25.8 C
Mogadishu
Monday, June 23, 2025

Gaari cayaartoy oo Kismaayo lagu qarxiyey + Khasaaraha

0

Kismaayo (Caasimada Online) – Faah-faahino dheeri ah ayaa laga helayaa qaraxii galabta ka dhacay magaalad Kismaayo, kaasi oo haleelay Bus ay saarnayeen ciyaartooyda kooxda JCCI oo ka dhisan magaalada Kismaayo.

Gaariga uu qaraxa haleelay oo gebi ahaanba gubtay, waxaana ilaa hadda loo xaqiijiyey Caasimada Online dhimashada 4 ciyaartooy oo kamid ah dhalinyaradii saarneyd gaarigaas, halka tiro kalena ay ku dhaawacamtay.

Warar kala duwan ayaa kasoo baxaya nooca qarax ee haleelay gaariga ay saarnayeen Ciyaartooyda, waxay qaarkood sheegayaan in qaraxa lagu xiray gaariga bus-ka ah, halka kuwa kalena sheegayaan in uu ahaa is-miidaamin.

Laamaha amaanka ayaa ilaa hadda wada baarista qaraxaas iyo qaabka uu u dhacay.

Dhinaca kale, Madaxweynaha waqtigiisa uu dhamaaday ee Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa ka tacsiyadeeyay geerida dhalinyaradda ciyaartooyda ah, sida lagu sheegay qoraal kasoo baxay Villa Somalia.

Farmaajo ayaa qaraxaas ku macneeyay mid ka marag kacaya sida argagixisada cadow ugu tahay nolshada dhalinyarada Soomaaliyeed.

“Madaxweynaha oo ka tacsiyeeyey geerida dhallinyarada ciyaartooyda ah ee argagixisada Alshabaab ay ku xasuuqeen qaraxa ka dhacay Kismaayo, ayaa tilmaamay in falkaasi uu ka marag kacayo sida ay argagixisadu cadow ugu tahay nolosha dhallinyarada Soomaaliyeed,” ayaa lagu yiri qoraalka.

Marka laga imaado qoraalka kasoo baxay Villa Somalia ee lagu sheegay in qaraxaas ay ka dambeyso Al-Shabaab, ilaa hadda majiro war kasoo baxay kooxda oo ku aadan qaraxa Kismaayo.

“Ragguu A/Madoobe doortay buu baarlamanka doortay”

Jubbaland, ayaa noqotay dowlad goboleedkii ugu horeeyay ee bilowda qabashada doorashooyinka xubnaha aqalka sare dowlada federaalka ee dowlad goboleedyada ka imanayo, hayeeshe waxaa la yaab ah in doorashada oo ay codeenayeen Baarlamaanka Jubbaland ee Kismaayo fadhiyo ay doorteen Ragg doornaa oo madaxtooyada Axmed Madoobe laga soo amray doorashadooda.

Guddiga doorashada heer dowlad gobboleed ee Jubbaland ee kol hore Axmed Madoobe uu magacaabay ayaa horey u soo kala reebay liiska tirada aqalka sare ee Jubbaland ay leedahay, kaliya afar kursi bay musharixiinta u tartameesay magacyadooda shaaciyeen oo doorashadooda qabteen, maxaa loo dib dhigay kuraasta kale magacaabistooda waa su’aal furan oo jawaabteedu aan wada dooneeno, hayeeshe imika jawaabta suaashaasi yeynaa waqti badan ku bixin.

Afarta Xildhibaan ”Senetaro” ee la sheegay inay kuraasta ku guuleesteen mid mooye saddexda kale waa saaxiibada dhaw ee Madaxweyne Axmed Islaan, waana raggii kuraasta ku fadhiyay afartii sano ee la soo dhaafay, afarta kursi ee Kismaayo tartankeeda lagu qabtay mid walba waxaa musharaxii horey ugu fadhiyay oo Madaxtooyada Kismaayo ay wadatay lagu lamaanshay qof la sheegay inay la tartami doonaan, hubaal se ay aheyd inay ahaayeen boosas buuxiyayaal malxiisinayay galbinta kursiga.

Waa macquul inaad la yaaban tahay sida dhaqsiyaha ah ee aan musharixiinta ugu arkay inay kuraasta ka yihiin malxiisayaal ” Malxiis, soomaalida dhexdeeda waxaa looga yaqaanaa midka/mida, barbar istaago caruuska/sadda habeenka aqal galka, malaha wehel baa looga dhigaa ragg/dumar way wada noqdaan.

Cabdulaahi Sheikh Ismacil ”Farataag”, Iftiin Xasan Baasto iyo ilyaas Badal Gaboose ayaa ku soo baxay kuraasta aqalka sare, muuqaalka wuxuu ahaa rag u eg kuwa tartan galayay, se xaqiiqdu waxay aheyd in Madaxtooyada Axmed islaan ay si sandula ugu qasabtay Baarlamaanka wax dooranayay. Labada nin ee hore mid walba wuxuu saaxiib dhaw la yahay Madoobaha Kismaayo, waxayna qeyb ka ahaayeen dhibaatooyin ahli ah oo deegaankaasi ka dhacay, Ilyaas Gaboose oo ninka saddexaad ah isagu horey wuxuu u soo noqday gudoomiyihiin Jubbooyinka ee dowladii Cabdulaahi Yusuf, wuxuuna ehel iyo saaxiib dhaw la yahay madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe.

Waa macquul inaad is leedahay qoraaga muxuu cinwaan uga dhigtay ” Ragguu Madoobe doortay buu baarlamaanka Jubbalan doortay”, aan ku siiyo dhowr sababood iyo dhacdooyin aan goob joog u aheyn ee quseeyo baarlamaanka Jubbaland ee Kismaayo fadhiyo.

Asalkaba sida aan naqaano xubnaha baarlamaan dowlad goboleed ama heer federaal marka la dooranayo waxay matalaan beelo ama qabaail hadba sida aad u garan og tahay, maadaama awood qeybsiga dowladnimo ee waddanka ay sees u tahay qabaa’il ka inay kuraastooda soo xushaan laakiin taa caksigeed xulashadii Baarlamaanka Jubbaland, Axmed Madoobe isaga ayaa lahaa. Si kale aan kuugu sheego Qabiil walba wuxuu faray in kursigooda ay u keenaan saddex qof oo uu isaga kursiga siin doono midkuu doonayo, sidaa buu ku soo xushay Xildhibaano isaga hoostaga.

Baarlamaanka Jubbaland ma yeesho kulamo dhameestiran, lama xisaabtamo wasiirada Axmed uu magacaabay, ma keeno ajande iyo qorshe baarlamaani ah oo u gooni ah, xeer hoosaad iyo sharci ay meel mariyeen oo nidaamka jiro ay kula xisaabtamaan ama u dirayaan fulinteeda ma jirto oo waligeedba may dhicin, si qarsoodi ah baa loo codeenayay oo doorashadu ku dhacday hayeeshe taasi waa muuqaalka guud ee cabirka dadka lagu qaldayo, xildhibaanada mid walba si gooni ah baa loogu sheegay inay hebel u codeeyaan, qofkii diidmo sameeyana uu weyn doono xasaanadiisa iyo xubinimadiisa baarlamaaneed.

Waxa Kismaayo ka dhacay waa nin doornaa un hala doorto..

W/Q: Fatuma Yasin Omar
fatumayasin2019@gmail.com

AFEEF: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Caasimada Online. Caasimada Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah. Kusoo dir qoraaladaada [email protected] Mahadsanid

Xeelada doorashada 2021 oo aad uga duwan kuwii hore

Warbixintan oo muuqaal ah halkan ka daawo

Muqdisho (Caasimada Online) – Tartanka madaxweynaha Soomaaliya ayaa la filayaa inuu sanadkan u dhaco si ka duwan sidii hore, ayada oo ay muuqato inuu isbeddel ku yimid habkii lacagaha loogu bixin jiray coadka xildhibaanada dooranaya madaxweynaha cusub.

