysatayaasha.

Nuuradiin Axmed Amiin oo ah wiilkii labaad ee jooga gobalka Banaadir kuna guuleystay Bajaaj ayaa yiri, “Aniga marna ma filaneynin hadiyad ceynkaan ah inaan ku guuleystay, waxa ay igu noqotay la yaaab marki la isoo wacay Shirkaduna ii xaqiijisay inaan Bajaaj ku guuleystay.”

Waxaa Sidoo kale bajaaj ku guuleystay Cabdulqadir Xuseen Xasan oo ku nool degmada Afgooye ee bobalka Shabeellada Hoose, Cabdulqaadir ayaa munaasabada Bajaajta lagu gudoonsiiyey ka yiri “Waan ku faraxsanahay in Somtel Bajaaj i gudoonsiiso, xaqiiqdii baahi farabadan ayaan u qabay. Somtel waxa ay dabooshay baahida qoyskeyga. Ilaah haka abaal-mariyo shirkadda dadweynaha u adeegta ee Somtel.”

Sidoo kale Aamino Isaaq Xaaji oo ku guuleysatay Qasaalad ayaa aad ugu mahad-celisay shirkadda isgaarsiinta Somtel.

“Waxaan ku faraxsanahay in Somtel igu abaalmariso anigoo ku shubasho fara-badan aan sameyn. Waa nasiib xaqiiqdii, waan sii labanlaabi doonaa siticmaalkeyga adeegyada Somtel,” ayey tiri Aamina.

Dhankiisa Cabdulaahi Xasan Maxamed oo ku guuleystay Mobile Samsung ah ayaa yiri,
“Waxaan ku fikirayay inaan iibsado Mobile cusub lacagteyda wey ii baaqatay, waxaan rajeynayaa inasn baahiyaha kale aan qabo uga faa’ideysto lacagta aan horay ugu talagalay inaan Mobile ku iibsado.”

Hadiyadaha Gaadiidka Bajaajka ay Somtel bixisay ayaa waxa ay shaqo abuur u noqotay dhalinyarada Soomaaliyeed iyo Qoysaska danyarta, kuwaas oo u baahan garab iyo hiilo uga imaata ganacsatada Soomaaliyeed.

Shirkadda isgaarsiinta ee Somtel waa Shirkadii ganacsi ee ugu horeysay oo 10,000 oo hadiyadood dib ugu celisay macaamiisheeda. Todobaad kasta maalinta Jimcaha ayey shirkaddu si toos ah u abaalmarisaa guuleystayaasha todobaadkaas.

Daawo: “Waxaan Al-Shabaab ugu biiray si dhagaxii dahabka ahaa ee laga helay Ceel-Cali aan wax ugu yeesho”

Guriceel (Caasimada Online) – Maxamed Nuur Barre oo loo yaqaan Dhicisow oo dhawaan isku soo dhiibay ciidamada Dowladda Soomaaliya ee ku sugan magaalada Guriceel ee Maamulka Galmudug ayaa ka sheekeeyey qaabkii uu ugu biiray Al-Shabaab iyo sidii uu markii dambe uga soo baxsaday.

Dhicisow oo ah Oday lugaha naafo ka ah isla markaasna Al-Shabaab dhexdeeda looga yaqaanay Maxamed Ceeli-Cali ayaa sheegay inuu Al-Shabaab ugu biiray sidii wax uga heli lahaa dhaqaalaha dhagax ay Al-Shabaab ka qaadeen deegaankiisa Ceel-Cali ee Gobolka Hiiraan.

Dhagaxa ay Al-Shabaab ka qaadeen ganacsadaha oo sheekadiisa ay qabsatay Soomaaliya oo dhan ayaa waxaa markii dambe kasoo iibsaday ganacsade kaasoo markii uu isku dayey inuu xamar ka dhoofiyo ay kala wareegtay Hey’adda Nabadsugida Qaranka ee NISA, wuxuuna ahaa Dhagax uu ku dhex jiro  Dahab iyo Dheeman.

Dhicisow oo wareysi siiyey Telefishinka Qaranka ayaa sheegay in Al-Shabaab markii ay dhagaxa qaateen ay dadka deegaanka u sheegeyn inay leeyihiin dhaqaalaha laga helo afar meelmood meel (Rubac) taasiina ay sababtay inuu ku biiro Al-Shabaab si uu u maamulo dhaqaalaha Al-Shabaab u ballan qaaday dadka deegaanka.

“Waxaan is iri haddii aad wax ka heleyso maa Shabaab iska noqotid, Nin curyaan lugaha ka ah oo qallal qaba ayaan ahaa,” ayuu yiri Dhicisow.

Wuxuu sheegay markii uu Al-Shabaab ku biiray in laga qaaday Ceel-Cali isla markaasna la geeyey meel lagu magacaabo Marjis halkaas oo uu ku sugnaa muddo lix bilood ah sida uu hadalka u dhigay

“Markaan ku biiray Al-Shabaab durba waxaa la iga qaaday Ceel-Cali, lix bilood waxaan joogay Marjis oo ka tirsan degmada Aadan Yabaal, kadib waxaa la ii qaaday deegaan kale oo ku dhow Ceelbuur,” ayuu mar kale yiri Dhicisow.

Dhicisow ayaa sheegay inuu Al-Shabaab la joogay muddo Sagaal Bilood ah, wuxuuna xaqiijiey in kaliya mushaar la siiyey seddex bil.

Wuxuu intaas ku daray in sagaalka bilood ee uu Al-Shabaab ka tirsnaa uu ku sugnaa Gobolada Galgaduud iyo Shabeelada Dhexe, isagoo sheegay inuu ka mid noqday ciidamada Al-Shabaab bishii April ee sanadkaan.

Dhicisow oo ka sheekeenayey nolosha adag oo uu kula noolaa Al-Shabaab ayaa sheegay inaan loo ogoleyn inuu isticmaalo Moobeel, balse loo keeni jiray kaliya marka mushaarka loogu shubo si uu ehelkiisa ugu dirsado.

“Nalooma ogoleyn inaan isticmaalno Moobeelka, kaliya waxaa naloo keeni jiray bishii halmar, waana marka lacagta mushaarka naloogu shubo, Fasax waa la ii diiday, waxan raadiyey qaab aan ku baxsado, ugu dambeyna way ii suurta gashay,” ayuu yiri Dhicisow.

Markii uu Dhicisow isisoo dhiibayey ayaa waxaa la socday Mowliid Cumar faarax  (Ciro), waxayna labadaba codsadeyn in la cafiyo.

Sidoo kale labadaan nin ee Al-Shabaab kasoo goostay ayaa sheegay inay diyaar u yihiin in ay la dagaallamaan Al-Shabaab isla markaasna ay qeyb ka noqdaan qorshaha Al-looga saarayo Gobolada Mudug iyo Galgaduud.

Labadaan xubnood ee ka soo goostay kooxda Al-Shabaab ayaa xusey in kadib markii ay arkeen dhibaatada iyo xasuuqa kooxdaasi ku heyso Shacabka Soomaaliyeed ay go’aansadeen in ay isaga soo baxaan.

Halkaan hoose ka daawo wareysiga Dhicisow

“Xaley ma seexan hurddana igama imaan markii dad aan aad u jeclaa ay iga baxeen”

Kismaayo (Caasimada Online) – Guddoomiyaha kooxdii shalay lala beegsaday qaraxii Kismaayo, Ismaaciil Cali Cabdi ayaa ka hadlay qaraxii Shalay lala beegsaday kooxdii kubadda cagta ee Shalay ka qeyb geli rabtay furitaanka horyaalka kooxaha Jubbaland.