Doorashooyinkii tan ka horreeyeey, oo ay ugu dambeysay tii lagu doortay Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, ayaa lacag tobanaan kun oo dollar ah lagu iibsanayey codka xildhibaankiiba.

Maxamed Cabdullahi Farmaajo ayaa la rumeysan yahay inuu min 25 kun oo dollar ku gatay codadka 70-kii xildhibaan, ee uu kaga soo gudbay wareeggii kowoaad ee doorashadii 2017, kahor inta aanu si bilaash ah ku helin codadka xildhibaanadii diidanaa Xasan Sheekh, ee ka dhigay madaxweynaha.

Si kastaba, inkasta oo weli la rumeysan yahay inaanay huri doonin in la iibsado codadka xildhibaanada, haddana musharaxiinta madaxweynaha ayaa sanadkan adeegsanaya xeelad ka duwan tii aan baranay sanadihii hore.

Sida ay ogaatay Caasimada Online, Musharaxiinta madaxweynaha ayaa ka shaqeynaya inay xaqiijiyaan in marka horeba ay xildhibaano noqdaan siyaasiyiin ku aragti iyo xeendaab ah, si aysan gadaal dambe lacag ugu bixin iibsashada xildhibaan aan la isku haleyn karin.

Arrintan ayaa loo sababeynayaa laba qodob oo kala ah:

1 – Aaminaad la’aanta xildhibaanada: Doorashooyinkii hore, oo ay ugu dambeysay tii 2017, waxaa dhacday in xildhibaano badan aysan codadkooda siin musharaxiin ay lacago ka qaateen, oo ay isku haleynayeen, kuwaas oo ku ballan-furay.

Xaqiiqda ah; in codka uu yahay mid sir ah, oo aan marnaba la ogaan karin musharaxa uu xildhibaanka u codeynayo, ayaa fududeyneysa in xildhibaanku uu musharax ama dhowr musharax lacag ka qaato, kadibna codka siiyo midka uu aragti ahaan ama qabiil ahaan taageersan yahay.

Arrintan ayaa ku dhacday musharaxiin uu ka mid ah yahay Xasan Sheekh Maxamuud, oo sida la rumneysan yahay isku haleynayey codadka xildhibaano ku dhow laba boqol, balse kusoo dhammaaday dhowr iyo sideetan.

2 – Lacag la’aan xooggan oo haysata musharaxiinta: Musharaxiinta madaxweynaha Soomaaliya ee sanadkan ayaa badankood wajahaya lacag la’aan xooggan, ayada oo badankood ay ku sugan yihiin xaalad quus ah, oo iska daa inay codad iibsadaan’e, xitaa la xarbinaya inay iska bixiyaan biilasha iyo qarashaadka maalinlaha ah ee xooggan ee ku baxa.

Lacag la’aanta ayaa waxaa ugu wacan ayada oo inta badan dalalkii lacagaha siin jiray musharaxiinta, oo ay ugu weyn yihiin kuwa Carabta ay sanadkan albaabada ka xirteen musharaxiinta, oo ilaa iyo hadda ay diidan yihiin inay lacag bixiyaan.

Dalalka Carabta ayaa sababta ay albaabka u xirteen lagu sheegay laba qodob oo kala ah; inay weli shaki ka qabaan in dalka doorasho ka dhici karto, iyo in doorashooyinkii hore ay lacago ka qaateen musharaxiin aysan dhab ka aheyn inay xilka madaxweynaha dagaal u galaan.

Inkasta oo laga yaabo in lacagaha ay xilli dambe soo fasaxaan, haddana waxay albaab xirashadoodu qasabtay in musharaxiinta ay cayaaraan xeelado kale.

Sida ay ogaatay Caasimada Online, musharaxiinta madaxweynaha ayaa sanadkan xoogga saaraya inay xaqiijiyaan inay soo baxaan xildhibaano taageersan, oo la isku haleyn karo, si ay uga baaqsadaan inay gadaal dambe lacaga ka bixiyaan iyo in lagu ballan-furo.

Xeeladdan ayaa shaqeyn karta, sababtoo ah, xildhibaanada hadda kuraasta ku fadhiya badankood uma baahnaa inay lacago bixiyaan, ayaga oo adeegsanayaa saameynta ay ku leeyihiin madaxda maamul goboleedyada qaarkood.

Madaxweyne Farmaajo, oo la rumeysan yahay inuu yahay musharaxa ugu dhaqaalaha roon, maadaama uu lacagtii dowladda iyo qaranka gacanta ku haysto, ayaa sidoo kale ku dadaalaya inuu soo saarto xildhibaano u badan kuwa cusub, xilli la rumeysan yahay in xildhibaanada hadda kursiga ku fadhiya badankood aysan taageersaneyn.

Farmaajo ayaa qorshihiisu yahay inuu soo saarto in ka badan boqol xildhibaan oo u badan kuwa kasoo galaya Somaliland, beesha shanaad, beesha uu kasoo jeedo, iyo xildhibaanada laga soo dooranayo Koonfur Galbeed.

Soo bixitaanka xildhibaano badan oo cusub, ayaa rajo siineysa Farmaajo, halka soo laabashada xildhibaanada hadda jira badankood ay sii wiiqeyso rajadiisa, islamarkaana xoojineyso suurta-galnimada ah in madaxweyne cusub yimaado.

Wax ay ahaataba, xilli la rumeysnaa in codadka xildhibaanada doorashada soo socota uu midkiiba gaari karo boqol kun oo dollar, waxaa hadda muuqata suurta-galnimo ah in doorashadan ay codadka xildhibaanadu noqdaan kuwii ugu qiimaha jabnaa. 

Xog: FAHAD YAASIIN oo xil cusub u magacaabay Kulane

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Taliyaha nabad sugida iyo sirdoonka Qaranka, Fahad Yaasiin Xaaji Daahir ayaa xil cusub u magacaabay Cabdullaahi Aadan Kulane oo dhowaan uu xilka ka qaaday ra’iisul wasaare Maxamed Xuseen Rooble, sida ay ogaatay Caasimada Online.

Ilo-wareedyo lagu kalsoon yahay ayaa Caasimada Online u sheegay in Fahad Yaasiin uu Cabdullaahi Aadan Kulane oo hore u ahaa madaxii shaqaalaha NISA u magacaabay kaaliyaha dhanka siyaasadda iyo amniga ee hay’addaasi.

Ra’iisul Wasaare ayaa qoraal xafiiskiisa kasoo baxay 23-kii July oo uu xilka uga qaaday Kulane ku yiri “”Ra’iisal wasaare Rooble asaga oo ka jawaabaya muwaadiniin Soomaaliyeed oo si sharci darro-da ah maanta looga hor istaagay inay ka dhoofan garoonka Aadan Cadde, waxa uu xilka ka qaaday Cabdullaahi Kullane, Agaasimihii Shaqaalaha hay’adda NISA iyo Cabdiwahaab Sheekh Cali, Taliyihii Nabad-sugidda ee groonka Aadan Cadde.”

Magacaabista xilka cusub ee Kulane, ayaa weli kusii haynaysa hay’adda NISA, hase yeeshee ilo-wareedyo ku dhow Fahad ayaa Caasimada Online u sheegay inaysan jirin wax Kulane u diidaya inuu xil kale qabto.

“Kulane qalad uu galay ayaa xil looga qaaday, mana jirto meel ay ku qoran tahay in xil kale uusan qaban. Imisa wasiir ayaa horey xilal looga qaaday, oo haddana mar kale wasiiro ama ku xigeeno loo magacaabay?,” ayuu yiri ilo-wareedka la hadlay Caasimada Online.

Fahad ayaa xilka agaasimaha madaxa shaqaalaha NISA ee laga qaaday Kulane u magacaabay Cabaas Yacquub.