Qaraxa ayaa shalay galinkii dambe lalabeegsaday gaari bas ahaa oo ay saranaayeen ciyaartooda JCCI ee Jubaland ,khasaaraaha dhimahasda ayaa korortay iyadoo xaaladda qaar ka mid ah dhawaacyada ciyaartooyda laga dayrinayo.

Guddoomiyaha kooxda ayaa sheegay inay ka dhinteyn ilaa 3 qof oo laba kamid ah ay ahaayeen ciyaartoy halka midka kalana uu ahaa darawalkii gaarka ahaa ee kooxda.

Wuxuu sheegay in dhaawaca cayaartoyda soo gaaray uu yahay illaa 5 qof oo laba kamid ah ay xaaladooda aad u liidato sida uu xaqiijiyey guddoomiyaha.

“Xaley ma seexan hurddana igama imaan markii ay iga baxeen dad aan u jeclaa, ma garan karo waxa loona beegsanayo maadama aan nahay bulshadii rayidka , dhalinyaro mustaqbal leh qaarkood sanadkan dugsi sare dhammeeyay, jaamacad filyayay” ayuu yiri Ismaaciil.

Mar wax laga waydiiyey cidda ay ku tuhmayaan qaraxa lala beegsaday ayuu sheegay inaysan garaneyn cidda beegsatay iyo sababta loo beegsaday maadaama uu sheegay inaysan kamid aheyn dhinacyada siyaasadda Soomaaliya.

Ma jirto illaa hadda koox sheegatay mas’uuliyadda qaraxa lagu weeraray dhallinyaradaan, balse falalka noocaan oo kale ah waxaa looga bartay kooxda argagixisada ee Al-Shabaab oo horey u fulisay qaraxyada noocaan oo kale ah.

Wasiir Caadle oo shaaciyey in Xawaadle iyo Abgaal ay ku dulmanyihiin HirShabelle

0

Jowhar (Caasimada Online) – Wasiirka arrimaha gudaha HirShabelle, Maxamed Cali Caadle oo wareysi siiyey Radio Mustaqbal ayaa ka hadlay xaaladda maamulkaasi, gaar ahaan caqabadaha ka dhashay dhismaha HirShabelle oo ugu dambeysay maamullada ka jira dalka.

Caadle ayaa shaaca ka qaaday in HirShabelle lagu dhisay deg-deg, isla-markaana ay ku dulman yihiin beelaha Xawaadle iyo Abgaal, isaga oo tilmaamay inay ka yihiin ‘Maynorati’.

Wasiirka oo hadalkiisa sii wata ayaa xusay in 99-ka xildhibaan ee dowlaqd goboleedka Soomaaliyeed ee HirShabelle ay labadaan beelood ku leeyihiin kaliya 29 xildhibaan, taasna ay muujineyso in aysan waxba ka aheyn, sida uu hadalka u dhigay

“HirShabelle beelaha Xawaadle iyo Abgaal way ku dulman yihiin oo iyaga ayaaba maynorati ka ah maamulka sababto ah 99 xildhibaan oo HirShabelle ay ka kooban tahay labada beel xildhibaanada ay ku leeyihiin marka la isku geeyo waa 29 xildhibaan inta kalana waa beelaha kale marka 29 laga jaro tiradaas waxay mujineysa ineysan waxba ka aheyn HirShabelle Abgaal iyo Xawaadle,” ayuu yiri wasiir Maxamed Cali Caadle.

Wasiirka arrimaha gudaha ee HirShabelle ayaa intaasi ku daray in sinaan la’aanta kuraasta ay markii hire keentay tabasho ka timid bilowgii dhimsha maamulka, isla-markaana beelaha qaar la siiyey tiro dheeraad ah, halka beelaha Xawaadle iyo Abgaal aysan iyagu waxba ku kordhin.

Ugu dambeyn wuxuu hoosta ka xariiqay in tani ay ka mid tahay caqabadaha hor-gudban HirShabelle, loona baahan yahay in xal laga gaaro, si loo horumariyo maamulkaasi.

“HirShabelle waxa jira beelo 6 kursi kulahaa bilowgii oo maanta leh 12 kursi iyo kuwa leh 3 kursi oo maanta leh 6 kursi, iyada oo Xawaadle iyo Abgaalna weli kurastodii aysan waxba ku kordhin, taasina waxay ka mid tahay caqabadaha jiro oo hortaagan Hirshabelle” ayuu raaciyey.

Hadalkan ayaa ku soo aadayo, iyada oo haatan caqabadda ugu xoogan ee maamulka HirShabelle ay ka taagan tahay magaalada Beledweyne, taas oo ka dhalatay doorashadii kol hore ka dhacday magaalaada Jowhar oo ay cabasho xoogan ka keeneen reer Hiiraan.

ISRAEL oo wacad ku martay jawaab xanuun badan kadib weerar ‘ay fulisay’ IRAN

Tel Aviv (Caasimada Online) – Israel ayaa Jimcihii Iran ku eedeysay inay fulisay weerar lagu qaaday Markab shidaalka qaada oo ay maamusho shirkad Israeli ah, waxayna wacad ku martay jawaab xanuun badan.

Weerarka oo Khamiistii ka dhacay xeebaha Cuman ayaa waxaa lagu dilay laba qof oo u kala dhashay Britain iyo Romania, wuxuuna sidoo kale waxyeello gaarsiiya markabka Mercer Street oo ay maamusho shirkadda Zodiac Maritime.

War-saxaafadeed uu saaray, ayuu wasiirka arirmaha dibedda Israel Yair Lapid ku sheegay inuu xoghayaha arrimaha dibedda Britain u sheegay baahida loo qabo jawaab adag oo laga bixiyo weerarka. 

“Iran ma ahan kaliya dhibaato Israel, balse waxay dhoofisaa argagixisanimo, burburin iyo xasillooni darro dhammaanteen na waxyeeleysa. Dunida waa inaysan ka aamusin argagixisanimada Iran ee dhaawaceysa xoriyadda dhaqaaqa maraakiibta,” ayuu yiri Lapid.

Website-ka wararka Ynet ee Israel ayaa sidoo kale sarkaal aan la magacaabin kasoo xigtay inuu yiri “Israel way ku adkaan doontaa inay indhaha ka qabsato weerarkan.”

Ilo-wareedyo sirdoon oo Mareykan iyo Yurub ah ayaa u sheegay Reuters inay tuhmayaan in Iran ay ka dambeysay dhacdadan, ayada oo sarkaal difaac oo Mareykan ah uu intaas ku daray in weerarka u muuqdo in lagu fuliyey drone. 

Taleefishinka Carabiga ku hadla ee dowladda Iran ee Al Alam ayaa ilo-wareedyo aan la magacaabin kasoo xigtay in weerarka uu jawaab u ahaa weerar ay Israel ku qaaday garoonka diyaaradaha Dabaa ee Syria.

Dowladda Iran weli jawaab rasmi ah kama bixin eedeymaha ku saabsan inay mas’uul ka aheyd weerarka.