Laba cashar oo muhiim ah oo aan ka baranay doorashadii Aqalka Sare ee Kismaayo

Warbixintan oo muuqaal ah halkan ka daawo

Muqdisho (Caasimada Online) – Doorashada Soomaaliya ayaa shalay si rasmi ah uga billaabatay magaalada Kismaayo oo lagu doortay afartii senator ee ugu horreeyey ee Aqalka Sare ee baarlamanka Soomaaliya, ayada oo Jubaland ay noqotay maamulkii ugu horreyey ee meesha ka saaray shaki kasta oo ku saabsan in dalka ay doorsho ka dhici weyso.

Doorashada Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil Fartaag, Iftin Xasan Baasto, Ilyaas Bedel Gaboose iyo Cabdirisaaq Maxamed Cusmaan, ayaa wax badan ka tusmeyneysa awoodda madaxweyne goboleedyada iyo saameynta musharaxiinta madaxweyne.

Ha la dagaalin madaxweyne goboleedkaaga

Casharka ugu koowaad ee aan doorashada ka baran ayaa ah in haddii aad tahay xubin ka tirsan Aqalka Sare, oo aad dooneyso in dib laguu soo doorto, aysan kuu furneyn waddo aad kula dagaasho madaxweyne goboleedka deegaan doorashadaada.

Laba ka mid ah xubnaha Aqalka Sare ee waqtigoodu dhammaaday ayaa kuraastaada ku waayey dagaal ay la galeen madaxweynaha Jubaland Axmed Madoobe iyo inay la safteen Maxamed Cabdullahi Farmaajo.

Senotor Axmed Xaashi Maxamuud iyo Senator Faadumo Xassan Adam (Gariyow), oo deegaan doorashadoodu tahay Jubaland ayaa waayey kuraastooda kadib markii laga saaray liiskii uu 27-kii bishan soo gudbiyey Axmed Madoobe.

Axmed Xaashi iyo Faadumo Gariyow ayaa waxaa kuraastooda u tartamay mudaneyaal cusub.

Kursiga uu afartii sano ee lasoo dhaafay ku fadhiyey Axmed Xaashi Maxamuud ayaa waxaa ku guuleystay Ilyaas Badal Gaboose, oo ka adkaaday Maxamed Axmed Sayid iyo Sharmaake Maxamed Cabdi, oo la tartamay.

Axmed Xaashi Maxamuud ayaa xiligii uu taagnaa khilaafka dowladda federaalka iyo Jubaland la saftay madaxweynaha waqtigiisa dhamaaday oo si weyn ay isku hayeen Axmed Madoobe, taasi oo keentay inuu daaqadda ka baxo.

Sidoo kale waxaa kursigeeda lumisay Faadumo Xassan Adam (Gariyow), waxaana kursigaasi ku guuleystay Cabdirisaaq Maxamed Cismaan, oo ka adkaaday Xaliimo Jaamac Maxamed.

Faadumo ayaa ka mid aheyd xubnihii sida weyn u taageersanaa madaxweyne Farmaajo ee dagaalka la galay Axmed Madoobe, taasi oo ay heshay natiijadeeda.

Doorashada xildhibaanada Aqalka Sare ayaa kaga duwan midda golaha shacabka, in madax goboleeedyada ay awood buuxda u leeyihiin inay go’aamiyaan cidda musharax noqoneysa, marka laga reebo kuraasta Somaliland, oo ayagu soo xulaan odayaasha dhaqanka.

Sidaas darteed, senator kasta oo rajo ka leh in dib loo soo doorto, ama siyaasi kasta oo kursi Aqalka Sare ah raadinaya, ma lahan ikhtiyaar ay kaga horyimaadaan madaxweyne goboleedka deegaan doorashadooda.

Saameynta musharaxiinta madaxweyne

Casharka labaad ee aan ka baranay doorashadii Aqalka Sare ee Kismaayo ayaa ah, inay durba billow u noqotay loolanka doorashada madaxweynaha ayada oo muujisay cidda ku xisaabtami doonta codadkooda.

Inkasta oo ay tartameen xubno raadinaya inay noqdaan Senatarro, haddana waxaa si dadban sidoo kale u tartamayey musharaxiinta madaxweynaha oo mid kasta dagaal uu ugu jiro inuu soo saarto xildhibaano codadka siiya.

Laba ka mid ah Senetarrada oo kala ah Iftin Xasan Baasto iyo Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil Fartaag ayaa xubno firfircoon ka ah xisbiga UPD ee uu hoggaamiyo madaxweyneihii hore Xasan Sheekh Maxamuud oo ka mid ah musharraxiinta xilka madaxweynaha 2021.

Senator Ilyaas Bedel Gaboose, oo ahaa guddoomiyihii gobolka Jubada Hoose, ayaa sidoo kale lagu warramay inay saaxiib dhow yihiin madaxweynihii hore ee dalka Xasan Sheekh Maxamuud.

Sidoo kale xog ay heshay Caasimadda Online ayaa xaqiijineysa Cabbdirisaaq Maxamed Cusmaan uusan aragti ahaa ka fogeyn xisbiga UPD.

Arrintan ayaa ka dhiggan in xubnaha Afarta ah ee shalay soo baxay ay aasaas u yihiin codadka uu Xasan Sheekh ku tashanayo doorashada la qorsheeyay October, inkasta oo afar cod aysan waxba goyn, oo boqolaal cod ay tahay inuu diyaarsado Xasan Sheekh.

Qeybta hore ee tartanka doorashada u dhaxeysa musharraxiinta miisaanka culus ayaa waxaa lagu kala garan doonaa soo awoodda soo saarista xildhibaannada labada aqal ee ka tirsan taageerayaashooda, halka musharraxiinta aan rajada badan lahayn ay sugi doonaan xodxodashada xildhibaannada soo baxa, taa oo aan u muuqan in ay wax ka baddaleyso miisaanka doorashada.

Doorashada Kismaayo ka dhacday ayaa sidoo kale muujineysa sida ay isugu dhow yihiin Xasan Sheekh iyo Axmed Madoobe, ayada oo ay muuqato in madaxweynaha Jubaland uu ugu abaal-gudayo madaxweynihii hore ee dalka, dagaalkii uu u galay markii uu cadaadiska xooggan kala kulmayey Villa Somalia.

Guddiga doorashada heer federal oo war kasoo saaray doorashadii KISMAAYO

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Guddoomiyaha Gudiga doorashada heer federaal, Maxamed Xasan Cirro ayaa ka hadlay doorashadii shalay ka dhacday magaalada Kismaayo ee dowlad goboleedka Jubbaland, taasi oo lagu doortay Afar kamid ah Senator-da maamulkaas ee Aqalka Sare.

Guddoomiye Maxamed Cirro oo la hadlay VOA-da ayaa bogaadiyey hanaankii ay u dhacday doorashadaas, isagoona ku tilmaamay “doorasho cajiib ah oo waqti kooban ku qabsoomtay”.

“Meesha dadaal badan ayaa ka muuqday, guddoonka iyo xubnaha baarlamaanka ee doorashada qabanayay aad bey isku abaabuleen, markaa tartanku wuu wanaagsanaa, waxaana cajiib aheyd ugu yaraan in waqti intaa le’eg ay howsha ku qabsoomto farsamo ahaan, sida amaanka loo sugay iyo sida howshu u agaasineed wax qiimo badan ayey aheyd,” ayuu yiri Guddoomiye Ciro

“Doorashada Kismaayo waxay ibo-fur u aheyd doorashada wadanka oo ognahay xaalkeeda sida uu ahaa iyo halka uu taagna. Waa guul dadka Soomaaliyeed ay hore ugu tallaabsadeen dowlad-nimadooda, waana hadimo aan ka bad-baadnay ayey jawaab u tahay.”