Xiisadda Gacanka ayaa sare u kacday wixii ka dambeeyey markii Mareykanka uu dib usoo celiyey cunaqabateynadii ka dhanka ahaa Iran 2018-kii, kadib markii madaxweynihii hore Donald Trump uu Washington ka saaray heshiiska nukliyeerka ee Iran iyo quwadaha adduunka.

Itoobiya oo shaacisay inay gacanta ku dhigtay xubno ka tirsan kooxda Al-Shabaab

0

Addis Ababa (Caasimada Online) – Dowladda Itoobiya ayaa faah faahin ka bxisay howl-gal qorsheysan oo ay fuliyeen ciidamada ammaanka, kaas oo ka dhacay dowlad deegaanka Soomaalida ee dalkaasi, isla-markaana lagu beegsaday ‘xubno mid ah kooxda Al-Shabaab’.

Bayaan ka soo baxay is-maamulka Soomaalida ayaa waxaa lagu sheegay in howl-galkaasi lagu fashiliyey rag lagu tuhmayo inay ka tirsan yihiin kooxda Al-Shabaab, isla-markaana isku dayey inay gudaha u galaan dalka Itoobiya, iyada oo lagu qabtay deegaanka Mustaxiil.

Sidoo kale qoraalkan ayaa waxaa lagu sheegay in raggaasi ay ka yimaadeen dhinaca Soomaaliya, ayna doonayeen ‘inay falal liddi ku ah amniga’ ka geystaan dalka Itoobiya.

“Laba qof oo looga shakisan yahay inay ka tirsan yihiin Al-Shabab oo isku dayay inay ka soo galaan dhinaca Soomaaliya ayaa lagu qabtay deegaanka Mustaxiil ee dowlad-deegaanka Soomaalida Itoobiya,” ayaa lagu yiri bayaanka kasoo baxay dowlad deegaanka..

Sidoo kale warsaxaafadeedkan ayaa waxaa lagu sheegay in is-rasaaseyn dhex-martay ciidamada ammaanka iyo sidoo kale raggaasi lagu toogtay mid ka mid ah tuhmanayaasha, halka mid kalena lagu dhaawacay, sida uu shaaciyey ismaamulka Soomaalida Itoobiya.

Ma’ahan markii ugu horreysay ee ay Itoobiya sheegto inay ka hortegtay rag ka tirsan Al-Shabaab, waxaana bishii Janaayo dowladdu ku dhawaaqday in la xiray tobanaan qof oo looga shakisan yahay inay ka tirsan yihiin kooxda Al-Shabaab ee ka dagaalanta Somalia.

Si kastaba Itoobiya ayaa haatan wajaheysa xaalad adag, waxaana dagaallo kala duwan ay ka socdaan magaalada Garba Ciise iyo sidoo kale gobolka Tigray ee wadankaasi.

Maleeshiyaad hubeysan oo dad shacab ahaa ku dilay duleedka WARSHEEKH

0

Warsheekh (Caasimada Online) – Wararka ka imaanaya HirShabelle ayaa sheegaya in xalay saq-dhexe maleeshiyaad hubeysan ay dil qorsheysan ka geysteen deegaanka Filla-Dheere oo hoostaga magaalada Warsheekh oo ka tirsan gobolka Shabeelaha Dhexe.

Ilo deegaanka ah ayaa Caasimada Online u sheegay in weerarkan lagu dilay labo qof oo ka mid ah dadka deegaanka deegaanka, isla-markaana si weyn looga yaqaanay halkaasi.

Labada nin ayaa waxaa sidoo kale magacyadooda lagu kala sheegay Maxamed Ismaaciil Maxamuud iyo Cabdullahi Maxamed Axmed (Jeego), sida aan xogta ku helnay.

Wararka ayaa sidoo kale intaasi kusii daraya inay goobta isaga baxsadeen kooxihii ka dambeeyey falka dilka ah, kadib dhacdadaasi.

Dilkan ka dhacay agagaarka Warsheekh ayaa lagu soo warramayaa inuu salka ku hayo dilal xiriira aanooyin Qabiil oo weli ka taagan deegaano ka tirsan gobolka Shabeelaha Dhexe.

Ma jiro weli wax hadal ah oo ka soo baxay dowlad goboleedka HirShabelle iyo maamulka gobolka Shabeelaha Dhexe oo ku aadan weerarkaasi lagu dilay dadka rayidka ah.

Colaada salka ku heyso aanada Qabiil ayaa ku soo noq-noqtay deegaanada HirShabelle, waxaana saameynta ugu daran ay kasoo gaartaa dadka rayidka ah ee aan waxba galabsan.

Odayaasha Koonfur Galbeed oo SHURUUD adag ku xiray doorasho dhacda + Video

Baydhaba (Caasimada Online) – Qaar ka mid ah odayaasha dhaqanka deegaanada maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa shaaciyey in deegaanada maamulkaas aysan doorasho ka dhici doonin ilaa lasoo daayo Sheekh Mukhtaar Roobow Cali Abuu Mansuur oo ku dhawaad seddax sano u xiran Taliska Madaxweynaha waqtigu ka dhamaaday Maxamed Cabdullahi Farmaajo.

Odayaahaan ayaa soo saaray shuruudo ay ku xireen in K/Galbeed lagu qabto doorasho, waxaana shuruudahaas ka mid ah in la siidaayo Mukhtaar Roobow iyo in ra’iisul wasaare guddi xaqiiqo raadin iyo dib u heshiisiin ah uu u diro deegaanada K/Galbeed oo sida ay sheegeen xaalad cakiran ay ka jirto tan iyo markii hoggaanka maamulkaas loo dhiibay Madaxweyne Cabdicasiis Lafta Gareen.

Malaaq Ilyaas oo ka mid ah odayaasha dhaqanka ee deegaanada dowlad goboleedka K/Galbeed oo la hadlay BBC ayaa faahfaahin ka bixiyey shuruudaha ay ku xireen doorasho ka dhacda deegaanada maamulka K/Galbeed iyo doonistooda siideynta Mukhtaar Roobow oo Muqdisho ugu xiran arrimo siyaasadeed.

“Sheekh Mukhtaar ma xirna ee waa afduuban yahay, sababtoo ah illaa hadda maxkamad lama hor geyn, cadaaladna ma uusan helin, isagoo musharax ah ayaa la afduubtay, shuruudahaana waxaan u soo saarnay in doorasho xor ah aysan ka dhici doonin K/Galbeed, dhibaato badan ayaa jirta, ninka meesha fadhiyana dhiig ayuu ku fadhiyaa,” ayuu yiri Malaaq Ilyaas oo odayaashaas u hadlay.

Sidoo kale Malaaqa ayaa ra’iisul wasaare Rooble ka codsaday in guddi farsamo loo diro arrimaha ka jira K/Galbeed oo dib u heshiin deg deg ah la qabto. Isagoo ku goodiyey in dagaal aan la huri doonin, hadii ficillada Farmaajo iyo Lafta Gareen ay kasii socdaan deegaanka, sida uu hadalkiisa u dhigay.

“Horay cosdi ayaan ugu gudbinay Ra’iisul wasaaraha, markaas laguma wareejin masuuliyadaan, laakiin maadaama hadda uu masuul ka yahay doorashada, waxaan ka codsaneynaa inuu dib u heshiisiin ka qabto deegaanadaan, mida kale hadii ficillada Farmaajo iyo Lafta Gareen ay sii socdaan koley dagaal lama huraayo,” ayuu yiri Malaaq Ilyaas.

Hoos ka dhageyso wareysiga

Dab xoog-leh oo ka kacay warshad ku taalla Garoowe

0

Garoowe (Caasimada Online) – Faah faahino dheeraad ah ayaa waxaa laga helayaa khasaaraha ka dhashay dab xoogan oo saaka ka kacay gudaha magaalada Garoowe ee xarunta gobolka Nugaal, waxaana haatan socda gurmad lagu daminayo dabkaasi.

Wararka ayaa sheegaya in dabka uu ka kacay dhismaha warshadda isbuunyada Tabaarak oo ku taalla bartamaha magaaladaasi, mana cadda waxa dhaliyey.

Ilo dadka deegaanka ah ayaa innoo sheegay in haatan ay gubaneyso warshada oo ay tiilay hanti fara badan.

Sidoo kale waxaa goobta gaaray ciidamo ka tirsan kuwa ammaanka Puntland iyo gaadiidka gurmadka deg-degga ah, waxayna ku howlan yihiin sidii ay u damin lahaayeen dabka.

Dhanka kale ma jiro weli wax hadal ah oo kasoo baxay saraakiisha laamaha ammaanka oo ku aadan dabkaasi ka kacay warshadda isbuunyada Tabaarak.

Ma cadda weli khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay dabkan oo la sheegay inuu ku sii fidayo goobo horleh oo ku yaalla caasimada maamulka Puntland ee Garoowe.

Wararkii ugu dambeeyey ayaa sidoo kale sheegaya in lagu guuleystay in qaybta keydka warshadda laga saaro agab horey loo sameeyey, si aanay u waxyeeleen dabka.

Guddiga doorashooyinka HirShabelle oo war kasoo saaray khilaaf laga sheegay

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddiga Hirgelinta Doorashooyinka ee HirShabelle ayaa beeniyey in uu jiro khilaaf xoogan oo ka dhex qarxay xubnaha guddiga, kadib markii si weyn baraha bulshada loogu baahiyey warar sheegaya in uu khilaaf soo kala dhex-galay.

Waxay sheegen in Guddiga uu howlihiisa u wato sidii caadiga aheyd, islamarkaana uu jirin mad-madow soo kala dhex-galay, islamrakaana ay wararkaas yihiin kuwa lagu qal-qal gelinayo heshiiskii doorashada ee lagu gaaray Muqdisho.

“Guddoonka iyo guud ahaan guddiga hirgelinta doorashooyinka ee Dowladda HirShabelle waxay caddeynayaan in warkaas yahay mid aan sal iyo raad laheyn oo looga dan leeyahay in lagu marin habaabiyo sahcabka Soomaaliyeed ee sugaya hirgalinta doorashadii madaxda dalka ku heshiiyeen,” ayaa lagu yiri qoraal kasoo baxay Guddiga.

Sidoo kale waxa uu Guddiga waxba kama jiraan ku tilmaamay inuu leeyahay xoghayn iyo guddi hoosaadyado, balse sida ugu dhaqsaha badan usoo dhisi doonaan.

“Guddiga wuxuu caddaynayaa in ilaa hadda uu leeyahay Guddoomiye iyo Guddoomiye ku xigeen kaliya, inta ka dhiman sida xogheynta iyo guddi hoosaadyada la dhisi doono sida ugu dhaqasiyaha badan.”

“Waxaa ka codsaneynaa saxaafada iyo cid walba oo wax tabisa in si mas’uuliyad ku dheehan tahay u gudbiyaan warbixinada ay la wadaagayaan bulshada, lagana fogaado wax walba oo caqabad u keeni kara doorashad laga warsugayo,” ayaa ugu dambeyntiina lagu yiri qoraalka.

Wararkii ugu dambeeyey howlgal ka socda KISMAAYO

0

Kismaayo (Caasimada Online) – Ciidamada ammaanka ee Jubbaland ayaa saaka, illaa xalay howl-gallo ka wada magaallo xeebeedka Kismaayo ee xarunta KMG ah ee dowlad goboleedka Jubaland, waxaana howl-galka uu daba socdaa qaraxii ka dhacay magaaladaas.

Afhayeenka Booliska Jubbaland oo Wariyeyaasha kula hadlay ayaa shaaca ka qaaday in ciidamada amniga ay ku raad-joogaan kooxihii ka dambeeyey weerarkii qaraxa ahaa ee Kismaayo lagula beegsaday kooxda ciyaartoyda JCCI ee ka dhisan gudaha magaaladaasi.

Sidoo kale wuxuu tilmaamay in marka ay soo gabagabeeyaan howl-gallada haatan socda ay shaacin doonaan natiijada rasmiga ee baaristooda.

Waxa kale oo uu intaasi ku sii daray inay cadaaladda horkeeni doonaan raggii soo abaabulay qaraxaasi iyo kuwa fuliyey intaba.

“Laamaha ammaanka ayaa ku howlan ka gungaarista qaraxa cadawgu uu la eegtay Dhalinyaro Ciyaartoy ah, waxaa naga go’an in aan cadaaladda la tiigsano” ayuu yiri.

Qaraxani oo ahaa mid xoogan ayaa waxaa ku dhintay ugu yaraan afar ciyaartoy ah, halka ay ku dhaawacmeen 5 kale, xilli ay la socdeen gaari ku sii jeeday garoonka Waamo.

Dhinaca kale mas’uuliyiin ka tirsan maamulka Jubbaland ayaa xalay isbitaalka ku booqday dhalinyarada kale ee ay dhaawacyada ka soo gaareen qaraxaasi, waxaana ay shaaciyeen in kuwa qaba dhaawacyada halista maanta loo soo qaadi doono gudaha magaalada Muqdisho.

Si kastaba weerarkan qaraxa ah ayaa wuxuu kusoo aadayaa, xilli Jubaland ay ka bilaabatay doorashada Soomaaliya, gaar ahaan tan Golaha Aqalka Sare ee Soomaaliya.

Ciro iyo Faysal Cali Waraabe oo hanjabay kadib arrin uu billaabay MUUSE BIIXI

Hargeysa (Caasimada Online) – Guddoomiyeyaasha Xisbiyada Mucaaradka ee Waddani iyo Ucid ayaa madaxweynaha Somaliland, Muuse Biixi ku eedeyay inuu iibsanayo xildhibaanada labada xisbi ee qeybta ka ahaa isbaheysigii mucaaradka, uguna hanjabay inuu ka wantoobo arrintaas.

Cabdiraxmaan Ciro iyo Faysal Cali Waraabe ayaa sheegay in Muuse Biixi uu xildhibaanada ku iibsanayo lacagaha kasoo xarooda canshuurta shacabka, taasi oo ay sheegen inay tahay mid aan la aqbali doonin.

“Waxaad maqlayseen mudanayaal axsaabta mucaaradka kasoo baxay oo yidhi waxa aanu taageernay xisbiga dowladda, mucaarad hadal haya marna lama maqal, waad garanaysaa tirada muxaafadka kasoo baxday ee taageeray mucaaradka, maalintii ay ka soo baxeen ilaa maanta xan baa socota la leeyahay waala dacwaynayaa,” ayuu yiri Guddoomiye Cirro.

Sidoo kale waxay sheegen in madaxweynaha uu handadaad u geysanayo xildhibaanada muxaafadka ee taageera isbahaysiga mucaaradka, midaasi oo ay ku tilmaameen sharci darro aan laga hari doonin.