Sidoo kale waxa uu sheegay in doorashada ka dhacday Kismaayo ay tahay billowga doorashooyinka Aqalka Sare, isagoona faray in dowlad goboleedyada kale ay deg deg u qabtaan doorashada.

“Doorashadii wey noo dhacday weyna dhameystirmatay, waa waajib hadda saaran (dowlad goboleedyada) in deg deg loo bilaabo soo xulista xubnaha Aqalka Sare, waana waajib anagana na saaran.”

Guddoomiye Ciro ayaa rajo wanaagsan ka muujiyey in dhawaan magaalooyin kale ka billaabmi doonto doorashada Aqalka Sare, isagoona meesha ka saaray walaaca laga qabo dib u dhac ballaaran oo ku yimaada doorashada kuraasta kale ee Aqalka Sare.

Sidee laba dowladood oo carbeed uga shaqeeyeen afgambiga dalka TUNISIA?

Tunis (Caasimada Online) – Ra’isul Wasaaraha xilka ka dagaya ee dalka Tunisia Hichem Mechichi ayaa lagu weeraray xarunta madaxtooyada habeenimadii Axadda kahor inta uusan aqbalin inuu iska casilo xilkiisa sida ay ilo wareedyo ku dhow u sheegeyn Middle East Eye.

Nooca dhaawaca ah ee soo gaaray ayaa ah mid aan la xaqiijin karin maadaama aan weli Ra’isul Wasaaraha la weeraray lagu arkin fagaaraha. Middle East Eye ayaa fahamsan in dhaawaca soo gaaray 47 jirkaan uu yahay mid aad u weyn sida laga soo xigtay illo xog-ogaal u ah arrintaan.

“Dhaawac ayaa kasoo gaaray wajiga, waana sababta uusan uga soo muuqan dadka hortooda ” ayuu yiri mid ka mid ah ilo wareedyada.

Mechichi ayaa looga yeeray xarunta madaxtooyada maalintii Axadda halkaasoo madaxweyne Kais Saied uu shaqada kaga ceyriyay, wuxuuna sidoo kale madaxweynaha ku dhawaaqay shaqo ka joojinta Baarlamaanka, isaga oo la wareegay awoodda fulinta kadib maalin ay socdeen banaanbaxyo dowladda looga soo horjeeday.

Ilo wareedyo ku dhow Ra’iisul Wasaaraha ayaa Middle East Eye u cadeeyay in taliyayaasha nabad-sugidda ee ku weheliyay qasriga aysan qeyb ka aheyn qorshaha weerarka, halka ciidanka Militariga ay qeyb ka ahaayeen qorshaha lagu soo weeraray Ra’iisul Wasaaraha.

Rached Ghannouchi oo ah afhayeenka Baarlamaanka ahna hogaamiyaha xisbiga qunyar socodka islaamiyiinta ee Ennahda ayaa diiday dalab loo soo gudbiyey oo ahaa inuu yimaado madaxtooyada, wuxuuna arrintaas sabab uga dhigay inuu hadda kasoo baxay Isbitaalka looga daweynayey cudurka Covid-19.

Sida laga soo xigtay ilaha, Mechichi oo ahaa shakhsiga uu madaxweyne Saied u doortay xilka Ra’isulwasaaraha ayaa mar kale Axaddii laga codsaday inuu xilka ka dago.

Wuxuu ilaa waqtigaas si isdaba joog ah u diiday inuu iscasilo kadib khilaaf ka dhashay magacaabista afar wasiir oo ka tirsan xukuumadiisa.

Ilo wareedyo ayaa sheegay in markii Mechichi uu diiday inuu xilka iska casilo la garaacay. Middle East Eye waxay sii fahamsan tahay inay “dad aan reer Tunisia ahayn” ku sugnaayeen qasriga waqtigaas.

Middle East Eye  waxay fahansan tahay in shaqsiyaadka goobta joogay ay ahaayeen saraakiil dhanka Ammaanka ah oo kasoo jeedo dalka Masar kuwaas oo la talinaayay madaxweyne Saied ka hor afgambiga sidoo kalana waxay saraakiishaan ahaayeen kuwo ka dambeeyo hagidda sida uu u dhacay qorshahaan. Ma cadda doorka ay ka ciyaareen su’aalo weydiinta Ra’isulwasaare Mechichi.

“Madaxweynaha Masar Abdel Fattah el- Sisi wuxuu usoo bandhigay madaxweynaha dalka Tunisia Saied inuu siiyo dhammaan taageeradii uu ugu baahnaa afgambiga, Saiedna wuu qaatay,” ayuu yiri mid ka mid ah ilahaasi.

“Milatariga iyo saraakiisha ammaanka ee Masar waxaa loo diray dalka Tunisia iyagoo taageero buuxda ka helaya amiirka dhaxalka leh ee Abu Dhabi Mohammed bin Zayed” ayuu yiri mid kamid ah illo wareedyada.

Kadib weerarka loo geystay Ra’isulwasaare Mechichi waxaa lagu waramayaa inuu gacmaha kor u taagay uuna ogolaaday inuu is casilo. Taliyayaashiisa amniga ayaa sidoo kale ogolaaday wareegtada kasoo baxday madaxweynaha.

Ra’isulwasaare Mechichi ayaa markii dambe wuxuu ku noqday gurigiisa halkaas oo uu ka beeniyay warar ay qortay warbaahinta maxaliga ah oo sheegaya inuu xabsi guri ku jiro.

Ra’isul Wasaaraha xilka ka degay ayaa soo saaray bayaan Isniintii kaas oo uu ku sheegay in uusan “sinnaba u noqon karin caqabad ama qof qayb ka qaata inay sii kororto xiisadda siyaasadeed ee ka jirta Tunisia”.

“Waxaan ku wareejinayaa masuuliyadda qofka uu u wakiisho Madaxweynaha Jamhuuriyadda inuu hogaamiyo Xukuumadda, anigoo guul u rajeynaya dhammaan xubnaha cusub ee Dowladda imaaneysa,” ayaa lagu yiri qoraalka kasoo baxay Ra’isulwasaaraha xilka ka degay

Middle East Eye ayaa sheegtay inay la xiriirtay madaxweynaha dalka Tunisia iyo Ra’isulwasaare Mechichi si wax looga waydiiyo sida ay wax u dhaceyn balse waxay sheegtay inay wax jawaab ah ka weysay labada dhinacba.

Shabaabkii ugu badnaa oo lagu dilay dagaal culus oo ka dhacay gobolka Hiiraan

Buulo Burte (Caasimada Online) – Taliyaha qeybta 27-aad ee Ciidanka Xoogga Dalka Gen. Axmed Maxamed Calasow Tareedisho ayaa sheegay in xubno ka tirsan Al-Shabaab oo gaaraya 31-ruux lagu dilay howlgal ka dhacay Degmada Buulo Burte ee Gobolka Hiiraan.

Gen. Tareedishe waxa uu tilmaamay in ay furteen hub ay wateen dagaalamayaasha Al-Shabaab oo kala ah 14 qori oo ah AK-47, hal qori oo ah BKM (Qoryaha Siliska leh), ilaa haatan howlgalkana uu ka socdo Degmada Buulo Burte.

Taliyaha ayaa intaas ku daray in howlgalka Ciidanka Xoogga Dalka ujeedkiisu yahay sidii go’doonka looga qaadi lahaa Buulo Burte oo muddo dheer ka xayiran isu socodka Gaadiidka nuucyadiisa kala duwan.

Bartamihii July 2021, Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Gen. Odowaa Yuusuf Raage ayaa Degmada Buulo Burte ka dhigay taliska ugu weyn ee qaybta 27-aad CXD si looga qaado duullaanka ka dhanka ah Al-Shabaab.