“Waxaan leenahay Madaxweynaha lacagtii islaanta hilibka iibinaysa, ninka baabuurka wada ee cashuurta wada marista laga qaadayo, islaanta aan musqul haysan ee aan hadh haysan, lacagtii ummadda masaakiinta ah ayaa maanta lagu iibsanayaa xildhibaanadii,” ayuu yiri Guddoomiye Faysal Cali Waraabe.

“Waa nasiib-daro in cashuurtii ummadda xildhibaanadii lagu xumeeyo, oo wadadoodii laga leexiyo iyo in Rag UCID ah oo aan awood u lahayn in uu yidhaahdo heshiis baan la galay.”

Madaxweynaha Somaliland ayaa dhaqaale badan ku bixinaya sidii uu Guddoonka golaha wakiilada Somaliland ugu guuleysan lahaa Wasiirkii hore ee Arrimaha Dibedda, Yaasiin Faratoon, waana midda ay ka digeen mucaaridka oo si adag uga horyimid qaabka taageero ee madaxweynaha.

Saacadaha soo socdo oo la ogaan doono rajada Farmaajo ee xubnaha Aqalka Sare ee lagu dooranayo K/Galbeed

Baydhabo (Caasimada Online) – Magaalada Baydhaba ee xarunta ku meel gaarka ee Maamulka Koonfur Galbeed waxaa gaaray Wafdi ka socda guddiga hirgelinta doorashada heer federaal, iyadoo halkaasi ay kusoo dhaweeyeen mas’uuliyiin ka tirsan maamulkaas.

Wafdigaan guddiga doorashooyinka heer federal waxaa hoggaaminayay guddoomiye ku xigeenka guddiga doorashooyinka Mowliid Mataan.

Ujeedka ay halkaasi u tageen ayaa ah dar-dar galinta howlaha doorashooyinka heer dowlad goboleed ee Koonfur Galbeed, iyagoo sidoo kale halkaas ka bilaabi doono kulamo ay la yeelanayaan Odayaasha dhaqanka maamulkaasi iyo madax kale.

Baydhaba ayaa laga filayaa inay ka dhacdo doorashada Aqalka sare maalmaha soo socda, inta ka horeysa 5-ta bisha Ogoost, waxaana isha lagu hayaa saameyn la sheegay inuu doorashada ku leeyahay Madaxweynaha Koonfur Galbeed Cabdicasiis Lafta-gareen.

Saacadaha soo socdo ayaa la ogaan doonaa cidda awoodda ku yeelan doonto doorashada 8-da xubnood ee Aqalka sare kasoo gelaya Koonfur Galbeed, waxaana laga ogaan doonaa liiska Musharixiinta ee uu shaacin doono Madaxweynaha Koonfur Galbeed.

Madaxwyenaha waqtigiisa dhammaaday Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo la aaminsan yahay inuu xiriir fiican kala dhaxeeyo madaxweynaha Koonfur Galbeed Cabdicasiis Lafta Gareen ayaa la sheegayaa inuu halkaasi ka heli doono xildhibaanno badan oo gacan ka siiya dib u doorashadiisa.

Waxaa la hadal hayaa in ugu yaraan mid ka mida kuraasta Aqalka Sare oo uu hadda ku fadhiyo senator Ilyaas Cali Xasan oo ka mid ah xisbiga Himilo ee Sheekh Shariif uu qarka u saaran inuu meesha ka baxo, markii awood qeybsi ahaan loo wareejiyey jufo kale.

Koonfur Galbeed ayaa laga ogaan doonaa rajada madaxweynaha waqtigiisa dhammaaday ee Maxamed Cabdulaahi farmaajo uu ka qabo xildhibaanada aqalka sare ee kasoo bixi doono seddex maamul Goboleed ee lagu xagliyo inay isaga daacad u yihiin ee Galmudug, Hirshabelle iyo Koonfur Galbeed.

Doorashadii ka dhacday Magaalada Kismaayo ee Caasimadda kumeel gaarka ah ee Jubbaland ayaa lagu garaacay kooxda Nabad iyo Nolol, waxaana laba kamid ah afartii xubnood ee la doortay ay yeelatay UPD halka labada kalana ay kala taageersan yihiin Axmed Madoobe iyo Saciid Deni.

Beesha Caalamka oo war cusub kasoo saartay doorashada Soomaaliya

Muqdisho (Caasimada Online) – War-saxaafadeed ka soo baxay beesha caalamka ayaa rajo wanaagsan looga muujiyey hanaanka ay ku bilaabatay doorashada Soomaaliya, waxaana madaxda golaha wadatashiga qaranka ee ra’iisul wasaaraha iyo madax goboleedyada loogu baqay inay sii wadaan kulamadooda inta laga soo gunaanadayo geeddi-socodka doorashooyinka.

Sidoo kale beesha caalamka ayaa Ra’iisul wasaare Rooble iyo madaxda dolwad goboleedyada ugu baaqday in si aan dib u dhac lahayn ay u abaabulaan doorashada Aqalka Sare, oo ahayd inay billaabato 25-ka Luulyo, balse qoraalkan waxaa lagu xusay in doorashadaasi ay 29-kii bishan oo shalay aheyd ay ka bilaabatay Jubbaland oo afar kursi oo Aqalka Sare ah Kismaayo lagu doortay.

Hoos ka aqriso qoraalka beesha caalamka

Saaxiibbada Caalamku waxay soo dhaweynayaan horumarka laga sameeyay hirgelinta Heshiiskii 27-kii May oo ay wada saxiixeen Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble iyo Madaxweynayaasha Dowladaha Xubnaha ka ah Dowladda Federaalka waxayna ugu baaqayaan DXDF inay si aan dib u dhac lahayn u abaabulaan doorashada Aqalka Sare, oo ahayd inay billaabato 25-ka Luulyo.

Tusaalooyinka horumarka ah ee ugu dambeeyay waxaa ka mid ah: In la isla qaatay kal-tirsi doorasho oo la cusbooneysiiyay. Inta badan guddiyadii maamulka doorashada hadda waa la dhisay waxayna iska dhex doorteen madaxdooda. Guddigii la igmaday ee wasiirada Dowladaha Xubnaha ka ah Dowladda Federaalka ayaa wadatashiyo ku yeeshay magaalada Garbaharrey. Waxaa la qabtay shir hordhac ah ee Guddiga Amniga Doorashada. Ra’iisul Wasaaraha ayaa magacaabay Guddi Danjireyaal Niyadsami (Goodwill Ambassadors) si kor loogu ololeeyo/hormariyo qoondada haweenka ee boqolkiiba30. Doorashada Aqalka Sare ayaa ka billaabatay Jubaland. Golaha Wadatashiga Qaran ayaa qabtay shirar joogto ah iyo wadahadalo. Arrimahaaas dhamaantood waa guulo amaan mudan.

Waxaan ku baaqaynaa in shaqada harsan ee lagu soo gunaanadayo geeddi-socodka doorashada ay si dhakhso ah horey ugu socoto isla sidii wadar ogolka ahayd. Arrimaha mudnaanta leh ee degdegga ah waxaa ka mid ah: in diyaargarow dheeraad ah oo faahfaahsan loo galo amniga doorashada, in la kala caddeeyo tallaabooyinka lagu sugayo matalaadda haweenka ee Barlamaanka ee boqolkiiba 30, iyo xallinta muranka weli ka taagan guddiga maareynta doorashada.