Ciidamada Dowladda Federaalka ayaa dhaqdhaqaaqyo ciidan ka bilaabay Gobollada Dalka gaar ahaan Hiiraan, Shabeelaha Dhexe, Galgaduud, Mudug, Jubada Hoose, Gedo, Jubada Dhexe, Bay & Bay xili dalka uu galay xaalad Doorasho.

Howlgalka ugu xooggan ayaa wuxuu ka socdaa Gobolka Mudug, halkaas oo Al-Shabaab laga saaray deegaano  dhowr ah oo ay gacanta ku hayeen bilooyinkii ugu dambeeyey, waxayna ciidamada Dowladda ku wajahan yihiin Magaalada Xarardheere ee Gobolka Mudug.

Magaalada Xarardheere oo ah magaalo ganacsi badan leh ayaa waxaa dhowr sano gacanta ku hayo kooxda Al-Shabaab, waxaana la sheegay inuu halkaas kasoo galo dhaqaale xoog leh oo ka caawiya dhaq-dhaqaaqyada ciidan oo ay ka wadaan Gobolka Mudug.

Degmadaan waxaa ka jira ganacsi ballaaran oo dhinaca dalagyada beeraha kasoo baxa, xoolaha iyo weliba kalluumeysiga oo ah qeybta ugu weyn ee lacagta adagi kasoo gasho dadka deegaanka.

Waxey dagmo noqotay 1972, waxaana ka noqday guddoomiyihii ugu horreeyay Abdi Dheere, magaaladan waa magaalada kaliya ee waxyaabihii danta guud wali ay yihiin dan guud, sidii Isbitaalka, wakaalada Biyaha, Iskuulka degmada, saldhiga booliska, Gurigii martida iyo wax kasta oo dan guud ahaa.

Muxuu R/W ROOBLE ka yiri doorashadii KISMAAYO?

London (Caasimada Online) – Ra’iisal Wasaaraha Somaliya, Maxamed Xuseen Rooble ayaa xalay soo dhaweeyay doorashada maanta ka dhacday Magaalada Kismaayo ee lagu soo doortay afar ka mida Senatorada Golaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Somaliya.

Doorashada Kismaayo ka dhacday shalay ayaa waxaa kusoo baxay Afar Senator oo kala ah; Iyaas Gabboose iyo Maxamed Axmed Sayid, halka Sharmaake Maxamed Cabdi oo kamid ahaa musharixiin

Ra’iisal Wasaaraha ayaa Madaxweynaha Jubbaland, Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) iyo Guddiga Doorashada Heer Dowlad Goboleed Jubbaland ku ammaanay inay qabteen doorashada kuraastii ugu horeysay ee Aqalka Sare.

Ra’iisal Wasaaraha ayaa sheegay inuu rajeynayo in doorashadan ay bilow u noqoto doorasho si hufan uga qabsoomta dalka.

Rooble ayaa yiri “Madaxweynaha iyo Guddiga Doorashooyinka Jubbaland waxaan ku ammaanayaa inay maanta qabteen doorashada kuraastii ugu horeysay ee Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka Somaliya.

Hambalyo sidoo kale Senatorada la doortay, oo aan rajeynayo in doorashadoodu bilow u noqoto doorasho si hufan uga qabsoonta dalka.”

Jubaland ayaa noqotay maamulkii ugu horreyey ee meesha ka saaray shaki kasta oo ku saabsan in dalka ay doorsho ka dhici weyso.

Dowlada oo soo bandhigtay saraakiil Al-Shabaab ka tirsanaa oo isa-soo dhiibay

Guriceel (Caasimada Online) – Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay in ay isku soo dhiibeen saraakiil ka tirsan dagaalameyaasha Al-Shabaab..

Saraakiisha ka tirsan Al-Shabaab ayaa la sheegay inay isku soo dhiibeen ciidanka dowladda ee howl-gala Aaga u dhexeeya Guriceel iyo Ceelbuur ee gobolka Galgaduud.

Xubnaha isisoo dhiibay ayaa la sheegay in lagu wareejiyey Madaxda Barnaamijka qaran ee dhaqan celinta maleeshiyadka DRP ee Galmudug.

Saraakiishaan oo lagu kala magacaabo Maxamed Nuur Bare iyo Mowliid Cumar faarax  (Ciro) ayaa sheegay in ay ka tanaasuleen Al-Shabaab, iyagoo Codsaday in la cafiyo.

Sidoo kale saraakiisha soo goostay ayaa sheegay inay diyaar u yihiin in ay la dagaallamaan Al-Shabaab isla markaasna ay qeyb ka noqdaan qorshaha Al-Shabaab looga saarayo Gobolada Mudug iyo Galgaduud.

Labadaan xubnood ee ka soo goostay kooxda Al-Shabaab ayaa xusey in kadib markii ay arkeen dhibaatada iyo xasuuqa kooxdaasi ku heyso Shacabka Soomaaliyeed ay go’aansadeen in ay isaga soo baxaan.

Gaashaanle sare Cabdulaahi Cabdi Raage oo ka tirsan saraakiisha NISA ee Galmudug iyo Gaashaanle Dhexe Cabdulqaadir Maxamed Cartan ” Gasaawe” oo qayb ka ah saraakiisha Qaybta 21-aad oo soo dhaweeyay xubnahan Al-shabaab kasoo tagey ayaa sheegey in ragaan ay xiriir lasoo sameeyeen saraakiisha ciidanka, sidaasna ay ugu suurta gashay inay isisoo dhiibaan.

Ciidamada xoogga iyo kuwa Galmudug ayaa maalmihii la soo dhaafay howl-gallo ballaaran ka waday deegaano hoostaga maamulka Galmudug, iyagoona la wareegay goobo ay Al-Shabaab ku sugnaayeen.

Howlgalka ugu xooggan ayaa wuxuu ka socdaa Gobolka Mudug, halkaas oo Al-Shabaab laga saaray deegaano  dhowr ah oo ay gacanta ku hayeen bilooyinkii ugu dambeeyey, waxayna ciidamada Dowladda ku wajahan yihiin Magaalada Xarardheere ee Gobolka Mudug.

Barakac ka socda gobollada Amhara iyo Tigray ee Ethiopia iyo wararkii ugu dambeeyay

0

Addis Ababa (Caasimada Online) – Ilaa 5 kun oo qaxooti Ethiopian ah ayaa la filayaa in maalmaha soo socda ay ka gudbaan xadka Sudan, sida uu sarkaal ka tirsan dowladda Sudan u sheegay wakaaladda wararka AFP.

Tani ayaa ah mowjaddii ugu danbeysay ee dadka isaga cararaya colaadda ka socota gobollada Tigray iyo Amhara ee dalka Itoobiya, kuwaas oo kasii daray toddobaadyadii tagay.

Horraantii toddobaadkan ayaa waxaa xadka ka gudbay ilaa 3 kun oo qaxooti Ethiopian ah, taasi oo tirada qaxootiga reer Ethiopia ee ku sugan Sudan ka dhigeysa ku dhowaan 60,000 oo qof.

Sarkaalkan u hadlay dowladda Sudan ayaa sheegay in roobab mahiigaan ah oo da’ay xuduudka ay sababeen in wabiga mara xadka kala qeybiya labada dal uu fataho halkaasina ay saddex qof oo Ethiopian oo isku dayayay in ay u gudbaan dhanka Sudan ku qarriqmeen.

Dagaalka ka socda gobolka Tigray ayaa waxaa ku dhintay kumanaan qof, iyadoo 400,000 oo qofna uu ku riixay gaajo.

AFP + VOA

DEG DEG: Qarax ka dhacay magaalada Kismaayo

0

Kismaayo (Caasimada Online) – Wararka aanu ka helayno magaalad Kismaayo ee xarunta maamulka Jubbaland ayaa sheegaya in uu ka dhacay qarax xoogan, kaasi oo oo lala eegtay gaari Bus ah oo ay saarnayeen Ciyaartooy.