Wadajir waxaa warsaxaafadeedkaan u soo saaray dowladaha iyo ururrada kala ah, Hawlgalka Midowga Afrika ee Soomaaliya (AMISOM), Denmark, Jabuuti, Masar, Itoobiya, Midowga Yurub (EU), Finland, Jarmalka, Urur-Goboleedka (IGAD), Ireland, Talyaaniga, Japan, Kenya, Ururka Jaamacadda Carabta (LAS), Holand, Norway, Poland, Qadar, Ruushka, Suudaan, Iswiidhan, Iswisarland, Boqortooyada Midowday ee Britain, Dowladda Maraykanka, iyo Qaramada Midoobay.

Farmaajo, Rooble, Axmed Madoobe iyo XASAN oo ka falceliyey qaraxii cayaartoyda

Kismaayo (Caasimada Online) – Madaxweyne Farmaajo, Ra’iisul wasaare Rooble, Madaxweynaha Jubbaland, Madaxweynaha Galmudug iyo Madaxweynihii hore ee dalka Xasan Sheekh ayaa war ka soo saaray qaraxii galabta Kismaayo lagula beegsaday dhalinyaro cayaartooy ahaa, kuwaas oo dhamasho iyo dhaawacyo culus ay soo gaareen.

Ugu horeyn madaxweyne Farmaajo ayaa tacsi tiiraanyo leh u diray qoysaska, qaraabada iyo dhammaan shacabka Soomaaliyeed, gaar ahaan bahda ciyaaraha geerida dhallinyaradii ciyaartooyda ahayd ee lagu dilay qaraxii ka dhacay magaalada Kismaayo.

“Innaa Lillaahi Wa Innaa Ilayhi Raajicuun. Qaraxan argagixisanimo ee ka dhacay magaalada Kismaayo waxa uu muujinayaa yoolka cadawga dadka Soomaaliyeed oo salka ku haya gumaadka haldoorkeenna” ayaa lagu yiri qoraal ka soo baxay xafiiska Farmaajo.

Dhanka kale ra’iisul wasaare Rooble ayaa qoraal uu soo saaray ku yir, “Waxaan si adag u cambaareynayaa qaraxii argagixisadu galabta la beegsadeen dhallinyaro ciyaartoy ah magaalada Kismaayo. Waxaan tacsi u dirayaa ehelada dadkii ku geeriyooday falkaas arxan darrada leh, maamulka iyo shacabka Jubaland, anigoo dhaawacyadana Eebbe uga baryaya in ay dhaqso u bogsoodaan. Falalka naf la caariga ah ee argagixisadu waa in aysan naga horjoogsan hiigsigeenna nabad iyo dowlad-dhiska, gaar ahaan xilligan dalku doorashada galay.”

Madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam ayaa ka tacsiyeeyey khasaaraha ka dhashay qaraxii galabta magaalada Kismaayo lagula beegsaday dhalinyaro cayaartooy ahaa oo la socotay gaari Bus ah.

“Waxaan uga tacsiyaynayaa dhamaan bahda Ciyaaraha Jubaland qaraxii maanta Argagixisadu la beegsatay baska kooxda kubada Cagta JCCI, halkaas oo ay ku geeriyoodeen Sadex kamid ah ciyaartooyda kooxda qaar kalana ay ku dhaawacmeen,” ayaa lagu yiri qoraal ka soo baxay xafiiska Madaxweynaha Jubbaland.

Qoraalka ayaa intaas ku sii daray, “Waxaan Alle uga baryayaa in uu janadii fardowso ka waraabiyo dhalinyaradaas aan waxba galabsan ee Argagixisadu ay dhiigooda banaysatay, waxaa kale oo aan Alle Caafimaad taam ah uga baryayaa inuu siiyo inta dhaawaca ah.”

Madaxweynaha ayaa umadda Soomaaliyeed ugu baaqay in loo midoobo kooxaha caadeystay gumaadka hal doorka dadkeenna.

“Al-Shabaab waxaa ka go’an inay beegsadaan qof walba iyagoo si badheedh ah u beegsanaya dadka waxgalka ah sida Dhalinyarada,Aqoonyahanka iyo indhaha bulshada, taas oo cadaynaysa inay si guud indhaha uga ridayaan ummada Soomaaliyeed. Dhamaan Shacabka Soomaaliyeed waxaan ugu baaqaya in loo midoobo sidii kooxdan aan uga adkaan lahayn isla markana aan u badbaadin lahayn inta hadhay Bulshadeena,” ayuu yiri madaxweyne Axmed Madoobe.

Madaxweynihii hore ee dalka Xasan Sheekh Maxamuud ayaa isna qoraal uu ka soo saaray qaraxaas waxa uu ku yiri, “Waxaan tacsi u dirayaa dhammaan ummadda Soomaaliyeed & ehelada dadkii ku geeriyooday qaraxii caawa. waa nasiib darro in dad Soomaaliyeed oo aan waxba galabsan la laayo. Waxaan ku baaqayaa in aan u midoowno la dagaallanka cadowga, innaga oo isku tashaneyna.”

Dhanka kale Madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoor Qoor ayaa shacabka iyo dowlad goboleedka Jubbaland uga tacsiyeeyey dhalinyaradii lagu dilay qaraxii galabta ka dhacay magaalada Kismaayo.

Madaxweyne Qoor Qoor ayaa wacad ku maray in mar aan dheereyn laga guuleysan doono nabadiidka caadeystay daadinta dhiigga umadda Soomaaliyeed, isagoo ku baaqay in meel looga soo wada jeesto kooxaha Argagixisada ah.

“Waxaan Dowladda iyo shacabka Jubbaland uga tacsiyaynayaa qaraxii argagaxisadu maanta kala beegsatay Kooxda Kubadda Cagta magaalada Kismaayo. Naxariistii janno Allaha ka waraabiyo dhalinyaradii ku geeriyootay, inta dhaawacana Allaha caafimaad degdeg ah siiyo Insha’allah. Kooxaha argagaxisada ah ee caadeystay daadinta dhiigga umadda Soomaaliyeed waan ka guuleysaneynaa kana sifeyn doonaa deegaanada oo dhan. Waxaan ugu baaqayaa dhamaan shacab iyo dowladba in aan meel uga soo wada jeesano cadowga ummadda Soomaaliyeed,” ayuu Qoor Qoor ku yiri qoraal uu soo saaray goordhaweed.

Ugu yaraan seddax ka mid ah dhalinyaradii la socotay gaariga xilligii la qarxiyey ayaa ku geeriyootay halkaas, sidoo kale dhaawacyada tiro kale ayaa la gaarsiiyey goobaha caafimaadka.

Gaari cayaartoy oo Kismaayo lagu qarxiyey + Khasaaraha

0

Kismaayo (Caasimada Online) – Faah-faahino dheeri ah ayaa laga helayaa qaraxii galabta ka dhacay magaalad Kismaayo, kaasi oo haleelay Bus ay saarnayeen ciyaartooyda kooxda JCCI oo ka dhisan magaalada Kismaayo.

Gaariga uu qaraxa haleelay oo gebi ahaanba gubtay, waxaana ilaa hadda loo xaqiijiyey Caasimada Online dhimashada 4 ciyaartooy oo kamid ah dhalinyaradii saarneyd gaarigaas, halka tiro kalena ay ku dhaawacamtay.