Ciyaartoyda saarna Buska ayaa waxay ahaayeen kooxda JCCI oo ka dhisan magaalada Kismaayo, sida ay ilo xogogaal ah u sheegen Caasimada Online.

Gaariga uu qaraxu haleelay ayaa gebi ahaanba gubtay, waxaana lasoo warinayaa inuu jiro khasaare iskugu jira dhimasho iyo dhaawac, inkasta oo aan weli si rasmi ah loo xaqiijin.

Waxaa goordhoweyd gaaray goobta Qarax uu ku haleelay gaariga Laamaha amaanka iyo kooxaha gurmadka deg deg ah oo ayagu bilaabay samata-bixinta ciyaartooyda.

Wixii faah-faahin ah isha ku hay Caasimada Online.

Yaa doorashada madaxweyne ku tashanaya codadka afarta Senator ee maanta la doortay?

Kismaayo (Caasimada Online) – Afarta Senetor ee ugu horreeyey xubnaha Aqalka sare ee maanta lagu doortay magaalada Kismaayo, ayada oo doorashadoodu ay durba billow u noqotay loolanka doorashada madaxweynaha ayada oo muujisay cidda ku xisaabtami doonta codadkooda.

Inkasta oo ay tartameen Senatarro, haddana waxaa si dadban sidoo kale u tartamayey musharaxiinta madaxweynaha oo mid kasta dagaal uu ugu jiro inuu soo saarto xildhibaano codadka siiya.

Laba ka mid ah Senetarrada oo kala ah Iftin Xasan Baasto iyo Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil Fartaag ayaa xubno firfircoon ka ah xisbiga UPD ee uu hoggaamiyo madaxweyneihii hore Xasan Sheekh Maxamuud oo ka mid ah musharraxiinta xilka madaxweynaha 2021.

Senator Ilyaas Bedel Gaboose, oo ahaa guddoomiyihii gobolka Jubada Hoose ayaa sidoo kale lagu warramay inay saaxiib dhow yihiin madaxweynihii hore ee dalka Xasan Sheekh Maxamuud. Sidoo kale xog ay heshay Caasimadda Online ayaa xaqiijineysa Cabbdirisaaq Maxamed Cusmaan uusan aragti ahaa ka fogeyn xisbiga UPD.

Arrintan ayaa ka dhiggan in xubnaha Afarta ah ee maanta soo baxay ay aasaas u yihiin codadka uu Xasan Sheekh ku tashanayo doorashada la qorsheeyay October, inkasta oo afar cod aysan waxba goyn, oo boqolaal cod ay tahay inuu diyaarsado Xasan Sheekh.

Qeybta hore ee tartanka doorashada u dhaxeysa musharraxiinta miisaanka culus ayaa waxaa lagu kala garan doonaa soo awoodda soo saarista xildhibaannada labada aqal ee ka tirsan taageerayaashooda, halka musharraxiinta aan rajada badan lahayn ay sugi doonaan xodxodashada xildhibaannada soo baxa, taa oo aan u muuqan in ay wax ka baddaleyso miisaanka doorashada.

Doorashada maanta ayaa sidoo kale muujineysa sida ay isugu dhow yihiin Xasan Sheekh iyo Axmed Madoobe, ayada oo ay muuqato in madaxweynaha Jubaland uu ugu abaal-gudayo madaxweynihii hore ee dalka, dagaalkii uu u galay markii uu cadaadiska xooggan kala kulmayey Villa Somalia.

Laba Senator oo kuraastoodii ku lumiyey khilaafkii Axmed Madoobe iyo Farmaajo

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Khilaafkii adkaa ee mudada badan ka dhex aloosna dowladda federaalka Soomaaliya iyo maamulka Jubbaland ayaa horseeday in laba ka mid ah xildhibaanada Aqalka Sare ay lumiyaan kuraastooda.

Senotor Axmed Xaashi Maxamuud iyo Senator Faadumo Xassan Adam (Gariyow), oo deegaan doorashadoodu tahay Jubaland ayaa si rasmi ah maanta u waayey kuraastooda kadib markii laga waayey liiskii uu 27-kii bishaan soo gudbiyey Axmed Madoobe, ee maanta Kismaayo lagu doortay

Axmed Xaashi iyo Faadumo Gariyow oo ayagu ku kala fadhiyay kuraasta kala ah; UH0033 iyo UH019 ayaa waxaa kuraastooda u tartamay mudaneyaal cusub oo maanta Kismaayo lagu doortay.

Kursiga UH0033 ayaa waxa ku fadhiyay afartii sano ee lasoo dhaafay Axmed Xaashi Maxamuud, waxaana maanta ku guuleystay Ilyaas Badal Gaboose, oo ka adkaaday Maxamed Axmed Sayid iyo Sharmaake Maxamed Cabdi, oo la tartamay.

Axmed Xaashi Maxamuud ayaa xiligii uu taagnaa khilaafka dowladda federaalka iyo Jubaland la saftay madaxweynaha waqtigiisa dhamaaday oo si weyn isku hayeen Axmed Madoobe, taasi oo keentay inuu daaqadda ka baxo.

Sidoo kale waxaa kursigeeda lumisay Faadumo Xassan Adam (Gariyow) oo ayaduna afartii sano ee la soo dhaafay ku fadhisay kursiga tirsigiisu yahay UH019, waxaana maanta kursigaasi ku guuleystay Cabdirisaaq Maxamed Cismaan, oo ka adkaaday Xaliimo Jaamac Maxamed.

Faadumo ayaa ka mid aheyd xubnihii sida weyn u taageersanaa madaxweyne Farmaajo ee dagaalka la galay Axmed Madoobe, taasi oo maanta ay heshay natiijadeeda.

Sida ay ogaatay Caasimaa Online, Axmed Madoobe ayaa liiska musharaxiinta uga reebay Senotor Axmed Xaashi Maxamuud iyo Senator Faadumo Xassan Adam (Gariyow) kadib markii ay kala saftaan Farmaajo xiligii uu ka dhaxeeyay khilaafkii adkaa ee mudada badan taagna.

Madaxweyne Axmed Madoobe ayaa sidoo kale kuraasta Aqalka Sare ku abaal-mariyey mudaneyaal si weyn uga garab siiyay dagaalkii adkaa ee uu la galay madaxweyne Farmaajo, kuwaasi oo qaarkood ay isku beel yihiin madaxweynaha.

Doorashada xildhibaanada Aqalka Sare ayaa kaga duwan midda golaha shacabka in madax goboleeedyada ay awood buuxda u leeyihiin inay go’aamiyaan cidda musharax noqoneysa, marka laga reebo kuraasta Somaliland, oo ayagu soo xulaan odayaasha dhaqanka.

Daawo: Xasan oo ka hadlay doorashadii Kismaayo, soo saaray baaq deg deg ah

0

Muqdisho (Caasimada Online) – Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ka hadlay doorashadii maanta ka dhacday magaalada Kismaayo ee lagu doortay Afar kamid ah Senator-da ay Jubbaland ku leedahay Aqalka Sare, isagoona ugu baaqay dowlad goboleedyada kale inay sida ugu dhaqsaha badan u qabtaan doorashooyinka.

Xasan Sheekh ayaa ugu horeyntii si weyn u bogaadiyay madaxweynaha maamulka Jubbaland, Axmed Madoobe iyo ku-xigeenkiisa, maadama ay noqdeen dowlad goboleedkii u horeeyay ee billaabay hirgelinta doorashada 2021-ka.

“Waxaan dadka Soomaaliyeed ugu hambalyeynayaa in dalka ka billaabatay doorashadii 2021-ka. Waxaa u hambalyeynayaa oo bogaadinayaa madaxweynaha dowlad goboleedka Jubbaland oo runtii ku dhiiraday oo billaabay doorashadii muddada dheer soo jiitameysay, waxaa leeyahay madaxweyne hambalyo waxaa billowday wixii aheyd in la billaabo, dhowr maalmood dib u dhac ha ku jiro laakiin waa billowday,” ayuu yiri Xasan Sheekh Maxamuud.