Warar kala duwan ayaa kasoo baxaya nooca qarax ee haleelay gaariga ay saarnayeen Ciyaartooyda, waxay qaarkood sheegayaan in qaraxa lagu xiray gaariga bus-ka ah, halka kuwa kalena sheegayaan in uu ahaa is-miidaamin.

Laamaha amaanka ayaa ilaa hadda wada baarista qaraxaas iyo qaabka uu u dhacay.

Dhinaca kale, Madaxweynaha waqtigiisa uu dhamaaday ee Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa ka tacsiyadeeyay geerida dhalinyaradda ciyaartooyda ah, sida lagu sheegay qoraal kasoo baxay Villa Somalia.

Farmaajo ayaa qaraxaas ku macneeyay mid ka marag kacaya sida argagixisada cadow ugu tahay nolshada dhalinyarada Soomaaliyeed.

“Madaxweynaha oo ka tacsiyeeyey geerida dhallinyarada ciyaartooyda ah ee argagixisada Alshabaab ay ku xasuuqeen qaraxa ka dhacay Kismaayo, ayaa tilmaamay in falkaasi uu ka marag kacayo sida ay argagixisadu cadow ugu tahay nolosha dhallinyarada Soomaaliyeed,” ayaa lagu yiri qoraalka.

Marka laga imaado qoraalka kasoo baxay Villa Somalia ee lagu sheegay in qaraxaas ay ka dambeyso Al-Shabaab, ilaa hadda majiro war kasoo baxay kooxda oo ku aadan qaraxa Kismaayo.

“Ragguu A/Madoobe doortay buu baarlamanka doortay”

Jubbaland, ayaa noqotay dowlad goboleedkii ugu horeeyay ee bilowda qabashada doorashooyinka xubnaha aqalka sare dowlada federaalka ee dowlad goboleedyada ka imanayo, hayeeshe waxaa la yaab ah in doorashada oo ay codeenayeen Baarlamaanka Jubbaland ee Kismaayo fadhiyo ay doorteen Ragg doornaa oo madaxtooyada Axmed Madoobe laga soo amray doorashadooda.

Guddiga doorashada heer dowlad gobboleed ee Jubbaland ee kol hore Axmed Madoobe uu magacaabay ayaa horey u soo kala reebay liiska tirada aqalka sare ee Jubbaland ay leedahay, kaliya afar kursi bay musharixiinta u tartameesay magacyadooda shaaciyeen oo doorashadooda qabteen, maxaa loo dib dhigay kuraasta kale magacaabistooda waa su’aal furan oo jawaabteedu aan wada dooneeno, hayeeshe imika jawaabta suaashaasi yeynaa waqti badan ku bixin.

Afarta Xildhibaan ”Senetaro” ee la sheegay inay kuraasta ku guuleesteen mid mooye saddexda kale waa saaxiibada dhaw ee Madaxweyne Axmed Islaan, waana raggii kuraasta ku fadhiyay afartii sano ee la soo dhaafay, afarta kursi ee Kismaayo tartankeeda lagu qabtay mid walba waxaa musharaxii horey ugu fadhiyay oo Madaxtooyada Kismaayo ay wadatay lagu lamaanshay qof la sheegay inay la tartami doonaan, hubaal se ay aheyd inay ahaayeen boosas buuxiyayaal malxiisinayay galbinta kursiga.

Waa macquul inaad la yaaban tahay sida dhaqsiyaha ah ee aan musharixiinta ugu arkay inay kuraasta ka yihiin malxiisayaal ” Malxiis, soomaalida dhexdeeda waxaa looga yaqaanaa midka/mida, barbar istaago caruuska/sadda habeenka aqal galka, malaha wehel baa looga dhigaa ragg/dumar way wada noqdaan.

Cabdulaahi Sheikh Ismacil ”Farataag”, Iftiin Xasan Baasto iyo ilyaas Badal Gaboose ayaa ku soo baxay kuraasta aqalka sare, muuqaalka wuxuu ahaa rag u eg kuwa tartan galayay, se xaqiiqdu waxay aheyd in Madaxtooyada Axmed islaan ay si sandula ugu qasabtay Baarlamaanka wax dooranayay. Labada nin ee hore mid walba wuxuu saaxiib dhaw la yahay Madoobaha Kismaayo, waxayna qeyb ka ahaayeen dhibaatooyin ahli ah oo deegaankaasi ka dhacay, Ilyaas Gaboose oo ninka saddexaad ah isagu horey wuxuu u soo noqday gudoomiyihiin Jubbooyinka ee dowladii Cabdulaahi Yusuf, wuxuuna ehel iyo saaxiib dhaw la yahay madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe.

Waa macquul inaad is leedahay qoraaga muxuu cinwaan uga dhigtay ” Ragguu Madoobe doortay buu baarlamaanka Jubbalan doortay”, aan ku siiyo dhowr sababood iyo dhacdooyin aan goob joog u aheyn ee quseeyo baarlamaanka Jubbaland ee Kismaayo fadhiyo.

Asalkaba sida aan naqaano xubnaha baarlamaan dowlad goboleed ama heer federaal marka la dooranayo waxay matalaan beelo ama qabaail hadba sida aad u garan og tahay, maadaama awood qeybsiga dowladnimo ee waddanka ay sees u tahay qabaa’il ka inay kuraastooda soo xushaan laakiin taa caksigeed xulashadii Baarlamaanka Jubbaland, Axmed Madoobe isaga ayaa lahaa. Si kale aan kuugu sheego Qabiil walba wuxuu faray in kursigooda ay u keenaan saddex qof oo uu isaga kursiga siin doono midkuu doonayo, sidaa buu ku soo xushay Xildhibaano isaga hoostaga.

Baarlamaanka Jubbaland ma yeesho kulamo dhameestiran, lama xisaabtamo wasiirada Axmed uu magacaabay, ma keeno ajande iyo qorshe baarlamaani ah oo u gooni ah, xeer hoosaad iyo sharci ay meel mariyeen oo nidaamka jiro ay kula xisaabtamaan ama u dirayaan fulinteeda ma jirto oo waligeedba may dhicin, si qarsoodi ah baa loo codeenayay oo doorashadu ku dhacday hayeeshe taasi waa muuqaalka guud ee cabirka dadka lagu qaldayo, xildhibaanada mid walba si gooni ah baa loogu sheegay inay hebel u codeeyaan, qofkii diidmo sameeyana uu weyn doono xasaanadiisa iyo xubinimadiisa baarlamaaneed.

Waxa Kismaayo ka dhacay waa nin doornaa un hala doorto..

W/Q: Fatuma Yasin Omar
fatumayasin2019@gmail.com

AFEEF: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada [email protected] Mahadsanid

Xeelada doorashada 2021 oo aad uga duwan kuwii hore

Warbixintan oo muuqaal ah halkan ka daawo

Muqdisho (Caasimada Online) – Tartanka madaxweynaha Soomaaliya ayaa la filayaa inuu sanadkan u dhaco si ka duwan sidii hore, ayada oo ay muuqato inuu isbeddel ku yimid habkii lacagaha loogu bixin jiray coadka xildhibaanada dooranaya madaxweynaha cusub.

Doorashooyinkii tan ka horreeyeey, oo ay ugu dambeysay tii lagu doortay Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, ayaa lacag tobanaan kun oo dollar ah lagu iibsanayey codka xildhibaankiiba.

Maxamed Cabdullahi Farmaajo ayaa la rumeysan yahay inuu min 25 kun oo dollar ku gatay codadka 70-kii xildhibaan, ee uu kaga soo gudbay wareeggii kowoaad ee doorashadii 2017, kahor inta aanu si bilaash ah ku helin codadka xildhibaanadii diidanaa Xasan Sheekh, ee ka dhigay madaxweynaha.

Si kastaba, inkasta oo weli la rumeysan yahay inaanay huri doonin in la iibsado codadka xildhibaanada, haddana musharaxiinta madaxweynaha ayaa sanadkan adeegsanaya xeelad ka duwan tii aan baranay sanadihii hore.

Sida ay ogaatay Caasimada Online, Musharaxiinta madaxweynaha ayaa ka shaqeynaya inay xaqiijiyaan in marka horeba ay xildhibaano noqdaan siyaasiyiin ku aragti iyo xeendaab ah, si aysan gadaal dambe lacag ugu bixin iibsashada xildhibaan aan la isku haleyn karin.

Arrintan ayaa loo sababeynayaa laba qodob oo kala ah:

1 – Aaminaad la’aanta xildhibaanada: Doorashooyinkii hore, oo ay ugu dambeysay tii 2017, waxaa dhacday in xildhibaano badan aysan codadkooda siin musharaxiin ay lacago ka qaateen, oo ay isku haleynayeen, kuwaas oo ku ballan-furay.

Xaqiiqda ah; in codka uu yahay mid sir ah, oo aan marnaba la ogaan karin musharaxa uu xildhibaanka u codeynayo, ayaa fududeyneysa in xildhibaanku uu musharax ama dhowr musharax lacag ka qaato, kadibna codka siiyo midka uu aragti ahaan ama qabiil ahaan taageersan yahay.

Arrintan ayaa ku dhacday musharaxiin uu ka mid ah yahay Xasan Sheekh Maxamuud, oo sida la rumneysan yahay isku haleynayey codadka xildhibaano ku dhow laba boqol, balse kusoo dhammaaday dhowr iyo sideetan.

2 – Lacag la’aan xooggan oo haysata musharaxiinta: Musharaxiinta madaxweynaha Soomaaliya ee sanadkan ayaa badankood wajahaya lacag la’aan xooggan, ayada oo badankood ay ku sugan yihiin xaalad quus ah, oo iska daa inay codad iibsadaan’e, xitaa la xarbinaya inay iska bixiyaan biilasha iyo qarashaadka maalinlaha ah ee xooggan ee ku baxa.

Lacag la’aanta ayaa waxaa ugu wacan ayada oo inta badan dalalkii lacagaha siin jiray musharaxiinta, oo ay ugu weyn yihiin kuwa Carabta ay sanadkan albaabada ka xirteen musharaxiinta, oo ilaa iyo hadda ay diidan yihiin inay lacag bixiyaan.

Dalalka Carabta ayaa sababta ay albaabka u xirteen lagu sheegay laba qodob oo kala ah; inay weli shaki ka qabaan in dalka doorasho ka dhici karto, iyo in doorashooyinkii hore ay lacago ka qaateen musharaxiin aysan dhab ka aheyn inay xilka madaxweynaha dagaal u galaan.

Inkasta oo laga yaabo in lacagaha ay xilli dambe soo fasaxaan, haddana waxay albaab xirashadoodu qasabtay in musharaxiinta ay cayaaraan xeelado kale.

Sida ay ogaatay Caasimada Online, musharaxiinta madaxweynaha ayaa sanadkan xoogga saaraya inay xaqiijiyaan inay soo baxaan xildhibaano taageersan, oo la isku haleyn karo, si ay uga baaqsadaan inay gadaal dambe lacaga ka bixiyaan iyo in lagu ballan-furo.

Xeeladdan ayaa shaqeyn karta, sababtoo ah, xildhibaanada hadda kuraasta ku fadhiya badankood uma baahnaa inay lacago bixiyaan, ayaga oo adeegsanayaa saameynta ay ku leeyihiin madaxda maamul goboleedyada qaarkood.

Madaxweyne Farmaajo, oo la rumeysan yahay inuu yahay musharaxa ugu dhaqaalaha roon, maadaama uu lacagtii dowladda iyo qaranka gacanta ku haysto, ayaa sidoo kale ku dadaalaya inuu soo saarto xildhibaano u badan kuwa cusub, xilli la rumeysan yahay in xildhibaanada hadda kursiga ku fadhiya badankood aysan taageersaneyn.

Farmaajo ayaa qorshihiisu yahay inuu soo saarto in ka badan boqol xildhibaan oo u badan kuwa kasoo galaya Somaliland, beesha shanaad, beesha uu kasoo jeedo, iyo xildhibaanada laga soo dooranayo Koonfur Galbeed.

Soo bixitaanka xildhibaano badan oo cusub, ayaa rajo siineysa Farmaajo, halka soo laabashada xildhibaanada hadda jira badankood ay sii wiiqeyso rajadiisa, islamarkaana xoojineyso suurta-galnimada ah in madaxweyne cusub yimaado.

Wax ay ahaataba, xilli la rumeysnaa in codadka xildhibaanada doorashada soo socota uu midkiiba gaari karo boqol kun oo dollar, waxaa hadda muuqata suurta-galnimo ah in doorashadan ay codadka xildhibaanadu noqdaan kuwii ugu qiimaha jabnaa. 

Xog: FAHAD YAASIIN oo xil cusub u magacaabay Kulane

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Taliyaha nabad sugida iyo sirdoonka Qaranka, Fahad Yaasiin Xaaji Daahir ayaa xil cusub u magacaabay Cabdullaahi Aadan Kulane oo dhowaan uu xilka ka qaaday ra’iisul wasaare Maxamed Xuseen Rooble, sida ay ogaatay Caasimada Online.

Ilo-wareedyo lagu kalsoon yahay ayaa Caasimada Online u sheegay in Fahad Yaasiin uu Cabdullaahi Aadan Kulane oo hore u ahaa madaxii shaqaalaha NISA u magacaabay kaaliyaha dhanka siyaasadda iyo amniga ee hay’addaasi.

Ra’iisul Wasaare ayaa qoraal xafiiskiisa kasoo baxay 23-kii July oo uu xilka uga qaaday Kulane ku yiri “”Ra’iisal wasaare Rooble asaga oo ka jawaabaya muwaadiniin Soomaaliyeed oo si sharci darro-da ah maanta looga hor istaagay inay ka dhoofan garoonka Aadan Cadde, waxa uu xilka ka qaaday Cabdullaahi Kullane, Agaasimihii Shaqaalaha hay’adda NISA iyo Cabdiwahaab Sheekh Cali, Taliyihii Nabad-sugidda ee groonka Aadan Cadde.”

Magacaabista xilka cusub ee Kulane, ayaa weli kusii haynaysa hay’adda NISA, hase yeeshee ilo-wareedyo ku dhow Fahad ayaa Caasimada Online u sheegay inaysan jirin wax Kulane u diidaya inuu xil kale qabto.

“Kulane qalad uu galay ayaa xil looga qaaday, mana jirto meel ay ku qoran tahay in xil kale uusan qaban. Imisa wasiir ayaa horey xilal looga qaaday, oo haddana mar kale wasiiro ama ku xigeeno loo magacaabay?,” ayuu yiri ilo-wareedka la hadlay Caasimada Online.

Fahad ayaa xilka agaasimaha madaxa shaqaalaha NISA ee laga qaaday Kulane u magacaabay Cabaas Yacquub.