Sidoo kale waxa uu dhambaal hambalyo ah u diray Senator-dii maanta kusoo baxay doorashadaas, isagoona qabsoomida doorashada ku bogaadiyey guddoonka baarlamaanka dowlad goboleedka Jubbaland iyo xildhibaanada maamulkaas.

“Waxaa u hambalyeynayaa Senator-da Afarta ah ee maanta la doortay, waxaa leeyahay dhamaantiin hambalyo waxaa tihiin Senator Soomaaliyeed, xilka iyo mas’uuliyada la idiin doortayna Ilaahay ha idiin fududeydiyo. Waxaa rajeynayaa in afarta sano ee soo socoto aad u gaari doontaan go’aamo dhaxal-gal ah.”

Madaxweynihii hore ee dalka, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ugu dambeyntiina waxa uu dowlad goboleedyada kale ee dalka ugu baaqay inay si deg deg ah u qabtaan doorashooyinka, islamarkaana ay mas’uuliyad iska saaran dar-dar gelinta howlaha horyaala.

“Dib u dhac kasta oo ku yimaada doorashada waxa uu mugdi gelinayaa sharciyadda hay’adaheena dastuuriga.”

Hoos ka daawo muuqaalka Xasan Sheekh

Afar Senator oo kusoo baxay doorashadii Kismaayo iyo arrimo yaab leh oo ka dhacay

Kismaayo (Caasimada Online) – Waxaa maanta si rasmi ah uga bilaabatay magaalada Kismaayo doorashada Golaha Aqalka Sare ee Soomaaliya, gaar ahaan kuwa ka imaanaya dhinaca Jubbaland, taasi oo ay goobjoog ka ahaayeen guddiga hirgelinta doorashooyinka.

Doorashada maanta oo aheyd mid xasaasi ah, islamarkaana billow u aheyd doorashada Aqalka Sare, ayaa kusoo baxay Afar Senator, halka ay ku tartamayeen 9-xubnood, ayada oo qaar kamid ah soo bixistooda ay hore u baahisay Caasimada Online, kadib markii ay heshay xog ku aadan u gacan gelinta kuraastaas oo uu sameeyay Axmed Madoobe.

Kursiga Koowaad ayaa waxaa ku tartamay musharraxiinta kala ah Iyaas Gabboose iyo Maxamed Axmed Sayid, halka Sharmaake Maxamed Cabdi oo kamid ahaa musharixiintii horey loo shaaciyey uusan ka qeyb-gelin tartanka doorashada ka dhacday Kismaayo.

Maxamed Axmed Sayid ayaa helay 17 cod, halka Iyaas Bedal Gabboose uu helay 55 cod, waxaana sidaas uu ku noqday Senatorkii 1-aad ee loo doortay Aqalka Sare.

Kursiga Labaad ayaa waxaa ku tartami lahaa Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil Fartaag iyo Axmed Maxamed Jaamac, hase yeeshe waxaa tanaasulay Axmed Maxamed Jaamac, waxaana u codeysay 71 mudane, wuxuuna sidaas Fartaag ku noqdo Senator-ka labaad ee kusoo baxa doorashada.

Kursiga Saddexaad ayaa waxaa ku tartamay Xaliimo Jaamac Maxamed iyo Cabdirisaaq Maxamed Cusmaan, waxaana 59 cod ku guuelystay Cabdirisaaq Maxamed Cusmaan halka Xaliimo Jaamac Maxamed ay heshay 12 cod.

Kursiga Afaraad ayaa sidoo kale waxaa ku tartami lahaa Ibraahim Yacquub iyo Iftiin Xasan Iimaan Baasto, hase yeeshee Ibraahim Yacquub ayaa tanaasuley, waxaana sidaas ku hantay Iftiin Xasan Iimaan Baasto oo cod gacan taag ah ku noqdo Senator-kii Afaraad ee ku guuleysta kursigaas.

Arrimaha yaabka leh ee ka dhacay doorashada maanta ka qabsoomtay magaalada Kismaayo ayaa aheyd in badanaa ay musharaxiinta qaarkood tanaasuleen, halka qaarkood hore looga sii shaqeeyay in cod aqlabiyad ah kusoo baxaan.

Caasimada Online ayaa hore u baahisay xog ay heshay oo sheegaysay in Madaxweynaha Jubaland uu Senator Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil Fartaag iyo Senator Iftiin Xasan Baasto u madax baneeyay inay keensadaan xubno la tartama oo ay ku kalsoon yihiin.

Xogta aan helnay ayaa sheegeysa in Senator Fartaag uu keensaday darwalkii gaarigiisa, halka Senator Iftiin Xasan Baasto uu keensaday wiil la dhashay xaaskiisa, kaas oo uu Senator-ka u diray waxbarasho dibadda ah.

Sidoo kale ilo wareedyo kale ayaa Caasimada Online u sheegay in Senator Fartaag uu isagana keensaday darwalkii u waday gaarigiisa.

Labada Nin ee ay keensadeen Fartaag iyo Iftiin ayaa u tanaasulay, waxayna sidaas ku heleen cod aqlabiyad ah oo ay uga mid noqonayaan Senator-da cusub ee Aqalka Sare.

Labadaan masuul ayaa safka hore kaga jiray shaqsiyaadkii Axmed Madoobe ku garab siiyay dagaalkii adkaa uu la galay madaxweyne Farmaajo, waxaana xusid mudan in Fartaag ay isku beel yihiin madaxweynaha.

Sawirro: Rooble iyo Boris Johnson oo saddex qodob oo muhiim ah ka wada hadlay

0

London (Caasimada Online) – Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble, oo boooqasho ku jooga magaalada London ayaa caawa la kulmay Ra’iisul Wasaaraha Britain Boris Johnson, oo ay ka wada hadleen saddex qodob.

Rooble ayaa qoraal kooban oo uu soo saaray ku yiri “Waxaan London kula kulmay Ra’iisul Wasaaraha Britain Boris Johnson oo dowladdiisu marti gelisay Shirka caalamiga ah ee horumarinta Waxbarashada.”

Rooble ayaa sheegay inuu Johnson kala hadlay saddex qodob oo kala ah: –

1- Xoojinta xiriirka labada dal.
2- Arrimaha amniga Soomaaliya iyo Gobolka.
3- Horumarinta waxbarashada, dhaqaalaha, siyaasadda iyo gargaarka Soomaaliya.

Rooble ayaa sheegay in Britain ay ka mid tahay “Saaxiibbada caalamiga ah ee Soomaaliya la leh xiriir soo jireen ah, kana caawiya dhinacyo badan oo muhiim u ah dowlad dhiska dalkeenna.”

Goor sii horreysay, ra’iisul wasaaraha xukuumadda xil-gaarsiinta, Maxamed Xuseen Rooble ayaa kulan la qaatay Xoghayaha arimaha dibadda ee dalkaas, Dominic Raab.

Kulanka ayaa waxaa looga wada-hadlay xoojinta xiriirka labada dal, arrimaha amniga iyo xaalada siyaasadeed ee Soomaaliya, sida lagu sheegay qoraal kasoo baxay xafiiska Ra’iisul wasaaraha.

Rooble ayaa sidoo kale kala hadlay xoghayaha Britain la dagaalanka argagixisada iyo doorashooyinka dalka oo ay midda Aqalka Sare si rasmi ah uga bilaabatay magaalada Kismaayo ee maamulka Jubbaland.

Intii uu socday kulanka waxa uu Ra’iisul wasaraha uga mahad-celiyay dowladda UK taageeradeeda kala joogsi laheyn ee ay siiso dalkeena Soomaaliya, midaasi oo leh dhinacyo kala duwan.

Kulankaan ayaa qeyb ka ah kulamo gooni-gooni ah oo uu Ra’iisul wasaaraha ka wado magaalada London ee dalka Britain, kuwaasi oo uu la yeelanayo madaxda kala duwan ee dowladda UK iyo Mas’uuliyiin kale.

A/Madoobe oo war kasoo saaray doorashadii Kismaayo iyo waxa ay ka dhigan tahay

0

Kismaayo (Caasimada Online) – Madaxweynaha Dowlada goboleed Jubaland, Axmed Madoobe ayaa ka hadlay doorashadii maanta ka dhacday magaalada Kismaayo ee lagu doortay Senator-da ka imaanaya Jubbaland ee Aqalka Sare, oo uu sheegay inay ka dhigan tahay in dalka u jiheystay doorasho.

Axmed Madoobe ayaa doorashada Afarta Senator ee ka dhacday Kismaayo ku tilmaamay “Guul weyn oo taariikhi ah”, kadib muddo badan oo khilaaf ka taagna doorashooyinka dalka.

“Alle weyne ayaa mahad leh. Waxaan maanta gaarnay guul weyn oo tariikhi ah inagoo dalkeena ka saarnay hubanti la’aantii ku saabsanayd doorashada ee aanu mudo kusoo jiray,” ayuu yiri Axmed Madoobe oo qoraal ku baahiyey bartiisa Facebook.

Sidoo kale waxa uu dhambaal hambalyo ah u diray Afarta Senator ee kusoo baxay doorashadii maanta, isagoona uga mahad-celiyay dhamaan guddiyada doorashooyinka, guddoonka iyo xildhibaanada baarlamaanka Jubbaland kaalinta ay ku lahaayeen qabsoomida doorashooyinka dalka.

“Waxaan u hambalayaynayaa xildhibaanada cusub ee maanta loo doortay Aqalka sare ee Baarlamaanka JFS kuwaas oo ah kuwii ugu horeeyay guud ahaan dalkeena iyo Jubalandba lagu soo doorto doorashadan afartii sanaba mar dalkeena laga qabto.”

“Waxaan u mahad celinayaa dhamaan guddiyada Doorashooyinka, Gudoonka iyo Xildhibaanada Baarlamaanka Jubaland iyo dhamaan cid walba oo kaalin ku lahayd billowga qabsoomida dorashooyinkan waxtarka weyn u leh himilooyinka shacabka Soomaaliyeed iyo dib u soo kabashada dalkeena ee dhinacyada Dowlad dhiska iyo hormarka.”

Ugu dambeyntiina waxa uu sheegay madaxweynaha dowlad goboleedka Jubbaland in doorashada maanta ka dhacday Kismaayo ay ka dhigan tahay mid xaqiijinaysa in dalka uu doorasho aaday, kadib heshiiskii ay madaxdu ku gaareen Muqdisho.

“Waxay tani ka dhigan tahay in dalku uu doorasho aaday, iyadoo qeybaha kale ee dhimana aan ku rajo weyn nahay inay xilliga ugu dhow qabsoomaan.”

Waa kuma Ilyaas Gaboose, Senator-ka u guuleystay kooxda is-beddal-doonka?

Kismaayo (Caasimada Online) – Ilyaas Badal Gaboose ayaa noqday Senatorkii ugu horeeyey ee la doortay baarlamaanka 11-aad ee federaalka ah ee Soomaaliya kadib markii uu ka adkaaday Maxamed Axmed Sayid.

Ilyaas waxaa uu sidoo kale noqonayaa xubin ka tirsan isbaheysiga isbadal-doonka ee ka dhanka ah Nabad iyo Nolol.

Haddaba, waa kuma Goboose?

Ilyaas Badal Gaboose , waa shakhsi aad ugu dhow madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe,  oo in muddo ah waxaa uu ahaa la taliyaha madaxweynaha iyo gacantiisa mudig.

Waxaa uu Kismaayo ku dhashay 1963-dii, hoose dhexe waxaa uu ku bartay Kismaayo halka sare uu ku dhameeyey Xamar ilaa jaamacad ku dhigtay deeq waxbarasho.

Shaqo ahaan, dowladdii Cabdulahi Yusuf waxaa ay ka dhigtay guddoomiya Jubada hoose, waxaa uuna muddadii dambe ahaa ganacsade iyo nin weyn galangal ugu leh arrimaha siyaasadda Jubbaland iyo la taliyaha madaxweyne Madoobe.

Mar uu maanta la hadlay baaralamaanka Jubbaland waxaa uu sheegay inuu doonayo wax ka badalka nolosha iyo soo celinta qarannimada, in reer Jubbalabd dib u heshiisiin loo furo, keenista xuquuqaha ka maqan xildhibaannada Jubbaland iyo arrimaha amniga.

Waxaa sidoo kale baxay, oo markii 2-aad Senatornimo ku guuleystay Cabdullahi Sheekh Ismaaciil Fartaag, oo ka tirsan isbaheysiga isbadal-doonka ee ka dhanka ah nabad iyo nolol iyo madaxweyne Farmaajo.

Waa kuma Fartaag?

Senator  Cabdullahi Fartaag oo sidoo kale Jubaland matalayey 4-tii sano ee lasoo dhaafay, kana tirsanaa baarlamaanka 10-aad ee federaalka ah, waxaa ahaa dadkii ugu cadcadaa ee mucaardka ku ahaa Farmaajo isaga oo xataa May 10, 2020-kii loo diiday inuu u safro Kismaayo.

Haddalada Senatorka waxaa ka mid ahaa” Madaxweynaha Iyo kooxdiisa iyaga ayaa isku soo koobay talada dalka.”

Senator Fartaag ayaa sidoo kale ka mid ah xisbiga uu hogaamiyo madaxweynihii hore ee dalka Xasan sheikh Maxamuud, isagoo sidoo kale ah xubin fir fircoon oo ka tirsan isbadal doonka 2021.

W/Q: Cabdicaziz Gurbiye

Qoys degganaa magaalada Ceelwaaq oo gurigooda lagu qarxiyey + Khasaaraha

0

Garbahaarey (Caasimada Online) – Faah faahino dheeraad ah ayaa kasoo baxaya khasaaraha ka dhashay qarax khasaare geystay oo saacadihii lasoo dhaafay ka dhacay degmada Ceelwaaq ee gobolka Gedo, kaas oo dhaliyey dhimasho iyo dhaawac intaba.

Qaraxa oo ahaa miino ayaa waxaa lagu soo warramayaa inuu ka dhacay guri ku yaalla gudaha magaaladaasi, waxaana ay waxyeelo kasoo gaartay dad isku qoys ahaa.

Wararka ayaa sheegaya in qaraxan ay ku dhimatay Hooyada reerka, sidoo kalena ay dhaawacmeen wiil ay dhashay iyo sidoo kale Seygeeda.

Ma cadda sababta rasmiga ah ee ka dambeysa qaraxaasi oo uu khasaaraha kasoo gaaray dadkaasi shacabka ah, islamarkaana ahaa isku qoys.

Sidoo kale waxaa goobta gaaray ciidamo ka tirsan kuw ammaanka oo gurmad u fidiyey qoyska ay waxyeelada kasoo gaartay miinada kula qarxday gurigooda.

Ilo deegaanka ah ayaa sidoo kale innoo sheegay in haatan ay socdaan baaritaano dheeraad ah oo ay wadaan saraakiisha laamaha ammaanka ee ka howl-gala degmada Ceelwaaq.

Xaaladda ayaa haatan degan, waxaana sidoo kale dadka ay dhaawacyada soo gaareen la geeyey goobaha caafimaadka ee magaaladaasi.

Ceelwaaq ayaa waxaa ku sugan ciidamada dowladda Soomaaliya iyo kuwa Kenya oo inta badan howl-gallo ballaaran ka sameeya gudaha degmadaas oo dhacda koonfurta dalka.